Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army given green light to liberate Buhoodle

Recommended Posts

Xaajigu meeshuu hadda joogo rag joogi jirey oo sallimay baa badan Ayyoubow :D . Alla maxaan u soo joogay Suldaanka iyo Ayyoub oo faruuryo qaniinsanayya :D

 

Give xaaji xunjuf few months and he will see the light as others before him did

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by AYOUB:

^ Xaaji don't be a war-monger. It's not good.

i am not a war monger, But khadar is and his so called jabhad. the sl elders are in the buhoodle district to restore peace between the brotherly clans

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

quote:Originally posted by AYOUB:

^ Xaaji don't be a war-monger. It's not good.

i am not a war monger, But khadar is and his so called jabhad. the sl elders are in the buhoodle district to restore peace between the brotherly clans
Xaaji you are indeed warmonger, give it a rest. Buhoodle was gone a longtime ago and war will make it even worse. If you make this SSC vs clan of Burco you will be the loser.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Qaranka Oo Ku Ruqaansaday Duleedka Buhoodle, Xukuumada S/land Oo Uga Digtay Puntland Iyo Maleeshiyada Nabadiidka Inay Soo Faro Galiyaan Gogosha Nabada Ee Maygaagle

 

“Ciidamadayadu Waa U Heegan Amar Baanay U Haystaan Inay Talaabo Ka Qaadaan Wasiirada Puntland Iyo Kooxda Qaska Wada” Cismaan Garaad Soofe Wasiir Ku Xigeenka Arrmaha Gudaha

 

Hargeysa, November 23, 2010 (Haatuf) - Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugnaa maalmahan u danbeeyay jiida Maygaagle iyo Kalshaale ee colaadu dhawaan ku dhex martay beelaha Qori-lugud iyo Buhoodle ayaa ilo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay deegaankaas waxay noo xaqijiyeen in ciidamada Qaranka Somaliland ay xalay u ruqaan sadeen dhinaca magaalada Buhoodle, taas oo oo ilo wareedyadu ay noo xaqijiyeen in ciidamo ka socda Somaliland oo wata gawaadhida gaashaaman ee dagaalka ay isku balaadhiyeen jihooyinka kala duwan ee deegaanka Buhoodle oo fadhiisin u ah maleeshiyada nabad diidka ah.

 

Ciidamada Somaliland ee xalay u ruqaansaday magaladaasi Buhodle masaafo u jirta 2Km ayaa waxay ilo wareedyadu noo sheegeen in magaalada Buhoodle gudaheega dadka ku dhaqani ay dareemeen dhaqdhaqaaqyada ciidanka qaranka Somaliland ee jiidaasi isku balaadhiyay, kuwaas oo ujeedada ay heeganka ugu jiraan ciidamada Qarankuna ay la xidhiidh inay ka difaacaan Maleeshiyada nabad diidka ah iyo maamul goboleedka Puntland inay wax farogalin ah ku sameeyaan gogosha wada hadalka labada beelood ee Qori-lugud iyo Buhoodle, iyadoo xukuumadda Somaliland ay si weyn uga taxadirayso inay saamayn ku yeelato Shirkaasi nabadaynta Beelahaasi.

 

Dhinaca kale Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeeysay digniin culus ugu jeedisay maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo sheegay haddii ay faro galiyaan gogosha nabada ee deegaanka Maygaagle ay talaabo ka qaadi doonaan cidii isku dayda inay carqaladayso geedi socodka nabada ee laga dhex wado labada beelood ee ku dagaalamay Kalshaale.

 

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, isla markaana hadda ah ku simaha wasiirka arrimah gudaha Cismaan Garaad Soofe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa oo digniintaa culus u jeediyay maamulak Puntland iyo maleeshiyada Buhoodle ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan doonayaa inaan shirkan jaraa’id kaga hadlo dhibaatada ka dhacday meesha la yidhaahdo Kalshaale ee u dhaxaysa Qori-lugud iyo Buuhoodle, waxa dhibaato ka dhex dhacday laba beelood oo walaalo ah oo dhaqan iyo dhiigba wadaaga. Waxaan tacsi u dirayaa dadkii halkaasi ku geeriyooday qoysaskoodii iyo qaraabadoodii waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janada fardawsa ka waraabiyo maalin ciid ah ayay dhibaatadaasi dhacdayee”.

 

Wasiir Ku Xigeenka waxa kale oo uu ka hadlayay dhinaca shaqaaqadaasi wuxuu yidhi “Isku qabashada labadaasi beelood ee isku qabtay baraago ayaanu qodaynaynaa iyo qodan maysaan waxay dhacday oo ay bilaabantay bishii October xiligaasi oo aanu tagnay anigoo watay wefti aan guddoomiye u ahaa waxaanu la hadalay waxgaradka labada beelood. Waxaanu kala hadalay in mar dambe la isu yimaado. Shaqaaqadani markii imika ay dhacday waxa loo diray wufuud balaadhan oo ka kooban Golaha Wasiirrada, Guurtida, Baarlamaanka, Salaadiin iyo Xisbiyada. Dawlada Somaliland waxay doonaysaa inay waardiye ka hayso nabadgelyada aynu ku caan baxnay. Labada beelood ee shaqaaqadu dhex martayna labaduba waxay sameeyeen tanaasul iyo arrin fiican oo waxay doonayaan u diyaar garoobeen inay wada hadlaan. Shalay labada beelood mid ka mid ah ayaa sheegay inay qaadanayso ergada iyo Nabadda. Qoladii kalena maanta ayaa loo fadhiyaa meesha la yidhaahdo Maygaagle.”

