Sign in to follow this  
Member-sol-

Dagaalka wa in la wadaa: Guddiga culimada soomaaliyeed

Recommended Posts

Go’aannada Guddiga Culumada‏

(08-11-2008)Sida aan wada ognahay ummadda soomaliyeed ee muslimka ah waxaa ku habsaday oo hareeyey musiibooyin waawayn, tii ugu dambeysayna ay aheyd duulaankii gaalada xabashida ah ay ku soo qaaday wadankeenii iyo diinteenii, iyadoo ka heleysa taageero dhaqaale, mid Ciidan iyo warbaahineedba Quwadaha sharta ee caalamka manta ka jira, waxaana arinkaa ka ratibmay oo ka dhashay.

 

 Nijaasayn iyo meel ka dhac lagula kacay Muqadasaadka Diineed ee Ummadda taasoo ay ka mid tahay: kitaabka Quraanka kariim ah oo ay u adeegsadeen in ay isaga tiraan Saxarada iyo waxyaabaha quranka ah, Masaajidyadii oo ay burbiryeen kana dhigteen Musqulo, qaarkoodna u badaleen xarumo saldhig u ah cadawga gaalada ah ee soo duulay.

 

 Waxaa la burburiyey aasaaskii nolosha ummada oo dhan oo ay ka mid tahay: burburinta xarumihii dacwada, dugsiyada qur’aanka Iskuulada iyo jaamacadaha, ilhii dhaqaalaha iyo degaanadii shacabkaba gaar ahaan caasimada muqdisho iyo gobolada qaarkood taas oo ay markii horeba ay Naafeyeen dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay.

 

 Waxaa laga barakiciyey Boqolaal kun oo Shacab ah Guryahoodii iyo Degaanadoodii Waxaa la dilay ama la baabi’iyey ama la dhaawacay tiro intaa ku dhow ama la’eg

 

 Waxaa la dulleeystay oo la Ihaaneystay Muslimiintii laguna dhibay diintooda iyagoo ku nool guryahooda, lagulana kacay falal xun xun oo ay ka mid tahay: in lagu laayey Masaajida dhexdooda loogana tagay meedkoodii banaanka lana horjoogsaday in la aaso ilaa ay Eeyuhu cuneen, waxaa xijaabka laga siibey gabdho soomaaliyeed ee muslimaad ah qaarkood laguna gubay hortooda.

 

Waxaas oo dhan waxay dhaceen kadib markii wadanka uu helay deganaansho iyo amni ay dhaliyeen hogaankii Maxkamadaha Islaamka oo kaashanaya shacabka soomaliyeed Alaahna uu garabgalay, amnigaas oo uu qiray Sokeeye iyo Shisheeyaba.

 

Markii ay soo galeen Gaalada wadanka ku soo duushay, Maxkamadaha Islaamka oo kaashanaya Shacabka Soomaliyeed waxay u istaageen la jihaadista cadawgaas soo jireenka ah, ayadoo awoodooda iyo xoogooduba yaryahay, laakiin Allaaah fadligiis waxay awoodeen in ay wiiqaan awoodii cadowga Hawadoodii iyo Yididiiladoodiina baa’biyaan, oo ay ku qasbaan una dhibaato galiyaan in ay dhufeysyo ka dhigtaan melo kooban oo ka mid ah caasimada muqdisho, ayadoo isla markaana ay kaga imaaneyso dharbaaxada mujaahidiinta dhinacwalba, laakiin waxaa wax laga xumaado ah in midnimadii ciidanka muslimiinta ay wiiqanto kadib markii khilaaf siyaasadeed uu soo kala dhexgalay hogaankii maxkamadaha islaamiga ilaa ay noqdeen kooxo.

 

Sidaa darteed culumada iyagoo arinkaa wax ku dhisaya arkayana in ay waajib tahay in la daba qabto arinka, la iskuna keeno xooga mujaahidiinta lana hagaajiyo wax kasto oo suurtagal ah in la hagaajiyo, ayaa waxa ay soo saareen qaraaradaan iyo dardaaranadaan iyo waliba fataawahaan sharciga ah ee soo socda:

1. Waxaa waajib ah in la wado jihaadka sharciga ah ilaa uu ka baxo askariga ugu dambeeya ee kamid ah Cadowga gaalada ah ee wadanka ku soo duulay.

2. Waxaa lama huraan ah in la qabto shir la isugu keenayo laguna heshiisiinayo dhamaan dhinacyada is khilaafsan, laguna saxayo wixii khaldamay muddo bil gudaheed ah taas oo ka bilaabaneysa 22 shawaal 1429H oo ku began 21 october 2008.

3. Waxaa laasim ah in ay shirkaasi ka soo qayb galaan labada daraf (darafka Jabuuti iyo darafka Casmara)

4. Waxaa labada daraf laga joojiyey gelista dhamaan heshiisyada siyaasadeed iyo kuwa amni, ilaa uu shirkaa Dib u heshiisiinta dhameystirmayo.

5. Si aanay u imaanin xaalad Baylah, waxaa howsha gudaha sii wadaya laga bilaabo 22 shawaal 1429H ilaa shirka uu dhamaanayo Culimada iyo hogaanada Ciidanka Mujaahidiinta ee gudaha wadanka.

6. Waxaa xaaraam ah in loo adeegsado warbaahinta noocyadeeda kala duwan dicaayadaha, is durista iyo istuhunka darafba darafka kale uu u marinayo warbaahinta, taas oo abuuri karta colaad iyo cadaawad soo kala dhexgasha dadka muslimiinta ah ee walaalaha ah, sidoo kale waxaa xaaraam ah in laga shaqeeyo koox abuurasho laga sameeyo mujaahidiinta gudahooda, taas oo si toos ah u dhaawaceysa midnimada.

