Sign in to follow this  
Meiji

Mogadishu: AMISOM massacre civilians

Recommended Posts

Meiji   

Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in ciidamada AMISOM galabta ay si bareer ah ugu laayeen ku dhawaad 40-qofood oo rayid ah gudaha Magaalada Muqdisho.

 

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ku dhawaad 40-qof oo rayid ah galabta ay ku xasuuqeen magaalada Muqdisho kadib markii qarax lagula beegsaday gaari ay waateen wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

 

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweeye islamarkaana sii haya xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u sheegay idaacada Shabelle in ciidamada AMISOM si aan kala sooc laheeyn ay galabta rasaas ula dhaceen dad rayid ah oo saarnaa gawaari basas ah oo marayay wadada Makka Al Mukarama markii miino lala kiciyay mid ka mid ah gaarigooda oo marayay Wadada Shaqaalaha.

 

C/fitaax Ibraahim Shaaweeye ayaa sheegay in ciidamada AMISOM halkaasi ay ku laayen dad saarnaa ilaa 4-gaari oo marayay goobtaasi,waxaana uu sheegay in isagu in dhihiisa uu saaray meydadka 39-qof oo isugu jirta rag iyo haween kuwaasi oo dhamaandood ciidamada AMISOM ay la dhaceen qoryaha ku xiran gaadiidkooda dagaalka.

“Runtii waxas wax la sheegi karo ma’ahan waana arin naxdin leh arinta ciidamada AMISOM ay ku baabi’iyeen shacbiga Soomaaliyeed ee marayay wadada Makka Al Mukarama, waxaana ay gaarayeen ilaa 39-qofood dadkii ay madax ka toogteen ciidamada AMISOM”ayuu yiri Gudoomiyaha koowaad ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaaweeye.

 

C/fiitaax Shaaweeye ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in waqtiga ciidamada AMISOM rasaasta ridayeen ay aheeyd waqti wadadu mashquul ay aheeyd islamarkaana dadku intooda badan ay ka rawaaxeen Suuqa Bakaaraha oo uu ka jiro ganacsiga ugu badan Soomaaliya,waxaana uu sheegay in aysan u dulqaadan doonin in Ajanabigu ay shacbiga Soomaaliyeed sidaasi u xasuuqaan.

 

“Dadku gaari shacab ah ayay saarnaayeen iyagoo wadad maraya ayaa qaraxu dhacay ciidamaduna waxaa ay fureen rasaas qof ay daayeen ma jirto qof waliba madaxa ayay uga dhifanayeen xabadda ka dhacda qoriga loo yaqaan dhasiikaha,mana u dul qaadan doono in shacbigeena si micno daro ah loo xasuuqo”ayuu intaasi sii raaciyay C/fitaax Shaaweeye.

 

In kastoo ay taasi jirto ayaa hadana Afhayeenka ciidamada AMISOM gaashaanle Bahuuku bariiji oo isna la hadlayay idaacada Shabelle isagoo la gariiraya sida uu uga naxsanyahay hadalka gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir waxaa uu ku tilmaamay hadalka gudoomiye ku xigeenka in uu yahay mid qaldan islamaraakana uu helay hadalo qaldan.

 

“waxaan kuu sheegayaa gudoomiye ku xigeenka gobolka in uu qaldanyahay waxaa uu heystaa warbixin qaldan.. isaga miyaa tagay goobta .. inagu waxaan kuu sheegayaa in ciidamadeena AMISOM aysan waxba dilen,waxaa ka dambeeya falkaasi kooxihii weerarka soo qaaday”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada AMISOM Bahuuku Bariiji.

 

Afhayeenka oo la weydiiyay sida hadalkiisa uu ugu qancin karo dadka Soomaaliyeed mar hadii ragii difaaci jiray xiliyada weerarka lagu soo qaado ee ku tilmaami jiray in laga gardaranyahay ay maanta duldhigeen in ay si cad u laayeen shacbiga Soomaaliyeed,ayuu wariye Axmed Nuur Gentelman oo xiligaasi waraysanayay waxaa uu hadalkiisa ku tilmaamay mid uusan jeclaysan taasi oo u muuqata sida uu uga meer meerayo arinta xaqiiqda ah.

