Sign in to follow this  
Cowke

Sheikh Sharif Meets President Of Turkey. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynaha Dalka Turkiga oo Wada Kulmay (Sawiro)

 

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada istanbul ee dalka Turkey, halkaas oo uu ka furmay shir caalami ah oo looga hadlaayo dib u dhiska Soomaaliya, ayna isla qaban-qaabiyeen dowladda Turkey iyo Qaramad Midoobey.

 

Isla galabta, Madaxweynuhu waxa uu kulan dheer la galay Madaxweynaha Turkey Abdullah Gul, isaga oo war bixin dheer ka siiyey xaaladda amni, midda siyaasadeed iyo tan nololeed ee Soomaaliya, dhanka kalana uga warramay himilooyinka dowladda ku meel gaarka ah iyo waxa ay ka rajeyneyso shirkan caalamiga ah iyo dowladda Turkiga.

 

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu codsaday in ay xaaladda taariikhiga ah ee Soomaailya ay maanta ku jirto uu dalka Turkey ka istaago mowqif taariikhi ah.

 

Madaxweyne Abdullah Gul oo kulan dheer la qaatay wafdiga ayaa

Madaxweynaha xog-waraysi dheer ka weydiiyey arrimaha Soomaailya, iyada oo weliba, kolkii kulanka labada dhinac uu dhammaaday uu Madaxweyne Abdullah Gul codsaday in ay gooni isku haraan Madaxweynaha Soomaaliya iya isagu.

 

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee kulanka galabta ka qayb galay waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Tacliinta Sare,

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha,Xildhibaan Cumar Idriis, Madaxa Xafiiska Madaxtooyada iyo Agaasimaha

Warfaafinta ee Madaxtooyada.

 

Email: media@sompresidency.org

 

turk1-300x200.jpg

 

IMG_0125-300x200.jpg

 

turk2-300x200.jpg

 

IMG_0123-300x200.jpg

 

IMG_0147-1024x682.jpg

 

IMG_0143-1024x682.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

how come retard riyaale and foroole middle-finger are not there! or are they not considered relevant miyaa?

 

we all know silly sharif is just addicted to hotels and just needs a lil r&r!

 

somalis problems should be tackled as whole and not as one region. Time westerns look at the big problem and not just regional somali issues.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sacad *Ducaale:

I guess it's time for the TFG to beg more money with their begging bowls?

Its really unnecessary homie..You can rep Somaliland without resorting to that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

AfricaOwn, i am just a realist sxb speaking the truth, i am not afraid to speak the truth this has nothing to do with repping somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Shirka Arimaha Somaliya ee ka socda Istambul oo galay maalinkii labaad (Sawiro)

 

Waxaa maalintii labaad galay shirkii Istanbuul ee looga hadlayo arimaha Somaliya, Shirkan ayaa waxaa ilaa iyo iminka ka hadlay Secratry Generalka Qaramada Midoobay Ban ki moon, madaxwaynaha dalka Bosniya Haris Silajdžić, madaxwaynaha DFKM Somaliya Sheekh Shariif, waxaana dhawaan la dhawrayaa inuu ka hadlo Ra'isal wasaaraha Turkiga ee martida loo yahay Recep Tayyip Erdogan.

 

Shirka Istambul ayaa ujeedadiisu tahay, in lagu gorfeeyo xasilooni la'aanta ka taagan dalka Soomaliya iyo weliba sidii wax looga qaban lahaa, sidoo kale dhinaca maalgashiga iyo horumarinta qaybaha nabdoon ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay noqdaan kuwa diirada la saaro.

 

wixii ka soo kordha shiurka Istambul kala soco DunidaOnline.com

 

shir1.jpg

 

shir5.jpg

 

shir.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Dr. Faarax Cali Jaamac oo khudbad qiima leh ka jeediyay shirka Istanbul (Sawiro)

 

Wasiirka Maaliyadda ee Puntland Dr. Faarax Cali Jaamac ayaa maanta khudbad dheer oo aad u qiima badan, ka jeediyay shirka ka socda magaalada Istanbul, gaar ahaan qaybta special Meeting for the business community, Wasiirka oo khudbadiisu soo jeedatay dhamaan dhegaystayaasha, ayaa ka hadlay xaaladda dhaqan dhaqaale ee Dawladda Puntland iyo shacabkeeda iyo halka ay hadda marayso, waxa uuna xusay in shacabka Puntland iyagoo aan wax gacan ah ka helin ummadaha adduunka ay isku tashadeen ayna ilaa xad wax qabsadeen.

