Sign in to follow this  
Gabbal

Barre Hiiraale's wife being threatened to leave Kismaayo?

Recommended Posts

Gabbal   

It is amazing how certain unprecedented actions in the civil war are now taking place during a period of "Islamic rule". :D

 

 

Waraaqo Loogu Hanjabayo Xaaska Barre Hiiraale Oo Lagu Daadiyey Magaalada Kismaayo Iyo Maleeshiyada Maxkamadaha Oo Xabsiga U Taxaabay 4 Dumar Oo Ka Qeybqaatay Banabaaxyo Looga Soo Horjeeday Maxkamadaha

Nov 10,2006

by Kismaayo-Gedo-NN

 

Waxaa markii labaad hanjaabadyo loo soo jeediyey xaaskii wasiirka gaashaandhigga Barre Adan Shire (Hiiraale) oo ku sugan magaalada Kismaayo oo lagu farayo inay ka baxdo magaalada Kismaayo. Hanjabadaan oo ay xaqijiyeen waxgarad xigto la ah xaaska Barre Hiiraale ayaa sheegaya inay waraaqo lid ku ah joogitaankeeda lagu daadiyey gurigeeda hortiisa iyo xaafadda ay ka deggan tahay magaalada Kismaayo iyo weliba telephono hanjabaado ah oo loogu digayo in ammaankeedu uu qatar ku yahay soo joogitaankeeda magaalada Kismaayo.

 

Waraaqahan hanjabaada ah ayaa waxaa la xaqiijiyey inay daadiyeen kooxo dhalinyaro ah oo ayagu gacan saar la leh maxkamadaha Kismaayo oo ayagu maanta isugu baxay qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo oo ay ku taagerayaan maxkamadaha Kismaayo.

 

Afar haween ah oo ka qeybqaatay banaanbaxyo hadda ka hor ka dhacay magaalada Kismaayo xilligii ay gacan ku haynta magaalada Kismaayo la wareegeen maxkamadaha ayaa maanta lagu soo oogay dacwad been abuur ah, iyada lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen inay mukhaadaarad sharci darro ah ay magaalada soo geliyeen.

 

Xigtada haweenka xabsiga la dhigay ayaa ku tilmaamay inay muaamaraad la doonayo in magaalada looga masaafuriyo haweenkaas oo ayagu ah ka mid ahaa haweenka ka ganacsada Qaadka xilligii ay maamulkii hore ay magaalada ka talinayeen.

 

Ma ahan markii ugu horeeysay ay maleeshiyo beeleed daacad u ah hogaamiye kooxeedka lagu magacaabo Axmed Sheekh Islaan (Axmed Madoobe) ay hanjabaado ay u soo jeediyaan xaaska Barre Hiiraale oo ayadu si nabad ah ku joogtay magaalada Kismaayo.

 

Horay ayey maleeshiyo beeleed ka amar qaata hogaamiye kooxeedka Axmed Madoobe ay hanti isugu jirto 6 gaadiid ah iyo alaabo kale ay si xoog ah kala baxeen gurigeeda, kadibna ay xabsiga ku hayeen in ka badan 3 cisho oo ay markii dambe ka soo daayeen. Nabadoono iyo waxgarad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ku guuldareystay inay u soo celiyaan gaadiidkii iyo alaabadii gurigeeda sida sharci darrada ah loo gala baxay.

 

Waxgarad iyo aqoonyahanno ka tirsan gobalka GEDO ayaa si kulul u cambaareey tacdiga iyo hanjabaada loo soo jeediyey xaaska Wasiirka Gaashaandhigga Barre Adan Shire (Hiiraale) taasoo oo ay ku tilmaameen mid colaad hor ka sii abuuraysa xaaladaha murugsan ee ka aloosan gobollada Jubbooyinka.

 

Waxaa weli taagan xasuuqii 5tii nin dhalinyaro oo dhowaaca aheyd ay magaalada Buaale ugu geysteen maleeshiyo beeleed ka tirsan maxkamadaha oo ilaa iyo hadda ay masuuliyiinta ugu sareeysa maxkamdaha Muqdisho ay diideen inay cambaareeyaan ama sharciga hor keenaan maleeshiyo beeleedkii ka dambeeyey falkan aan weligiis ka dhicin wadanka Soomaliya.

 

Kismaayo-Gedo-NN

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Libaax, ilaahay maqaadiirti arrintaan socotaa waa arrin lala yaabo. Shan iyo toban sano ayey Somali is cunayso, weligedne lama arag xaalku sidaan gaaro iskaba daa'e magaca maanta la huwanyahay waa kaa dintaaya Islaamka.

 

Arrintaan waxay ila tahay waa arrin colaad sii hurin doonto ee laba qolo ee oodwadaag ah markii laga kala tago ee isku soo haraan dhibaata ka dhex dhalin karayso!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Its shocking news, did they not arrest her before, then release her, so why this action?

If they had any evidance against her I doubt she would have been released.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Temujin   

The afmadoow guys in Kismaayo want to forcibly remove lots of people from the city only to replace them with others from Godey and Garrissa.

 

Ahmed Madoobe is not a thinking man. He is asking to be killed in revenge.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this