Sign in to follow this  
Maaddeey

Indhacadde: Ha lay Cafiyo

Recommended Posts

Maaddeey   

Indhacadde “ALLE SWT ayaan cafis weydiisanayaa iyo cidii ay wax iga gaareen

Wasiiru dowlahii wasaaradda gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh yuusuf Maxa’ed Siyaad Indhacadde oo wareysi siiyay Hornafrik saacado un kadib markii uu iska casilay xilkii uu u hayay dowladda KMG ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu isku casilay ay tahay in uu ogaaday in xilka uu hayay aysan laf ahaantiisa wax dan ah ugu jirin aduun iyo aakhiraba.

 

Indhacadde ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba uusan ka mid noqoneynin xukuumad aan Islaami aheyn, si xukuumad Islaami ah loo dhisana uu dagaalo badan usoo galay isagoo sheegay in dhiig badan uu u daatay arintaasi hanti badanna ay u bur burtay.

 

Sheekha ayaa qirtay in intii uu xilka hayay aysan jirin wax horumar ah oo uu u sameeyay dalka soomaaliya iyo diinta Islaamka, isagoo sheegay in ALLE SWT uu cafis weydiisanayo iyo cid walba oo wax ka tirsaneysa.

 

Wasiirka ayaa gaashaanka u daruuray in uu ku biirayo culumaa’udiinka Ahlusunna-waljameeca, isagoo sheegay in uusan kamid noqoneynin dhamaan garabyada siyaasadda ee ka jira dalka soomaaliya.

 

Indhacadde ayaa sheegay in aysan jirin wax gaar ah oo uu ka tirsanayo ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf xooggan kala dhexeyay.

 

Mar la weydiiyay Indhacadde hadii uu dalka isaga tagayo, waxa uu sheegay in taasi ay macquul tahay.

 

 

http://www.hornafrik.com/?p=1857

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

indhacadde.jpg

Dagaal Ooge Yuusuf Siyaad Indho Cadde ayaa ku dhawaaqay in uu Galay Gef weyn kadib markii uu ku biiray DKMG ah ee maganta u ah ciidamada shisheeye ee xasuuqa iyo Barakicinta baday shacabka magaalada Muqdisho. Indho Cadde oo lahadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho kadib markii uu iscasilay ayaa sheegay in kamid ahaashiyaha DKMG ah ay tahay gaf laga galay diinta Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

"waan ku khaldamay kamid ahaashiyaha DKMG ah waxay noqotay dowlad aan islaami ahayn sidaas ayaan uga baxay dowladda maadaama aysan ku dhaqmayn shareecada Iskaamka"ayuu yiri Indho Cadde.

 

Indho Cadde oo calaa calayey ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska cafiyaan wixii dhib ah oo uu ugaystay "shacabka waxaan ka codsanayaa cafis iyo saamaxaad waxaan balan qaadayaa in aanan kamid noqon dowlad aan Islaami ahayn,wixii dhacay alle ayaan uga Towbad keenay" ayuu markale yiri Indho Cadde.

 

Wasiiru Dowlihii G/dhigga DKMG ah ayaan qarsan xumaantii uu kala kulmay DKMG ah wuuxuuna sheegay in uu ka qoomamaynayo waxyaabihii isaga ku kalafiay in uu ka barbar dagaalamo AMISOM isagoo kasoo horjeedo xoogaga Mujaahidiinta ah ee u dagaalama sidii shareecada alle loo kor yeeli lahaa.

 

Yuusuf Indho Cadde wuxuu su'aal ka keenay in Qabuura Galeenka loogu yeero Ahlusuna Waljamaaca "Ahlusuna Somalida dhan ayaa ah cid gooni ah Ahlusuna ma ahan laakin aniga kooxda G/gaduud ku biiri maayo,siyaasadii waan ka fariistay waan iska cibaadaysanayaa markii dowlad Islaami ah dhalato waan la shaqaynayaa" Indho Cadde.

 

Hadalkan ka soo butaacay Indho Cadde ayaa fashil weyn ku ah Al Ictisaam oo kal hore Fatwootay in DKMG -ka ah ee ay ka barbar dagaalanto Saliibiyiinta AMISOM ay tahay dowlad Islaami ah ayna baanaanayn in lala dagaalamo taasi oo Indha Cadde iyo dad kaleba ku riixday in ay DKMG ah ugalaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No, don't twist the good advice I gave you.It was about not using religious text to win political arguments. You are still putting your 2 cents. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhamadoowe koox uu ku biiray oo hagaagay waligey ma arkin. Wax luu qash qashaa. Qabqabliyaashii xulufadiisa ahaa magacooda meesha waaka dhacee maxaa asaga wali soo istaajiye meesha. Wali waa taaganyahay.

 

Soon or later, he was going to be sacked, marka ka hortag waaye sheekadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Not bad. Not bad at all. This is a good start. Let's hope against hope that the atonement is genuine and this player knows when to call it quits.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this