Sign in to follow this  
General Duke

Morgan attacked by Al-Itixad Millitias...Twist in Kismayu

Recommended Posts

Ciidamo ay wataan Xassan Daahir Aways iyo Xassan Turki oo weerar dhabar jabin ah ku dhuftay Gen. Morgan iyo ciidamadiisa

 

 

Muqdisho:- Wararka aanu ka helnay xarunta Ciidamada Gen.Morgan ayaa sheegay in galabta ay weerar kadis ah ay ku soo qaadeen ciidamo ay wataan labada nin ee la yiraaho Xassan Turki iyo Daahir Aways.

 

Labadan nin ayaa la sheegay in ay wateen ciidamo kor u dhaafaya 50 isla markaana ku hubeysan 12 gawaarida Tiknikada ah ayaa weerarka uga soo qaaday Gen. Morgan dhanka magaalada Raas Kambooni halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin ka amar qaata Shiikh Xassan Turki oo kamid ahaa ciidamadii ururkii Al itixaad Islaami garabkiisa hubeysan.

 

Macada sababta ay ciidamada Weerarka ugu soo qaadeen Gen.Morgan hasayeeshee todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Mr. Xassan Daahir Aways oo kamid ah ciidamadaasi sheegay in Gen.Morgan uu wada shaqeyn ka dhaxeyso ciidamada Itoobiya.

 

Gen.Morgan oo caawa la hadlayey Wariyaha Maxamed Cabdi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan wax khasaaro weyn ah aysan u geysan ciidamadaa soo weeraray balse uusan aqoon sababta ay ciidamadaasi dhabarka uga yimaadeen.

 

Gen.Morgan ayaa mar la weydiiyey in ciidamadaa uu horey ulla socday in ay joogaan Raas Kambooni ayaa sheegay in uu arrintaa horey ulla socday, balse aysan horey wax dagaal ah uga dhaxeyn labadooda dhinac.

 

Jenanka ayaa intaa ku daray in Wadaadka la yiraaho Xassan Daahir Aways inuu ciidamo ka keenay magaalada Muqdisho todobaadyadii lasoo dhaafay kuwaasoo lasoo marsiiyey magaalada Kismaayo.

 

Xassan Daahir Aways ayaa kamid ahaa maleeshiyooyinkii kula dagaalamay ciidamada Maraykanka magaalada Muqdisho sanadihii sagaashameeyaha.

 

Gen. Morgan oo u waramay caawa HorseedNet ayaa sheegay inuu iska difaacay ciidamada uga yimid dhabarkiisa asagoo sheegay in ay u diyaar garoobayaan rogaal celin laga baqayo in ay ciidamadaasi Xassan Turki ay soo qaadaan.

 

Xassan Turki ayaa kamid ah xubnihii ugu sar sareeyey ee dhaq dhaqaaqii Al Itixaad Islaamiya ee dalka Soomaaliya wuxuuna kamid yahay xubnaha ay dowlada Maraykanka ku dhaliiceyaan in uu gacan saar la leeyahay ururo argagaxiso, waa suu horey u sheegay maamulkaasi Maraykanka.

 

Xassan Turki ayaan ahayn nin ka dhex muuqda siyaasada dalka Soomaaliya balse gacanta ku haya ciidamo awood leh oo ka amar qaata kuwaas oo xaruntooda ugu weyn ay ku taal magaalada Raas Kambooni.

 

Qaar kamid ah idaacadaha dalalka Carabta ayaa caawa wararkooda ku soo qaatay dhaq dhaqaaqa ciidamada Xassan Turki ay uga hortageen Gen.Morgan

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

It seems like Al-itixaad are the only good thing so far.

 

I’m not saying that they have no faults, but as compared to all others, there almost angelic like.

 

Even better is, they are not based on tribal loyalties- which is why they probably make WDs skin crawl ;) .

 

And oh yeah, they make the warlords, Ethiopia & the US cry!

 

I like them Smith :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Dr. WD bro, Those are kids! They look like they are preparing for subac.

 

In regards to the article, I can smell a fish called "war against terror".

 

Ilaahey ummadda soomaaliyeed nabada seegtay ha u keeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Mr.WD

 

All the way from Xamar? Are you sure about that? Yea, and I agree, They look like kids. But then again Guantanamo bay had some kids among the detainees as well. Nice emulation though it didn't pay off as hoped for.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Hasan Dihir who, is said, is the leader of the group said he and his group will oppose any government elected in Nairobi. I think he is happy with the status quo. If Morgan wins, which is unlikely, given the huge backing from Mogadishu, he may give a visit to Raas Kanboni for quick talk or do some sorting out there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

There is twist, backstabbing, suprise attack, and so forth, my God how many more excuses would you come up with to acknowledge Morgan has been defeated in Kismayo along with the troops from Puntland.

