Sign in to follow this  
General Duke

Clan courts supporters anger at latest cartoon of AMIN AMIR

Recommended Posts

Muxuu ula jeeday Amiin caamir in Sheekh Shariif uu dameer ku tilmaamo?

 

Posted on Monday, September 11 @ 11:58:18 EDT by editor

 

Amiin Caamir oo ah Nin Farshaxaniiste ah , loogana bartay sawir Gacmeedka uu uga hadlo arimaha Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay waxaa soo food saartay dhaliishii ugu heerka saraysay oo uu la kulmay kadib markii Shabakadani ay soo gaareen Emailo badan oo looga hadlayo Sawir Gacmeedkii ugu danbeeyay oo 10kii Bishan uu kusoo bandhigay Bogiisa Gaarka ah ee looga bartay Sawiradda Gacanta, Sawirkaasi oo ka hadlayay ama Muujinaya in Sheikh Shariif oo Dameer u eg uu dusha ka saaray Sheikh Xasan Daahir iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan isla markaana uu Shariifka haraantiyay Cali Mahdi Maxamed, baabuurkiisiina uu horay uga sii qaatay, Waxaa kaloo uu afka uga xiray Sheekh Shariif Liijaanta lagu yaqaano Dameerka xiliyada la hagayo ee xakamaha loo hayo. (Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo si gaar uga faaloonaya kadib markii aan u bandhignay Qoraaladda Onkod soo gaaray)

 

Eedayntaasi oo si weyn ay uga caroodeen Taageerayaasha Maxaakimta Islaamiga ee Soomaaliya, gaar ahaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dad badani ay ku yaqaanaan in uu yahay Hogaamiye hadal dabacsan oo wax weyn ka badalay Siyaasaddii Muqdisho oo uu u ahaa laf dhabar kadib markii dadka Reer Muqdisho ay ku taageereen Siyaadaiisa iyo hadaladii uu jeedinayay intii dagaalada ba'ani ay ka dhacayeen Magaaladda Muqdisho.

 

Amiin Caamir waa markii ugu horaysay oo uu soo bandhigo sawir sidan saamayn ugu yeesha, gaar ahaan qof lagu tilmaamo in uu Xayawaan oo kale yahay, loona muujinayo dadka in uu yahay Shakhsi ay dad gaar ahi ku shaqaysanayaan ama dusha ka saaranyihiin iyadoo Diinta islaamku ay Karaamaysay qofka bani'aadamka ah.

 

Horay waxaa Amiin Caamir uu usoo bandhigi jiray sawiro inta Badan uu uga hadlo Ethiopia oo uu u tusin jiray dadka Daawada sawiradiisa in ay damac ka leeyihiin arimaha Soomaaliya. Waxaa kaloo uu si weyn usoo bandhigi jiray sawiaradda ragga ugu cad cad xiligan Siyaasadda dalka oo ay ku jiraan hogaamiyayaashii laga awooda roonaaday, Dawladda kumeel gaarka ah iyo Golaha Maxaakiimta islaamiga ah oo iyagu haatan gacanta ku haya Muqdisho.

 

Micnaha Sawirka marka la sharxo waa sidee?

 

Iyadoo aan ognahay in hal Sawir-Gacmeed uu u dhigmo in ka badan 10 Bog oo qoraal ah ayaa sawir-Gacmeedkii ugu danbeeyay waxaa uu muujiyay in Sheikh Shariif oo ah Gudoomiyaha Golaha Fulinta uu ku shaqaynayo Siyaasado gaar ah oo ay ka danbeeyaan Hogaamiyayaal diimeed iyo kuwo siyaasadeed inkastoo dadka qaarkiis ay u arki karaan Sawir laga dha dhansan karo arimo Qabyaaladeed oo ah kuwii dalka soo bur buriyay.

 

Sheekh Shariif oo ah Hogaamiye ay dad badani u arkaan in uu isku hayo Maxaakiimta ayaa isna sawirkani uu muujinayaa in uu yahay qof aan caqli bdanayn ama lagu Shaqaysanayo , waxaana ka muuqda Astaamaha lagu yaqaano dameerka sida in Dhabarka laga saaran yahay, Liijaan afka looga xiray, in aanu ikhtiyaar lahayn oo la hagayo iyo Haraantida oo kamid ah waxyaabaha lagu yaqaano dameerka.

 

Waxaa kaloo Sawirka ka muuqda Cali Mahdi oo dhulka fadhiya isla markaana haraanti ay ku dhacday. waxaa kaloo intaasi dheer in laga qaatay Gaarigiisii oo Shariifku uu qaatay ( Sawirkaasi waxaa uu muujin karaa dhacdadii ay Cali Mahdi u gaysteen xubno kamid ah Maxaakiimta xilli ay hubka ka dhigeen iyo Gaari nooca dagaalka ah).

 

Dadka qaarkiis waxaa ay u arki karaan sawirkaasi in uu yahay Mid kicin karo Fidno qabiil oo ka duwan kuwii horay uu usoo bandhigi jiray Amiin caamir oo ah Shakhsi ay dad badani jeclaayeen waxyaabaha uu qoro.

 

Wixii Faah faahin ah kala xiriir

ridwanhaji@journalist.com

ama hadii kale emailkan

onkod@london.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aamiin Caamir see ka noqotay ma'ogi, laakiin Shariifka do not deserve in saas loo caricature gareeyo.

