Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Garowe State Capital: TFG Parliamentarian meet PL cabinet in extra ordinary sitting

Recommended Posts

Xildhibanada DF oo kulan kala qayb galey Xukuumada PL

 

8 Mar 8, 2010 - 6:54:46 AM

 

Kulankii asbuucalaha ee Xukuumada Puntland ayaa waxaa maanta 8 March,2010 ka qayb galey Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka kuwaasoo booqasho ku yimid magaalada Garowe maalmihii lasoo dhaafey.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole ayaa lagu bilaabey howlihii caadiga ahaa ee dowladda iyada oo la dhaariyey Wasiir kuxigeeno la magacaabey asbuucii lasoo dhaafey.

 

Madaxweyne Farole oo hadal kooban ka akhriyey kulankaas caadiga ahaa ayaa sheegey in ay tahay markii ugu horeeysay ee Xildhibaanada ka tirsan DFKMG ah kulan kala qayb galaan Xukuumada Dowladda Puntland.

 

Mr. Farole ayaa sheegey in Xildhibanadaan yihiin kuwo u matala shacabka Puntland Barlamanka Federaalka ah kuwaasoo isugu jira kuwa lagu doortey kulankii Nairobi ee lagu aasasey dowladda dhexe sanadkii 2004 halka xubnaha kale kamid ahayen mudanayaashii ay soo xusheen ururkii mucaardka ahaa ee Sheekh Shariif kaas oo saldhigiisu ahaa Asmara.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa xusey in xulida mudanayaasha Barlamanka kulankii Jabuti kaasoo lagu laba jibaarey aqalka mudanaasyha dowlada Federaalka ah aan lagala tashan shacabka Puntland balse ay kasoo baxeen rag badan oo wax ku ool ah kuwaasoo maanta fadhiya kulanka Garowe.

 

Mudane Farole ayaa ka warbixiyey sida dowladda Puntland uga tirsan tahay dowladda Federaalka ah balse nasiib daro ku tilmaamey wada shaqeyn la'aanta u dhexeysa labada dhinac taasoo dusha ka saarey madaxda hurmuudka u ah dowladda ka arrimisa Villa Somalia.

 

Hadalka Madaxweynaha Puntland kadib waxaa kulankaas ka hadley Xildhibaan Xasan Abshir Farax oo sheegey in ay u mahad celiyaan dowladda Puntland fursada ay siisey waftigiisa iyo in lagu martiqaado kulanka golaha wsaiirada kaasoo dhaca Isniin walba.

 

Mud. Xasan Abshir ayaa sheegey in safarkooda salka ku hayo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen Puntland islamarkaasna uga qayb qaadan laheeyeen sidii loo hagaajin lahaa xiriirka xun ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

 

Xildhibaan Abshir ayaa ku soo dhoweeyey xildhibaanada kale kuwaasoo akhriyey waraaq ay ku xusan tahay qaabka loo wajahi karo xalinta khilaafkaan u dhexeeya labada dhinac.

 

Dhinaca kale Xildhibaanada DFKMG ah ayaa sheegey in ay ka haystaan ogolaansho sidii loo xalin lahaa khilaafkaan ergeyga u qaabislan QM arrimaha Somalia iyo dowladda Mareykanka gaar ahaan safaarada Mareykanka ee ku taal Nairobi.

 

Kulankaan ayaa ku dhamaadey qado sharaf Madaxweynaha Puntland u fidiyey Xildhibaanadaan ka socdey Barlamanka DFKMG ah.

 

Xildhibaanada booqashada ku yimid Puntland islamarkana ka qayb galey kulankaas ayaa kala ahaa Cabdulahi Bile Nuur, Xareed Xasan Cali, Cabdiladiif Muse Nuur [sanyare], Da'uud Cabdikariin Sheekh Cumar, Gen.Cabdiraxman Maxamud Cali Bayr, Cali Maxamud Xirsi, Cali Ismaaciil Cabdi Geyr, Xasan Abshir Farax, Deeqa Coljoog, Axmad Saakin.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

XIDHIDF.jpg

Xildhibinaada DFKMG oo fadhiyey kulanka Xukuumada PL

 

madaxweynaha_PL___kuxigeenka.jpg

Madaxweynaha puntland iyo kuxigeenka oo ka qayb galaya kulakaas

 

wasiirada_pl2.jpg

Golaha Wasiirada Puntland

 

xildhibaanda_4.jpg

Xildhibaanada DFKMG ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdi ka socda DFKM ah oo Maanta kulan la qaatay Masuuliyinta Puntland

 

March 8, 2010

 

Wefdi ka socda DFKM ah gaar ahaan Barlamaanka ayaa waxaa ay maanta magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland kulan kula qaateen Masuuliyinta iyo Xukuumadda Puntland.

