Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Colonel Aweis accused Sheikh Shariif as a CIA informer

Recommended Posts

 

Islamist hardliner to become new Somalia opposition chief

ASMARA, Eritrea June 21 (Garowe Online) - An Islamist hardliner has said that he will rise to become chairman of the opposition Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS), a Somali opposition group founded in Eritrea last year.

 

Sheikh Hassan Dahir Aweys, designated a terrorist by the U.S. government, told Arabic newspaper Asharq al Awsat that he will replace current ARS Chairman Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

 

He accused Sheikh Sharif of being "too close the U.S. government," starting in January 2007 when Sheikh Sharif was apprehended by Kenyan police and later questioned by American officials at a hotel in Nairobi.

 

 

Sheikh Aweys

According to Sheikh Aweys, the current chairman of the ARS "violated" the opposition alliance's bylaws when he signed a peace pact with the Somali government on June 9th.

 

ARS members in the Eritrean capital of Asmara will convene in July to hold a meeting, where Sheikh Aweys is expected to be nominated to lead the opposition.

 

Sheikh Aweys, ARS defense secretary Yusuf Indha Ade and al Shabaab militants have all refused to recognize the June 9 agreement and vowed to continue the insurgency until Ethiopian troops leave Somali soil.

 

Sheikh Sharif and Sheikh Aweys were the leaders of the Islamic Courts movement, who ruled much of south-central Somalia in 2006 until being ousted by Ethiopian troops.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why do some folks routinely post misleading titles? Do they read the articles they supposedly post mise expect us not to read and fall gullibly the deceptive title only?

 

Where does it say Sh. Aweys accuses Shariifka being a "CIA informer?" Mise we are not reading the same qoraal?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxib read between the lines. Who were those questioned by Sheikh Shariif?

 

I believe those who gave sanctuary to Sheikh Shariiif, interviewed him and that flew him to Asmara were CIAs and don't be intimidated by the name. It is just a government organization.

 

Read here for further info.

 

http://www.longwarjournal.org/archives/2007/02/somalias_islamist_co.php

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Aweys "Xiriirka Sh. Shariif & USA Wuxuu Bilowday Is-dhiibistiisii Kenya, Xilkiisana Anigaa La Wareegaya..".

 

2152.jpg

ASMARA - Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa markii ugu horeysay sheegay in xiriirka Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Dowladda Maraykanka uusoo jiitamayey tan iyo sanadkii 2006-da xilligaasi oo uu Sh. Shariif iska dhiibay dalka Kenya, ka dib markii laga itaal roonaaday xoogagii Maxaakimta.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo Khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Al-sharqal Awsad isagoo ku sugan Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu isagu shaqsi ahaan la wareegi doono Xilka Guddoomiyaha Isbahaysiga, marka ay xubnaha Isbahaysigaasi ay bisha soo socoto ee Luulyo 3-da kulanka ku yeeshaan Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara.

 

 

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inay xubnaha Isbahaysiga go'aan ka qaadan doonaan Sheekh Shariif Shekh Axmed, oo uu ku eedeeyey inuu hareer-maray Xeerarkii Isbahaysiga, gaar ahaan go'aankii Isbahaysiga ee ku aadanaa inaan wax wada-xaajood nabadeed la geli Karin Ethiopianka, tan iyo inta ay Ciiddamadooda ku sugan yihiin gudaha dalka Somalia.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa kaloo uu Wareysigiisa kaga hadlay Kulankii ay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia la yeeshay Danjiraha Dowladda Maraykanka u jooga Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, wuxuuna xusay inuu xiriirkaasi soo taxnaa tan iyo markii uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu isku dhiibay Dowladda Kenya sannadkii 2006-dii, waa sida uu Sheekh Xasan Daahir hadalka u dhigay.

