Sign in to follow this  
QabiilDiid

Boocame Declaration

Recommended Posts

Taleexi   

I will subscribe to this remark by Muhsin.

 

Reason and foresight are very scarce resources in the errant secessionist enclave and you can expect them to stay put in Lascanod until they are ignominiously thrown out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaaliyada SSC Ee UK Oo Teegeertay Baaqii Garaadada

 

(Laascaanood}23.11-7

Anagoo ah Jaaliyada Reer Uk ee u dhashay deegaankan SSC khaasatan Buuhoodle waxaanu halkan ku taageraynaa bayaankii Garaadada *********** ee ay kasoo saareen Degmada boocame ee gobolka sool kuwaas oo ku baaqay in layska dhiciyo cadowga

 

waxanu u soo gudbinaynaa duco iyo khayr badan dhamaanba waxa garadakii halkaa isugu yimi.

 

waxanu idiinku mahada naqaynaa dhawaqii aad isku af garateen anaguna waanu idku garab taaganahay

 

waxaan ku khatimayaa cadawgiina iska ilaaliya ka gudaha jooga iyo ka debeda jooga labadaba illahana isku xidha waxad tihiin darawiish

 

Widhwidh Online NEws Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Reason and foresight are very scarce resources in the errant secessionist enclave and you can expect them to stay put in Lascanod until they are ignominiously thrown out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadii aanu nahay Jaaliyada SSC ee Kudhaqan Wadan USA khaasatan columbus OHIO} waxaanu si buuxda u taageeraynaa dhamaan go’aanadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay shirkii Boocame.

 

 

waxaannu kale oo u mahadnaqaynaa beesha reer Boocame sidii sharafta lahayd ee ay u soo dhoweeyeen tolkood...

 

 

Anaga oo ah Jaaliyadda SSC ee ku dhaqan waxaannu tageero, hiil iyo hooba leh, la barbar taagannahay go'aanadii wax ku oolka ah ee kasoo baxay shirkii Boocame (Nov 22nd 2007) ugu xidhmay isimada iyo ergooyinka beesha SSC.

 

 

 

 

 

Waxaannu isimada beesha SSC ku bogaadinaynaa sida geesinimada iyo xilkasnimda leh ee ay u guteen xilkoodii odaynimo. Waxaannu iyana u bogaadinaynaa dhammaanba ergooyinkii iyo waxgaradkii kasoo qayb-galay shirka.

 

 

 

 

 

Waxaannu ku boorrinaynaa dhammaanba shacabka SSC meelkasta oo ay joogaan inay, iyaga oo isku duuban,in ay u guntadaan sidii loo tabbo-gelinlahaa, loogana midho-dhalin lahaa go'aammadii shirka ka soo baxay. Waxaannu kale oo ummadda Soomaliyieed ee midnimada jecel ka codsanaynaa inay tixgelin iyo taagero buuxda la barbar istaagaan go'aanada ( xaqa ah) beeshu gaadhey.

 

 

guddoomiyaha jaaliyadda columbus ohio

 

 

cabdillaahi nuur faracadde.

 

 

 

 

 

Cabdilahi SHiikh yusuf

 

 

ohio Colombos Xafiiska USA ee Boocame.com

 

 

Contact:- xiinfiniin1@hotmail.com wixi Soo diraya Baaq kala Xiriir Xafiiska USA ee Boocame.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabay Ka hadlaya Arrimaha Laascaanood Oo Luqda Englishka Lagu Tiriyey

 

 

Nov 24, 2007 By:Cabdinasir Osman Faarax

 

Atlanta(jidbaale.com):-I am very proud and optimistic as I read news from Boocame. Our delegates (Isims, Chiefs &Intellectuals) have shared their thoughts on the current crisis and presented their final statement to the Somali people and the international community. We must support them and move forward with decisive actions. I am so thankful for their conclusion and their speeches regarding {SNM gang}***** incursion on our territory and I see victory on the horizon. Though I am not a lyricist, I come up with this little epic bard.

