Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Siilaanyo Leaves for the USA

Recommended Posts

Hargeysa (Somalilandpress)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta socdaal ugu ambo-baxay wadanka Marayanka.

 

Ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayuu Axmed-siilaanyo xog-waran ku saabsan ujeedada socdaalkiisa ku siiyay saxaafada.

 

“Maanta waxaan u ambobaxayaa dalka Itoobiya, halkaana waxaan rajaynayaa inaan uga sii gudbo dalka Maraykanka, socdaalkaygani waxa uu daaran yahay, iyada oo aan safarkaa dibada ugu baxayo ku rajo waynahay inaan la kulmo rag badan oo daneeya dalka Somaliland nolosheeda iyo mustaqbalkeeda, waxanaan la kulmi doonaan qurba jooga reer Somaliland, dawlada Maraykanka iyo cidii kale ee aan u arko inay maslaxad u wadaan Somaliland qadiyadeedana gaadhsiino.

 

Taageerayaal badan oo aanu ku leenahay dibada ayaanu iyagana gaadhsin doonaa istiqaalada xisbiga” Sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Kulmiye.

Intaa ka dib ayaa war-fidiyeenadu halkaasi ku waydiiyeen su’aalo la xidhiidha safarkiisa, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay Axmed-siilaanyona waxay u dhaceen sidan:

 

 

S: Beryahan dambe xisbiga kulmiye waxaad wadeen olole la xidhiidha xoojinta siyaasadiina arrimaha dibada, si qoto dheer ayaad adigu uga hadashay xidhiidh aad rabtaan inaad la yeelanataan dawladaha Jaarka, gaar ahaan Itoobiya, iminkana Maraykanka ayaad tagtaygsaa, dadka qaar waxay leeyihiin siiilaanyo waxa uu isku diyaarinayaa kursiga?

 

J: Xisbi baanu nahay, doorashana waanu u diyaar-garoobaynaa, fariintayada ayaanu dunida gaadhsiinaynaa, in aanu xidhiidh la yeelano siyaasada xisbigana u sharaxno dawladaha dadyawga iyo dawladaha dunida ayaanu rabnaa.

 

 

S: Warbaahinta qaarkood ayaa qorayay in xisbiga kulmiye uu ka jiro khilaaaf ah inay masuuliyiinta qaar gaadheen inay yidhaahdaan waanu iscasilaynaa, muxuu yahay muranka idin soo kala dhex-galay?

 

J: Aniga iyo dadka aanu iska soo horjeedno dacaayadahoodu naguma yara, xisbiga kulmiye wuu isku duuban yahay xoog wayn yahay wax khilaaf ah oo na dhexyaalaana ma jiro.

 

 

S: Waxaad sheegtay in aad la kulmayso jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan ee Maraykana iyo dawlada lafteeda, markaa ma booqasho ayaad ka heshay dawlada Maraykanao oo cid baa kuu qorshaysan inaad la kulanto, mise waad daydayaysaa marka aad tagto cida aad la kulmi doonto?

 

J: Way qorshaysan tahay cida aan la kulmayaa, woo marti qaad rasmi ah ayaan haystaa, waxa ka mid ah cida aan la kulmayo dadka daneeya Somaliland iyo doorashadeeda waxa ka mid ah horumarinta iyo ictiraaf raadinta Somaliland waxyaalaha aanu kala hadlayno iyo taageerada doorashooyinka.

 

 

S: Ilaa hada wax xog ah oo rasmiya oo la hayaa ma jirto markaa maxaad la carcaraysaan?

 

J: Wakhtigaas ayaa doorashadii dhacaysaa cid odhanaysaa ma jirto balse gudidii iyo dhaqaale keenayaashii iyo wixii oo dhan hawlihii way socdaan oo waynu u daynaynaa wanaan ku kalsoonahay inay komishanku si wayn hawhsoodii ula socdaan.

 

 

S: Qaramada Midoobay cuno-qabatay ayay ku soo rogeen wadanka Erateriya, kulmiye ahaan sideed u aragtaan?

 

J: Horta inagu dunida xidhiidh aynu la leenahay ma jirto, xuduudna lama wadaagno, ganacsi inagama dhaxeeyo dabcanse geeska ayaynu ku wada noolahay waxa ka dhaxeeya Qaramaada Midoobay waa wax iyada u taala inagase wa xina saamaynaya maaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

War JB bal xanta hargaysa wax nooga iftiimi. Some are claiming that Siilanyo has been summoned by American intelegnece for questioning about his apointment of Al-shabaab sypathiser as the head of KULMIYE youth wing :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Any chance Minnesota is one of his destined places?

 

He will probably be in Virginia/D.C area.That is where number of Somalilanders live.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ :D

I think congressman Donald Payne is trying to use the classic divide and rule. He couldn't get Daahir Rayaale's support for his agenda, so he is trying to get his chances at Kulmiye's. I don't think Kulmiye's leadership would be able to buy what Donald Payne is trying to offer - which basically means - in a nutshell - to support the failing TFG government in Mogadishu. Something both the SL government and the opposition have a common position about.

 

I welcome, thought, the fact that Kulmiye leadership are willing to confront the man and present its case and not just snupping like UDUB did sometime ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Recognize Somaliland and we will support the TFG, and we will support the TFG politically military and financially, and begin next year there wont be a shabaab. We can play a bigger role then Djibouti in stabilizing the koonfurians

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this