 

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu sheegay inuu jiray xiriir qarsoodi ah oo uu Sheekh Shariif la yean jirey Wakiillo ka socday Safaaradda Maraykanka ku leedahay magaalladda Nairobi, wuxuuna Sheekh Xasan Daahir Aweys sheegay inay Kulamaaasi keeneen in la isweyiiyo xaqiiqda dhabta ee xiriirka u dhexeeya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maamulka Maraykanka, waa sida uu hadalka u dhigay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Dhinaca kale, Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxaa wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Keenista Ciiddamadda Nabad-ilaalinta ee dalka Somalia, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, isagoo tilmaamay inaysan Ciiddamadda shisheeyaha waxba ka qaban Karin soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay guul-daraddii ku timid Hawlgalkii Ciiddamadda Nabad-ilaalinta ee Rajo Soo-celinta ee ay QM iyo Dowladda Maraykanka ka fuliyeen dalka Somalia sannadihii 90-aadkii.

 

"Hawlgalkii Rajo Soo-celinta, waxa uu isku beddelay xasuuq iyo in Ciiddamo Maraykanka dilaan dad rayid ah, Culumaa'udiin iyo Aqoonyahanno" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ay Sirdoonka Dowladaha Maraykanka iyo Ethiopia ku eedeeyaan inuu ku lug lahaa kharbudaad loo geystay Danaha Maraykanka ku leeyahay Geeska Africa, inkastoo uu Sheekh Xasan Daahir beeniyey arrintaasi.

 

C/risaaq C/laahi (Daauus1@gmail.com)

Boocame

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Why do some folks routinely post misleading titles? Do they read the articles they supposedly post mise expect us not to read and fall gullibly the deceptive title only?

A very crude and primitive form of propaganda. It does very little in terms of effectiveness but what it does is expose the poster as possibly lazy or of inferior linguistic skills.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Again, if you call facts propoganda, you're indeed psychic.

 

Of course, Aweis has problems with the United States. Ponder on that?? :D

 

"In discussions with several U.S. military and intelligence sources, they have echoed Ali Abdiweli's assessment of Sharif's deep ties to radical Islam in Somalia and al Qaeda. The U.S. State Department advocates promoting Sharif as a moderate, despite all evidence to the contrary.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Aweis is being outsmarted! He should let somebody else lead the organization.

 

MMI, tfg supporters are well known to speak in tongues! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

if you ask me, aweis is too close too al qaeda. I can' t wait for this known terrorist to declare his the sole leader of the courts and the liberation. forget dusamareb, they'll start bombing asmara.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Koora Tuunshe Ilka-jiir waa General soodigii lahaa? Imikana ma Major buu hoos ugu dalacay? Laba-alifle uun bal ha gaadhsiin goor dhow?

Share this post


Link to post
Share on other sites
CapeTown   

Shir ay soo qaban qaabiyeen Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya, isla markaana ay ku casuumeen Bulshada Soomaaliyeed ee degan magaalada Nairobi ayaa maanta ka dhacay Hotel Hilton ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Kulankani oo ay Isbaheysigu sheegeen in looga hadlayey Geeddi Socodka Nabadda ee Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Warfaafinta ee Isbaheysiga Suleymaan Colaad Rooble, Guddoomiyaha Guddiga Wadaxaajoodka ee Isbaheysiga ahna ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, Maxmed Cabdi Yuusuf, Ugaas Axmed Bille Xasan Gaboobe, Prof Maxmed Cabdi Maxmed (Gaandi) Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan {(Ibi).

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay jiraan fursado badan, oo ay ka mid tahay in Soomaalida ay muujiyeen inaan la qabsan karin iyo bulshada caalamka iney garwaaqsatay waxa adduunka qaar ay u arkayeen iney Soomaaliya xal u noqon karaan ineysan xal u noqon karin iyo Isbaheysigu inuu diyaar u yahay xal diblumaasiyadeed in la raadiyo oo aan xabbad kaliya waxba lagu raadin, "Waxaan isleenahay fursadahaas kulmay maalin walba isma dul saarna, marka mas'uuliyadda na saaran waxey tahay inaan ku dadaalno sida xal loo heli karo. 19 sanno ayuu dagaal soo socday, dagaalo fara badan ayaa dhacay natiijadana lagama keenin" ayuu yiri Sheekh Shariif.

