Sign in to follow this  
Hunguri

Dagaalka Galgala ( Xaqiiqda Dhabta )

Recommended Posts

Hunguri   

Assalamu Alaykum,

 

Dadka wixii Af Soomaali ku hadlaa, ha ila socdeen. Wixii Hangariisi ku hadlaana Af-ka hooyo ha barteen. Almuhim, warka xaqiiqda ah:

 

Galgala

 

Galgala, waxay ka tirsantahay Gobolka Bari. Waxayna ka xigtaa dhinaca xagga Gacmeed. Galgala, waxaa joogay Wadaado aan hal Qabiil kasoo wada jeedin. Xaqiidadana waxaa u madax ah, nin assalkiisu kasoo jeedo magaalada Garoowe.

 

Wadaadka Atam ama Atom, waxaa magaciisu u baxay, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeedaa magaalada Galgala. Waxaa sidoo kale ku weheliya inankii maanta la qabtay, ee Jaama Ismail Ducaale oo aan si gaar ah u garanayo.

 

Maakhir maaha Waziristan, Sanaag maaha Waziristan, Haylaan maaha Wasiristan, Bari maaha Waziristan. Mana noqqon doonto meel adduunka ka faqquuqan oo lagu sheego Argagixiso iyo Dad wax qarxiya.

 

Dagaalkii maanta dhacay, anigoon caadiffad Qabiil ku maldahayn, waxaan aaminsanahay inuu ahaa Dagaal aan ahayn mid Qabiil ama reer Gaar ah shaqqo ku leeyahay. Dagaalkan, waxaa soo qaaday Ciidan gaadhaya 800-1000 Askari. Waxayna kusoo qaadeen dagaalka Ciidanka Puntland oo Cid walba isugu jira.

 

Khasaarihii iyo dhibtii maanta dhacay, waxaa inteeda baddan masuul ka noqqonaya Qoladii markii hore Xabbada bilawday. Oo ah Ciidankii Duulaanka soo qaaday.

 

Sababta iyo arrinka waxakani ku samaysmeen. Waxaa masuuliyadeeda iska leh ( PIS Puntland Intellegence Service ). Waxa dadka walaalaha ah isku diray, waxa Puntland amnigeeda wax yeelleeyey, waxa ummada kala faquuqay, waa PIS iyo Wiilasha Qardho ka yimi. Sababtoo ah, umay shaqaynayn Danta iyo Danaha guud ee Puntland. Waxaa ku shaqaysanayay Dawlada Mareekanka iyo Dad Ajnabi ah.

 

Puntland, waxay u egtahay meel aan wali ka ilbixin waxyeellada Qabiilku leeyahay. Taasna waxaa kuu caddaynaysa, Madaxywanaha hadalkiisa waxaa ku jirtay ( Qabiilku hubka ha qaateen, hana joojiyeen hubka ay iyagu ku daggaallamayaan, oo Waddanka haku difaaceen ).

 

Qabiilka uu ka hadlayaa, waa gaar ahaan labada Juffo ee walaalaha ah, ee Muddada dheer isku haystay Gobolka Bari. Wuxuuna u sheegayaa, inay hubkaas iyagu Waddanka ku diffaacaan.

 

Qabiilku waa kii Jeelasha Garoowe, madaxwaynaha Juffidiisu, maxaabiista reer Sool kala soo baxeen, kana aar gutteen. Iyadoon aan la marin wax sharci ah.

 

Qabiilku, waakan kuwo hadda inakka mid ah, ay ka hor marinayaan Danta guud iyo tan ay leedahay wanaaga Wadanimadu.

 

Qabiilku waakan Habrihii reer Gaalkacayo, Lacagtii Dawladu faraha ku haysay, ay u adeegsadeen wiilal Tolkooda ah. Qabiilku waakkaas, Qabiilku waakkaas, Qabiilku X Y Z......

 

Maanta, xaalada ka jirta Puntland waa mid saamanysa qof walba oo Wadani ah. Waa mid hadii sidaa lagu daayo, ku fidaysa ( Laasqoray, Dhahar, Badhan, Garoowe, Gaalkacayo, Qardho ). Ninkii meel dheer ka fekkeraya, Mawqifkiisu ha noqdo, inuu ogaado inuu isagu Boosaaso leeyahay. Boosaasana tahay meel la wadaago. Waa inuu ogaado, hadii Puntland waxyeello gaadho, inaanu isaguna Gurigiisa ku nabad galayn. Waa inuu ogaado, waxakkan meesha ka socdaa inuu yahay dagaal aad u rassan, oo u siffooyin eg, kii Laasqoray, Saliid, Dabra, Meermeerka, Rabaable I.W.M.....

 

Gunaanad

 

Wixii dhacay dhace, wixii dhintay Alla haw naxariisto. Inta nool wixii Doonaya nabad hasoo dhawaadeen. Wixii Doonaya fidmo iyo Dagaalna Alla ha inakka qabto ( Aamiin )

Share this post


Link to post
Share on other sites

Agreed with the first part, but the PIS stuff was just that stuff and nonsense.

 

The PIS have to be commended for their valor today and in the Galkacyu battle a few months ago. They need to be strengthened.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Atam and his supporters have miscalculated and started a war giving Puntland govt the pre-text to get rid off a fifth column and sleeper cell for al shabaab.

