Sign in to follow this  
Cowke

Kismayo:General Morgan Is Back. This Time With 5000 Troops

Recommended Posts

Cowke   

_40040338_genmorgan203.jpg

 

Jen. Morgan Oo Horkacaya Ciidanka Lagu Ururinayo W/Barri Kenya .

 

C/risaaq C/laahi

 

Kenya (SP) - Iyadoo ay sii kordhayaan dardarta hawlaha qorashada askarta ee ka socda Gobalada W/barri ee dalka Kenya, ayaa warar hoose oo aanu helnay waxa ay xaqiijinayaan in Jenaraal Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) uu hogaanka u hayo qorshe ay dabada ka riixayaan Dowladdaha Kenya, Ethiopia iyo Qaramada Midoobey, kaasi la doonayo in lagu kala dhantaalo xoogaga Islaamiyiinta.

 

 

Qorshahan ayaa ah mid lagu doonayo in lagu diyaariyo Ciidamo gaaraya ilaa 5-kun, si tababar loo tababaro, isla markaana ay dagaal ugu qaadeen deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo ay maamulaan Kooxaha Islaamiyiinta.

 

Dowladda Kenya oo u aragta qatar kaga soo fool leh Islaamiyiinta maamusho deegaanada dhaca Xuduudeda, ayaa u qalab qaadatay, sidii ay Hogaamiye kooxeedyadii dalka mar kale dhinaceeda ugu soo nooleyn laheyd, isla markaana ay ku taageerto sidii lagu maquunin lahaa, awooda sii baahaysa ee Islaamiyiinta mayalka, adag kuwaasoo haatan kuloolamaya deegaanada xadka Kenya ee soomaalida degan tahay.

 

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa boqolaal dhalinyaro lagu qoray gobolka soomaalida degan tahay ee Waqooyi Bari Kenya, waxaana dhalinyaradan lagu soo jiidanayay dhaqaale fara badan oo gaaraya ilaa boqolaal doolar, si loo uruuriyo.

 

Ka sokow qorshaha qorida iyo uruurinta maleeshiyaadka, waxaa socda qorshayaal kale oo ragg siyaasiyiin ka soo jeeda Jubooyinka ku damacsan yihiin in Maamul Gobolaad lagaga hirgeliyo deegaanada Labada Juba iyo Gedo.

 

Jeneraalka Howl gabka noqday Morgan ayaa horay u maamulayay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo dhowr jeer uu kula dagaalamay Ciidamo uu watay Barre Hiiraale oo kala wareegay gacan ku heynta magaalada.

 

Maamul Goboleedkan ayaa hindisahiisa waxaa wada Qaramada Midoobey, waxaana isla daadihinaya Saraakiil soomaali gacan saar la leh Dowladda Ethiopia oo ay ka go'an inay dhisaan Maamul Goboleedkaas.

 

Dhaq dhaqaaqyada ku aadan qorista Ciidamada ayaa waxaa ka hor yimid Maamulka Waqooyi Bari Kenya, kaasoo ay ku sheegeen mid dhibaatadeeda leh, waxaana ay ka cabsi qabaan in gulufka ku aadan diyaar garowgiisa ay keento in weeraro ay ku soo qaadaan islaamiyiinta.

 

Waa markii u horeysay ee Dowladda Kenya abaabusho Maleeshiyaad Soomaaliya oo ay dalkeeda ku qorto si ay gaashaan ugu noqdaan, ayna u kaashato ka hor tagida Islaamiyiinta sii fideysa, waxaana Kenya aheyd sanadihii u dambeeyay mid isha ka eegeysa xaaladaha soomaaliya, iyadoo aanay taageeri jirin Hogaamiye kooxeedyadii, waxaana ay la mid noqoneysaa Ethiopia oo had iyo jeer gacan siisa maleeshiyaadka Soomaalida iyo Hogaamiye kooxeedyadii laga eryay dalka, kuwaasoo qaarkood ay deegaanadeeda ku abaabuleyso.

 

Sanaagpost News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rumour: Inna Siyaad Barre (Maslax) and Morgan are up to something as they have been courting and doing gatherings in Kenya to set up an Admin for the Jubbas and Gedo. Balse way kujabi, Alshabaab are determined, Kenya is getting itself into trouble for getting involved with the messy situation of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by Ducaqabe:

Rumour:
Inna Siyaad Barre (Maslax) and Morgan are up to something as they have been courting and doing gatherings in Kenya to set up an Admin for the Jubbas and Gedo. Balse way kujabi, Alshabaab are determined, Kenya is getting itself into trouble for getting involved with the messy situation of Somalia.

