Sign in to follow this  
RedSea

Somaliland vs. Puntland.....conflict inside Las Anod.

Recommended Posts

RedSea   

www.ucidparty.com

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Magaalada Laascaanood

 

(Laascaanood}17.9-7

Kadib markii subaxnimadii saaka ay hubka noocyadiisa kala duwan isku weydaarsadeen duleedka magaalada laascaanood ciidamada maamulka somaliland iyo kuwa puntland ayaa xaalada guud ah tahay haatan mid kacsan........................................

 

wali si rasmi ah looma shaacin qasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalkii saaka hiirtii waaberi ka dhexqarxay labada ciidan ee puntland iyo somaliland balse waxaa la xaqiijiyay inay ku baabe'een xoolo aad u farabadan oo adhi u badan waxayna bara kiciyeen boqolaal dad reer guuraa ah .

 

Tirada ciidamda puntland ee jooga aaga ay fadhiyaan ciidamda somaliland oo ah duleedka magaalada ayaa ah kuwo aad u yar marka loo eego ciidanka somaliland oo siweyn isu soo gaashaan buuraystay .

 

Deegaanka abeesaley oo ah aaga ay fadhiyaan ciidanka Puntland ayaa waxaa haatan ku gadaaman ciidamo aad u farabadan oo ku gaashaaman gawaadhida dagaalka ee tiknikada iyo waliba ciidamo aad u farabadan oo taniyo shalay laga soo daabulayay talisyada guud ee ciidamda somaliland.

 

Marka laga soo tago dhanka abeesaley oo ay siweyn ugu soo siqayaan ciidanka somaliland waxaa jirta goobo kale oo abaabul ciidan ay kawadaan somaliland.

 

Toga waqdari ilaa dooxa weyn ee geedo qarsay ee gudaha magaalada laascaanood waxaa haatan gacanta ku haya ciidamo taabacsan maamulka somaliland.

 

koontaroolkii koonfurta magaalada laascaanood waxaa haatan ka arimiya maleeshiyaadka taabacsan maamulka somaliland .

 

intooda badan ciidamadii puntland ee joogay magaalada waxay isugu soo urureen gudaha magalaada warar aanu goor dhoweyd ka helnay talisyada melatari ee puntland-na waxay sheegayaan in ciidamo gurmad ah ay sugayaan kadibna ay hawlgal ka bilaabayaan magaalada.

 

Liibaan Jordan:::Widhwidh Online Desk Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

NN, is right those boys were misled, there has been exchange of mortars, but so far this is not even an incident to worry about that much. The Cayn peace conference was a thing to sing about.

Share this post


Link to post
Share on other sites

With more reliable news sources becoming available, it appears that the fighting is not between Somaliland and Puntland but rather Sool residents and Puntland, with Somaliland building up their forces along their border, but for now not involved.

 

http://www.laasqoray.net/view_article.php?articleid=1342

 

I know Sool has for some time now desired to form their own autonomous state, either partnering with Maakhir state or going their own way as Darwiishland. Perhaps this is their attempt to do so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I say good luck to those who try to make division between the clans of Puntland. Will it work, no, wishfull thinking? Yes will Somaliland gain anything from this? I doubt it. The people of SOOL, SANAG, CAYN have always been for the blue flag and unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shicibka reer Laascanood oo ku gadooday ciidamda Puntland, iyo dhimasho iyo dhaawacyo ka dhacay agaasi

 

 

Hal qof ayaa ku dhintay midkalena waa ku dhaawacmay ka dib markii dagaal ku dhexmaray magaalada laascaanood maleeshiyo gadoodsan iyo ciidankii puntland ee hore ugu sugnaa degaankaasi.

 

Maleeshiyadan gadoodsan oo maalmahanba isku urursanayay goobta lagu magacaabo Waqdari oo duleedka laascaanood ah ayaa ka la sheegayay inay ka soo horjeedaan joogitaanka ciidanka puntland,inkastoo marxuunka dhintay oo lagumagacaabo Faarax Galoose ayaa ka mid ahaa Maleeshiyada gadoodsan halka ninka dhaawacmay ka tirsan yahay Maleeshiyada Puntland.

