Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale to Europe

Recommended Posts

Somaliland: Leader Visits Europe

 

President Mr. Dahir Riyale Kahin will appeal to Europe Union to treat Somaliland as an independent political entity.

 

The president […] of Somaliland, Mr. Dahir Riyale Kahin, flew from the region's capital Hargeisa on Friday [12 September 2008] to Europe via the Ethiopian capital, Addis Ababa.

 

Mr. Riyale was accompanied on this trip by First Lady Huda Barkad, Foreign Affairs Minister Abdullahi Mohamed Du'ale and Finance Minister Hussein Ali Du'ale.

 

The Somaliland leader is scheduled to begin his visit in France, before proceeding to Germany and the United Kingdom, government officials said.

 

While in Europe, Mr. Riyale will appeal to the European Union to deal with Somaliland as a political entity independent of Somalia in the distribution of aid.

 

Mr. Nicolah Bwakira, the African Union's Special Envoy to Somalia, visited the Somaliland regions on Friday [12 September 2008] and met privately with President Riyale.

 

The AU Envoy told reporters that he last visited the region in 1993 and was "impressed" with the security and economic development in Hargeisa, Somalia's second-largest city and the capital of Somaliland.

 

"It was a must that I visit Somaliland and see first-hand the democratization process," Mr. Bwakira said at the Hargeisa presidential compound, adding that he will present his findings to AU heads of state.

 

For his part, the Somaliland leader criticized the AU, Arab states and European countries for "ignoring" positive developments in Somaliland.

 

Mr. Riyale said Somaliland is peaceful and "independent" of the chaos in southern Somalia, citing daily acts of violence, a massive refugee exodus and piracy as examples.

 

Somaliland, in Somalia's northwest, declared independence from the rest of the Horn of Africa country in 1991 but has not been recognized internationally.

Share this post


Link to post
Share on other sites

London,(Qaran News)-Waxa goordhawayd soo gaadhay magaalada London ee xarunta boqortooyda dalka Britain,madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminaayay ee baryahanba maraayay ama booqashada ku joogay dalalka ugu waaweyn qaarada Yurub, sida Faransiiska iyo dalka Jarmalka oo uu madaxweynahu isla maantaba uu ka soo socdaalay ama kicitimay.

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa maanta waxa si balaadhan maadaarka Heathrow Airport, ugu soo dhaweeyay madax sar sare oo ka tirsan xukumada dalka Ingriisa iyo madax iyo diblomaasiyiin reer Somaliland ah oo ay horkacayeen wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingriiska iyo wasiirka arimaha dibada oo isagu mudo todobaad ku dhawba ku sii sugnaa ama joogayba dalka Ingriiska una sii gogol xaadhaayay imaatinka waftiga madaxweynaha.

 

Hadaba soo dhawaynta uu maanta madaxweyne Rayaale uu kala kulmay xukumada dalka Ingriiska ayaa la odhan karaa waa soo dhawayntii ugu balaadhanayd ee uu abid ka helo dalka Ingriiska taasi oo ay maanta soo galbiyeen madax aad iyo aad u tiro badan oo British-ah iyaga oo ka soo dajiayay qaybta laga soo dajiyo madaxda caalmka ee booqashada ku timaada dalka Ingriiska iyada oo goobtaasi loo goglay ama dhigay qadiifada cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka.

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo la dajiyay Hotel, aad u balaadhan oo aan ka dheeraynba aqalka boqorada ayaa waxa ay dawlada Ingriisku siisay ilaalo aad u xoogan iyada oo madaarka ay kaga soo qaadeen ama galbiyeen baabuurta khaaska ah ee lagu soo qaado madaxweynayaasha booqashada ku yimaada dalkani Ingriisa madaxweynaha ayaa sidoo kale la siiyay baabuur iyo ilaalo u khaas ah oo uu isticmaali doono inta uu ku suganyahay dalka Ingriiska, kuwaasi oo u qaadi doona hadba goobaha uu kulamada kula leeyahay dawlada Ingriiska.

 

Saxaafda umay suurto galin in ay madaxweyanaha iyo waftigiisa madaarka wax ku waydiiyaan, sababta oo ah iyada oo aad loo adkeeyay amaankiisa isla markaasna laga soo dajiyay goob aan lo ogolayn in ay dadku ugu tagi karaan, taasi oo ay adag'tahay in aad gali kartid.

