Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Remembrance Day for those who lost their lives for the sake of SL Independence

Recommended Posts

emembrance Day for those who lost their lives for the sake of SL Independence Somaliland is remembering the brave men and women who lost their lives in the struggle for independence and for the freedom and peace we are enjoying today. October 17th is worth remembering for many reasons.

 

Somaliland and its people have been in dark ages for so many years. But we have never been terrorized before Barre’s regime. We remember the draconian measures imposed on us after the SNM increased its pressure on the regime. We remember the indiscriminate raids and bombing campaigns which killed so many innocent people and destroyed Hargeisa to the ground and made it to like a deserted city.

 

After the collapse of the Government in Somalia, the SNM has declared independence with the presidency of Abdirahman Tuur (God bless him). There was a period of instability when the SNM unfortunately over stepped its success and put pressure on some communities they suspected as collaborators of Barre’s regime. Many innocent people who deserve to be remembered died from the SNM guns. However, after two ineffective years, clan elders gathered in Borama to diffuse the distrust and uncertainty created by SNM. They changed Abdirahman Tuur with Egal( God bless both men).

 

Peace has started with Egal. He put the country on the road to independence, reconciled grievances among the disillusioned groups and made Somaliland to recover from the dark events in the past. He started the process by which democracy rules over the elders and democratically elected leaders take control but he passed away before he implemented the process.

 

After Egal’s death, his vice president and the current President, Mr. Rayaale, has put forward the agenda for elections to take place at local, legislative and Presidential levels. The present three political parties have been competing for the presidency since then.

 

There are many challenges ahead. All other challenges can be reached locally if our leaders are working for our interest by being patient for the political process to take its course peacefully and democratically in Somaliland. But the most important of all is the process for recognition. We can get the long sought recognition if we are united and respect each other. It is a long process to achieve but at end we can win that price if the hardcore SNM groups swallow their pride and we-died-for-it mentality and let the process of democracy to be completed peacefully and with less mistrust among people.

 

Remembrance Day for veterans is not a day for politics but a day of prayers for those who died for our independence. Whether they died from the bullet of the regime and/or from SNM, they deserve to have a special place in history. It is also a day for advocating for those who lost their loved ones in the struggle. Among those are the disabled Veterans, widows, and the orphans.

 

It is clear from their speeches of politicians who spoken in the occasion that our politicians cannot resist politicizing every event. Those who spoke in the memorial ceremony were all trying to gain political points on the expenses of those who died for our freedom. Shame on them! It is time to reflect our suffering in general and in particular to pray for those who lost their lives for our independence. Those politicians who wanted to gain a point are indifferent to our cause and do not deserve to be in that ceremony.

 

The remnants from the Hardcore of SNM must also be reminded to not waste time in indulgence of their previous bravery and sacrifices but focus on the many local, regional, and international issues facing us at this moment and in future.

 

God Bless those who died in our struggle for independence

 

 

By: Mohamed Mousa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa

Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye

Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

 

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey

Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi,beerka ka ogsooni

 

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey

Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

 

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey

Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

 

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu

Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego

Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .

 

 

Xaaji Axmed Gabay-Xaddi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984kii – 17/10/2009

 

PART ONE

 

“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

 

Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,

 

Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,

 

Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,

 

Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,

 

Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

 

 

 

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

 

 

Giblo iyo mashxarad…Gelbis iyo ciyaar….Gardaadinta guul ku timid xinjiro gobo’ yidhi iyo nafo ku go’ay goobo sharafeed……Xuska geesiyaal u shahiiday geyi dadkii ku uummanaa gumeysi ku habsaday…..Gallad iyo abaal intii halganka guddoonsatay….Intii gabannadoodii u soo xidhay ee u sadqeysay…..Intii u gurmatay…..Intii garab iyo gaashaanba u noqotay……Intii gunyada u hurtay…….Intii gumuca iyo gasiinkaba aan ka hagran…….Intii gunnaysay…..Intii gargaartay…..Intii aan gabban ee ka badheedhay…..Intii ka gabayday…..Intii ka geeraartay…..Intii guubaabo iyo goohba la soognayd….Intii gudaha ku sugnayd…..Inti qurbaha ku go’doonsanayd……Intii geela raacaysay……Intii gasiinka beeraysay…….Dheddiggii gurmaday….Lab gadoodsanaa…..Gurbood ciillanaa.

