Sign in to follow this  
Qudhac

Sanaag Nearly finished Las Anod Gears up to make history

Recommended Posts

Qudhac   

Waxaa laga dareemayaa gudaha magaalada Laascaanood diyaar garow balaadhan oo shacabka magalaada Laascaanood ay si wayn ugu qalab qaadanayaan diiwaan gelinta Somaliland ee maalmaha soo socda ka bilaabmaysa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.

 

 

Shacabkan ayaa waxa uu si wayn u hadal hayaa una xiisaynayaa inay ka qayb qaataan diiwaan gelinta Somaliland ee Gobolka Sool iyagoo laga dheehan karo goobaha ay dadku isugu yimaadaan oo lagu arkayo shacab aad u fara badan oo si wayn u hadal haya diiwaan gelinta iyo siday uga qayb qaadan lahaayeen.

 

 

 

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay si rasmi ah uga bilaabanto guud ahaan Gobolka Sool diiwaan gelinta Somaliland iyadoo hadda uun laga soo jeestay Gobolka Sanaag oo Gobol ahaan ku xigay kana horeeyay Gobolka Sool iyadoo hadda team-kii ka qayb qaadan lahaa hawshaasi ay hadda ku sugan yihiin magaalada Burco una soo jeedaan Laascaanood.

 

 

 

Isdiiwaan gelinta ka bilaabmaysa magaalada Laascaanood ayaa waxa ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka ay si rasmi ah uga dhacdo iyadoo la og yahay in doorashooyinkii hore ay ka dhaceen dhanka waqooyi ee jiidda laamiga ah oo kaliya.

 

 

 

Hadaba sidoo kale diiwaan gelinta ayaa waxaa laga dareemayaa dhanka xisbiyada qaranka ee Somaliland oo shirar iyo diyaar garow ka wada gudaha magaalada laascaanood iyadoo si wayna masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool ay shacabka Gobolka ugu dhiiri gelinayaan inay shacabku ka qayb qaataan isdiiwaan gelinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Excellent!

 

Muj. Ahmed M. Silaanyo is heading towards Laaska and surrounding districts.

 

Also the first group of NEC Electoral Officers have left Burco for Sool region.

 

This will mark the first time a peaceful and orderly registration takes place in Laaska and other remote areas like the newly created district KalaBaydh which falls South of Laascaanood.

 

The Army has been getting ready for any possible destablisation attempts from Puntland melitia. The fronts has been extended to Tuko-raq village which is about 30 KM east of Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka oo soo gaadhay Laascaanood shirna la qaatay xisbiga Kulmiye

 

 

Waxaa soo gaadhay magaalada Laascaanood wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cadde iyadoo si wayna looga soo dahweeyay imaashiyiiha magaalada Laascaanood.

 

Gudoomiyaha aaya waxa uu shirar kala gedisan la qaatay kadib markii uu soo gaadhay magaalada Laascaanood xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool shirar kaas oo ahaa kuwo looga tashanayo sare u qaadida sidii diiwaan gelinta foodda kusoo haysay magaalada Laascaanood looga qayb qaadan lahaa.

 

Xafiiska guud ee xisbiga Kulmiye ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa maanta la isugu yimi shir balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen xisbiga Kulmiye kaas oo uu ka qayb galay Gdoomiyaha kuxigeenka Baarlamaanka Baashe Maxamed Cadde.

 

Shirkan ayaa waxaa halkaasi hadalo kasoo jeediyay warbixina kasiiyay Godoomiye kuxigeenka Baarlamaanka isagoo sheegay inay jirto in ay foodda kusoo hayso magaalada Laascaanood diiwaangelintii ayna si wayn ugu diyaar gaoobaan xisbiga Gobolka Sool ee Kulmiye siday uga qayb qaadan lahaayeen.

 

Hadaba xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sool ayaa waxa uu ku jiraa ololihii ugu sareeyay ee ugu diyaar garoobayo diiwaan gelinta foodda kusoo haysay Gobolka Sool maalmaha soo socda iyagoo shirar kala gedisana ku qabtat gudaha magaalada Laascaanood kuwaas oo ay kula shirayaan shacabka magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mujaahid: Red Sea:

I think you should all give yourselves pat on the back. You are one heck of a propaganda machine lol

What are you talking about?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

lool you guys need to to take a chil pill. I believe my comments were a 'compliment' to the job done by Suldaanka iyo Jac.

 

Oodwayne,

 

Thanks but really I don't need all that preaching from you. I already know you are gifted Pr machine. Which is good right? :D

 

But all kidding aside, I want the best for Somaliland. Shame on you for painting me as anti Somaliland. Somaliland must be ruled based on the sharica that is all I stand.

