Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

Hargeysa: 8 year old girl falls victim to a Vampire in Xabaale Town.

Recommended Posts

Gabar yar oo nin Dal-Qalato ahi uu dhiiga kaga dhuuqay duleedka magaalada Hargeysa

Submitted by editor on Wed, 10/28/2009 - 15:36

 

Halganka.net Wed, 10/28/2009 -

 

Deegaanka Xabaale oo masaafo qiyaastii shan iyo toban Kilo Mitir u jira magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay fal aad looga argagaxay.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Gabar Ari jir ah oo da'deeda lagu sheegay Sideed Sano uu Nin Tooreey ku daldalooliyay ka dibna Dhiiga ka cabay.

 

Gabadhan oo lagu magacaabo Roodo ayaa waxaa haatan lagu dabiibayaa Cusbitaalka magaalada Hargeysa, waxaana sida wax u dhaceen ka hadashay Gabadhan ayeeyadeed waxayna tiri; "Inanta yar oo Adhi la joogta, ayaa waxa ku soo baxay Nin Dad-qal ah oo Mindiyo sita, markay aragtay ayeey ka baxsatay, isaguna wuu eryaday, waxayna ku dul kuftay Oodo qodxa leh. Dabeed wuu qabtay, si ayna u qeylin ayuu afka qabtay oo uu dhawr meelood oo jidhkeeda ah ayuu Mindiyo ka galiyey, sida qoorta, gacanta iyo meelo kale. Cidiyihiisa ayuu ku mudmuday, waxaanu ka jaqay dhiiga.”

 

Dhacdadan ayaa waxaa ka hadlay Booliska magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen in warkan la soo gaarsiiyay islamarkaana ay iminka gacanta ku hayaan baaritaan la xiriira falkan dad-qalatinimada ah ee ka dhacay duleedka magaalada Hargeysa.

 

Hadal-heynta ugu badan magaalada Hargeysa ee ay dadka deegaanka aad uga hadlayaan ayaa ah dhacdadan sida weyn looga naxay ee deegaankaas ku qabsatay gabadhan yar ee sida la sheegay uu dhaawac u geeystay nin Dal-qalato lagu tilmaamay.

 

Source: http://halganka.net/content/rumeeyso-ama-ha-rumeysan-waxaa-nin-dad-qalato-ahi-uu-dhiiga-kaga-dhuuqay -gabar-yar-duleedka-

 

 

Just to help you visualize(not the actual photage)

 

451281206_31054abdd0.jpg?v=0

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this