 

Cismaan Garaad Soofe wuxuu sheegay in aanay Somaliland ogolayn inay goobaha lagu heshiisiinayo labadaasi beelood ay ka soo qeyb galaan siyaasiyiin ka socda maamul goboleedka Puntland, waxaanu yidhi “Waxa jira oo aan doonayaa inaan sheego koox siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda maamulka Puntland oo ay Wasiiro iyo rag siyaasiyiin ah oo doonaya inay yimaadaan meesha lagu wada hadal siinayo beelahaas, ma ogolin in wax shaqaaqo ah iyo wax isku *** ah iyo wax dhibaato ah laga dhex dhaliyo labadaasi beelood ee arrintoodu meesha fiican marayso waxaanay arrintoodu taagan tahay wada hadal iyo meeshii lagu wada hadli lahaa. Arrinta ay u socdaan waa inay shaqaaqo hor leh iyo isku dirid ay ka sameeyaan. Waanu uga digaynaa kooxda Wasiirada sheeganaysa iyo dadka kale ee siyaasiyiinta ah ee la socda waxaanu uga digaynaa inay yimaadaan deegaanada Buuhoodle ee ay ka socoto nabadeyntu. Meel kasta oo ay nimankaasi rabshooleyaasha ahi ka soo galayaan deegaanka ee ka imanaya Puntland u dul qaadan mayno. Anagoo aan dawlada waxba ka sheegayn. Waxaanu ka hadlaynaa waa kuwa ka soo jeeda deegaanka. Ciidamadayaduna waa u heegan arrintaasi amar baanay u haystaan inay ka celiyaan meel kasta oo ay ka soo geli karaan.”

 

Wasiirku Xigeenku waxa kale oo uu hanjabaad kulul u jeediyay wax uu ugu yeedhay kooxda nabad diidka ah ee SSC oo uu ku eedeeyay inay falal nabadgelyo xumo iyo kharbudaad ah ka wada deegaanada hoos yimaada Buuhoodle

 

“Kooxaha nabad diidka ah ee joogta Buuhoodle iyo agagaarkeeda ee qaska iyo nabadgelyo darada ka wada uma dul qaadan karno waxaanu iyaga qudhooda leenahay dadka ha ka daayaan dhibaatada ay ku hayaan ee isku diririda ah

 

Wasiir Ku Xigeenku waxa kale oo uu ugu baaqay dawlada Itoobiya inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada deegaamada Buuhoodle u dhow iskana kaashadaan sidii tallaabo looga qaadi lahaa kooxaha nabad diidka ah.

 

Dhinaca kale tuulada Maygaagle oo qiyaastii magaalada Buhoodle dhinaca Qori-lugud ka soo xigta 30km ayaa wada hadalkii ergada madax dhaqameedada Somaliland uu shalay ka furmay shirkoodii, kaas oo kalsooni nabadeed ergadu ku weydiisanaysay isimada Buhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

khadar what are you talking about two clans fought unfortunately and now there should be peace between the neighboring clans in the buhoodle district. The Somaliland elders are there to restore the peace between the brotherly clans, unless you want war between the two neighboring clans ????

You have an issue Xaji.. an issue of unable to understand a thing.. I and people of ssc always are begging peace from your side and we are still want peace. Remember peace don't come by itself, it sometimes cost you like now. Marka adeer go listen the speaches of buhodle elders.. their message is conssitent, we all want peace, but stop politicising and trying score mini s/l game craps here and there.. We are not that for here, if you want peace, wecome if not too bad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Oo haada Haatuf na maxanuu qoraa?

 

"Ciidamada Somaliland ee xalay u ruqaansaday magaladaasi Buhodle masaafo u jirta 2Km ayaa waxay ilo wareedyadu noo sheegeen in magaalada Buhoodle gudaheega dadka ku dhaqani ay dareemeen dhaqdhaqaaqyada ciidanka qaranka Somaliland ee jiidaasi isku balaadhiyay, kuwaas oo ujeedada ay heeganka ugu jiraan ciidamada Qarankuna ay la xidhiidh inay ka difaacaan Maleeshiyada nabad diidka ah iyo maamul goboleedka Puntland inay wax farogalin ah ku sameeyaan gogosha wada hadalka labada beelood ee Qori-lugud iyo Buhoodle, iyadoo xukuumadda Somaliland ay si weyn uga taxadirayso inay saamayn ku yeelato Shirkaasi nabadaynta Beelahaasi.".... lol.. Caadi maaahee

 

 

Xaji, i know you are not a warmonger but you only over joy with the fake news of that your militia is moving close to Buhodle.. Keep dreaming abti...

Share this post


Link to post
Share on other sites

No A khadar it's the Khusuusi and the so called clan jabhad they are the one who are politicising this particular incident when they write on their websites. Somaliland army is arming the clans from Quriluqud. And that's a lie you know that . The somaliland army came in between the two Brotherly clans and they forced a cease fire on both sides . We all know the so called ssc is hungry for a clan war. but it won't happen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Cajaa’ib! Since when the SNM cult have learned how to promote reconciliation and peace building among neighborly communities? The last time I checked they were warmonger and oppressors. As I said numerous times, no injustice can last forever, end of the story yaa Xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this