Sign in to follow this  
Liibaan

Shacabka SSC oo Soo Dhaweeyey Rai’sul Wasaaraha Cusub ee Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

somalia%20flag%20green%20heat%20somalia.

untitled11-250x225.jpg

 

 

Shacabka SSC oo Soo Dhaweeyey Rai’sul Wasaaraha Cusub ee Somalia

 

Dadwaynaha deegaanadda ssc ayaa si wayn usoo dhaweeyey rasul wasaaraha cusub ee soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed “Farmaajo” .R/wasaaraha cusub wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1962, wuxuuna waxbarashadiisa hoose uga baxay dugsiga 1-da Luuliyo iyadoona dugsiga dhexena uga baxay Maxamuud Xarbi ee magaalada Muqdisho.

 

Tacliinta sare ee ilaa heerka jaamacadeed ayaa waxaa uu ku qaatay dalka Mareykanka, iyadoona uu ka baxay jaamacadda loo yaqaan (State University of New York), taasoo ku taal magaalada Buffalo .

 

Kadib waxbarashada waxa uu jagooyin sar-sare uu ka qabtay New York, gaar ahaan dowladda hoose ee deegaanka Buffalo isagoona shaqooyin kala duwan kasoo qabtay halkaasi

 

Maxamed C/llaahi MaxamedMr. Farmaajo ayaa in mudo ah ku sugnaa dalka Mareykanka, wuxuuna kusoo bartay isagoona shaqooyin kala duwan kasoo qabtay halkaasi.

 

Waxa uu soo bartay islamarkaana ku takhasuusay cilmiga siyaasadda, xiriirka aduunka, dhaqaalaha, xuquuqda aadanaha, baadigoobka nabadda iyo horumarinta dadweynaha.

 

shacabka deegaanada ssc cuqaal,dhainyaro iyo wax garadkuba aad bay usoo dhaweeyeen go’aanka madaxwayne shariif ku doortay Maxamed C/llaahi Maxamed

 

- - - -

 

2255.jpg

000RGFJSGHFDJGH.jpg

 

 

 

Garaad Jamaac Garaad Cali iyo Hogaanka SSC Oo Dhanbaal Hanbalyo Ah U Diray Raysal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaanjo.

 

Dharkayn

 

Garaad Jamaac Garaad Cali iyo dhammaan Golayaasha Hogaanka SSC ayaa waxaa ay si wada jir ah dhanbaal Hanbalyo ah u dirayaan Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu Madaxweyne Shiikh Shariif galabta ku dhawaacey Maxamed C/laahi Maxamed.

 

 

 

Garaadka iyo hogaanka uu ku sugan xarunta ku meel gaadhka ah ee Hogaanka Sool,Sanaag iyo Cayn oo ah Degamada Dharkayn-geenyo ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay dhanbaalkooda ku xuseen in ay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan iyagoo ku hadlaya magaca shacabweynaha deegaamada Sool Sanaag & cayn Raysal wasaaraha cusub Maxamed C/laahi Maxamed.

 

 

Dhanbaalkan oo Hanbalyo iyo dardaaran iskugu jirey ayaa sidoo kale lagu sheegey in ay aad ugu niyad san yihiin ugu farxeen markii uu soo gaadhey warka la xidhiidha magacaabida Raysal wasaare Maxamed C/laahi Farmaanjo.

 

 

 

Garaadka iyo Hogaanka SSC ayaa waxaa ay dhanbaalkooda kula dardaarmeen raysal wasaaraha inuu dulqaad iyo samir badan u yeesho dhibka iyo masuuliyad culus ee loo Igmadey, islamarkaana uu guntiga dhiisha iskaga dhigo siduu shacabka soomaaliyeed uga yarayn lahaa mudada uu xilka hayo dhibka iyo colaadaha gaamurey ee 20ka sano haystey.

 

 

Ugu danbayntiina waxaaa Ilaahay uga bareen Raysal wasaaraha in uu u fududeeyo xilka cusub oo loo magacaabey.

 

 

 

- Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jamaac

 

- Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed

 

- Hogaamiye ku xigeenka SSC Cali Axmed Xasan

 

- Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga C/risaaq Xasan Ismaaciil iyo

 

- Dhammaan Shacabweynaha Sool Sanaag iyo Cayn.