 

I agree with GD, PIS has nothing to do with this group and as a matter of act, their mission is to fight terroist groups, a job made easier by Galgala group who started shooting prematurely.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

26-July-2010

 

Assalamu Alaykum,

 

Galgala

 

Galgala, waxay ka tirsantahay Gobolka Bari. Waxayna ka xigtaa dhinaca xagga Gacmeed. Galgala, waxaa joogay Wadaado aan hal Qabiil kasoo wada jeedin. Xaqiidadana waxaa u madax ah, nin assalkiisu kasoo jeedo magaalada Garoowe.

 

Wadaadka Atam ama Atom, waxaa magaciisu u baxay, wuxuu dhalasho ahaan kasoo jeedaa magaalada Galgala. Waxaa sidoo kale ku weheliya inankii maanta la qabtay, ee Jaama Ismail Ducaale oo aan si gaar ah u garanayo.

 

Maakhir maaha Waziristan, Sanaag maaha Waziristan, Haylaan maaha Wasiristan, Bari maaha Waziristan. Mana noqqon doonto meel adduunka ka faqquuqan oo lagu sheego Argagixiso iyo Dad wax qarxiya.

 

Dagaalkii maanta dhacay, anigoon caadiffad Qabiil ku maldahayn, waxaan aaminsanahay inuu ahaa Dagaal aan ahayn mid Qabiil ama reer Gaar ah shaqqo ku leeyahay. Dagaalkan, waxaa soo qaaday Ciidan gaadhaya 800-1000 Askari. Waxayna kusoo qaadeen dagaalka Ciidanka Puntland oo Cid walba isugu jira.

 

Khasaarihii iyo dhibtii maanta dhacay, waxaa inteeda baddan masuul ka noqqonaya Qoladii markii hore Xabbada bilawday. Oo ah Ciidankii Duulaanka soo qaaday.

 

 

This was my take on Galgala issue. If Attam and his Group lost Galgala, which I personally welcome. Then, let Faroole accept his critics and handle the mess of PIS.

 

PIS should either be an organ of Puntland Goverment, whose orders and commands abide by the Chain of command of the Ministery of Security od Puntland not Meles or USA. Otherwise, mark my words, Puntland will never win the hearts and minds of its own Civilians. Security, will always be an issue which remains grief.

 

Affeef:

 

Waxaan ogahay, dhallinyaro yar yaroo Caadifad badani hayso, oo meesha ku jira, inay hab qabiil u diffaacaan PIS.

 

(1) Mr Somalia

(2) Peace action

(3) Duke

(4) Iyo qaar kaloo aanan hadda xusuusan

 

:D:D Caruureey marka haddaba walaaqa!

 

Xiin,Gheele, Che, Libaax ;) Innagu wexeena wada hadal iyo walaalnimo aan ku dhamysano!

 

Somali land, hawshan Puntland ayaa iska leh, idinku ka nasta idinkoo raalli ah :D

 

Salama!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Hunguri:

26-July-2010

 

This was my take on Galgala issue. If Attam and his Group lost Galgala, which I personally welcome. Then, let Faroole accept his critics and handle the mess of PIS.

 

PIS should either be an organ of Puntland Goverment, whose orders and commands abide by the Chain of command of the Ministery of Security od Puntland not Meles or USA. Otherwise, mark my words, Puntland will never win the hearts and minds of its own Civilians. Security, will always be an issue which remains grief.

 

 

Somali land, hawshan Puntland ayaa iska leh, idinku ka nasta idinkoo raalli ah
:D

 

Salama!

:D:D:D @Somaliland ka nasta idinkoo raalli ah

 

Hunguri, I absolutely agree with you on this. If the victory over Atom is true, and decisive, Faroole now has a golden opportunity to get to the bottom of PIS entity.

 

If PIS remains a freelance, armed intelligence entity, there will be more Atoms to deal with, and that is a war Puntland can never win.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waryaa Hunguri xaggaad ka dhacday? Mar baan is iri odaygii ma Hadaaftimu u kacay! I think the first thing Faroole should do is to go there and meet the locals as well as the elders. He has start to build the lost trust and assume the locals that he is/was not at war with any particular clan. He has to listen their grievances and act upon them.

I believe he can gradually reform the PIS with less huffs and puffs.

 

Nimankan ilma ictiraaf doon, dee tamashleyntii doorasha ayaa ciid looga shubay. Marka ma waxaan la ciiltoobin baa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

This was Hunguri's take on things about two weeks ago. Let's wait for his 'Xaqiida dhabta ah' at the monent when he comes back.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waryaa Huguri su;aasha waxa weeye yaa caadifo qabiil haysaa. Except for few Solers and foreign based web sites, the majority of Makhir's support the govt action against Atam and his shabaab supporters. Now again who is siding with his sub sub clan again?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Hunguri:

Affeef:

 

Waxaan ogahay, dhallinyaro yar yaroo Caadifad badani hayso, oo meesha ku jira, inay hab qabiil u diffaacaan PIS.

 

(1) Mr Somalia

(2) Peace action

(3) Duke

(4) Iyo qaar kaloo aanan hadda xusuusan

 

:D:D
Caruureey marka haddaba walaaqa!

 

Xiin,Gheele, Che, Libaax
;)
Innagu wexeena wada hadal iyo walaalnimo aan ku dhamysano!

 

Somali land, hawshan Puntland ayaa iska leh, idinku ka nasta idinkoo raalli ah
:D

 

Salama!

So, this issue is a clan issue. Most of you guys are divided on clan lines, what do you epect from the locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this