 

 

Wuxuu intaa ku daray Shirkii Jabuuti dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti iney hor yaallaan caqabo badan, "Laba un bay mid aheyd caqabaad fara badan ayaa hor yaalla, laba unbey mid aheyd, in aan tanaasuli weyno oo xariga dhinaceena aan ka jiidno laguna kala tago iyo inaan anagu tanaasul muujino waxna lagu heshiiyo, labadaas arrin markaan isgarab dhignay waxaa noo soo baxday ineysan suuragal aheyn inaan ka sugno dadkii cadaw dalka ku soo hoggaamiyey ee dhibaatadaad aragteen geystay iney qodobo ka tanaasulaan ineysan suuragal aheyn, waxaan qaadanay marka anaga inaan qodobo ka tanaasulno, laakiin bud-dhiga mawduuca aynaan ka tanaasulin kaasoo ah iney Itoobiya meesha ka baxdo" ayuu yiri Guddoomiyuhu.

 

Sheekh Shariif wuxuu soo hadal qaaday intii uu ka hadlay kulanka maanta ka dhacay magaalada Nairobi xubnaha kale ee isbaheysiga ee dhaliilay heshiiskii ay soo saxiixeen, wuxuu sheegay iney yihiin dad ay walaalo yihiin oo ay soo wada shaqeeyeen isla markaana aaney marna kala maarmi karin, "Waxaan qaadanay maadaama ummadda xalkeeda aan raadineyno inaan hadalka qaadano, walaalahana hadalka aan la wadno haddii wax wanaagsan aan keeno waa sidii la rabay walaaluhuna waa na waafaqayaan waana na waafaqsan yihiin waxa la isku khilaafsan yahayna aad bay u yar yihiin, haddii aan xalka aan weyno diblumaasiga ah oo aan wax ku keeni weyno, awalba meeshii wax noo joogeen ayaan ka wadeynaa meel kaloon u wadno ma leh waxaana suurtagal aheyn inaan aqbalno Gumeysi" ayuu yiri.

 

Dadkii la casuumay mar uu la hadlayeyna wuxuu yiri, "Sidaas daraadeed waxa aan soo qaadnay iyagoo nala qaraar aan waxaan u qaadnay iney maslaxo ku jirto haddii maanta xal dhameystiran aan lagu gaarin iney dariiq noqon karto, qof kasta oo naga mid ah wuxuu ku fikiraa inuu dagaal furan iska socdo", wuxuuna intaa ku daray in xaaladdu ay maalinba meel joogto, "Meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa" ayuu ku sii daray, isagoo sheegay in difaacu aanu aheyn in xabbad oo kaliya la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad lagu hoggaamiyo.

 

"Maalin walba xaaladdu meel bey joogtaa, meesha ay joogto taladeeda in la qaato ayaana la rabaa, Soomaaliya 18 sano ayey dhibaato ka jirtay maalin kastana way sii kordheysaa, runtii dhibka ugu badan wuxuu dhacay sannad iyo barkii la soo dhaafay, xaqiiqadu dadka Soomaaliyeed arrintaa iyada ah inaanu xal ku imaaneyn waa ogaayeen oo dhibaatada ay sii kordhineyso, dhib fara badan aya dhacay naf iyo maal fara badan ayaa la waayeywaxa loo dagaalamaayey waa xaq, dad la qabsaday oo dhib loo geystay oo wixii karaankooda ah isku difaaca ayaan ahayn, difaacu ma ahan kaliya xabbad in la rido, xabbadu waxey u baahan tahay siyaasad in lagu hoggaamiyo, taariikhda Soomaalida marka loo laabtana meesha Soomaaliya ay ka hallaabi jirtay xabbada ma aheyn ee siyaasadda ayey aheyd, adduunka aan ku noolnahay kaligeen kuma noolin awood aan ku maquunino ma lihin, in aan ka fikirno habka danaheena aan u meelmarin karno waa waajib anaga na saaran, sidaas darteed ayaan go`aansanay markii aan tashanay in wadahadal la galo xalna lagu raadiyo waa suurtagal in xal lagu helay oo sidii la rabay ah waa suuragal xalkii la sugayey mid aan aheyn in lagu helo, laakiin anaga waxaa na saarna inaan dadaalno, mar haddii dhibaato jirtana haddiiba xal muuqdo in xalkaas la dadajiiyo waa minal xikma, waayo waxa lagu jiro wax fiirsasho leh ma ahan, adaa lagaa rabaa inaad sharaxdid waxa aad qaadan kartid iyo waxa aadan aqbali karin", ayuu yiri gud. isbaheysoga xoreynta Sheekh Shariif Sh. Axmed.