 

 

Few days ago!!!

 

I see my tongue lost and my heart weaken.

My mind wild and right to fall

But- today at the peripheries of boocame

I see the crops of victory- once again,

I see delegates chatting and secretly planning

Their brain joined and teemed wisely.

I see the world gazing at their vital decrees –(Baaqyo)

Declaring what I see as a principle.

I see them trouncing the phony rumors-

Avowing the long stoppage truth

I see them uniting Somalia as whole

Denouncing the enemy of the terrain. (SNM gangland/Somaliland)

I see them declaring lessons to teach

Quaking the walls of the rotten Hargeisa

I see the SNM Gangs’ bunch of hooligans

Like faint xaabsade and the faded Fu’aad,

Wondering what is next.

I see laascaanood weeping for help

Spoilers roaming its outskirts

I see {SNM gangs} butchers troubled

Raping and banging tiny girls

I see the dervishes moving on

Feel no pain

I see them saying,

This is the naughty end of the enemy!

I see dervishes storming forward

With a sub machine guns

I see the guns smoke and Cowards shriek

Somewhere in Sool

I see foes bawling like faint pigs

I see their bodies lie unburied,

On the outskirts of our colossal city

I see them Milled restless in the soil

I see them say “We will never Come back .”!!!!!

Never again, never never, never in puntland… F.u.t.o Xun……

Guusha Daraawiish baa leh.

 

Cabdinasir Osman Faarax

Atlanta, Georgia.

mhassan2@spsu.edu

Share this post


Link to post
Share on other sites

If you can understand not only speak Somali, do not miss this one. Listen to it. I am sure you will not be disappointed... Saciid Cabdi Sabarey on Jiidaale website

 

I wish Saciid was the President of Somali Republic and he should seek to become one one day...He is a real unifyer and a brilliant contrast to SNM gang's nonsensical beliefs.

 

Enjoy... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

^^ Adigu Somaliland ayaad ku Khafiiftey ma istidhi?

Waxa la yidhi ninka Khamiista waalanayaa arbacaduu sii xayd xaytaa.lool :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir Ay Isugu Yimaadeen Jaaliyadda SSC ee Kenya Oo Lagu Taageero Go'aamadii SHirkii Boocame Badbaado3 Oo Ka Dhacay Magaalada Nairobi.

 

Nov 25, 2007 By:Farxaan Maxamed Rooje

 

Nairobi(Jidbaale.com) Shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada SSC ee ku dhaqan wadanka kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi ayaa lagu go'aansaday in hiil iyo hooba la isla garab taago go'aamadii ay soo Saareen Garaadada *********** Shirkii Boocame.

 

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadda SSC ee Wadanka Kenya ayaa waxaa Ajandihiisu ahaa

 

1. In la taageero Shirka Boocame

 

2. In Lagu Taageero Dhaqaale Shirka Si Ay U hirgalaan Go'aamadii Ka Soo Baxay Shirkaas.

 

Ugu Horreyn waxaa aayadaha Quraanka ah Iyo Wacdi Ku Furay SHirka Shiikh Maxamed Maxamuud Maxamed (MMJ), waxaana uu shiikhu ku dheeraaday wacdigiisa isagoo sheegay in cabsida eebbe ay tahay mid lagama maarmaan ah taasi oo if iyo aakhroba lagu bedbaadayo.

