Sign in to follow this  
Cowke

TFG Tanks Spotted In Mogadishu

Recommended Posts

Cowke   

Ciidamada Dowladda KMG ah oo iyagoo wata Taangi lagu arkay markii ugu horeysay Wadadda Maka al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho

 

Sunday 07 February 2010 SMC

 

Ciidamada Dowladda KMG ah oo wata gaadiidka Gaashaaman ayaa markii ugu horeysay lagu arkay waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo daqiiqado kahor socod ku maray wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

 

Mid ka mid ah goob joogayaal ku sugan wadada Tree Biyaano ayaa shabakadan u xaqiijiyay in kolonyada ciidamada Dowladda oo wata gaadiidka gaashaaman uu isagu arkay, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamada Dowladda ay ahaayeen kuwa Milateriga.

 

Dhinaca kale mar aanu la xiriirnay saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa sheegay inuusan jirin wax dhaqdhaqaaq ah

 

 

oo ku saabsan howlgallo ciidan inay dhacayaan saacadaha soo socda iyo in kale, inkasta oo uu ka gaabsaday inaan wax ka weydiino xilliga ay bilaabanayaan.

 

Sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha dhinaca ciidamada, arrintan ayaa u muuqata mid hordhac ah oo ciidamada Dowladda KMG ahi isugu diyaarinayaan inay sameeyaan howlgalladii ugu weynaa, bacdamaa maalmihii la soo dhaafay ay isu diyaarinayeen tabaabusha arrintaasi, isla markaasina horay madaxda Dowladda KMG ahi uga dhawaajiyeen.

 

Somaliweyn Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this