 

Xuska maalin sharfan oo si qiimo iyo qaddarinba leh ugu xardhan bogagga taariikhda ma-guuraanka ah. Xusuusta geesiyaal naftoodii u sadqeeyay dibuxoreynta dal iyo dad gumeysi aan meel fog ka imani ku habsaday.

 

Waa 25-guuradii ka soo wareegtay maalintii la isku haleelay Burco-duurrey 17/10/1984kii. Waa 25-Guuradii Maxamed Xaashi Diiriye Lixle iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey iyo Lafta Ceelka Reer Xasan ka dagaal galay. Waa 25-Guuradii maalintii ugu shuhadada badnayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maalintaa waxa shahiiday ciidan dhammaa 57 shahiid oo ku kala qudh-baxay laba goobood oo la isku haleelay: Burco-duurrey iyo dagaalkii dhabar-jebinta ahaa ee Lafta Ceelka Reer Xasan. 26 Mujaahid waxay ku shahiideen dagaalkii dhabarka, 31na waxay ku shahiideen Burco-duurrey. Dagaalladaas oo dhacay 17kii Oktoobar 1984kii oo maalin Arbaca ahayd markii hore Burco-duurrey waxa laga soo qaaday 29 shahiid, subaxnimadii Khamiistiina waxa la keenay Rabaso meydkii shahiid Lixle iyo Mujaahid kale. Sidaas ayaa Rabaso loogu aasay maalintaa 57 shahiid. Waa 25-Guuradii maalintii Rabaso lagu aasay shuhadii ugu badnayd ee maalin qudha ah wada shahiidda. Sidaas ayay ku noqotay maalintan amran ee sharfani maalintii shihadada SNM.

 

Maalmuhu iskuma jiraane, waa 25-Guuro. Shan iyo labaatan guurooyinkuna iskuma jiraane, waa shan iyo labaatan guuradii maalinta shuhadada ee SNM.

 

Mujaahid Yuusf Meydal Cumar oo dagaalkaa Burco-duurrey ka qayb-galay kuna dhaawacmay goobtaa oo ka jawaabayay su’aal ahayd: ‘Waagu side ayuu idiin ku beryay subaxdaa, mar aan ku wareystay Xarunta VTC-da Sooyaal 15/10/1997kii ayaa iigy jawaabay:

 

“Subaxaa waagu wuxu noogu baryay fasal wanaagsan oo aanu filaynay in weliba cadawguna na soo weeraro.”

 

Waa qalbi-samaantii iyo niyad-adayggii Mujaahidiinta. Dagaalkaa badnaa. Siyaabaha la isu hirdiyay ama foodda la isu daray ayaa badnayd. Hubka iyo ciidanka waxa dheeraa ka nafsiga ah iyo ka saykoolojiga ah. Wax waliba sidaad ka dhigato ayuu ahaa. Haweenkii Hargeysa ka qaxayayba, dayuuradihii nidaamkii Siyaadkii Barre u yaqaannay Hawkar iyo Miig, waxay u yaqaanneen Caasha biyo sida oo cidiba waxba iskagama tirin jirin.

 

Bal hadda aynu ku noqonno mudaakaradii Yuusuf Meydal Cumar. Markanna waxaan maalintaa weydiiyay:

 

 

La soco ............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM 17/10/1984kii – 17/10/2009

 

 

PART TWO

 

 

Miyaad ka war-qabteen cadawga?

 

Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya anna is-leeyahay muuqaalladii maalintaas ayay hadba sidii hillaaca u soo maraya, ayuu iigu jawaabay:

 

“Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo aniga oo arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareen galay. Waxaanu dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.”

 

Halkaa markii uu marayay, waxaan Yuusuf Meydal Cumar ka wareystay goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo majaro-habaabiyay. Sidan ayaan maalintaa su’aasha ugu dhigay:

 

Goor ma ayaa la idin soo weeraray?

 

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si kalsooniyi ku dheehan tahay iigu jawaabay:

 

“Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1.17 daqiiqadood ee gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur. Waxaanu ahayn Ururka 1aad oo Cabdirasaaq Maxamed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye Urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa”

 

Bal hadda aan eegno Mujaahidiintii goobtaa cadawga ku haleeshay sidii ay u hubeysnaayeen. Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aynu gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:

 

“Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ‘small arms’. Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka iyo BKM-ka. Waxa kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ahaa ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo baxnay kaas oo loo yaqaannay ‘Nuur-Madoobe.”