 

Intaasi Ka Dib Waxaa Microphone ka lagu soo Dhaweeyey Odey C/samed Diiriye, oo ka mid ahaa marti sharafta fadhidey Goobta, waxaana uu Odey C/samed Ku Dheeraadey Qiimaha Uu Leeyahay In La Midoobo Oo dadku uu noqdo ul iyo diirkeed, waxaana uu sheegay in uu isagu ka odey ahaan uu taageersan yahay go'aamada ka soo baxay shirka, uuna la garab taagan yahay taageero maal iyo mid maskaxeedba, Isagoo hadalkiisii sii watan wuxuu yidhi "waad ogtihiin go'aamada laga soo saaray Shirkii Boocame 3, waxaa inagu waajib ah ka reer nairobi ahaan inay ayidno, dhaqaale aynu ku taageerno, taageerno dadka u heellan inay xoreeyaan deegaankiinii iyo dadkeeniiba"

 

Intaasi ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Minbarka Maayarkii Hore Ee Degmada Laascaanood Maxamed Tuuhe "Taleexi" waxa uu Maxamed sheegay in maanta oo kale aan loo joogin ama aan la is weydiin karin ma ayidnaa go'aamadii mise ma ayidno, ninkii aan ayidin go'aamada inaga inaga mid maaha ayuu yidhi Mr. Taleexi, waxaa kale oo uu taleexi ku amaanay isimada sida ay isugu duubmeen meelna uga soo wada jeesteen cadowga qabsaday dhulkooda.

Caaqil C/rashiid Cabdi Aabi ayaa isna jeerkiisii lagu soo dhaweyey microphen ka , waxaana uu caaqil ku nuux nuuxsaday isagoo ku hadlay afka Cuqaasha Ku Sugnayd Madasha in ay ayidsan yihiin go'aamada ka soo baxay shirka, ayna diyaar u yihiin inay kaga qayb qaataan iyaga iyo bulshada kale ee SSC sidii loo fulin lahaa go'aamadaas Talo Iyo Tamarba.

Dr. Yuusuf Maxamed Cali ayaa isna lagu soo dhaweeyey minbarka Dr. yuusuf waxa uu ka sheekeeyey sumadda ay wataan maamulka dirta waqooyi ee qabsatay dhulkii daraawiishta, isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yidhi "waxaad ku aragteen baan filayaa waxa loogu yeedhay astaanta maamulka dirta waqooyi siiba xisbiga loo yaqaan udub, ma is weydiiseen weli udubkaasi wuxuu yahay iyo wuxuu ka turjumayo, udubkaasi waa ka uu leeyahay xisbiga loo yaqaan lukuudka ee ka taliya dalka israel, waxaana uu xisbiga lukuud uga jeedaa ujeedada udubka in uu luqunta kaga qabto carabta awooduu doonaba ha adeegsadee, xisibiga ka taliya dirta waqooyi ee loo yaqaan udub waxaa astaan u ah astaantii xisbiga lukuudka micnihiisuna waxa uu ka dhigan yahay in uu *********** luqunta kaga qabto sida yuhuudu carabta ugaga qabatay luqunta"

 

Jaamac Mahad Shiikh Maxamed ayaa isna lagu soo dhaweeyey microphon ka si uu uga hadlo, waxaana uu jaamac sheegay in soo saarida go'aamada ka soo baxay shirka boocame iyo ku dhaqaaqidooduba ay yihiin tubtii wanaaga iyo nabadda, horumarka u horseedi lahayd bulshada SSC, waxaana uu sheegay in aan waxba laga hagran taageeridda go'aamadii ka soo baxay shirka, awoodna uu ilaahay inoo siiyey inaynu dhaqaale ku taageerno ayna maanta mudan tahay in aan qof waliba karaankiisa uu soo bandhigo waxa uu hayo si loogu taageero tubta nabadda iyo Horumarka Mandaqadda SSC.

Falanqayn dheer ka dib waxaa iyana markoodii lagu wareejiyey microphenka Haweenka SSC ee ku dhaqan Nairobi, waxaana ay sheegeen haweenku haddii ay dahabkooda xaraashi lahaayeenba iyo maalookadaba inaanay hayn cid ay u gadaan waayo ragiiba waxaa ka awood weynaadey shakhsiyaad u shaqo tegay hargeysa sidaadi darteed waxaanu doonaynaa ayey yidhaaheen rag nool oo wado mariya dirta waqooyi iyo waxa la socdaba sidii lagu yaqaanay awoowayaashayo.