 

Bahuuku waxaa uu intaasi ku daray in qaraxii maanta lagu weeraray uu kaga dhaawacmay hal askari oo ilaalo ka ahaa gaari ay lahaayeen ciidamada AMISOM kaasi oo la sheegay in uu six un u bur buray,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qasaaraha ciidamada AMISOM uu intaasi ka badanyahay.

 

Falkaani naxdinta leh ee ciidamada AMISOM ay ku laayeen dadka Soomaaliyeed ayaa u sawir iyo muuqaal eg falkii 2008-da ay ciidamada Ethiopia oo sidaan oo kale markii la qarxiyay gaari ay wateen ay rasaas la dhaceen oo ay ku ciilbaxeen dad Soomaaliyeed oo marayay deegaanka Carbiska xiligaasi oo ay dileen dad gaaraya 60-qof oo rayid ah,waxaana ay u muuqataa ciidamada AMISOM in cashirada qaar ay kaga dayanayaan ciidamada Ethiopia oo lagu necbaaday falalka ay ku dhaqaaqayaan taasoo keentay in iyaga oo lagu dibad baxayo xabadana lagu ridayo ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

this massacre and added to what happened week before last just make the case for them to leave more stronger.

 

Somalis fight each other, but never kill their civilians en masse.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

@ but never kill their civilians en masse.

 

Err have you missed the last 20yrs?? They have been killing civilians en mass, they have also been killing them slowly and softly on the side too.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

What is the combined death toll now? 80?

 

Somali clan wars that take months do not have as much casualty as the Ugandan actions of only two days.

 

I think it is clear this group needs to leave.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^I thought the toll stood at 39, where did you get 80 from? I must have missed half the news in that case.

 

P.s. They should've left with the last lot.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Combined Ibtisam, combined. This plus the last time they struck.

 

Wax naxariis ah haba yaraatee malaha xaaraanta. They are like a cornered cats, striking viciously at the smallest move.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^Amin.

 

That's the thing, everyone looks the same to them and they are not willing to take a chance, so they are killing everything that moves. Subxan

 

Horn, okay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

there was never a massacre when Somalis faught, yeah we fauight for 20 years if not more and the casualty level amongst the gewine civilian was always low .

 

this is just kill kill kill policy from them and in way one can't blame thjen cause they are fighting for their lives in a country they know nothing about and they think the people will turn on those tat are attacking them but that policy this did work with the Ethpoians.

 

if the Shariif wishes to continuen then broad support he has he must denounce these actions anad ask the AMISOM to leave altogether,

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Yep once again there is no difference between the departed Ethiopians and the undiscipled AMISOM forces. I hope Sh. Shariif sees this and does something about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Sharif stated long ago that Ugandans will leave but not with the barrel of a gun and that is not going to help. If people continue fighting the Ugandans, it will only support the notion that more foreign troops are needed to restore peace and stability.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

This Shaweeye has the characteristic of a jagadoon at best and a warlord in the making at worst.

 

A few months ago he was claiming that the AMISON and Ethiopian forces fire on people as a last resort; he was also on record condemning those who fought xabashis.

 

 

This event shows us that Sheikh Sharif has a moutain to climb. What is the comment of our hotel jiif president on this massacre?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

Why are we not also blaming the cowards that attack Amison then hide behind civilians? come on people lets stop this FALSE OUTRAGE, Somalis have killed more Somalis than a foreigner would ever.

 

It is sad that civilians have died, Amison should be careful in the future. Surely we also need to condemn the so called ‘freedom fighters’ that are happy to hide behind the civilian and show no regard for their safety!!!

 

With all their mistakes AMISON is not there to invade Somali or rule us… it’s there to save us from ourselves… These young Africans have come from far away risk their lives for a better Somalia, and you armchair commentators are happy to condemn them… Ask yourself what have you lately done for your country??? Amison soldiers have DIED for Somalia. The least we can do is thank them, and ask them to be careful in responding to immense provocation by barbaric killers!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^Aminsom killers should go and save UGANDANS, CONGOLESE OR Rwandans from themselves. If they are so great, they would have done,rather than sending soldiers to somalia so that their government could collect money from Uncle Sam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this