Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Its official: Garaad jamac was behind the terrorist attack

Recommended Posts

Guddoomiyaha UCID Oo Garaad Jaamac Garaad Cali Ku Eedeeyay Inuu Ka Dambeeyay Qaraxyadii Lagu Dilay Taliyihii Qaybta 12aad Ee Ciidamada Qaranka

 

“Garaadkii Ka Soo Dhaaranayey Nairobi Ee Lahaa Ciidamada Somaliland Dagaal Baan Kaga Xorayn Doonaa Ayaan U Haystaa Inuu Ka Dambeeyay ”

 

“Garaad Jaamac Oo Qaxooti Ku Ah Maraykan Haddii Uu Keeno Jabhad Argagixiso Oo Somaliland Ku Soo Duusha,Itoobiya Iyo Jabuuti-Na Nabadgeli Maayaan”

 

Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa November 4, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa qaraxyadii axadii todobaadkan lagu dilay taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka marxuum Cismaan Yuusuf Nuur ku eedeeyay masuuliyada qaraxyada dilkaasi inuu ka dambeeyay garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah madaxdhaqameedyada gobolka Sool oo uu eedahaasi daliil uga dhigay hanjabadihii dhawaan uu uga soo jeediyay magaalada Nairobi Somaliland oo uu oo uu sheegay inuu dhaar ku maray in ciidamada Somalailand ee ku sugan gobollada Soo liyo Buuhoodle ay xoog milatari kaga saari doonaan, kuna tilmaamay inuu jabhado argagixiso saldhig uga samaynayo deegaanada Buuhoodle, isagoo intaa ku daray in garaad Jaamac uu yahay nin qaxooti ku jooga dalka Maraykanka dooonayana inuu colaad ka dhex abuuro bulshada reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshada ku dhaqan Sool, sanaag bari iyo buuhoodle.

 

Gudoomiyaha Ucid oo waraysi uu wargeyska Haatuf xalay kula yeeshay khadka telephone-ka ayaa isagoo ka hadlaya eedahaa garaad Jaamac Garaad Cali uu uga soo jeediyay qaraxyadaasina waxa uu yidhi “ waxaan u akaa miyaa la inoo qarsaday-ba soot ii Nairobi laynooga soo hanjabay ee laga soo dhaaranayay waxaynu u haysanaa ninkii garaadka ahaa ee Nairobi ka soo dhaaranayey ee sida cad u sheegtay ee yidhi anagaa ciidamada Somaliland ee jiidaa jooga la dagaalamayna oo ka xoraynayna ninkaa garaadka ah ayuun baan u arkaa inuu masuul ka yahay Faysal ahaan, ma haboona adigoo magac garaad sita inaad ummadaada dhibaato iyo colaad u keentid, anigoo og inaad qoxooti ku joogtid dalka maraykanka intaad maraykan iska soo urursateen hadaad tidhaahdeen aynu colaad ka hurino Laascaanood iyo Buhodle Somaliland kala googayno waa waxaan suurta-galayn, waxaanu leenahay garaadkaasi saldannada uu ka soo jeedo iyo caqiidadiisa ha ilaashado” ayuu yidhi.

 

Mar uu ka hadlayay gudoomiyaha Ucid idaacada FM-ta ah ee lagu rakibay Buuhoodle oo la sheegay in argagixisadu samaysatay iskuna magacawday daljir oo dhawaan nin ka hadlay uu ka sheegtay inuu ka dambeeyay fulinta qaraxyadii lagu dilay taliyihii qaybta 12aad waxa uu yidhi “ taasi waa daciifnimada xukuumada Somaliland, boqolaal askari ayaa jooga oo mushahaaro qaata , waana xukuumada xilkeeda inay sugto amaanka dalka iyo dadka reer Somaliland waxaanu ku baaqaynaa in si dhakhso ah idaacadaasi looga hortago, loona joojiyo cida sheegatay dilkaana gacanta lagu soo dhigo oo maxkamadna la horkeeno”

 

Waxa kale oo uu gudoomiyaha Ucid dawladaha jaarka ah ee Itoobiya Jabuuti uu ugu baaqay inay Somaliland taageeraan la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada oo uu tilmaamay in kharat weyn oo xaga amniga ahi ay soo wada gaadhi doonto dalalka Somaliland la dariska , isaga oo arrimahaas a hadlayana waxa uu yidhi “ dawladahaderiska la ah Somaliland ee Itoobiya iyo Jabuuti waxaanu u sheegaynaa haddii Buuhoodle noqoto meel uu garaad Jaamac keeno jabhad argagixiso ah Somalilandna lagaga soo duulo idinkuna nabadgeli maysaan ,ee waxaanu leenahay waa in si wadajir looga hortagaa”

 

Waxa kale oo uu gudoomiyaha Ucid warasigaa uu Haatuf siiyay oo dheeraa uu kaga hadlay xafladii komishanka cusub ay xilka ka gala wareegayeen komishankii hore oo munaasibadii shalay loogu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa aanay kazoo qaybgalin masuuliyiintooda sare ee Ucid, waxaanu waraysigaasi oo dhamaystirani u dhacay sidan:

 

S. Maxaa sababay inaad ka baaqato xafladii xilwareejinta guddigii hore iyo komishanka cusubi?

 

J. habka ay isku doorteen komishanka cusubi waanu taageersanahay, komishankii hore ayaanu kalsoonidayada kala noqonay wada shaqayntoodiina u joojinay, waxaanu diidnay in komishankaa dalka dembiyo ka galay ee dhibka gaadhsiiyay xaflad ay leeyihiin ka soo qaybgalo

 

S. gudoomiyaha Kulmiye oo hore u wada daadifayseen kalsoonida komishankii hore wuu ka soo qaybgalay, komishanka cusub ayaana xaflada loo qabtay oo marti qaad idiinku fidiyey maxaa adiga gaar kugu ahaa ee aad saluugtay?

