Sign in to follow this  
Paragon

Sheekh C/laahi Yuusuf Axmed oo Maanta kaqeybgalay tukashada salaadii..

Recommended Posts

Paragon   

4445.jpg

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh C/laahi Yuusuf Axmed oo Maanta kaqeybgalay tukashada salaadii Ciidulfidriga oo kadhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ayaa umada islaamka Gaar ahaana shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Ciida Soonfureed isagoo sheegay inuu talo odaynimo usoo jeedinayo Umadda Soomaaliyeed isagoo yiri Qori caaradiis Cidna guul ku gaari meyso 16sanadood ayeyna shacabka Soomaaliyeed Dagaal kasoo daaleen.

 

Madaxweynaha oo tukashada salaada kalaqeybgalay Raisalwasaaraha,wasiiro,Xildhibaano,Culumaa'udiin iyo martisharaf kale ayaa Muujiyey sida loogu baahan yahay ala kacabsi iyo in laga fogaado wax ksta oo qatar ku ah Nolosha shacabka Soomaaliyeed,waxa uuna kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed iney joojiyaan Dagaalada lagasoo daalay 16ka sanadood.

 

Munaasabadaasi waxaa kaloo kahadlay Wasiirka koowaad ee Xukuumada Soomaaliya prof Cali maxamed Geedi,qaar katirsan Culimada Deegaanka iyo Xubno kale oo madaxweynaha iyo xukuumadaba ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciida, iyadoo halkaasi lagusoo bandhigay waxyaabo lagu maam,uusayo Ciida barakeysan ee Ciidulfidriga oo maanta ku beegan.

 

 

Cabdilaahi Hilowle

 

 

Idamaale News,Muqdisho

 

Maasha-Allaah :D ....Sheikh Cabdullaahi, Illaahoow u siyaadi, mardhowna wadaadada ku soo biiri!

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Idamaale and their *********! This pic is so familiar. Just check the neck? Caasho Yeey was a qoordheer not qoor gaab! Isku kabkabka sawiradda maa shiikh kaa dhigee? worst doctored pic ever!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Tusbaxaa idiley sida loo heesto, sida sunnada ah ee loo fadhiisto ayaaban la sii yaabanahay, cimaamadaa waxaas dhan been tiri, khamiiskaa ka darey oo yiri kuligiin meel wada fadhiista.

 

Daaxuur buu u egyahay luqunta siduu u godey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Originally posted by nuune:

Tusbaxaa idiley sida loo heesto, sida sunnada ah ee loo fadhiisto ayaaban la sii yaabanahay, cimaamadaa waxaas dhan been tiri, khamiiskaa ka darey oo yiri kuligiin meel wada fadhiista.

 

Daaxuur
buu u egyahay luqunta siduu u godey

Lol, nuune. I can't remember the last time I heard Daaxuur, Xoor iyo Curri - reer-Waamo asli ah inaad tahay ayaad sheegtay sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by Paragon:

quote:

Daaxuur buu u egyahay luqunta siduu u godey

Lol, nuune. I can't remember the last time I heard Daaxuur, Xoor iyo Curri - reer-Waamo asli ah inaad tahay ayaad sheegtay sxb.
LooL Paragon, I wish inaan ahaan lahaa reer waamo sal ah, qixii baan cag ku soo jeexay dhulkaas waamaha oo dhan magaalooyinkaan aad u xasuusto waxaa ka mid ah Bilis Qooqaani oon bil hilib gari iyo goodir ku cuneenay iyo Taabto oon duhurkii soo marney hal maqaaxi oo ku taal aan ka cunney hilib dagiiran oo adeeg badan iyo garanuug hilibkeed oo aad u jilicsanaa,

 

miyaan kuu sheegay inuu libaax igala dagi gaarey baabuur aan saarneyn habeen anagoo u socono Qooqaani, libaaxya fara badan baa isbaaro noo dhigtey siteey aan wadaney baan dusha ka saarnaa kuray baan ahaa waa sagaashankii,

haddee far ciddi leh baan ku fakadey smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

That Pic was Geedi and Osman Boqorre last year in Jowhar definitely - thanks bro ..it was so familair

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ I agree with you, I remember this picture very well too, Idamaale should have done better than this, shame on you

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

loooool@ Olol, I was about to post the same picture now then saw yours, I found it on Somaliweyn.com too.