 

Gebegabdii kulanka waxaa lagu soo dhaweeyey minbarka Guddoomiyaha Jaaliyadda SSC ee Kenya Mudane Cali Diiriye Ducaale, isagoo hadalkiisii sii watan cali wuxuu yidhi " Waxaan u mahad celinayaa dhammaan marti sharafta kala duwan ee ka soo qayb gashay kulanka, anoo ku hadlaya magaca jaaliyadda SSC ee nairobi waxaanu taageersanahay go'aamadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay Shirkii Badbaado Boocame 3 waxaana ilaahay uga rajeynayaa inuu noqdo mid lagu guuleysto fulinta go'aamada ka soo baxay shirka, waxaanuna cadeynaynaa in haddii alle idmo aanu hiil iyo hooba la garab taaganahay go'aamada sidii ay u fuli lahaayeen"

 

Waxaana intaas ku soo gaba gabooyey shirkii iyadoo loo saaray dadka reer nairobi gudiyo ka soo uruuriya dhaqaalaha si loogu taageero fulinta go'aamada ka soo baxay shirkii boocame.

 

Farxaan Maxamed Rooje

 

Jidbaale.com

 

Nairobi - Kenya

 

jal007.jpg

 

jal018.jpg

 

jal015.jpg

 

jal005.jpg

 

 

Opinion/Articles-----(Fikrado)

Maxay shacabka SSC ka filayaan shirka Boocame? Jawab Qore:

High Traitors and Gangsters atop of Somaliland? Qore: Dr. Muhammad Shamsaddin Megalommatis

Qof Damiir Leh Baa Damqadee Doqoni Waa Moogee!!! Qore: Aamina Ubax Cawil

VOA correspondent in Lascanod Qore: Ali Harun

Liibaanow,habrahaada ku ekaaw! Qore: A.Dirir

Warka Madaxdiisii

RadioSSC Top News

Shirkii Badbaado Boocame Sadexaad Wuxuu Noqday Mid Guulaystey,Labada Maamulna Xisaab Danbe Ku Celiyey.

Odayaasha Beesha Jaamac Siyaad Oo Bayaan Soo Gaadhsiiyey Jidbaale.com Iyo Qurba Joogta Beesha Oo Qoraal Soo Saaray

War Deg Deg Ah:-shacabka ssc oo muqaawadii ugu horeeyey ku bilaabay maamulka midnimo-diidka ah,Dagaal Saaka Ka Dhacay Laasadaar

Somalidiidka Oo Digniin Culus Siiyay Website Yada SSC ugu Caansan

U Adeegayaasha Maamulka Midnimo-diidka Oo Saaka Ka Laascaanood Ku Xidhay Oday Hure Caalin

 

 

Maqal & Muuqaal

RadioSSC Broadcasting

Shirkii London ee beelaha SSCayn ee ka dhacay 04/11/2007

 

Nagala Soo Xidhidh e-mail radiossc@yahoo.com

 

Dhuyac Xuusho

 

Taariikhdii Boqortooyada Garaaddada Beesha *********** Oo Uu Inooga Taariikhaynayo Mudane Xirsi Cismaan Sancad

 

Qalcadda Taleex

 

Taariikhda Taleex

 

Khudbaddii Prof Cali khaliif Galaydh Uu Shalay galab Ka Jeediyey Jaamacadda Nugaal University Ee Magaalada Laascaanood.Qaybtii 1aad.

