Sign in to follow this  
General Duke

Sufi's strike back.... [Shiekh Abdulqadir Jaylani Brigades are on the march]

Recommended Posts

Muqdisho:War deg deg ah : Al-Shabaab oo ka baxay Wabxo iyo Ahlusunah oo kaabiga ku haya CeelBuur

18. august 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )Wararka laga helayo deegaanka Wabxo ee G/Galguduud ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay ka baxeen deegaankaas oo ay aadeen dhinaca degmada Ceel Buur.

 

Ka bixitaanka Al-Shabaab ee Wabxo waxaa loo aaneynayaa kadib markii xoogagaga Ahlsunah ay kaabiga ku soo qabteen Wabxo , waxaana la sheegayaa in ay damacsanyihiin in ay weeraraan fariisimahaas.

 

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa dhinaca kale ka socda G/hiiraan degmooyin ka mid ah sida Buuloburde oo wararku ay sheegayaan in laga cabsi qabo dagaal ka dhaca , waxaana heegan la galiyey xoogaga Al-Shabaab ee G/Sh/Dhexe .

 

Maalmihi ugu dambeeyey waxaa jiray qorshayaal ka dhan Al-Shabaab oo ka socday gobolada koonfureed ee Soomaliya.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyada Ururka Ahlu Sunna Oo U Dhaqaaqay Degmada Ceel-Buur.

17 August, 2009 01:55:00 Toronto t.

Font size:

 

Ururka la baxay Ahlu Sunna ayaa sheegay in xoogagooda gobolada dhexe ay dhawaan soo gaareen maleeshiyaad badan oo tababar uu ugu soo dhamaaday gudaha Itoobiya ayna dhawaan qaadi doonaan dagaal baahsan oo ay sheegeen inay ku qabsan doonaan degmada Ceel-Buur. Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa War Xoolaad oo ku taala inta u dhaxaysa dagaanada Wabxo iyo Ceel-Buur, waxaana halkaas isku aruursanaya maleeshiyaad wata magaca Ahlu Sunna oo damacsan inay weerar baahsan ku qaadaan degmada Ceel-Buur.

 

Guulaha ay gaarayaan maleeshiyaadka Ahlu Suna ayaa soo badanaya, waxana ku dhacay xoogaga Al-Shabaab dharbaaxooyin is xigxiga oo ay kala kulmeen kuwa Ahlu Sunna. Dagaalkii Galcad ayaa loogu gaystay Al-Shabaan jab aad u wayn, waxana lasoo sheegayaa in degmadaas looga dilay Al-Shabaab maleeshiyaad gaaraya 50. Waxa xigay jabkii shalay kasoo gaaray Balad-Xaawo oo ay iskaga bexeen iyadoo wax dagaal ah uusan halkaas ka dhicin.

 

Haddii laga qabsado Al-Shabaab degmada Ceel-Buur oo ah saldhigooda ugu adag ayaa waxa halkaas laga qaadan doonaan jab dhamaystiran oo kusoo fool-leh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahlu sunna Waljamaaca.

 

Marka laga tago, Shabaabka, Xisbul Islaam, Dowladda iyo Amisom waxa jira cudud soo baxday oo aan maanta daah saarnayn kuwaas oo ah Culumaa’udiin markii hore aan dagaalba waxba ka galin, Ahlu sunna waljamaaca, sababta keentay in ay dagaalamaan waa ay iska cadahay, waana markii ay dareemeen in xaalkii ku xumaaday, ayna arkeen in la faragaliyay caqiidooyinkoodii hoose, sida Digriga, Alle Bariga,( Xoola Qalka), Qabuuraha la faagay iyo wixii la halmaala.

 

Cadaawada ugu badan ee Ahlu sunna waljamaaca waxay ku wajahan tahay, Ururka Al shabaab iyo Xisbul islaam, waxana lagu tilmaami karaa dagaalka dhinacyadan kala baxa, kooxo Diimeedka Soomaalida( Final-Stage).

 

Ururka Ahlu sunna wuxuu ka wadaa abaabul Ciidan Gobolada Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo meelo badan oo Koofurta ka mid ah.

 

labada Urud Diimeed ee Al shabaab iyo Ahlu sunna, waxaa marag madoonta ah in kala baxoodu uusan fogayn maxaayeelay, Bal fiiri dagaalada sii xoogaysanaya ee ka socda Gobolada dhexe, sida shalay oo ugu dambeysay waxa dagaal qaraar uu ku dhexmaray deegaanka Gal-Cad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, balse aad ugu dhaw xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

 

Dagaalkii shalay ku dhexmaray labadan kooxo diimeed Degmada Gal-cad oo hoos timaada degmada Masagawaay waxa kaga dhintay labada dhinac in ka badan 10 ruux sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ahi.

 

Ahlu sunna waljamaaca waxay awood ugala wareegeen, Ururka Al shabaab inta badan Gobolada Mudug iyo Gal-gaduud waxana hada ay ku sii dhawaanayaan deegaano hor leh oo xad la leh gobolada Hiiraan iyo shabeellada Dhexe.

 

Doolow Soomaaliya maxaa ka socda?,

 

waxaa ka socda Abaabulkii ugu xoogga badnaa oo ay wadaan wadaado ka tirsan Ururka Ahlu sunna, kuwaas oo 6 bilood ka hor Al shabaab ay ka eryeen Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

sidoo kale Ciidamo uu wato Barre Shire Barre Hiiraale oo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa halkaasi isku aruursanayay muddo.

 

Afhayeen u hadlay,Ahlu sunnada ku tababaranaysa Doolow, ayaa sheegay in Maalmaha soo socda ay ka sifeyn doonan Al shaabab guud ahaan Gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

 

Hadaba gunaanadkii, Wajiga Cusub ee dagaalka u dhaxeeya, Dowladda KMG ah, Ahlu sunna waljamaaca oo hadafkoodu yahay in ay tir-tiraan Al shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah, ayaa waxa dhinacyadan oo dhan ay sheegeen in ay sii laba jibaarayaan Dagaalada inta lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxana qaar kood ay bishaan ramadaan u arkaan fursad ay Illaahay ugu dhawaanayaan haddii ay dagaalamaan, waa sida ay qabaan qaar ka mid ah kooxaha dagaalamaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Only a matter of time before they reach Ras Kaambooni. The government was wise in aligning themselves with this group early on.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

lol@ Abdi Qadir Jaylani bregades. This Drama will never end. Aduunka ma arag magaalooyin laysaga baxayo iyadoon dagaalba dhicin. Maanta adigu qabso, anigu barri aan qabsado, saadanbe Xabashi ha qabsado. Alla ha sahlo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

I think these Suufi guys are worse than Al-shabaab. They are stooges for the habashi before you know the will recite a hadith that will say now one can attack Ethiopia and that Ehtiopia was blessed by the prophet!!!

 

I don't trust them!

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Hunguri:

lol@ Abdi Qadir Jaylani bregades. This Drama will never end. Aduunka ma arag magaalooyin laysaga baxayo iyadoon dagaalba dhicin. Maanta adigu qabso, anigu barri aan qabsado, saadanbe Xabashi ha qabsado. Alla ha sahlo!

Gay_soccer_fight.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this