 

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in ganacstadu horumar la taaban karo ay ka gaartay xaga Isgaarsiinta, waxa uuna tilaamay in wax badan laga qabtay dhanka wax soo saarka, waxa kale oo oo Wasiirku halkaas ku soo bandhigay Kaluunka ay soo saaraaan Warshadaha kaluunka ee Laas-qoray iyo Xaabo, oo labaduba ku yaal gobolada Puntland.

 

Khudbada Wasiirka oo qoraal ah dhawaan ayaan idiin soo gudbinaynaa

 

farax.jpg

 

turki4.jpg

 

turki3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Khudbadii Madaxweyne Shiikh Shariif ee Shirka Istanbul (Qoraal & Sawiro)

 

Istanbul (RBC Radio) Iyadoo maalintii labaad uu socdo shirka caalamiga ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee ka soconaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxaa maanta hadalo jeediyey masuuliyiinta Soomaalida ee ka qeybgaleysa kulanka.

 

Madaxweyne DKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ka jeediyey madasha shirka khudbad dheer oo uu kaga hadlayo arimaha amaanka, siyaasada, dhaqaalaha iyo xaalada guud ee dalka.

 

Khudbadaasi ayuu madaxweynuhu ku jeediyey Afka Carabiga. Haddaba khudbada oo ku qoran Af Soomaali ayaan halkan idinkugu soo gudbineynaa.

_________________________________________________________

 

“….Waxaan ku faraxsanahay in aan hortiinna imaado idinkoo ah walaalaha iyo saaxiibbada shacabka soomaaliyeed ee rafaadka ku raagay

 

Anigoo ku hadlayay magacayga , kana wakiil ah shacabka soomaaliyeed iyo dowladda federaalka kmg ah ee somalia ,waxaan uga mahad celinayaa dowladda Turkiga Shacab iyo Xukuumadba sida ay u marti galisay isu soo baxan aadaminimo ee caalamiga ee loo qabtay soomaaliya darteed.

 

Waxaan u mahadnaqeynaa cid kasta oo gacan ka geysatay qabashada shirkan aadka loogu soo baxay ee ka dhacaya Magaalada Istambuul oo qarniyo badan ahayd caasimadda khilaafadii islaamka, ee nuurka ilbaxnimada ku baahisay caalamka oo dhan.

 

Waxaan ka rajeyneynaa dhammaan dalalka, ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah in ay kaalmada lagama maarmaanka ah u fidiyaan dalka somalia si uu uga koco turaanturrada , ugana bogsoodo mixnaddii haleeshay.

 

Mudanayaal iyo marwooyin Soomaaliya waxa soo maray 20 sano oo fowdo, deganaansho la’aan , qax iyo gaajo gudaha dalka iyo dibaddaba, ka dib markii shacabku waayay kaabayaashii nolosha lagu kasban lahaa degmo iyo tuulaba si isku mid ah, taas oo ay uu wacan tahay ammaan la’aantu.

 

Soomaaliya xilligan waxay waajaheysaa dhaqan cusub oo horay u soo marin taariikhdiisa dheer, taas oo ah in xag jirnimada loogu soo duggaalayo magaca diinta ,ku fallaagoobidda qiyamka islaamka ee asaasiga ah, banneysashada muqaddasaadka iyo waxa ugu waaweyn ee ilaahey xarrimay , sida dhiigga aadanaha aan waxba galabsan, dilka dadka iyagoo soomman , iyagoo masaajid kujira, kuna dhawaaqaya Ashahaadka.

 

Sidoo kale waxaa soo ifbaxay burcad badeednimada oo ah xaalad insaani ah oo laga noxo gude iyo dibadba Maalmihii u danbeeyay waxaa na soo foodsaaray xasilooni la’aan Siyaasadeed oo gudaha ah, waxaanna ku talajirnaa in aan is bedel asaasi ah ku sameeyno qaab dhismeedka Xukuumadda, taas oo ku imaaneeysa doorashada iyo soo magacaabista koox karti shaqo leh, oo ka howlgala Hey’adaha muhiinka ah ee Qaranka Soomaaliyeed, waxaa kaloo aan dejin doonaa qorshe mudadiisu dheertahay oo looga gol leeyahay dhismaha hey’ado dowladeed oo xasiloon.

 

Mudanayaal iyo marwooyin haddii aanu jiri lahayn dhabar aydga shacabka soomaaliyeed iyo diidmadiisa in uu isu dhiibo waaqica xanuunka leh, marnaba ma uusan noolaadeen maanta .

 

Maalgashiga Soomaalida qurbaha ku nool iyo ganacsiga gaarka ah, waxa ay kaalin mug leh ku leeyihiin nolosha shacabka soomaaliyeed.