 

 

This is classic, we should forward this to Idaamale Website

 

 

LooL I am still laughing wallaahi, this is beyond joke.

 

 

PS: Also note how they erased the copyright owner which says BY: SIIDI</b

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

We should ask Duke to do us a favor since he is friends with the lame Idamaale webmasters to talk to them and also to spare us of ever copy/pasting any news from that tabloid site.

 

How dumb one can be to come up with such farce

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

OLOL; I knew you would get to the bottom of this fraud pictures. I saw it and It really made my day - laughed so hard.

 

 

nuune, lol. Waayo waayo. Hada ka hor anoo dhoobleey jooga ayaa waxaan is raacney dhallin yaryar oo kale tagneyna birta-dheer xuduudka (xaarxaarka). Waxaan hubaa inaad soo martey xadka. Sidaad ogtahay jaadka wuxuu ahaa ka mamnuuc in xaduudka Soomaaliya lala galo, marka inta aan xadhka loo gudbin ayaan xaajiyo-qamsiinyada iyo siteeyda, kalabareso-d :D lagaga degi jirey.

 

Meesha waxaa ku degi jirey rag taqsiin utaagan tahay iyo haweeneeyda jaadka gada- markaa ka dib ayaan Dhoobleey lug loogu geli jirey. Isla meeshaas kama foga Dhoobleey marka dadka reer Dhoobleey ayaa inta yimaadaan ka gadan jirey jaadka. Askarta Soomaaliya marmarka qaarkood ayeey soo weerari jireen meesha si ay ama u kala eryaan jaadleyda, ama laaluush uga qaataan.

 

Mararka qaarna Tareeso ayey cirka u gami jireen. Anaga marka iyagaan iska dhigi jirney (waa around late 80s). Baaruud (waa taqaan sida loo sameeyo ayan malayn) kabriit ku cabeyna oo aan haweenka usoo dhuumano ayan naxdin uga didin jirtey jaadkii ay gadayeen. Inta badan waan ku guuleeysan jirney balse maalintii dambe wey na barteen... rag askarta ka tirsan oo ay is yaqaanaan ayey u yeerteen qoryihiina Go'yahoodii daauuska ahaa ayey ku qarsadeen.

 

Inaguna waxaan soo yaacnaba, mar allaallo iyo markaan Baruud ooda ooga qaadney haweenkii ayaa Baas Saar Sideed iyo Faal nalagu furey! Kabtey meeday ayaa meesha ka dhacdey smile.gif ...fiiggaan fiigney waxaan galney lag-dheeraa. Dhulka waa abaar, biyo maleh cuntana warkeeda daa. Inaguna oon iyo gaajo ayuu beerka nala cadaadey.

 

Waxaan sameyno markaan garan-weyney ayaa waxaan isku af-garasho in aan bal ugaarsano Cawl (ama Cawleey Bar-cad). Leeb iyo qaanso ayaa loo baahdey - aniguna waxaan iri Meyran hala ii keeno, ul Mareer ah iyo mid Baanyo ah. Waxaan Meyrab daboba qaanso iyo leeb ayaan meesha ka soo saarey markaasaan weliba Ciin dhecaankii mariyey oo aan weliba Leebkii Dhamaajo ku Baalley.

