Sign in to follow this  
Che -Guevara

Inciting tribal war.

Recommended Posts

What's was he thinking?

 

 

Somaliland uma baahna Dhiig qulqula' G/kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 17 October, 2007

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa dhaliilay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay dagaalka Laascaanood, isla markaana ku hanjabey in dhiig qulquli doono Boosaaso iyo Garoowe.

 

Mudane Baashe oo shalay saxaafadda la hadlay waxa uu cambaareeyey hadalka wasiirka oo uu ku tilmaamay mid kicinaya xaaladda Gobolka Sool ee la doonayo in la dejiyo, isaga oo sheegay in xaaladdii milateri ee Laascaanood ay dhammaatay, haatanna loo baahan yahay siyaasad lagu kasbado dadka gobolka.

 

Mudane Baashe, waxa kale oo uu sheegay in hadalka wasiirku ka soo horjeedo siyaasadda Somaliland ee ah in ay derisyadeeda kula dhaqanto nabadgelyo.

 

"Laascaanood xaaladeedu aad bay u fiican tahay, wax dhibaato ah oo gudaheeda ka jiraana ma jiraan. Dadkii waxay garteen in waxa dhacay inuu laba maamul oo is beddelay uu yahay, " ayuu yidhi mudane Baashe.

 

Waxana uu intaas ku daray in dadka reer Laascaanood ay iyagu garteen in maamulka Somaliland la wareego magaalada, sidaana ay ku tageen.

 

"Ciidanku waa guuleystey, waajibaadkiisiina wuu gutey. Waxa loo baahan yahay hadda waxa weeye, in dadka la kiciyo looma baahna, hadalo aan meesha ku jirina in la yidhaahdo maaha, " ayuu yidhi.

 

"Waxaan aad uga xumaaday wasiirka hadalkiisa markaan dhegeystey hadal lagu hadlo ma ahayn... Somaliland dhiig qulqula ma rabto, waxay rabtaa wadahadal iyo nabadgelyo inay kula noolaato jaararkeeda; in hadaladaas oo kale – dhiig baa Boosaaso iyo Garoowe qulquli doona – nin masuul ah oo wasiir ah inuu yidhaahdo may ahayn, " ayuu raaciyey Baashe.

 

Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada, mudane Baashe, waxa uu intaas ku daray oo uu sheegay in waxa maanta loo baahan ay tahay "Guul Siyaasadeed" iyo in la dejiyo dadka. Waxana uu sheegay in hadalka Wasiirku wax uu kharribo mooyaane aanu waxba hagaajinayn.

 

"Annaga, siyaasiyiinta Sool ka soo jeeddana dhaawac weyn buu hadalkaasi nagu yahay. annagu waxaanu rabnaa hadda in meeshii la dejiyo; Puntland waxaanu isku hayney maamul, waa siyaasad, " ayuu yidhi mudane Baashe.

 

Isaga oo sheegay in dadka reer Sool ay la kala safnaayeen Somaliland iyo Puntland, labada dhinacna ay ka dagaalamayeen. Sidaas darteedna loo baahan yahay in dib loo kasbado ninka reer Sool ee la jira Puntland, dadkana la dejiyo.

 

Wasiirka Warfaafinta, mudane Axmed X. Daahir Cilmi oo dorraad u hadlay xukuumadda, isagoo ka warbixinaya dagaalkii ciidamada Somaliland ku qabsadeen magaalada Laascaanood Isniintii, ayaa sheegay in haddii Puntland wax ku qaadan weydo "dhirbaaxadaas" uu dhiiggu qulquli doono Garoowe iyo Boosaaso.