 

 

 

Waxaa dhanbaalkan warbaahinta soo gaadhsiiyey

 

Afhayeenka Hogaanka SSC Axmed Maxmed Xasan

 

 

Source Jidbaale

DARWIISH_LAND.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Som@li:

Connections alwyas between SSC and that part of the country,
:D

MR. Som@li,

 

You are right 100%, there was always close relationship between SSC and Gedo/Caabudwaaq

 

- - -

 

Ciidamii soo dhowaynta hogaanka SSC oo gaadhay Caabudwaaq

 

 

Gaadiidkii iyo ciidamada aaday magaaladda Caabud waaq ee G/Galguduud isla markaasna doonayey in ay soo gelbiyaan madaxdda ssc oo halkaas ka soo degi lahayd ayaa si heer sarre ah loo soo dhoweeyey.

 

Wararka aanu ka helayno Caabud waaq wax ay noo xaqiijiyeen in Askartan iyo Gadiidkodaba la soo dhaweeyey isla markaasna meel gaar ah magaaladda Laga dajiyey iyada oo dadka Caabud waaqna ay u muujiyeen Ciidamadan walaltinimo.

 

Gaadiidkani markii uu dhaafay Xuduudka Gobalka Mudug ayaa na loo xaqiijiyey in Baabuur ka mid ah oo noociisu yahay Seeraf ay gadoontay iyada ay ku dhaawac meen Saddex ka mid ah Askartan Mujaahidiinta ee SSC kuwaas oo dhaawacoodu yahay mid fudud oo lagu daweynayo Caabudwaaq.

 

Dhanka kalena waxaa saaka Laascaanood laga qaaday ragg la sheegay in ay Markhaati ku furayaan Eedaysanayaashaa loo qaaday Mandheera ee loo haystay dilkii Cismaan Afdhilo, waxana la filayaa in Eedaysanayaasha bari Maxkamad ku taala Berbera la soo taago.

 

Raggan Markhaatiga loo qaaday ayaan tiradooda si rasmi ah loo ahayn iyada oo si qarsoodi ah loo qaaday balse waxa ay dadka shacabka ahi siyaabo kala duwan u arkaan Markhaatigani in uu noqdo mid ku salaysan Cadaaladd.

 

Xigasho Xargaga.

 

- - -

 

 

Hogaamiye Ku Xigeenka SSC oo Caabudwaaq lagu soo dhaweeyey

 

 

Laascaanood (SR) Waxaa shalay galabnimadii lagu soo dhaweyey magaalda Caabud waaq ee Xarunta Goblka Gedo Wafti uu hogaaminayo Hogaamiye ku xigeenka SSC Col: Cali Sabarey.

 

Waftigan oo uu ka mid aha Maxamed Xassan Buraale Hanti dhawrka guud ee SSC xubno kale ayaa dhawaan ka ambabaxay Magaalada Nairobi ee xarunat dalka Kenya.

 

Wararku waxay sheegayaan in uu halkaas ku soo dhaweeyey Madax dhaqameedyo iyo Bulsho waynta Magaalada Caabud waaq,Wararku waxay sheegayaan in ay dhawaan sii wadan doonaan socodkoodii ku wahjahnaa deegaanada SSC si ay uga qayb qaataan arimaha Dibu sifeynta ee halkaas ka soconay.

 

Wixii soo kordha kala soco Sarmaanyo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Indeed Congratulations to our new Prime Minister of Somalia C/llaahi Maxamed “Farmaajo”

 

Hambalyo Ra'isul Wasaaraha Cusub ee Somalia

 

Allah haa ku garabgalo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Congrats to the new pm Maxamed C/laahi Maxamed.

 

We definitely need more educated people leading the nation.

 

ilaahay hala qabto hawsha culus uu qaaday..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

2hz4nk9.jpg

 

 

1234.jpg

 

SSC oo Ra'iisul wasaaraha Cusub laga Taageeray

 

Magaalada Buuhoodle ee ay Gacanta ku hayaan Ciidamada SSC Xagla Toosiye ee Isbedel doonka ah ayaa Maanta shacabka ku dhaqan soo qaban qaabiyay Xaflad balaaran iyo Banaanbax Farxadeed oo lagu taageeray Ra'iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr.Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Formaajo)

 

 

a2rcav.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Waa dhaqanka reer SSC inay taageeraan hogaamiye kasta oo soomaaliyeed Sida Madaxweyna Sheikh Shariif iyo Ra'isul wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed, waa taariikh dheer laga soo bilaabo Sayidkii iyo ka hor

 

 

Waa waajib saaran muwaadan kasta oo soomaaliyeed inuu taageero Madaxweyne kasta oo soomaaliyeed, si loo helo nidaam iyo kala danbeyn iyo wadan horu marsan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this