 

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo Shir Jira’id ku qabtay Xarunta madaxtooyada magaaladda Garoowe ayaa ka hadlay kulan ay maanta Golaha Wasiiradda Puntland ay kala qaybgaleen Wefdi ka socday Barlamaanka DFKM ah.

 

Waxaana uu sheegay in wefdiga DFKM ah ay dhambaal balaaran ay ka sideen masuuliyin ka tirsan Dowladda Fedraalka iyo Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Xirrirka Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayna ka gudoomeen,ayadoo wefdiga ay kasoo duuleen Magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya.

 

Wasiirka ayaa xusay in uu ahaa wada hadal hor dhac ah ayna go’aamada kasoo baxayaan dib ay Saxaafadda usoo gudbin doonaan.

 

Xildhibaanada ka socday Barlamaanka DFKM ah waxaa qayb ka ahaa Xildhibaan Xassan Abshir Faarax iyo Xareed Ciise Cali oo kasoo jeeda degaanadda Puntland. Xildhibaanada ayaa doonaya in isbedel lagu sameeyo xiriirka Puntland iyo Dawladda Federaalka oo ahaa mid aad u qabow marka loo fiiriyo muddooyinkii hore, inkasta oo Dawladda Puntland aysan kalsoonida kala laaban Dawladda Federaalka.

 

Xiriirka aan diirimaadka lahayn ee labada dhinac ayaa biloiwdey kadib markii Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole uu ku eedeeyay Dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif in aysan raali ka ahayn in Puntland ku talaabsato horumar kana shaqeeyaan sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen.

 

Todobaadkii la soo dhaafey ayaa labada dhinac warbaahinta isu mariyeen erayo kul kul kadib markii Wasiir ka tirsan xukuumadda Federalka uu sheegay in aysan Maamul Goboleedyadu aysan wax heshiis ah oo ku saabsan shidaalka iyo tamarta aysan geli karin iyada oo aan la ogeyn Dawladda Dhexe, waana awood Dawladeed, waxaana uu ku tilmaamey heshiisyadii hore ee maamul goboleedyadu galeen kuwo sharci darro ah. Jawaab deg deg ah oo ka soo baxdey xafiiska Agaasimaha Guud ee Dawladda Puntland ayaa deedafeeyay hadalka ka soo baxay Wasiirka waxaana lagu sheegay warkaas in aysan ka talin dalka Dawladdu ay ku siman tahay 2KM.

 

Xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda Dawladda Puntland ayaa aamninsan inaysan wax saamayn ah ku yeelan karin Dawladda Dhexe haddii xiriirka labada dhinac uu xun yahay.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Despite the government of Puntland State's reiterating their support for the Transitional Federal government (TFG) which is holed up in a 2km square blocks inside the capital of Mogadishu, nonetheless the parliamentarian have iterated that they wish to reconcile the PL government with that of the TF government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I can’t emphasize enough on the significance of this event. It sends a clear message about the political nature of Puntland. It says loud and clear: while Puntland may disagree with TFG on specific issues, it does recognize and accept its legitimacy as a transitional government that represents all Somalia. In other words, Puntland under Faroole is more sophisticated than some estimate it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland never doubted and always reiterated that it was part and parcel and in fact the birth mother of the TFG.

 

However there were legitimate concerns on the establishment and forming of what was known the 'merger' of the ARS 'parliament' and that of the TFG.

 

Whereby individuals without the Puntland government's consent were rounded up and said 'These are representatives of the state'. Puntland State was also left out in the process of 'reconciliation' and thus voiced its concern about the 'Djibouti Accord'.

 

Puntland was always part of a future federal republic of Somalia but this governments use of other than the Federal title left off a bitter taste in many Puntlanders mouth and their constent verbal 'attack' on Puntland by 'some' in the government who are seen as 'minorities' and want to sell themselves as hard men of the 'clan' either didn't help in the relationship between the TFG and Puntland and Sharifs association with those characters did little to defuse a already volatile situation.