7. Waxaa waajib ah in laga fogaado lagana dheeraado Falalka iyo Howlgallada aan cadowgana dhibaata galineynin, muslimiintana u soo jiidaya dhibaato ku dhacda naftooda iyo xoolahooda.

 

Dardaaran

 

1. Culumada waxay u dardaarmayaan dhamaan ummada soomaaliyeed Allaah cabsidiisa, qabsashada xariga Allaah iyo tuurista wax alle iyo wixii khilaaf iyo kala tag keeni kara, waxaanan shaki ku jirin Dhibaatada umadda ku dhacday in uu uga yimid wixii ay gacmaheedu kasbadeeneen, ee aan looga imaan meel kale, waxa ku dhacayna ay tahay cadaab ka dhashay arintaas, sidaa darteed waxaa waajib ummada ku ah in ay si deg deg ah allaah ugu toobad keenaan towbad dhab ah, xaalada ay ku suganyihina wanaag iyo raali galin allah ku bedelaan si allaah wax uga bedelo xaaladooda taas ayeeyna wanaaga iyo liibaanta oo idil ku jirtaa.

 

2. Waxay culumadu u dardaarmayaan hogaanka Maxkamadaha islaamiga iyo dhamaan dhinacyada jihaadka ku jira in ay mideeyaan xoogooda, xoolahooda, iyo kalimaddooda, gaar ahaan waqtigaan adag ee aynu ku jirno, maxaa yeelay hanashada Guusha waxay ku jirtaa wadajirka iyo iskaashiga shirciga waafaqsan, Jabka, Hoogga iyo Halaaguna wuxuu ku jiraa kala taga iyo isdhagridda cadaawada ku dhisan.

 

3. Culumadu waxay u dardaarmayaan dhamaan walaalaha mujaahidiinta in ay ula noqdaan Masaa’ilka diineed oo dhan Culumada, iyo wax alle iyo wixii soo wajaha ee masaa’il ah, oo ku saabsan dhiiga, xoolaha iyo sharafka, inta aaneygalin oo aaney ku dhicin ka hor, oo ay ogaadan inay khayr Badantahay Sharaci ahaan intii Qof kalad ah lagu dili lahaa inuu Qof dil mutaysatay fakado, maxaa yeelay badbaadada wax u dhigma ma jiraan.

 

4. Culumada waxay u dardaarmayaan kuwa gaalada ka wali yeeshay ee wadankii iyo umadiiba u soo jiiday sharta, ee kharibay diinkeedii iyo duunyadiidiiba in ay Allaah u toobad keenaan, oo ay ka soo noqdaan dambiga wayn oo ay ka galeen Allaah iyo ummadaba, inta uusan waqtiga dhamaam, oo markaas aduunyo iyo aakhiraba khasaaraan.

 

Ugu dambeyn waxaan ummada uga mahadcelineynaa mahada allaah kadib kuna amaaneeynaa: adkeysigooda joogtada ah iyo taageeradooda aan kala harka lahayn oo ay jihaadka ku taageeraan naf iyo xoolaba, si ay Caqiidadooda, Naftooda iyo Sharafkoodaba u difaacaan, waxaanan uga tacsiyeeneynaa dadka laga laayay, waxaanan Allaah uga baryeeynaa in uu u dambidhaafo janadana geliyo, kuwooda bukana uu caafiyo, kuwooda dhaawacana bogsiiyo, kuwooda baahanna quudiyo, kuwooda qaxayna hoysiiyo, Alaah Isigaa arinkaas awood u leh cid la kaashadana asigaa uguwanaagsan.

 

MAGACYADA CULUMADA

 

1. Sheekh Bashiir Axmed Salaad

2. Sheekh Cabdullaahi Sheekh Nuur

3. Sheekh Nuur Macalin Cabdiraxmaan

4. Sheekh Nuur Cali Jaamac

5. Sheekh Dr.Cumar Cali Cabdullahi

6. Sheekh Cusmaan Ibraahiim Axmed

7. Sheekh Dr.Axmed Macalin Max’ed (Axmed Imaam)

8. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

9. Sheekh Cabdirisaaq Aadan Macalin

10.Sheekh Max’ud Sheekh Ibraahim Max’ed (Suuleey)

11.Sheekh Sayid Cumar Macalin Cabdi

12.Sheekh Macalin Maxamud Macalin Nuur

13.Sheekh Salaad Axamed Siyaad

14.Sheekh Max’ud Sheekh Axmed Xasan (Abuusheyba)

15.Sheekh Cali Cabdullahi Cabdulle

16.Sheekh Axmed Max’ud (Axmed Yare)

17.Sheekh Max’ed Xuseen Cabdi (Cadow Dheere)

18.Sheekh Isxaaq Macallin Xasan

 

Waxaa qoraadkaan iyo dardaaranadaan waafaqay kaddib markii lagu dul aqriyey, Qaarkoodna loo sharxay culumada kala ah:

1. Sheekh Shariif Cabdinuur Sharif Xasan (Allaah ha xifdiyo)

2. Sheekh Max’ed Nuur Qawi = = =

3. Sheekh Max’ud Ciise Max’ud = = =

4. Sheekh Axmed Macalin Daahir Aweys = = =

5. Sheekh Abuubakar Cabdiraxiim Axmed = = =

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Maalinba qaar baa hurdada ka soo sasa, kadibna waxii ay gacanta la helaan afarta goonyood u kala halgaada.

 

Berina kuwa kalaan sugeeynaa... Allow sahal umuuraha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Sheikh Ibrahim Suley? was he not one of the leaders/commanders of the ICU? Then how can he assign himself to any fatawa which is supposedly neutral? ya?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this