 

Hadaba soo dhawaynta caynkan ah ee uu maanta madaxweyne Rayaale kala kulmay wasaarada arimaha dibada ee dalka Ingriiska iyo guud ahaan xukumadaba waxa ay shicibka reer Somaliland u tahay guulo wax ku ool ah oo aad loogu diirsado, iyada oo ay booqashadi tahay tii sadexaad ee uu madaxweyanahu uu ku yimid dalka Ingriiska tan iyo intii uu xilka madaxweynanimo ka qabtay Somaliland, booqashadan maantuna waxa ay aad uga heer saraysay booqashooyinkii uu madaxweynahuu uu hore ugu yimid dalkani iyada oo taasi laga dareemaayo soo dhawaynta qaaliga ah ee uu maanta uu madaxweyne Rayaale iyo waftigiisuba ay la kulmeen.

 

Wixii war ah ee ku saabsan waftiga madaxweynaha halkani ayaanu idiinku soo gudbin doonaa ee kala soco qarannews, hadii Ilaha awoodalehi uu ogolaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^certainly, not Somalia's passport. And surely not any other foreign passport.

 

So, you do the math.

 

Hadaba soo dhawaynta uu maanta madaxweyne Rayaale uu kala kulmay xukumada dalka Ingriiska ayaa la odhan karaa waa soo dhawayntii ugu balaadhanayd ee uu abid ka helo dalka Ingriiska taasi oo ay maanta soo galbiyeen madax aad iyo aad u tiro badan oo British-ah iyaga oo ka soo dajiayay qaybta laga soo dajiyo madaxda caalmka ee booqashada ku timaada dalka Ingriiska iyada oo goobtaasi loo goglay ama dhigay qadiifada cas ee lagu soo dhaweeyo madaxda caalamka

There is surely a real positive shift in the way UK and US among other western nations deal with SL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

u_2d_2008-9-24-22-14-13f_CP-photos1%2001

 

 

hadhwanaag 2008-09-24 (Hadhwanaagnews) London (HWN) 25-09-2008 Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo beryahanba socdaalo ku kala bixinayay dalal ka tirsan qaaradan Yurub imikana ku sugan Magaalada London ee dalkan Britain ayaa waxa uu maanta kulamo isdaba joog ah kula yeeshay huteelka uu degan yahay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Magaalooyinka London, Bristol, Cardiff, iyo Sheffield, iyada oo sidoo kale uu Madaxweynuhu kulamo sidan oo kale ah la yeeshay masuuliyiin ka socotay Xisbiyada Qaranka ee Somaliland gaar ahaan Xisbiga UCID iyo Xisbiga UDUB. Tafatiraha Somali Voice Kaysar Cabdilaahi oo Madaxweynaha salaan sharaf maanta ugu tagay huteelka uu ka degan yahay London isla markaas ka qayb galay kulamadaas qaarkood ayaa warbixintan inooga diyaariyay kulamadaas:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale oo ilka cadaynaya ayaa kasoo degay qaybta sare ee huteelka ee uu deganaa waxaana uu salaan ku bilaabay dad badan oo hor dhoobnaa goobta kulanka oo sugayay inay la kulmaan Madaxweynaha, iyada oo aad arkaysay dadku inay aad u xiiseynayeen aragtida Madaxweynaha.

 

Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo si firfircoon u kala horayay dadka huteelka gudahiisa joogay ayaa dadweynaha u sheegay in Madaxweynuhu uu diyaar u yahay inuu la kulmo dadkiisa, waxaana uu ka codsaday in ay si koox koox ah ula kulmaan Madaxweynaha maadaama ay wakhti badan qaadanayso hadii qof kastaa uu doono in uu si gaar ah uu Madaxweynaha ula kulmo, taasi oo dadka madasha joogayna ay aad ugu garaabeen.

 

Ugu horrayn Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB gaar ahaan Gudiga Fulinta ee Xisbiga UDUB ee dalkan UK, waxaana kulankaasi oo muddo saacad ku dhow qaatay ay Madaxweynaha iyo xubnaha Xisbigiisu ka wada hadleen arrimo u gaar ahaa xisbigaasi oo la xidhiidhay kobcinta xisbiga iyo sida uu xisbigaasi ugu diyaar garoobayo doorashooyinka fooda inagu soo haya.