 

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Wadahadalada ee Isbaheysiga isla markaana ah ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada la isku afgartay Soomaaliya in loo diro hadafka laga leeyahay inuu yahay iney dalka xasiliyaan, isagoo xusay in dhinacyo badan markii ay ka eegeen iney ku guuleysteen ciidamadaasi iney noqdaan kuwa ka socda waddamada Islaamka, oo dadka Soomaalida ah ay isku dhaqan iyo diin yihiin.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga wuxuu ka dhawaajiyey in ay socdaan wadahadalo meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya iyaga iyo xubnaha Isbaheysiga ee diidan Heshiiskii ay dhawaan dowladda la saxiixdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why the attacks on the man?

Its crazy some people can not face facts.

MMA- what is misleading about the title?

Aways says the Sharif is close to the Americans, was saved by them, has links to the Embassay in Nairobi.

 

Now the CIA, are American, they work with both the military and civilian branches of the American governemnt.

 

I would love to see people not get emotional on SOL. When their favourite hero's are caught with their pants down.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asmara: "Waxaa xaqiiq ah in Sh. Shariif uu xiriir la leeyahay Dowladda Mareykanka" Xasan Daahir Aweys

21. Juni 2008

 

Asmara(AllPuntland)-Sh. Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan hoggaanka sare ee isbaheysiga dib u xorreynta dalka Soomaaliya ee lagu dhisay Asmara ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiyaha Isbaheysigaasi Sh. Shariif Sh. Axmed uu xiriir la leeyahay Dowladda Mareykanka, xiriirkaasi uu uu sheegay in uu soo tixnaa tan iyo markii Sheekh Shariif Sh. Axmed uu isku dhiibay Dalka Kenya waa sida uu hadalka u dhigay Sh. Xasan Daahir Aweys.

 

Sh. Xasan ayaa waxaa kale oo uu tilmaamay in uu horay u jiray xiriir qarsoodi ah oo Sh. Shariif Sh. Axmed la yeelan jiray wakiilo ka socday safaaraddaareykanka ee magaalada Nairobi, hadalkan ayuu Sh. Xasan Daahir Aweys uu ku sheegay Wareysi uu siiyay wargeyska Al-Sharqal Awsad ee ka soo baxa Londan.

 

Ujeedooyinkii loo aas aasay iyo istiraatiijiyadii Isbaheysiga ayuu ka weecday Sh. Shariif ayuu yiri Sh. Xasan Daahir Aweys oo intaa raaciyay in Sh. Shariif uu khilaafay go'aankii Isbaheysigaasi ay ku diidanayeen iney wada xaajood ay galaan tan iyo inta ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin Soomaaliya, wuxuuna Sheekh Xasan Daahir Aweys uu sheegay inuu isagu shaqsi ahaan la wareegi doono Xilka Guddoomiyaha Isbahaysiga Asmara xiliga ay isu yimaadaan xubnaha isbageysiga ee bisha Luulyo kulanka ku yeelan doonaan Asmara.

 

Sheekha ayaa ka horyimid in dalka la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, isla markaana tilmaamay in aysan soo kordhineyn, wuxuuna carabka ku dhuftay howlgalkii rajo soo celinta ee Mareykanka ka waday Soomaaliya sanadkii 1993-kii.

 

Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa si weyn ugu soo horjeeda shirkii nabadeed ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti kaasoo lagu gaaray heshiis dhex maray Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Asmara ee uu ka tirsan yahay.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

Some cheerleaders of the traitor warlord yeey are desperately trying to create misleading and futile propaganda that has no base. Time will tell what they will end up. Yeey's days are numbered, meles days are numbered, qabiil days are numbered, warlords are obsolete, Bush is done...the world is changing and our dignity will be restored and we will still have decency and objectivity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Keep singing, nice tune

 

Duke agreed Sheekh Shariif is America's(the Superpower)informer, but your adeero is ********** for Ethiopia (Poorest nation on Earth), how do you reconcile with that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this