Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A I Samatar Singing in A Different Tune

Recommended Posts

Hargeysa (BBC/Jam)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan wax ka dhiga jaamacad ku taal dalka Maraykanka, isla markaana ka mid ah shaqsiyaadka tirada yar ee saadaasha ka bixiya isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dunida, ayaa ifafaalaha saadaasha sannadka cusub ee 2008 waxa uu ku muujiyey aragtidiisa ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

 

Prof. Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse in muddo ah ku suntanaa shaqsiyaadka sida weyn uga soo horjeeda qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waraysi dhinacyo badan taabanayey oo Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaligu la yeelatay shalay, waxa uu markii u horreysay qiraal ka bixiyey fikradaha bud-dhigga u ah goonni-isu-taagga Somaliland ee inta badan ku doodaan siyaasiyiinta shacbiga reer Somaliland ee ay go’an tahay qaddiyadda madaxbannaanidu.

 

Aqoonyahanka Axmed Ismaaciil Samatar oo badi dadka reer Somaliland ku barteen doodaha lagaga soo horjeedo madaxbannaanida dalkooda ee uu ka jeediyo warbaahinta dunida, gaar ahaan Idaacadda BBC-da, ayaa isaga oo ka garaabaya aaraahda horumarka Somaliland ku tallaabsatay waxa uu yidhi; “Dadka reer Somaliland gar bay u leeyihiin, marka laga hadlayo Soomaaliya dooddooda ah; ma waxaannu u dabranaanaa dal aan jirin? Waayo, marka ay noqoto arrinta dawladda Soomaaliya waxay tahay Ra’iisal-wasaaraha waxa leh ****** [******]. Sidaa markay tahay oo iyana halkaa marayaan waxa la odhan karaa xaq iyo gar bay u leeyihiin reer Somaliland.”

 

Waxa kale oo Prof. Samatar sidii caadada u ahayd gebagebada hadalkiisa ku soo afjaray heestii uu u xushay sannadka cusub ee 2008, heestaas oo midhaheeda laga dhadhansan karo isbeddel siyaasad oo u qorshaysan inuu ku qaabilo sannadka cusub, taas oo marka la barbardhigo kuwii sannadihii hore la odhan karo waxa la soo deristay hilow shaqsiyadeed uu u qabo dalkiisa hooyo ee Somaliland.

 

 

Jamhuuhiya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was listening to this interview and was the first time i heard him saying and repeating the word SOMALILAND ........

 

He finally changed his tune that Somaliland is part of Somalia explaining Somaliland has the right to raise its issue of independence.

 

 

Funny how a simple depate in the US pentagon changed his whole view ....... that is what is happening when your argument is baseless.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ JB-yow adeer si fiican u dhuux una aqriso micnaha & nuxurka hadalka Prof A Samatar ku salaysan yahay. Anigu ma anan dhageysan wareysigiisa BBC-da, balse based on qoraalka aad kor soo dhigtay wuu saxsan yahay balse waad dabamartay adiga iyo Jamhuuriya Online-ba micnahii hadalkiisu xambaarsanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadalkiisu wuu cad yahay oo ninna caad kama saarna ,, waan ogahay siduu u hadli jiray waanan la socday in badan imikana waan dhegeysanayay oo waan ogaa siduu u hadlayay.

 

Odayga wax weyn baa iska bedelay wax ku yimidba :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ma waxaan ahayn "War reer koonforoow haddanu nahay reer waqooyi ama "somaliland" waanu idnku daalnay ee sida isudhaama" taas waxaad u qaadateen inuu ninku jilcay malaha haye?, anna waxaan qabaa inuusan jilcin balse tahay healthy critique he is just appealing to Itallian somaliland people for peace, unity and to come to their sense.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

The guy is just kissing american behinds to ensure he stays there and is allowed to to continue to teach there. he'll say whatever the americans want him to say so i wouldnt take anything he says very carefully.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As Hibo Nura said in the new song for Hargeisa.

 

Waligaaba baydh-baydh; Waad iman Bartii; Baradii Hargeisa.

 

Go East, Go West, Home is the Best.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this