Sign in to follow this  
Juje

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia oo goor dhoweyd lagu toogtay

Recommended Posts

Juje   

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia oo goor dhoweyd lagu toogtay bartamaha magaalada Baydhabo

 

Daqiiqado ka hor ayaa bartamaha magaalada Baydbabo ee gobolka Bay waxaa lagu toogay Xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka Somalia oo lagu magacaabo jiray ALLAHA u naxariistee marxuum Ismaaciil Xasan Timir, ka dib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan.

Dilka xildhibaanka ayaa yimid ka gadaaal markii xili uu ka soo baxay hotel ku yaala magaalada Baydhabo oo lagu magacaabo Isku Aamow kuna soo jeeda hoygiisa ay weerar ku soo qaadeen kooxo bastoolado ku hubeysan kuwaasoo rasaas ku furay, iyadoo xildhibaankana uu isla goobtii ku geeriyooday.

Kooxdiil dilka u geysatay xildhibaan Timir ayaa si dg deg ahh goobta uga baxsaday iyadoo daqiiqado ka dib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan DF oo baaritaano kaa bilaabay nawaaxiga goobta uu dilku ka dhacay iyadoo xaalada magaalada Baydhabo ay cakiran tahay iminka, mana jiro war arintaasi ku saabsan oo ka soo baxay maamulka gobolka Bay ilaa hadda.

Xildhibaankan la dilay ayaa ahaa wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta ee xukuumada Nuur cade issagoona aha shaqsigii warqada ka hor aqriyey barlamaanka markii la dhalilaayey madaxweyne Yuusuf

Dilka daqiiqado ka hor loogu geystay magaalada Baydhabo Xildhibaan Ismaaciil Xasan Timir ayaa noqonaya kii labaad ee loo geysto xildhibaanada baarlamanka Somalia,. Iyadoo bartamihii sanadkan lagu dilay magaalada baydhabo Xildhibaan Maxamed Cismaan Maye oo ka mid ahaa xildhibanada baarlamka iyadoo mudooyikan ay sii kordhayeen weerarada lagu hayo xildhibaada baaraamanka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alaha u naxariisto, Laakiin Suldaanow maad nifaaqa joojiso? What is happening in Baidoe is political war, not clan war so why wish for civil war for Somalia, your own country?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

ILAAHAY naxariistii jano haka waraabiyo AAMIIN.

 

Hadii xaq daro lagu dilay ILAAHAY baa ka abaal marin doona.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

He is originally from Somaliland.

I'm glad he died in that way ..... Allah ha u naxariisto though ,,

You are glad????????

Wallahi waad kaso dartey markaan JB...lafaha ayad ka jiran tahey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

You would think the secessionist chief propagandist inoo tusaalo qaato wixii ku dhacey his TFG colleague.

 

Alla Ha unaxariisto Marxuumka, reerkiisana samir iyo iiman haka siiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this