 

Waxaan garowsan nahay isla markaana qadarineynaa ahimiyadda ay leedahay kaalinta beesha caalamku ka geysaneyso dhinacyada siyaasadda, amniga ,bani’aadminimada iyo horumarinta.

 

Ujeeddada shirka Istambuul waa dhaqaajinta iyo gaarsiinta arrinta Soomaaliya ilaa heer caalami iyo in tooshka lagu ifiyo dhibaato bani’aadminimo tii ugu muddada dheereyd casrigan cusub, loona muujiyo sida loogu baahan yahay in dadaal badan loo galo soo afmeeridda dhibaatadaas.

 

Sababta ugu weyn ee sii socoshada loollanka soomaaliya waa saboolnimada aadanuhu sababta u yahay , waxaan u baahan nahay inla badalo aragtida ku wajahan Soomaaliya , sidaas darteed waxaan isku dayeynaa intaan ku jirno shirkan in aan diiradda saarno fursadaha suurto galka ah ee wax lagu dhisi karo.

 

Tan iyo heshiiskii Djibouti ee 2008 dowladda kmg ah ee somalia waxay isku dartay in ay gaarto dhammaan kooxaha doonaya in nabaddii iyo xasilloonidii loo soo celiyo soomaaliya, waxaanna horumar nuxur leh ka gaarnay dhinaca dib u heshiisiinta. Wali waxay gacmeheennu u taagan yihiin nabadda, sidaas ayayna ahaan doonaan inta nabadi ka islaaxeyso soomaaliya.

 

Dadaallada nabadeed ee guuleystay waxaan ugu dambeeyay heshiiskii dowladda soomaaliya la gaartay culimaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca iyo qaar ka mid ah kooxaha kale ee hubka sida.

 

Waxaan ku guda jirnaa qorista dustuur joogto ah oo dalku yeesho, kaas oo laga soo jeesan doono bisha June ee na soo aaddan. Inagoo qireyna in aysan dowaldda suurto gal u ahayn in ay howlaha u yaal oo dhan ku hir galiso muddada gaaban ee ay heysato.

 

Dhanka ciidanka, dowladda soomaaliya waxay haatan heysataa 7000 oo boolis ah iyo Milatari ku dhow 10.000 oo askari .

 

Baarlamaanku waxa uu u baahan yahay in uu diiradda saaro arrimaha muhiimka ah ee sharci dajinta la xiriira iyo la xisaabtanka lagu gaarayo biseylka siyaasadeed iyo maslaxada qaranka laga hor mariyo maslaxada gaarka ah.

 

Dowladdeennu waxay u baahan tahay in ay u horay u dhaqaaqdo si ay u fuliso aragtiyaheeda ku aaddan u adeegidda Shacbigeenna .

 

Waxaan mudnaan siineynaa dhowrista iyo ka jawaabista baahida shacabka soomaaliyeed si loo xaqiijiyo nabad iyo daganaasho ka hir gasha dalka , dib u heshiisiin qaran iyo in Somalia xubin mas’uul ah ka noqdo beesha caalamka .

 

Waxaan had iyo jeer dadaal ugu jirnaa soo celinta amnigii daganaanshihii iyo horukicii soomaaliya , Soomaalia oo nabad ku nool , nabadna kula nool dariskiisa , ayna u suurto gal tahay muwaadinka caadiga ah in uu howl maalmeedkiisa u qabsado si kalsooni , ammaan iyo karaamo ku jirto iyadoo la dhowrayo dhaqanka soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo qiyamka islaamiga ah.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin Soomaalia waa dal hodon ku ah kheyraadkiisa dihan oo aan wali lala soo bixin sida Kalluunka , Xoolaha , Betroolka ,Gaaska iyo noocyo kale oo macaadin ah.

 

Walaalayaal iyo saaxiibbayaal waxaan idin weydiisaneynaa in aad nagu gacan siisaan in Somalia lagu soo celiyo nabaddii yo xasilloonidii luntay.

 

Ugu dambeyntii waxaan uga mahad celineynaa ganacsatada soomaaliyeed sida ay u garab istaageen dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaan ka mahad celineynaa marti galinta shirkan looga hadlayay xal u helidda arrimaha Soomaaliya”.