Ducaysane, add Fartaag to the mix, and other meeting of the 'two' families' militry gens and cols in the US, secretly in Kenya and massive recruitment in a drive to introduce another non-religious force into the Jubbas mix. Ahmed Madoobe was one investment that didn't fetch much. The Subeer family's yet again divided right in the middle, due to a long standing argument going back years now and to the Dhoobleey incident.

 

I can almost smell the Isbahaysiga Argagixiso la dirirka :D

 

There's an puzzling stew brewing ....and it'll be sour.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Masuul ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo mar kale ku celiyay in Axmed Madoobe uusan ka mid aheyn Ururka Xisbul Islaam

 

Sheekh C/llaahi Maxamed Axmed Gaab oo ka mid ah masuuliyinta waaxda warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ayaa sheegay in Axmed Madoobe aysan u aqoonsaneyn inuu ka mid yahay ururka Xisbul Islaam xili ururkaasi masuuliyiin ka tirsana ay wax badan ku celceliyeen in Axmed madoobe uu yahay nin xisbul Islaam ah aysana taasu ku jirin wax gorgortan ah.

 

Waxaa uu intaa ku daray sheekh C/llaahi in dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo ay yimaadeen ka dib markii magaalada uu soo galay Axmed Madoobe oo wata ciidamo beeleed sida uu warka u dhigay kaasoo duulaan ku ahaa ayuu yiri maamulka ka hirgalay halkaasi iyo shareecada Islaamka ee magaalada laga hirgeliyey, wuxuuna Axmed Madoobe yiri maamul kama jiro Kismaayo awoodana ha la igu soo wareejiyo wuxuuna ku eedeeyey iney damacasanaayeen iney dib ugu soo celiyaan nidaamka qabaailka ee halkaasi ka jiray sanad ka hor.

 

“Sidaa awgeed si loo difaaco magaalada Kismaayo oo muddo sanad ah ka nasatay dagaaladii qabaa’ilka amaan buuxana heshay laguna oogay xukunada ay ka mid yihiin tacsiirta xadka iyo adaabta Islaamka ayaa waxay walaaluhu go’aansadeen in la difaaco shareecada Ilaahay” ayuu yiri sheekh C/llaahi oo intaa ku daray in waxa ku dagaaamay Kismaayo aysan aheyn xisbul islaam iyo shabaab balse ay ahaayeen mujaahihiin iyo koox k soo duushay burburinta shareecada Islaamka oo sida uu sheegay cadowga ALLE adeegsaday.

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

hmmm Morgan, Gedo, Koonfur Galbeed (learn the real name ppl), Jubboyinka, Kenya, Shabaab, Shariif could just turn out to be a toxic mix. And about the Jubbooyin issue and these meetings, I'm getting verry worried that they are trying to force an administration on a place that is deeply divided along clan lines. This could cause chaos in southern Somalia (koonfur galbeed), jubbooyinka and Gedo. Add Turki and his ability to raise clan militias and 90s all over again...

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^This is the problem, too many armed groups and no one asks the civilians what they want. A conference of all the peoples could help, more guns and militias wont.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Maaddeey, war ninyow the news coming from the ground is too crazy and confusing. I've been constantly online for the best part of the last 3 days and still drips of new info comes in.

 

Wax weyn baa jira, laakiin I am trying trying to get my head around it. I have downloaded/read and dissected too many pdf files saddexdan beri - so as to go back and re-drew my predictions in that concerned region.

 

Waxayba u egtahay waxani wax dawladu badan iyo Somali badan oo lagu shaqaysanayo ku hawlan yihiin. Baaritaankaygana in laygu xiri doono ayaan u maleyn ninyow.

 

Sanka dheer, indha-madow ayaa ii dheer caawa. smile.gif

 

Alloow sahal umuuraha.

 

It seems like it's going to start all over for Somalia. Poor us! :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

A conference of all the peoples could help

I too had that idea once. Just ask everyone what they want. A conference, a census, a poll, whatever.

 

But I'm starting to think that's a tad idealistic.

 

Maybe the real solution is for Morgan to become President and kill 80% of the male population of Somalia.

 

The remaining 20% would be scared sh*tless and wouldn't dare contest the President's rule.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this