 

Wiil aan saaxiib ahayn oo aabihii tumaal ahaa ayaaba ugu darnaa markuu yiri leebka Mariid badan ayuu u baahan yahaye Mulac halagu tijaabiyo ama Wala Wala Sandheer :D . Rageedi iga dheh. Calaa kulli xaal, anigu waxaan iri Cawsha naga daaya oo Dagiirantaas Illaaheey ku siiga ah aan raacdeysano illeen Dagiiran sida la sheego haduu 3 jeer buubo mar afaraad ma buubo e wuuna dhakhso daalaaye! Waa layga diidey taladeydii, markaasaa la yiri waa inoo Cawsha Caliyow.

 

Wiilasha waxey Cawsha ku arkeen ayaan garan waayey - mar dambe ayaan ogaadeey sababta. Intooda badan waxey ahaayeen Cawlyahan :D . Waxaan maqli jirey iyagoo ku heesa 'Cawleey bari-cad, Cawlyahan ka carar, Cido baas u carar'. Illeen raga ciil waarey ayeyba miskiinta u qabaan anna gaajo ayaan qabaa. Maalintiiyoo dhan bey daba ordaayeen...intii yareydii tabarta ahaydna uga dhamaantey. Aniga isma waalin oo geed Abaq ah iska hoos seexdey.

 

Mar allaale iyo markey soo noogeen ayey igu ag dheceen iyagoo waxa Xanan, Sarmaan iyo gumar soo xagtey aad la yaabeysid. Markaasaan iri, 'nimanyahow wax iga maqla, aniga Sagaaraan sirqin u dhiganaya ee hadaad rabtaan inaad ila cuntaad qoryo dabka lagu shigo soo urursha'. 'Nacam' bey igu yiraahdeen'. Anna dabintaan dhigtey Alla iima calfin. Illaaheey mahadii laba odey oo Geelleey ah ayuu tusey, balse maxaa ka dambeeyey..odeyaashii waxey nagu yiraahdeen reerka kobtan dhow degan ee na keena!

 

Lool, 3 hours markaan lugeyneyney ayaa aniga Gacandhi dacaska iiga soo gudubtey.. 'reerka waa kobtan, geedahan gadaashooda sidey u lahaayeen ayeen wiilashii kalena ku sanifeen oo odeyashaa buraashadahooda ku qabsadeen! Xoog been isku waraabiyeen. Markaaseey anna iga waraabiyeen. Markeey nafta nagusoo noqotey ayaan is niri bal ugaarsada hada :D . Waataan Goroyo aad moodo in eyan dheerayn iska daba-dhiganey lol. Alla bahashu sir banadaa! 17 hours ayaan duur un ku jirney, oo aan jaha wareersanayn. Illaa naloo soo raadiyey oo nala heley habeen barkii.

 

Marka sheekadaa waxaan ka wadaa, hilbahaas aad ku cuntey Qooqaani iyo Taabdo ma aha kuwa leeb lagu ugaarsadey ee la soco; waa kuwo rasaas lagu diley umana maleynayo in ay u macaan yihiin kuwa leebta lagu liishaamey - in kasta liishaanka xeelad u baahan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. Classic. I know Somaliaonline has some of the most talented pic investigator heads. lol.

 

Walaahi nimankaan Idamaale are giving the Somalis what they need. A pure tabloid outlet. Beating Dayniile at their own game huh? loool.

 

This reminds of that old picture of the girl that turned into a "xayawaan". lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Paragon, cammuu sheekadaada sheekooyin badan bey isoo xasuusisey oon anna Dhoobleey iyo Libooye kiinya kula kulmey, illeen hadda unbaan helay reer waamihii assalka ahaa ee Kudhaa Raskanbooni iyo Badhaadhe Afmadoow soo wada jibaaxey, sxb sheekadaadu waa inaad u soo guurisaa qeebta Dood Wadaag, geedaha aad taxdey gumarka gacandhiga abaqa bisiqa xodeyga bardaha dad badan ayaan aqoonin ee sheekadan soo guuri oo halkaas ina keen smile.gif

 

 

Paragon, wiilasha cawlyahanka lool iyo cawsha lool ma reer afgaab bey ahaayeen, Sayidka makula kulantay dhoobley I met him in 1990,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this