 

Waxaa soo gudbiyey xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada

 

DAAWO SAWIRADA:

 

shirka1.jpg

 

shirka2-300x220.jpg

 

shirka5.jpg

 

shirka3.jpg

 

SHIRKA7.jpg

 

shirka4.jpg

 

shirka6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

maareeyaha-golis-300x259.jpg

 

Maareeyaha Shirkada Isgaarsiinta Golis oo Ka Qeybgalaya Shirkada Istanbul oo RBC Radio Xog Waran Ka Siiyey Shirka

 

Istanbul (RBC Radio) Shirkadda Isgaarsiinta Adeega Isgaarsiinta siisa Puntland ee Golis ayaa ka mid noqotay dhowr shirkadood oo isgaarsiinta ka shaqeeya oo ka qaybgalaya shirka Siyaasiinta iyo Ganacsatadda Soomaalida uga socda Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

 

Maareeyaha Shirkadda Golis, Aadan Shiikh doon Cali, oo shirkadda Golis uga qaybgalaya Shirkaas ayaa maanta isagoo ku sugan madasha shirka uu RBC Radio la xiriiray ayaa ka waramay shir gaar ah oo ganacsatadu ay yeesheen ka hor intii aysan shalay shirkii weynaa uusan u billaaban, waxaana uu yiri:-

 

“Gelinkii Hore ee Jimcihii, Ganacsato ahaan ayaanu u shirnay, Ujeedaduna waxay ahayd ee qolo walba intay isku leexato, waxay soo bandhigi lahaayeen isku soo dubaritaan. Ganacsatadda ka qayb gashay waxay isugu jireen ganacsatadda Xoolaha (Livestock), Kalluunka, Tamarta iyo Korontada, Isgaarsiinta iyo Shirkadaha Dhismaha” Sidaa waxaa yiri Aadan Sheekh doon , oo sii raaciyay qorshaha iyo Barnaamijka ay ka shirkad ahaan la shirtageen “dhowr Shirkadood oo isgaarsiineed ayaan ku joognaa shirka Istanbul, Isgaariinta Somalia guud ahaan sida uu yahay, dhibaatooyinka Haysta iyo waxyaalaha uu u baahan yahay iyo waxyaalaha u baahan in ay qabtaan”

 

Maareeyaha Golis Aadan sheekh Doon waxaa uu ka jawaabay su’aal ahayd in shirkadda isgaarsiinta Golis si gaar loo casuumay

 

“ Annaga Golis ahaan si gaar ah la nooma Casuumin. Waxaa la casuumay cidkasta oo is dabaraysa, oo kharajkeeda la baxaysa, Waxaan halkan Jooga shirkaddo isgaarsiin oo ay ka mid tahay Hormuud, Telesom iyo shirkaddo kale, Ma ahayn Mid golis kaliya la siiyay”

 

“ Horta Ereyo Mac-macaan waa la yiraahdaa shirarka noocan oo kale ah, sida waxaasi u rumoobaana ilaahay baa yaqaan, Hadda waxa la leeyahay Ganacsatadu waa in ay door weyn ka ciyaaraan Sugida Amniga, Dib-u-dhiska, laakiinse haddii aan talo la waydiinayn waxay u egtahay wax lagu qaraabanayo”

 

Shirkan oo ay qabanqaabisay dowlada Turkiga isla markaana wax ka wado QM ayaa lagu wadaa in maalinta berito ee 23 bisha la soo afmeero. Waxaana la rejeynayaa inay ka soo baxaan qodobo dhowr ah oo khuseynaya horumarinta ganacsiga, amaanka iyo dib u dhiska dalka taasi oo loo arko in ganacsatada ay ka qeybqaadan karaan.

 

Waana markii ugu horeysay oo ganacsato tiro intaas la eg kana socda shirkadaha ganacsiga ee dalka lagu martigaliyo shirarka caalamiga ee arimaha Soomaaliya ku saabsan.

 

Dhinaca kale dowlada Puntland ayaa maanta oo ahayd maalintii labaad ee shirka waxay madasha ka jeedisay barnaamijkeeda ku saabsan xaalada dalka ee siyaada iyo dhaqaalaha oo ah labada arin ee shirkan ku saabsan yahay.

 

Waxaa dhinaca dowlada Puntland shirka uga hadlay wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland oo ku sugan shirka.

 

Wasiirku wuxuu soo hadalqaaday wax ka qabashada amniga, burcad badeeda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Thankful riyale is to busy trying to postpone the elections so he can keep the seccessionist under new form of colonialism called adal empire lol. Soon that whole place will be awdalized!!!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Yeah I saw that one garowe online lol. It's good to see Puntland is getting involved more in the international scene that would not be possible if abdullahi yusuf didn't introduce the federalism which I personally thing is the greatest system to be implemented in Somalia. If we would've of gone that route of jamac ali jamac today farole would not be standing there but only sharif :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this