 

Shirkaas ka dib waxa uu hadana Madaxweynuhu la kulmay Masuuliyiin ka socotay magaalooyinka London, Bristol, Cardiff, iyo Sheffield waxaana uu uga warramay xaalada guud ee uu imika dalku ku sugan yahay “ Anaga masuuliyada na saarani waa inaanu dalkayaga u shaqayno oo aanu garaacno albaab kasta oo aanu u aragno in dani ay noogu jirto, ka nasan mayno inaanu qadiyadeena gaadhsiino meel kasta oo aanu gaadhsiin karayno” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo hareeraha ka fadhiyeen Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Safiirka Somaliland u fadhiya UK Mudane Aadan Muuse Jibriil.

 

Madaxweynaha oo oo dadka madasha joogay la hadlayay waxa uu tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada Somaliland ee qurbaha ku nooli ay ugu middoobi lahaayeen sidii ay qadiyada Somaliland uga dhaadhicin lahaayeen dalalka ay joogaan, isla markaasna gacmaha ay gacmaha isu qabsan lahaayeen ee ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo horumarka dalkooda hooyo ee qaaliga ah ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

 

Wasiirka Maaliyada Somaliland Mudane Xuseen Cali Ducaale oo isagu kulamo gaagaaban si gaar-gaar ah ula yeelanayay dadka reer Somaliland ee soo booqanayay huteelkan ay wafdiga Madaxweynuhu ku sugnaayeen ayaa mar uu kulan gaar ah la yeeshay Masuuliyiin ka socotay Jaaliyada Somaliland ee Bristol oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Maxamuud Cade Gude, Oday Cabdi Gamuute, Axmed Ducaale Qambi, Axmed Naasir Xirsi Maxamed iyo Kaysar Cabdilaahi ayaa waxa uu wasiirku tilmaamay in dawlada Somaliland ay xoogga saarto sidii uu dhaqaalaha Somaliland u noqon lahaa mid deggan, waxaa kale oo uu tilmaamay in dhaqaalahan hoos u dhacay ee dunida imika ka jiraa uu saamayn balaadhan ku yeeshay Somaliland, hase yeeshee wasiirku waxa uu tilmaamay in dadweynaha reer Somaliland ay yihiin qaar iimaan qaba oo Allahooda isku xidha una sabrra dhibaato kasta oo soo waajahda, iyaga oo caado ay u tahay reer Somaliland inay dulqaad iyo dedaal kaga gudbaan dhib kasta oo soo waajahda, waxaana uu sheegay in dhawaan laga gudbi doono dhaqaale xumada dalka ka jirta, taasi oo uu tilmaamay in Somaliland ay la qabto dalalka kale dhaqaalo xumidan imika dunida ka dhacday.

 

“ Dalalka Afrika miisaaniyadooda waxa la kabaa ugu yaraan inta u dhaxaysa 40% waxaanay dunida ka helaan caawimo malaayiin ah, Somaliland ma jirto miisaaniyad ay aduunyadu naga kabto ama dhaqaale nala siiyaa, hase yeeshee waxaanu isku filaysiinaa waxa aanu dalkayaga kala soo baxno anaga oo garabsanayna dadweynahaga geesiyiinta ah, waana taas guusha Somaliland ay ku faani karto ee ay kaga duwan tahay afrikada la taageero ee hadana daalaa dhacaysaa” ayuu yidhi wasiirka Maaliyada oo ay kalsooni badani ka muuqatay.

 

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu kulan gaar ah galabta la yeeshay Safiirrada Somaliland u jooga dalkan UK Mudane Aadan Muuse Jibriil, Wakiilka Somaliland ee Ireland Mudane Cabdifataax Siciid Axmed Iyo Safiirka Wareega Mudane Aar, Shirkaasi oo uu gudoominayay Madaxweyne Rayaale waxaa goob jog ka ahaa wasiirka Arrimaha Debada Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Cawil, waxaana uu Madaxweynuhu ku boorriyay safiirradaas uu la kulmay inay dardar galiyaan hawlahooda siina laban-laabaan dedaalkooda.

 

Kaysar Cabdilaahi

 

Tafatirka Somali Voice

 

www.thesomalivoice.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Run baad sheegtey Barrow, lakiin nasiib xumiyaa...anigu hadii masawir laygala daali lahaa mar walbaan walaalahay iyo ilma adeeraday booqdo! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   
:D Hiiraale waa saa tiri ee wakhti uu booqaso iyo dalxiis toona ku aado ma hayo...Rayaalaa kiisi iyo kii Hiiraalaba isku darsaday, isagu waxa dhan haysku qaato, allena ha ugu barakeeyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this