Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Defence Minister and army chief arrive in lascanood

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaandhiga ee Somaliland iyo taliyaha ciidanka oo kulan la qaatay dadka reer Laascaanood

Warkii 04-Nov-2009 iyo Qormadii: NEWS

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha,ciidamada amniga iyo guud ahaanba shacabka reer Laascaanood,iyagoo safarkoodu la xidhidhay tacsida marxuunkii dhowaan ku geeriyooday magaalada Laascaanood,oo ahaa taliyihii qaybta 12-aad ee ciidanka.

 

Ugu horeyn taliyaha ciidanka Somaliland Nuux Taani ayaa sheegay inay Laascaanood u yimaadeen inay ciidanka iyo guud ahaanba shacabka reer Laascaanood uga tacsiyeeyaan geeridii ku timid ala ha u naxariistee Korneyl Cusman Yuusuf Nuur,oo bam lagu qariyey wadada dhinaceeda lagu dilay.Taliyaha ayaa sheegay inay u soo tacsiyeeyeen xaaskii iyo caruurtii marxuunkaas,hadana ay la qaybsanayaan tacsida guud ahaan shacabka Somaliland.

 

"Waxaa muhiim ah in meel looga soo wada jeesto gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey qaraxyadii ka dhacay magaalada,oo aan ciidanka oo keliya lagu halayn inay soo qabtaan dadkii falkaas ak danbeeyey,balse si wadajir ah loo wada shaqeeyo,nabadgelyadana loo wada ilaashado" Sidaas waxa yidhi Mr Taani oo ku sifeeyey marxuunkii geeriyooday nin qaali ahaa,oo dadku ay jeclaayeen.

 

Waxaa isna ereyo tacsi iyo warbixin ah halkaas ka jeediyey wasiirka Gaashaandhiga,isagoo sheegay in marxuunkaasi ahaa nin oday ah,oo si weyn ugu soo shaqeeyey qaranka Somaliland,lana tebi doono.

Caaqil Axmed Hoolif oo ku hadlay magaca odayaasha degmada Laascaanood ayaa ugu horeyn tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday marxuunkaasi,wuxuuna Caaqilku sheegay in ninkaasi uu ahaa nin shacabka reer Laascaanood si fiican isu fahmeen,oo la tashan jirey odayaasha iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada.

"Waa waajib in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey dilka marxuunkaas,si buuxda ayaana ula shaqaynaynaa ciidamada amniga ee baadhista wada"sidaas waxaa yidhi Caaqil Axmed Hoolif,oo sheegay inay saaxiib ahaayeen marxuunkaas,aqoon fiicana uu u lahaa.

 

Waxaa sidoo kale isna hadalkii qaatay Abwaan Cali Qamar,isaga oo sheegay in ay ka xun yihiin dilka loo geystey marxuunkaas,ayna waajib tahay dadka reer Laascaanood iyo guud ahaanba gobolada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle ay ilaashadaan nabada ay haystaan.

"Waxaan ka digayaa belo madax la qaybtay leedahaye,minjo la qabto ma leh,sidoo kale waxay soomaalidu tidhaahdaa "Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin",oo dad aan wax dan ah idiin hayn,yaanay durbaan idiin tumin"ayuu raaciyey hadlkiisa Oday Cali Qamar oo ka mid ah,odayaasha aadka looga tixgeliyo deegaamadaas.

Afnugaal News Desk.

Contact:xassand2000@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caaqil Axmed Hoolif oo ku hadlay magaca odayaasha degmada Laascaanood ayaa ugu horeyn tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday marxuunkaasi,wuxuuna Caaqilku sheegay in ninkaasi uu ahaa nin shacabka reer Laascaanood si fiican isu fahmeen,oo la tashan jirey odayaasha iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada.

"Waa waajib in gacanta lagu soo dhigo gacan-ku-dhiiglayaashii ka danbeeyey dilka marxuunkaas,si buuxda ayaana ula shaqaynaynaa ciidamada amniga ee baadhista wada"sidaas waxaa yidhi Caaqil Axmed Hoolif,oo sheegay inay saaxiib ahaayeen marxuunkaas,aqoon fiicana uu u lahaa.

Caaqil Hoolif hadal fiican ayuu ku hadlay.

 

 

Well done to the Minister of Defence and Commander of the Army for showing up in person to pay their tribute to the fallen hero. Very nice of them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Originally posted by General Duke:

Hope they don't get bombed like the last guy.

Sarreeye Duuk, naceybka iska daa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this