 

The mistrust is still there but nobody doubts the fundamentals and in general terms there is agreement. The federal charter needs to be respected and new federal states need to emerge and the constitution will be rewritten. Once this is done eventually the mistrust will subside inshaallaah.

 

We wish the best.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:"Xildhibaanada Garoowe joga cidna madirsan"Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya

 

 

Muqdisho(Allpuntland)-Gudoonka sare ee Baarlamaanka Somaaliya ayaa shaaca ka qaaday inaysan waxba kala socon safar ay Garoowe ku yimaadeen qaarkamid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee Soomaaliya,wuxuuna gudoonku sheegay in xildhibaanadaasi aysan Baarlamaanka Soomaaliya matalin.

 

Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cismaan Cilmi Boqore oo la hadlay qaarkamid ah Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanadaasi ay Garoowe u joogan dan ay iyagu leeyihiin balse aysan u joogan shaqo uu u dirsaday Baarlamaanka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin inay deegaanadooda tagaan.

 

"Waxba kalama socono joogitaanka Xildhibaanada Garoowe kusugan Gudoonka Sare ee Baarlamaankuna ma oga wax shaqo ah oo ay deegaanadaas u tageen,balse iyaga ayaa danahooda gaarka ah u jooga,waxayna xaq u leeyihiin inay tagaan Deegaanadooda taasina waa iska caadi balse annagu maanan dirsan"Ayuu yiri Xildhibaan Boqore oo ku hadlayey Afka Gudoonka baarlamaanka.

 

Mr,Boqore ayaa sheegay in qaarkamid aha Xildhibaanadaasi ay dibad joog ahaayeen oo aysanba Muqdisho in mudo ah imaanin aysana is arag waayahaan intooda badan,wuxuuse amaanay inay wadaan shir ay ku heshiisiinayaan Dawlada Puntland &Dawlada dhexe ee Soomaaliya.

 

Warkan kasoo yeeray Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa yimid kadib markii ay 10-Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uuna kamid yahay Ra'iisul Wasaarihii Dawladii Carta Xasan Abshir Faarax ay maalmihii lasoo dhaafay kusugnaayeen Magaalooyinka Puntland,waxayna sheegeen inay wadaaan heshiis ay dhex dhigaayaan Dawlada Puntland &DFKMG ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: “ Puntland la’aanteed Faderaal waxba ma qaban karo” Afhayeenka Mudanayaasha baarlamaanka ee booqanaya deegaanada Puntland.

10. March 2010

 

APL

 

Garowe(AllPuntland)- Xildhibaan Xareed Xasan Cali ayaa shaaca ka qaaday in ay hada meel wanaagsan umarayaan wada xaajoodyada ay la leeyihiin dawladda Puntland ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay kala hadlayaan wax ka qabashada xaaladaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana arrimaha ku wajahan xaaladaha dalka, oo ay muhiimad weyn leedahay sidii layskugu afgaran lahaa qodobada qaarkood.

 

Xildhibaankan ayaa sheegay in ay hada meel wanaagsan marayaan qodobadooda, wuxuuna sheegay in ay maalmaha nagu soo aadan waxbadan ka qaban doonaan howlahooda, oo ay dhameyn doonaan kuna dhawaaqi doonaan go’aamo ku saabsan xaaladaha dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka Mudanayaashan jooga Garowe ayaa sheegay in aysan kala maarmin Puntland iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in hadii aysan labada dhinac heshiis aheyn in ay dhici karto dhibaato timaada in aan laga wada hadlin, isagoo sheegay in aysan labada dhinacna kala maarmi doonin, oo aysan midna midna ka maarmin, waa sida uu hadalka udhigaye.

 

Xildhibaan Xareed Xasan Cali ayaa intaasi ku daray in ay go’aan wanaagsan ka qaadan doonaan khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo uu sheegay in ay Madaxda Puntland gacanta ugaliyaan qoraal ka socday dawladda KMG ah ee Soomaaliya Madaxdeeda ugu sareysa.

 

Mudanayaasha jooga Garowe ayaa ka badan 6 Mudane, kuwaas oo ka tagay markii hore Puntland, isla markaasna uga mid noqday baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, iyagoo ujeedada socdaalkooda la rumeysan yahay in ay wax ka og tahay dawladda Mareykanka oo faragalin ku leh arrimaha Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this