 

J. anaga martiqaad official ahi noomuu iman afkuun baana lanooga soo sheegay haduu noo yimaadana maanu tagneen sidaa darteed komishankaa hore ee dalka iyo shuruucda dambiga ka galay ee diiwaangelintii ku fashilmay ayuun baanu diidanayne wax saluuug ah oo kale naguma jirin.

 

S.waxa la sheegay inaad ka biyo diiday hogaaanka komishanka cusub isku doorteen oo wararka qaarkoodna sheegayeen in xubntiina Ucid aad ku wadeen in gudoomiye ku xigeen loo doorto salug weyna aad ka muujisay xubinta Kulmiye ee markasta la siiyo jagada ku xigeenka arrintaa maxaa ka jira?

 

J. maya anagaaba ka shaqaynay oo sabab u ahayn in sidaaloo dhigo oo komishanka isku jiidkooda ka shaqaynay, gudoomiye ayaa la noo soo bandhigay waanu diidnay waxaanu nidhi, qofkii jagadaa loo doorto ayaanu gacan siinaynaa gudoomiye ku xigeen baa loo soo bandhigay wuu ka tanaasulay, gudoomiyaha diiwaangelinta wuu ka tanaasulay komishanki way ogyihiin hore iskumay dhamayne afar xubnod oo kaliya ayaa joogayxaflad in loo qabtana may haayne waxa looga baahnaa inay xilka wareejiyaan

 

S. kharashaadka deynta ah ee la sheegay in komishankii hore ee doorashooyinku ay soo qadimeen oo lagu qiyaasay $ nus malyuun lacag gaadhaysa oo komishanka cusub ay dhinac iskaga leexiyeen inay la wareegaan deyntaasi maxaad ka odhan lahayd ?

 

J. waa in hantidhawr soo baadha ay komishanka cusubi u saaraan khashaadkaas sida loo isticmaalay, waxaanan u arkaa dhaqaalihii ay lunsadeen

 

S. khilaafyada siyaasadeed ee idiin dhexeeya axsaabtiina mucaaridka iyo xukuumada ayaa lagu tilmaamaa kuwo fursad u siiyay cadowga Somaliland in talaabo kasta ay ka fuliyaan dalka gudihiisa oo nabadgalyada waxyeelaysa sida dhacdooyinkan argagixiso ee dalka lala beegsanayo, arrimahaasi ma qabtaa?

 

J. runtii waa la odhan karaa in cadowga Somaliland hanqalka la soo kaco marka is maandhaaf gudaheena yimaado waanuse dhamaysanay wixii khilaafaada ee jiray oo waanu u midaysanahay in si wadajira cadowga looga hortago oo ay ku jiraan dawlado cadow ku ah horumarka Somaliland iyo doorashooyinkaba kuwaasina, wax u suragalayaa ma jirto

 

S. dawladahaasi ma sheegi kartaa cadowga ku ah Somaliland iyo doorashooyinkeedaba?

 

J. dawladaha aan doonayn in Somaliland cagaheeda isku taagto muwaadin kasta oo reer Somaliland ahiba sida cadceeda ayay uu muuqdaan, ninka reer Somaliland ee aan ogaynina dawladaha cadowga u ah jiritaanka Somaliland waa nimaan habeen jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Garaad Jamac needs to unite his clan not go around and endorse some new maamul. This really infuriates me the most.

 

Even back in the day of galkacyo capture, their was internal bickering between abdullahi yusuf and hassan abshir over leadership. However they put their political differences aside and united for the goal of freeing galkacyo from usc hands.

 

Can the ssc clan simply not focus on unity, rather then politics. There is no point talking politics when you don't have the full support of all 15 garaads. Especially garaad saleban who owns alot of the degaans of sool. If you don't have this man supports you can pretty much forget about sool.

 

So garad jamac should unite his people. And then come to garowe and puntland will support you with money and arms. However don't go off to nairobi declaring new administration because this has no place in puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya boqorku wuxu doonaya inu darawishta isku ilaaliyo ileen boqorku boosaso kuma filna. Cabdilahi yusuf part 2 ba soo socotta :D Boqorbuurmadow laakin abtiyaashi wuu ka naxaya oo tallo Isim iyo to ehel ba waa siyeey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad Jaamac might or might not have had a direct link with those who carried out this cowardly terrorist attack but what is fact is that he could have inspired those kind of attacks when you consider his recent speech in Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this