 

Wasiirka Warfaafinta, mudane Axmed X. Daahir waxa la sheegay dhowaan in si kulul loogu cannaantay faafinta sawirrada maxaabiistii ciidamada Somaliland ku soo qabqabteen dagaalkii ka dhacay duleedka Laascaanood 1dii bishan Oktoober, kuwaas oo ay shabakadaha wararka iyo wargeysyada ka soo baxa caasimaddaba ay ku faafisay Wasaaradda Warfaafintu. Waxa kale oo lagu dhalliilay wasiirka warfaafinta waraysi uu siiyey BBC-da, kadib dagaalkii ciidanka Somaliland iyo kuwa maamulgoboleedka Puntland ku dhexmaray degmada Dhahar bishii March, markaas oo uu sheegay tirada gaadiidka tiknikada loo yaqaanno ee Somaliland u dirtay deegaankaas, taas oo lagu tilmaamay sir ciidan oo aan la sheegin.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

 

E-mail: dubad@Somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

wasiirka Warfaafintu wax been ah ma sheegin, mise waxaa la leeyahay wax aan uurkkagaga ku jirin afkaaga ka dheh.

 

Waxa uu sheegay waa runtiis hadalkuna waa cad yahay, nin iska hadlay oo marna PL marna SL la jira hadalkiisu wax kla soo qaad ma leh.

 

Adkayso ku dhaha ninka hargeysa wasiirka ku aflagaadaynaya :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

And that's fate reer Sool uu la rabo....Amazing

 

Dhiiq wuu qulquli, but unfortunately it will be on both sides. The short-sightedness of some will cost of Northern Somalia a heavy price.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

What's was he thinking?

He wasn't and that's the problem. He should've been sacked for this but his boss can't afford to lose anyone these days. The least he can do is force him to apologise. Didn't like this "dibjir" from day one, but maybe it's me judging people from their looks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Originally posted Cige:

wasiirka Warfaafintu wax been ah ma sheegin, mise waxaa la leeyahay wax aan uurkkagaga ku jirin afkaaga ka dheh.

 

Waxa uu sheegay waa runtiis hadalkuna waa cad yahay, nin iska hadlay oo marna PL marna SL la jira hadalkiisu wax kla soo qaad ma leh.

 

Adkayso ku dhaha ninka hargeysa wasiirka ku aflagaadaynaya

Cige,

 

wasiirkiinu been ma sheegin, lakiin hadal cadaawad dheer ku jirtu oo dhamaan dadka saameenaya ayuu ku hadlay

 

Waxaa xaqiiq ah inuu Baashe, yahay nin iska hadlay, oo hadalkiisu wax kasoo qaad laheen

 

Waayo asaga laftiisa ayaa cadeeyey inay cidna wax weydiin, ama la tashan

 

Sababta uu hunguri halkaa uga dayey ayaaba faduul ah, markii horaba

 

 

Originally posted by -:

And that's fate reer Sool uu la rabo....Amazing

Dhiiq wuu qulquli, but unfortunately it will be on both sides. The short-sightedness of some will cost of Northern Somalia a heavy price.

by,

 

Illaahay baa ka badbaadinaya reer Sool, dulmiga iyo gardarada ee wadaan, Insha Allah

 

Hadii nabadii iyo jaar wanaagii la diiday, bal ha la arko waxa laga helo dagaal iyo cadaawad

 

Horaa looyidhi ninkii dhoof ku yimi bay geeridu dhibayasaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Regrettably he is just general sentiment. And I thought Faisal Waraabe was the only nut, but I guess not.

 

P.S. "He is just jerk" is not good excuse. I guess war is the only thing the cult wants, and they shall have their war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I don't. What I want is peaceful coexistence, but that seem to be lost on your cult. People of Pland have the right to defend, and yes in that regard, I'm behind them.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ is cult the new misnomer for Somaliland? :D

 

Actually, you're right, it does resemble a cult. At least it makes more sense than the usual term used: Riyaale's SNM Militias. :D

 

ps

Most of these men are not politicians by nature. The only man that I regard as a proper politician is Abdullahi Yusuf. The rest are all riff-raff forcing themselves on this fine art. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this