Wadh ileen anaga aya yab aragney. Wadh yadhahe nimankinaan reer puntland madhkiina hodhe qeylodhantiina ayan laga jogi kadhin guul daradana waad ku fool xuntihiin. Somalida waxay ku mahmahda 'ama afeef hodhe laho ama adkeysi dambe' labadaba midna ma lihidiin.

Now sit back and watch how your leaders mis-calculated in their quest for Kismayo, and also their efforts to manipulate the peace conference in Nairobi.

Tacts which were famous with charecters from the region in the past has eroded since Colonel Yeey took the helm, wonder when it will down on you that he is leading you to your demise (politically I mean). It is sad to see legends like C/risaaq Xaaji Xussein, General Abshir, Xassan Cali Mire, Maxamed Faraax Walde and many others are sidelined at the expense of Colonel Yeey. Very sad indeed. They certainly would have achieved their goal but not through the barel of a gun and certainly without the help of Axmaaro.And above all they would have not approved of let alone commission Morgan on a task.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar dheeraad ah oo ku aadan dagaalkii shaley dhex maray ciidmada Morgan iyo kuwa Barre Hiiraale

SBC News Monitoring. Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal aad u qaraar uu maalinimadii shalay dhex maray Ciidamada ay kala hogaaminayaan Jen.Morgan iyo Col.Barre Hiiraale, oo isagu qaadey weerarkii shaley.

 

Dagaalkan ayaa waxa uu ku qarxey dhawr jiho oo kala duwan, kuwaasi oo kala ahaa Buulo Xaaji,Cabdala Biroole, Janaay Cabdalle iyo waliba agagaarka Hosingow oo goor dambe uu ku fidey.

 

Dagaalkan ayaa sida ay noo xajiyeen warar Madaxbanaan waxaa subixnimadii hore qaadey Ciidamada Col.Barre Hiiraale kuwaasi oo ku duuley fariisimada ay fadhiyeen Ciidamada Jen.Morgan.

 

Dagaalkan ayaa waxaa uu xoogiisa ka dhacey meel magaalada Kismaayo u jirta abara 50 km waxaana inta badan dagaalkaas ku gacan sareeyey Ciidamada Jen.Morgan, waxaana dagaalkaasi si wayn looga dareemay Magaalada Kismaayo iyadoo ay jireen warar sheegeya in qaar ka mida Ciidamada Dooxada Jubba ay difaac ka galeen meel wax yar uun u jirta Magaalada Kismaayo.

 

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Ciidamada Morgan goor galabnimadii ah lagu sameeyey dhabar jabin, iyadoo warar is khilaafsan ay ka imaanayaan Ciidamadaas ay sheegayaan in Ciidamadaas ay ka yimaadeen dhanka Raaskambooni oo uu watey nin lagu shegay magaciisa Xasan Turki , iyadoo waliba la shegay in Ciidamadaas ay ku biireen Ciidan ka amar qaata Col.Xasan Daahir Aweys.

 

Warar kale ayaa sheegaya in Ciidamada Jen.Morgan ay sidoo kale dhabar jabin u geysteen Ciidamo uu iska leeyahay Yuusuf Indhacade.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ayaa goor dambe istaagay waxaana warrarka qaarkood sheegayan in Col.Barre Hiiraale ay Ciidamadiisu qabsadeen Deegaanka Hosingow oo ka mida meelaha saldhig ahaan uu u isticmaalayey Jen.Morgan.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalkii shalay ayaa waxa uu keenay dhimasho iyo dhaawac aad u badan waxaana wararku tibaaxayaan in Kooxda Dooxada Jubba ay dagaalkaas kaga dhinteen maleshiyo gaareysa ilaa 29 qof, isla markaana ay ku dhaawacantey ilaa 50 oo lix ka mida oo dhaawacood la keenay Kismaayo ay u dhinteen dhaawacii soo gaarey.

 

Dhanka kale xiriri xaga Isgaarsiinta Guurguurta aan isku daynay inaan la sameyno labada dhinac oo dagaalamay ayay inoo suutgali wayday.

 

SBC News Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is sad to see legends like C/risaaq Xaaji Xussein, General Abshir, Xassan Cali Mire, Maxamed Faraax Walde

Indeed the men you mentioned are legends but they are not in the running are they my dear. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by SmithNwestern:

Indeed the men you mentioned are legends but they are not in the running are they my dear.
;)

Exactly cause you guys opted for an option who put a revolver on your head and told you there will be doom unless you supported him smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

these suckers tried to set up a Taliban government in my beloved Puntland

Which would mean that all your hopes, dreams and aspirations for a superior tribe in Somalia would be shattered right? :( We can't have that, now can we?

 

FYI, al-itixaad has many ‘puntlanders’ amongst their ranks. So read and weep my brother, read and weep:p :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Al-Itixad taking part the clannish civil war is just beyond me wallahi! What in the blue earth are they doing in Dhoobley along the ranks of the milita of Yuusuf Indhacadde, Col. Barre Hiiraale, Muuse Suudi, and General Galaal. Whatever happen to the "al qaatil walmaqtuul kulihum fi naar" Since when Col. Hiiraale, Galaal, Indha Cadde become a devout practicing Muslims worthy of Al-Itixad's support.