 

Haddii ay Mujaahidiintii naf-hurka iyo geesinnimada aan wax loo dhigaa jirin ku dagaallamaysay sidaa uu Yuusuf Meydal Cumar sheegay u hubeysneyd, ciidammadii cadawga ee hooyo-boobyada ahaa maxay ku hubeysnaayeen. Waa tan war-bixin laga soo xigtay Ibraahin Kood-buur oo uu soo tebiyay Yuusuf Meydal Cumar waxaanu yidhi:

 

“Sidii uu ku war bixiyay Ibraahin Kood-buur, cadawgu wuxu ka koobnaa 500 oo askari. Waxay wateen gawaadhida gaashaaman oo ahayd 10 Beebbee, 4 Jiib, 2 Shilke, 2 Zuu iyo laba Toyote oo xanbaarsanaa laba qori oo ‘Brown’ ah.”

 

Waa halkii maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawiye aan idhaahdo:

 

 

 

“Haki Maxamed Genyada,

 

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

 

Godol oo u gaal-gaal,

 

Gabantana ka yara celi,”

 

 

 

Bal hadda sheekadaa ka yara nasta ama haddaad doontaanba ku yara raasukha oo inta aan ka rogo aan laba saaro. Maxay xilligaa SNM ku sugnayd? Ma u baahan tihiin in aan sawir guud idinka siiyo si aad sheekada isugu xidhataan. Waxay ila tahay in jawaabtiinnu tahay haa. Waa tahay. Bal hadda tanna dhegta u raariciya ama indhahaba ku daalacda.

 

Waxaynu ka hadlaynay 17kii Oktoobar 1984kii oo ku suntan Maalinta Shuhadadii SNM. Weliba manta waa 25-guuro oo maalmaha iyo sannadahaba kuma jirto. Ilaahay baa inagu simay. Maalintaa 72 maalmood ayaa laga joogay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay magaalada Jigjiga Xaruntii Gaaskii 10aad ee Ciidammada Itoobiya. Shirweynahaa 4aad wuxu furmay 6dii Ogos 1984kii. Shirweynahaa 4aad Shahiid Cabdilqaadir Koosaar Cabdi ayaa xilkii Guddoomiyennmo ku wareejiyay Axmed Maxamuud Siilaanyo. Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle, wuxu ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee markaa xilka wareejisay isaga oo gacanta ku hayay Ciidammada Xoreynta ee SNM. Haddii aanay xusuustaydu I dagayn Shirweynahaba kama soo qayb-gelin oo wuxu ku sugnaa oo la joogay Ciidammada Awaare ku tabobaranayay.

 

Dugsigaa Tababarka ee Awaare waxa la furay bishii Abriil 1984kii oo halkaa ku qabsoomay Kal-fadhi Gole Dhexe oo go’aammo badan oo dhaxal-gal ahaa lagu gaadhay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

 

 

 

1. Calankii SNM oo markii ugu horreysay la oggolaaday,

 

2. Awaare oo laga dhigay Xaruntii Ururka SNM,

 

3. Awaare oo markii ugu horreysay laga furay Dugsigii tababarka Ciidammada,

 

4. La-wareegidda baabuurtii Toyotaha ahayd ee dadweynuhu lahaa si qoryo loo saaro, iyada oo markiiba halkaa lagu soo xereeyay ila 64 baabuur oo Toyota ah,

 

 

 

 

 

Qalinkii: Boobe Yuusuf Ducaale.

 

 

 

(La soco……………..)

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Jacaylbaro:

Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa

Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye

Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni

 

Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey

Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi,beerka ka ogsooni

 

Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey

Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni

 

Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey

Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni

 

Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu

Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego

Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah

Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .

 

 

Xaaji Axmed Gabay-Xaddi

Waaryee gabayga ninkan aad ku hoos qortaye malahee ee ninkuu lahaa soo sheeg ama ha isticmaalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

JB: Small correction. They were not fighting for the Independence of SL, that just happened to be a result of their struggle after their death. It is more correct to say they lost their lives for the sake of their families, justice and fairness.

 

It is bidca to assign them a remembrance day as well.

 

P.s. What happened in Hargisa?? Was there a show and shooting air or did Riyaal ban the celebrations???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this