 

Shariifka inkastoo Korneel Aweys, Indhamadoowe iyo asxaabtiis ku ganbadaan, still waa shaqsi wanaagsan, oo u qalmin sawirgacmeedkaas sharaftiisa saa'id ugu ciyaaray.

 

Marmar aan jidka isku aragnaa Md. Caamir, perhaps I too should have a complaint for him nooh. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

And here we have die-hard cheerleaders of her-excellency Caasho Yuusuf whose only "ragnimo" is to complain and to whine! All the cheerleaders could do now is just being envious and resentful of the peace and the positive developments of the people in Mogadishu. what a loss! I have never seen any Somali from Mogadishu and surrounding being so vocally and passionately against the prospect of peace and stability in other parts of Somalia as Boosaaso or Berbera. They actually congratulate and celebrate such postivity. But that is not the case for the cheerleaders of Yeey as evidenced in this forum. We sense a deep seated hatred here. It is heartbreaking to still come across such decadent and diseased souls in the forum but such hatred will only consume that haters. All this negative propaganda and quotations of half-truths from clannish unreliable Somali sites and the constant hypocritical bashing of the competent courts will haunt you at the end of the day. The courts already won our hearts and we, the progressives and the conscious who are tired of the senseless failure and fratricidal violence will never go so low to wish failure and misfortune for our brothers and sisters regardless where they reside or what clan they hail from. People will keep on attending to their daily business and making real changes on the ground while at the same time ignoring all these ill-humored howling.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sawir Gacmeedkii Amiin oo ay ka Cawdeen Taageerayaasha Awees!

 

[16/09/06]

 

Sawir gacmeed uu soo bandhigay Ninka sameeya Sawirada Gacanta ee lagu soo bandhigo Websaadyada Somalida ayaa waxa uu xanbaarsanaa Xaqiiq u dhow waxa ka socda Siyaasada Xamar ay lugaha la'gashay.

 

Sawirkaan oo muujinayey sida loogu shaqeenayo Walaalaha Gal_guduud oo ay u dhex mushaaxayaan arladii oo dhan ayaa waxaa Websaadyada ku hadla codka Walaalaha Gal_guduud usoo weerareen shaqsigaas Sawirka ku cabirayey arigtidiisa ku aadan Xaqiiqda ka jirta Xamar si aan caadi aheen ayagoo ku war geliyey in aysan habooneen in uu arigtidiisa ku cabiro Runta.

 

Waxaase mucjiso leh in Websaadaya baahiya codka Walaalaha Gal_guduud ay isticmaalaan Sawirada uu sameeyo Aartiistahaas oo ay u arkaan mid ka turjumeesa Arigtidooda!

 

Waxaase aan la yaabay sidii uu durbaba kaga bixiyey Sawirkaas Websaadkiisa.Maleeshiyada Maxkamadaha Xamar oo ku dhawaaqay in ay soo xirayaan Xuduuda Kenya!!!

 

Waxaa su'aal ay ka taagan tahay maxaa ku kelifay Maxkamadaha Xamar in ay ku dhaqaaqaan Talaabada noocaas ah? yaase u dirsaday in ay xirtaan Xuduuda Somaliya ay la'leedahay Wadamada kale? ma Dowlad ahaan beey u dhaqmayaan mise waa qorshe lagu fulinayo Qori? ma lasoo gaaray xiligii Runta lagula dhaqmi lahaa Kooxdaan mooday waxbaa la weeraraa si aad ku hesho Hadafkaaga?

 

Xaabsade kulunkiisii Suudaan ee qarsoodiga ahaa muxuu soo balan qaaday? Ma'asagaa ka danbeeyey Qalalaasihii ay maleeshayadiisu ka rideen Baydhabo?

 

Ninka uu guuxiisa ka dheereeyo ee Isbaarada ku lahaa Baydhabo intii aysan Dowlada Federaalka ahi u soo guurin Baydhaba ayaa waxa uu isu mooday in aan la'ogeen lugooyada uu la damacsanyahay Reer Bay iyo Bakool, asagoo aan arkin waxa ay Maslaxadoodu ku jirto oo ah in ay helaan Dowlad ka bad_baadisa dhibtii ay kala kulmeen Warlooradii Xamar kasoo weerari jiray!

 

Xildhibaanada Digil/Mirifle waxaa loo soo jeedinayaa in aysan daba raacin Calool la cayaarka Suudaan ay Quraafadka ugu soo akhriyeen Qaran_diidka:

 

Yusuf Ali <tallmanaly@yahoo.ca

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by OLOL:

what a loss! I have never seen any Somali from Mogadishu and surrounding being so vocally and passionately against the prospect of peace and stability in other parts of Somalia as Boosaaso or Berbera. They actually congratulate and celebrate such postivity. But that is not the case for the cheerleaders of Yeey as evidenced in this forum.

I think that pretty much sums it up. I don't see any reason why one would appose even the slightest success story coming from Xamar after all these years off bad news and devastation, then we talk about "Somaliweyne" and that Somalis are "one" people with "one culture", I say that is bunch of load of crap, what kind of people who share all the above could envy each other to this extent, I don't get it?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this