Waxa wararku intaas ku darayaan in maleeshiyada gadoodsan ee ku sugan haatan togga Waqdari ay ku soo biirayaan maleeshiyoon kale oo badan oo ku hubaysan tikniko iyo qoryaha culus,iyadoo la sheegayo in ciidankii puntland ay ka sii baxayaan goobihii ay hore ugu sugnaayeen,halaka wararka qaarkood tibaaxayaan inay kaba baxeen magaalada laascaanood.

 

 

Todobaadyadan u dambeeyay waxa magaalada laascaanood laga dareemayay cadhada bulshadu u qabto Maleeshiyada puntlan ee ku sugan halkaasi kuwaasoo dhibaatooyin badan ku hayay dadka degaankaasi kuwaasoo dhowrmaalmood ka hor tacshiirado rasaas ah ku furay magaalada dhexdeeda.

Kooxahan hubaysan ee gadoodsana ayaa u badan rag dhalinyaro ah iyadoo la sheegayo inay yihiin kuwo taageersan dhanka Somaliland.

 

 

Xaalada laascaanood ayaa ah mid kacsan oo aan degnayn,walaacbadana ku dhalisay shacbiga laascaanood maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee rabadaan.

 

Dagaaladani wax lug ah kuma laha ciidamada qaranka Somaliland oo goob aan ka fogayn ku sugan magaalada Laascanood, hase ahaatee colaadan hada gudah'a Laascanood ka aloosan ayaa ah mid u dhaxaysa dadka shicibka ah ee reer Sool iyo ciidamada xooga iyo xaaraanta ku haysta degaankaasi, dhanka kalena ciidamada qaranka ayaa sidoodaba had iyo jeeraale iskaga jira heegan culus iyada oo ay xagaasi ku sugan yihiin awood ciidan oo aad u laxaad leh oo ay leedahay Somaliland, ciidamadan hada gadoday ee iska kicinaaya ciidamada Puntland ayaa ah kuwo iyagu iskood isu soo abaabulay, oo awood xoogan sheeganaaya, umana eeka in ciidamada Puntland oo horeba xoogagoodii meesha uga qaatay ay iska caabin karaan, shicibkan gadoodsan

 

Ciidamada qaranka ee Somaliland ayaa ilaa todobaadkanba dadweyanah reer guuraaga ah ee agaasi degan siinaayay raashin ay ka mid yihiin timirta iyada oo xiligan lagu jiro bishii ramadaan, dhanka kalana magaalada Laascanood ayaa maanta subaxdii hore ay istaageen dhamaan adeegyadii bulshadu, waloo ay ilaa hada xidhanyihiin goobihii waxbarashada iyo meelaha muhiimka ah ee magaalada, shicib weynaha reer Laascanood wax cabsi ah kama qabaan cidamada qaranka Somaliland oo aan ka dheerayn magaalada Laascanood madaama oo ay ciidamda qaranku yihiin qaar aad iyo aad ugu naxariis badan shicibka walaalahood ah, iyo iyada oo ay cidamada qaranku gaadhsiiyaan adeegyo fiican shicibka ay dhex joogaan ee gobolka Sool, taasi oo sumcda ciidamada qaranka Somaliland ee aagaasi kor u soo qaaday, xaga ay ciidamda Puntland kula kacaan shicibka ay haystaan tacadiyo aad u fool xun oo dhawr jeer dhacay.

 

Sida ay doontaba ha ahaatee xaalada aaga Laascanood iyo hareeraheeda ayaa ah mid aad u kacsan oo la isugu jiro abaabul colaadeed oo hor leh kuwaasi oo u dhaxeeya shicibweynaha reer Sool oo ku gadooday ciidamda Puntland oo hada sii guranaaya waxii kaga hadhsanaa aagagaasi, waxana agagaasi lag maqlayaayay maanta galinkii danbe rasaas xoogan oo laga maqlaayo gudaha magaalada Laascanood, taasi oo ay wararka qaar sheegayaan in maleeshiyada Garoowe ay goosteen in ay gabi ahaanba iskaga baxaan gobolka Sool intii uu daadan lahaa dhiig faro badani, xaga ay warar kale sheegayan in ciidamda Puntland doonayaan in ay xoog ku sii joogaan aagagaasi. lamana hayo tirada dhabta ah ee dhimashada ee maanta galankii danbe dhacday.