 

Ibtisam,

 

This is facebook red, pro Jihaad one etc..

 

Not the old redsea from back in the day.

Share this post


Link to post
Share on other sites
roobleh   

^Now red sea, take this as a warning from a teacher by the name of Oodwayne! By the way, Jihaad is the one you fight for the sake of ur country, not the other way around. Keep learning my young bro!

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Oodwayne,

 

Alshabab is warrior movement in its early stages. As person who hates oppression, I admire their firm stance against occupiers. That is where my support for them mostly stems from.

 

Call me little impatient, but it's been long overdue that Somaliland must uphold its pride as Muslim nation, not a place that has soft spot for anything outside the framework. Just recently, dahir rayaale kahin offered the port of Berbera for international use for fight against pirates. That to me is risky and irresponsible and quite frankly shows how cheap we simply are willing to risk our main venue of income for cheap 'notice' from the international community. I want tough, pride Muslim nation led by tough and no nonsense leaders.

 

Thirdly, I never openly said Alshabab should take over Somaliland. I rather announced that I would be open to the possibility that Somaliland should work with Islamic sharica based entity . If Alshabab has better things to offer than current SL adminstration, That is yet to be determined simply because Alshabab, though very promising is in its early stages as a movement. SNM gave birth to Somaliland, then was dismantle afterwards; its fighters integrated into the army, its learned men became politicians.

 

Alshabab is going through the libration stages still, therefore I am not naive to propose that we should give in to them. That would be insane.

 

It will take them some time for them implement their goals and everything. We shall then see what they have to offer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D

Red Sea meel ayuu xabada ka ridaa ka daa. Waa nin jirjiroole ah oo siyaasadda kolba dhinac uu doono u dhiga.

 

--

dorsh.jpg

Diiwaangelinta Somaliland oo maanta si rasmi ah uga bilaabmatay magaalada Laascaanood.

 

Maanta oo jimce ah taariikhduna tahay 02/01/2009 waxaa si rasmi ah markii ugu horaysay uga bilaabmay magaalada Laascaanood diiwaangelinta qaranka Somaliland oo aan horay uga dhcin iyadoo ay maanta tahay markii ugu horaysay lana oran karo waa maalin tiaariikhi ah.

 

Waxaaa isugu yimi magaalada Laascaanood dhamaanba team-kii ka shaqayn lahaa 150-ka goobood ee loogu talo galay inay ka dhacdo diiwaan gelinta Somaliland ee Gobolka Sool iyadoo ay tan iyo maalinkii shalay ay barxada hore ee saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood hoganayeen shaqaalihii ka shaqayn lahaa iyo baabuur aad u fara badan oo gaadhaysa 100 baabuur.

 

Saaka abaara 6:00 subaxnimo ayaa waxa si rasmi ah looga bilaabay gudaha magaalada Laascaanood diiwaan gelintii Somaliland ee Gobolka Sool waxaana laga bilaabay dhamaanba goobaha loo qoon deeyay ee xaafadaha magaalada kuwaas oo hadda ay dadku hor tuban yihiin iyadoo sidoo kale tuulooyinka Gobolka look ala diray Teamam kii ka shaqayn lahaa..

 

Mar aan booqasho ku tagnay goobaha ay ka socdeen diiwaan gelinta ayaa waxaaa hor tubnaa dad aad ufara badan oo si wayn u doonayay inay uga qayb qaataan diiwaan gelinta Somaliland ee ka socota Gobolka Sool kuwaas oo mar aan wax ka waydiinay hawlaha diiwaan gelinta sheegay inay si wayn u udoonayaan inay noqdaan Gobolada uga sareeya xaga tirada.

 

Mar aan wax ka waydiiyay mid kamid ah dadkii hor taagnaa goobta Dawlada hoose ee magaalada Laascaanood oo kamid ahayd goobaha ay ka socoto diiwaan gelintu ayaa waxa ay xusay inuu doonayo inuu qaato labada kaadh ee ka dhalashada Somaliland iyo kan cod bixinta taas oo uu doonayo inuu codkiisa si dimuqraadiya ugu dhiibto.

 

Hadaba waxaa saaka si wayn looga dareemayay magaalada Laascaanood diiwaangelinta Somaliland ee ka bilaabantay iyadoo dhamaanba xaafadaha magaalada laga sameeyay goobo fara badan oo ay diiwaanngelintu ka socoto iyadoo sidoo kale ay dhalinyarada magaaladu si wayn uga qayb qaateen shaqaalaha magaalada iyo socodsiinta hawsha.

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this