 

What a plunder! They have given the enemy of Islam and their Somali cohortsa perfect justification to intervene...

 

 

My heart goes out to all innocent nomads in the area.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhoobley:Ciidammada SPM/SRRC oo ka sifeeyey maleeshiyadii duullaanka ku soo qaaday aagga dhoobley

- Friday, September 17, 2004 at 18:38

 

Nairobi(Allpuntland)-Wararka aanu ka helayno ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Dhoobley ee ku taal xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa xaqiijinaya in maanta duhurnimadii ay magaaladaas soo galeen kooxo isbahaysato ah oo isugu jirey maleeshiyooyin kala taabacsan ninka ganacsadaha ah ee la yiraahdo Yuusuf Indhacadde,Barre Hiiraale,Muuse Suudi,Xasan Turki,iyo kooxo kale oo ay gacansaar leeyihiin.

 

Kooxahaas ayaa waxay dhibaato naf iyo maalba leh u geysteen dadkii degaankaas ku sugnaa ,iyagoo sabab uga dhigay inay raacsan yihiin xoogagga SPM/SRRC ,waxayna bililiqo u geysteen hantidii taaley magaaladaas ,iyagoo dab qabadsiiyey dhismayaal farabadan oo halkaas ku yaaley,isla markaana gubey labadii matoor ee ceelka biyaha iyo masaajidkii degmada.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in kooxahaasi ay dadka deegaanka ku amreen inay wax allaale iyo wixii ay hub haystaan ay iyaga u soo gacan geliyaan ,taasina waxay ka caraysiisay dadkii deegaanka oo dagaal ba'an kala horyimid kooxahaas.

 

Dagaalladaa ba'an ee halkaa ka dhacay ayaa sababay inay shacabkii ku sugnaa degmadaasi ka saaraan magaalada ,waxaana iyaga oo weli la xarbinaya kuwa duulaanka soo qaaday ,gadaal kaga yimid ciidammada SPM/SRRC da oo u tababaran sida milleteriga kuwaasoo ka dhigay maleeshiyooyinkii duullaanka ku qabsaday magaaladaas wax la diley,wax dhaawacmay oo ay goobtii kaga carareen iyo wax u cararay dhanka magaalada Qooqaani oo iyagana ay ku raad joogaan sida ay sheeganayaan ciidammada SPM/SRRCdu.

 

Col.Barre Hiiraale iyo Yuusuf Indhacadde oo halka dagaalku ka dhacay ku sugnaa ayaan la aqoon halka ay ku danbeeyeen,inkastoo sarkaal u hadlay ciidammada SPM/SRRCdu uu sheegay inay ku dedaalayaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen ,maadaama ay dadka deegaanka u geysteen dhibaato dil,dhac iyo gubitaan hantiyeed ah ayna abaalkooda marin doonaan ,iyagoo u dhiibi doona bulshada caalamka marka la soo qabto.

 

Dhinaca kale ciidammada SPM/SRRC ee ku sugan aagga hore ee dagaalka ku wajahan magaalada dekedda ah ee Kismaayo ayaa goobohoodii jooga ,iyagoo wararka soo baxayaa ay sheegayaan in maanta weeraro ay ku soo qaadeen isbahaysiga Dooxadda Jubba ay ku jebiyeen oo dib u waabiyeen,waxaana la filayaa inay dagaaladu ku sii siqayaan dhanka Kismaayo.

 

Ka sokow ciidankaan lagu kala firdhiyey magaalada Dhoobley ayaa wararka qaarkood oo ka soo baxaya dhinaca SPM/SRRCdu ay sheegayaan in dagaalkaas galabta lagu xoreynayey magaalada Dhoobley lagu diley ninkii ku xigeenka u ahaa Xasan Turki iyo weliba in uu dhaawacmay guddoomiyaha isbahaysiga dooxadda Jubba ,xildhibaanka baxsadka ah Col.Barre Hiiraale,inkastoo aannaan hayn warar madax bannaan oo arrintaas xaqiijinaya.

 

Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan ayaa la sheegayaa inuu isaguna dib ugu soo biiray ciidanka SPM/SRRC ee dhinaca Jubbooyinka ,ka dib markii uu saaka dib u gurasho xeel dagaal ah goobtiisii dib uga gurtay ka dib markii taliska SPM/SRRCda ay soo weerareen maleeshiyooyinkaas kala duwani.

 

Wixii warar ah ee arrimaha colaadahaas ka soo kordha ,iyadoo la filayo in ilaa berito ay dagaallo kale ka dhacaan agagaarka magaalada Kismaayo dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haddii ALLE idmo.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this