Sign in to follow this  
Siciid1986

Ma dhabaa in Guddoomiyaha Xisbiga UCID lagu Haysto Dalka Sucuudiga

Recommended Posts

Riyadh (Waaheen) Sida ay sheegayaan warar hordhac oo laga helayo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid oo booqasho ku jooga dalka Sucuudiga ayaa ****olka ka qaadaya inuu Guddoomiyuhu u xaniban yahay dacwad kaga socota mid ka mida Maxkamadaha dalkaasi oo uu ashkato geeyay nin ay ehel yihiin oo u haysta xoolo ay shuraako ku ahaayeen oo in muddo ahba muran ugu dhaxeeyay balse la raadinayay fursad uu ku xidho.

 

Ninka ashkateeyay Guddoomiyaha oo sida la sheegay ay habrawadaag yihiin isla markaana u dhashay Beesha ******** ayaa la sheegayaa inuu muddo hal maalin ah xidhay Guddoomiyaha isla markaana Maxkamadda geeyay balse Maxkamaddu u ogolaatay inuu isdifaaco isagoo isla markiiba looyar u qabsaday dacwadaasi loo haysto,Balse waxa la sheegay in laga xayiray inuu dalka Sucuudiga ka baxo.

 

Illaa hada wax war ah oo rasmiya oo dhacdada dacwadan la xidhiidha oo faahfaahsan lagama hayo balse sida ay sheegayaan dad u dhuun daloola dhacdadan ayaa ku xidhiidhinaya inay arrintani la xidhiidho aargoosi wakhtigan loogu soo beegay mansabka uu ka hayo dawladda Somaliland taasoo looga faa’iidaysanayo safarkiisa carqalad in lagu geliyo

 

Saraakiisha Xisbiga Ucid oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino jiritaanka warkan ayaa sheegay inaanay xog ka hayn. sidoo kale mar aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno mid ka mida dad ay aad iskugu dhaw yihiin Guddoomiyaha oo ku sugan dalka Sucuudiga ayay noo suurto gali weyday inaanu helno.

 

http://waaheen.com/? p=2311

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Who is this guddoomiye...Faysal Cali Waraabe? Mr Hangool? Excuse my ignorance waa ku wareeraa Magacyada xisbiyada Siyaasadda so sometimes magaca leader-ka is more easier.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this