 

Gudoomiyaha Waxbarashada ee Degmada Laascaanood Kayse Cawil ladane oo Aanu Waraysanay

 

Cali Dhakaawe oo aanu ka waraysanay Madbacadda Laascaanood gaadhay ee dhawaan hawlgeli doonta

 

Guddoomiye Ku Xigeenka G.Cayn Jaamac Ismaaciil Dhible Oo Ka Warramaya Xaaladda Biyo La'aaneed Ee Gobolka Cayn

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdi Qawdhan Ayaa maanta Shir Saxaafaded uu kaga Hadlayey Deeqii Shalay timi iyo guud ahaan Deeqaha SSC ku qabtey Magaalada Laascaanood.

 

Wasiirka Waxbarshada ee Puntland Axmed Saciid Aw Nuur Iyo Gudoomiye Ibraahim Jaamac Daad, hadalkii ay maanta ka jeediyeen Shirkii ka dhacay Xarunta Dalladda ay ku bahoobeen Ururada badani ee Suod Ambreela ee M.Laascaanood

 

Engineer Siciid X Axmed Adan Xaad oo Baaq Nabadeed u soo jeedinayaa Beelaha Shaqaaqadu dhexmarayso Majiyahan

 

Madaxa Hay'adda SSHDA Axmed Cabdi Cali Shire Iyo Dr Cabdi Buraale Ismaaciil oo Ka Hadlay Maalinta Qaaxada Aduunka.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir “Dadka SSC In Aanu Waqooyi Galbeed Ka Soo Wareejino Siyaasiyan Waanu Ku Guulaysanay,Waxaase Noo Hadhay Hay’addahii Oo Iyaguna Meel Fiican Noo Maraya..

 

 

 

 

Dhinaca Cayaaraha

RadioSSC Sports News

Taariikhda Koobka Aduunka

Arsenal Iyo Barcelona Oo Caawa Ku Hirdayama Koobka Horyaalka Horyaaladda Yurub.

Xulka Kubada Cagta Ee Faraaciinta Ayaa Ku Guulaystey Koobkii 25 Ee Qaramada Afrika.

Xulalka Masar Iyo Ivory Coast Ayaa Iskugu Baxay Ciyaarta Kamadanbaysta Ah Ee Koobka Kubada Cagta Ee Qaarada Afrika 2006.

Pele Wuxuu Yidhi Ingiriiska Ayaa Looga Cabsi Qabaa Koobka Kubadda Cagta Ee Sannadka Dambe Ka Dhici Doona Jarmalka.

Kooxda Kubbadda Cagta Ingiriiska Oo Doonayaa In aan La Soo Hadal Qaadin Heesihii Dagaalka Laysku guubaabin Jirey

England Iyo Kooxdii Poland Cayaartii Dhexmartay Waxay Ku Dhamaatay 2-1 Ay Guushu Ku Raacday Kooxdii Ingiriiska Magaceeda Ku Ciyaareysey.

Ciyaartii England Iyo Wales Waxay Ku Dhamaatay Hal Gool Oo Ay Ku Badiyeen Kooxdii England Ka Socotey, Oo Iyadu Wadatay Taageerayaal Aad U Tira Badan

Ciyaar Lagu Maamusayey Dhismaha Jeelka Buuhoodle Ayaa Galabta Ka Dhacday Garoonka Kubbadda Cagta Ee Xabbado.

Ciyaaryahanka Henri Camara Wuxuu Qandaraas ciyaareed oo sadex sanadood ah La Saxeexday Wigon.

Koob Kubadda Cagta Ah Oo Loogu Magac Daray Maalinta Nadaafadda Ayaa Maanta Ka Furmay Magaalada Laascaanood.

Kooxada Kubada Cagta Ee Chelsea Ayaa Ku Guulaysatey Horyaalka Dalka Engaland.

Cayaar saaxiibtinimo oo dhexmartay degmooyinka Ceergaabo iyo Badhan

Ciyaar Shalay Ku Dhexmartay Xulka Gobolka Cayn Iyo Kooxda Horseed Garoonka Kubbada Cagta Ee Xabbado.

 

To enjoy more pictures click full page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this