Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Meets with Military Officers

Recommended Posts

Madaxweyne Rayaale ayaa xalay qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay saraakiisii ciidamada maamul goboleedka Puntland ee degmada Buhoodle oo maalintii doraad soo gaadhay magaalada Hargeysa, kadib markii ay ka soo kici timeen degmada Buhoodle oo la sheegay inuu soo hor kacay wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul oo isagu muddo bil ah hawlahaasi ugu maqnaa degmada Buhoodle.

 

Sida ay ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola Qasriga Madaxtooyadu waxa ay noo sheegeen in Madaxweyne Rayaale xalay qasriga madaxtooyada kulan kula yeeshay 14 Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland u fadhiyey degmada Buhoodle, kuwaas oo uu hogaaminayey Taliyihii ciidamada maamul goboleedka Puntland ee degmadaasi kornayl Maxamed Dhulqaas oo ay xubno ka ahaayeen saraakiishii hoose ee Hubka gacanta ku hayey, taas oo sida la sheegay Saraakiishan ciidamada maamulka Puntland ee soogalay Somaliland la sheegay inuu dhex maray xidhiidh wada hadal oo beryahan dambe uga wada socday wasiir ku xigeenka hawlaha guuud C/risaaq Cawil Bacaluul iyo saraakiisha ciidamada jiida Puntland ee fadhiisinkoodu yahay degmada Buhoodle, taas oo natiijadii wada hadalkoodaasi uu noqday in maalintii doraad ay casimada Hargeysa soo gaadhaan isla xalayna kulan ay kula yeeshaan madaxweyne Rayaale qasriga madaxtooyada, kulankaas oo la sheegay inuu dhex maray madaxweyne Rayaale iyo saraakiishaa Puntland ee uu hogaaminyey kornayl Maxamed Dhulqaas, ayaa waxa ay tibaaxuhu noo sheegeen in madaxweyne Rayaale iyo saraakiiishaasi Puntland ay ka wada hadleen sidii loo qaramayn lahaa ciidan maamulka Puntland oo ay degmada Buhoodle ku xukumayeen iyaga iyo gaadiidka tiknikada ah ee ay gacanta ku hayaan taas oo sida ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen ay kulan kaasi isku afgarteen saraakiisha ciidamada Puntland ka soo galay.

 

Waxaana ay tibaahxuhu noo caddeeyeen in kulankaasi uu goob joog ka ahaa wasiir ku-xigeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul oo isagu ka soo jeeda deegaanka Buhoodle, isla markaan ahaa masuulka xidhiidhka wada hadal la soo sameeyey saraakiisha ciidamada Puntland ee u soo galay Somaliland, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay inay ahayd 14 sarkaal oo iskugu jira taliyeyaasha ciidamada milateriga iyo Bilayska ee maamul goboleedka Puntland u jooga deegaanka Buhoodle.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ka soo galay oo maalintii doraad caasimada Somaliland soo gaadhay ayaa iyagu wax tafaasiil ah diiday inay wargeyska Haatuf ka siiyaan waxyaabaha ay kulanka kaga wada hadleen madaxweyne Rayaale.

 

Waxaase tibaaxo ka ag dhaw kulankaasi saraakiisha ciidamada Puntland iyo madaxweyne Rayaale ay noo sheegeen inay halkaasi saraakiisha ciidamada Puntland ee uu hogaaminayey kornayl Maxamed Dhulqaas ka caddeeyeeen inay gabi ahaanba ku soo biireen maamulka Somaliland, kuwaas oo ka soo baxay maamulka Puntland ee ay ka tirsanaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

14 Sarkaal oo kasoo Goostay Puntland oo Madaxweyne Rayaale Kula Kulmay Qasriga Madaxtooyada JSL

 

 

Hargeysa (Qarannews)-Xubno Sarkaaiil ah oo uu hogaaminayo Mr. Cabdirisaaq Cawil Bacaluul oo ahaa ka Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud ee Maamulka Puntland ayaa Habeenkii Xalay la kulmay Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Weftigan oo sida wararku sheegayaan ka soo ambabaxay gobolka Boohoodle waxa ay ka koobnaayeen 14 Sarkaal oo khaas u ahaa Ciidamada Hubka Gacmaha ee Maamulkaas isla markaana uu horkacayay Taliyihii ciidamada maamul goboleedka Puntland ee degmada Buuhooodle Col. Maxamed Dhulqaas. kulankan ayaa ka danbeeyay wada hadal baryahanba u socday labada dhinac iyagoo 3 maalmood ka hor soo gaadhay Caasimada HArgeysa, waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii hub ka dhigis loogu samayn lahaa maleeshiyaadka iyo Tiknada ay wataan ee ay kala soo goosteen Puntland ee ku sugan Buuhoodle, iyadoo wararku sheegayaan in ay isla afgarteen.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ka soo galay oo maalintii doraad caasimada Somaliland soo gaadhay ayaa iyagu wax tafaasiil ah diiday inay ka bixiyaan waxyaabaha ay kulanka kaga wada hadleen madaxweyne Rayaale.

 

Waxaase tibaaxo ka ag dhaw kulankaasi saraakiisha ciidamada Puntland iyo madaxweyne Rayaale ay noo sheegeen inay halkaasi saraakiisha ciidamada Puntland ee uu hogaaminayey kornayl Maxamed Dhulqaas ka caddeeyeeen inay gabi ahaanba ku soo biireen maamulka Somaliland, kuwaas oo ka soo baxay maamulka Puntland ee ay ka tirsanaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It looks like Daahir Riyaale is making successful inroads in Buuhoodle. Good that the Somaliland presence in Buuhoodle has been strengthened with the coming onboard of Col. Dhulqas and other local officers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Why is he meeting Military leaders now - could it be cause of the return of a redundant Yeey in next door neighbour.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this