 

 

 

Qarannews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sool (QARAN)-Malleeshiyooyin beeleed is-urursaday oo diidan kana gadoodsan joogitaanka ciidammada Maamul-goboleedka Puntland ee ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa habeen hore weerar ku qaaday kuwa Puntland, halkaana kaga dilay saddex, qaar kalena ka dhaawacay.

 

Ciidammadan gadoodsan oo isku urursaday goobta la yidhaahdo Waq-dile ee magaalada Laascaanood, ayaa la sheegay inay yihiin ciidamo taageersan Maxamed Cabdi Xaabsade oo hore looga qaaday xilkii wasiirnimo ee uu ka hayey Maamul-goboleedka Puntland, waxana wararkii u dambeeyey sheegayaan in ciidammadii Puntland ka soo jeeday uga baxeen magaalada dhinaca koonfureed, loona malaynayo inay u sii xidhiidhsan doonaan gaadiidkooda iyo ciidankoodaba ilaa Garoowe.

 

Dagaalka ay dadka degaanka Laascaanood kala hortageen ciidammada Puntland ee ku sugnaa magaaladaas, ayaa saraakiil ka tirsan maamulka Puntland si khaldan ugu warrameen wakaaladda wararka ee AFP, iyaga oo uga dhigay dagaalka mid u dhexeeyey ciidammada Somaliland iyo kuwa Puntland, taas oo lagu baahiyey shabakadaha wararka ee Muqdisho iyo kuwo kaleba.

 

Dagaallada dhexmaray dadka reer Laascaanood iyo ciidammada doolka ku yimi ee Puntland, waxa la sheegay in ilaa shalay subax lays dhaafsanayey madaafiicda, waxana dhinaca dadka degaanka kaga dhaawacmay hal qof, iyada oo dhinaca Puntland-na laga dilay saddex ruux.

 

Ciidanka gadoodsan ee u dhashay degaanka Laascaanood iyo ka Puntland, ayaa sida ay sheegeen wararkii u dambeeyey lagu guuldarraystay in laga saaro magaalada dhexdeeda iyo sulux kaleba, kuwaas oo hadda isku horfadhiya gudaha magaalada Laascaanood.

 

Gaadiidka dhinaca Boosaaso iyo Burco uga iman jiray Laascaanood, ayaan sida oo kalena iyana gelin Karin, kana bixi Karin magaalada, waxana hadda dadka ku sugab Laascaanood ku sugan aad uga welwelsan yihiin dagaal ka dhex qarxa labada ciidan ee isku horfadhiya gudaha magaalada, iyaga oo wararku sheegayaan in dagaal ka dhex bilaabma mar labaad labada dhinac aan sinaba loo baajin Karin, haddii aan la kala qaadin waqtiyada soo fool leh.

 

Muddooyinkan ugu dambeeyey waxa soo kordhayey dadka reer Laascaanood ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidammada Garoowe ee ku sugan degaankooda, kuwaas oo ay u arkaan kuwo ku soo duulay oo aan ku iman rabitaankooda.

 

Dhanka kalana ciidamda qaranka ee Somaliland ayaan wax lug ah ku lahayn dagaaladan ka soo cusboonaaday agagaasi oo ayna iyaga laftoodu ka dheerayn, meelaha ay isku horfadhiyaan ciidama beeleedyada reer Sool ee ka soo horjeeda, joogitaanka ciidamda Puntland oo ay hada colaada xoogani ka dhaxayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is not a war between somaliland and puntland sxbayaal ,,,,

 

It is between reer Sool and puntland .....

 

 

IT IS SAD THAT PEOPLE ARE DYING THERE ... No one has be happy about what is happening in there. We are loosing souls.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this