Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu calm as Tfg criples Looters inc....peace is close

Recommended Posts

Axmed Diiriye oo ku xirnaa Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in loo gudbuyey Magaalada Baydhaba oo ah Xarunta D.F.S

 

Warar si weyn loogu kalsoonan karo aya Shabakadan u sheegay in Axmed Diiriye oo ahaa Qarandid weyn oo codkiisa uga qeybgalayey Xasuuqa Dadka Muqdisho loo gudbiyey Xabsi ku yaala Magaalada Baydhaba oo hada ah Fariisinka D.F.S.

 

Axmed Diriye oo shalay Ciidamada Police-ka D.F.S ka qabten Guri uu kaga dhuumanayey S/Bakaaraha ayaa la sheegay in markii hore lagu xiray xabsiga Dhexe ha yeeshee loo sii gudbiyey Dhinaca Baydhaba.

 

Labo Sarkaal oo ka kala tirsan Taliska Police-ka iyo Maamulka G/Banadir oo ka gaabsaday in la soo xigtaa ayaa xaqiijiyey in Gaari ay Ciidamada Polic-ka leeyihin Axmed Diiriye laga saaray Magaalada Muqdisho isaga iyo Sh.Gees oo ah Wadaaad Al-Shabab ah oo lala qabtay.

 

Kiiska Axmed Diiriye ayaa u muuqda mid ay D.F.S cusleyneyso si ay ugu cibro qaatan Xubnaha kale ee sida isaga dhibaatada borobagaanka Muqdisho ka wada.

Xarigiisa ayaa waxaa taageray Wasiirka Arimaha Guadaha Gacmadheere iyo Max'ed Dheere Gudoomiyaha G/Banadir oo labuduba sheegay in la maxkamadeyn doono.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho Somalia Contact Carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DFK oo markii ugu horaysay si buuxda ula wareegay amaanka Suuqa wayn ee bakaaraha iyo Xaafadaha Hodan iyo Hawl wadaag.

 

Dadwaynaha Magaalada Muqdisho ayaa saaka markii ugu horaysay indhahooda saaray ciidamada Dawlada Somaliya oo si caadi ah u dhexmushaaxaya suuqa wayn ee bakaaraha oo hoy aan la galin u ahaa kooxihii Nabad diidka tan iyo intii ay magaaladaasi la wareegeen ciidamada Dawlada oo ay taageerayaan Kuwa Ethiopia.

 

 

Ciidamada Dawlada ayaa baaritaano ilin ilin ah ku samaynayay bakhaarada ganacsiga iyadoo ay goob joog ahaayeen ganacsatada suuqa wayn ee bakaaraha iyo sidoo kale dadkii meheradaha ku lahaa suuqa bakaarah iyadoo wax rabshado iyo iska hor imaadyo toona ah aysan ka socon suuqa bakaaraha.

 

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa wayn ee bakaaraha ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan hadaladii ka soo yeeray maamulka Gobolka banaadir iyagoo sheegay inay si buuxda ula shaqaynayaan ciidamada Dawlada somaliya iyo kuwa saaxiibada la ah ee ku sugan muqdisho.

 

Dadka shacabka ah ayaa si caadi ah uga adeeganaya suuqa bakaaraha iyadoo ciidamada dawladu ay halkaasi kawadaan baaritaano xoogan oo ay ku hayaan meheradaha gacansiga iyo sidoo kale bacadla yaasha suuqa wayn ee bakaaraha kadib dagaalo lagu hoobtay oo ay kula wareegeen ciidamada isbahaysigu magaalada muqdisho.

 

Waxaan la hayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen kooxihii ka soo horjeeday ciidamada dawlada iyo kuwa ethiopia kadib dharbaaxo xun oo lagu dhuftay weeraradii dhacay laba bari ka hor oo siwayn loogu wiiqay awoodii kooxahaasi ay ku lahaayeen magaalada muqdisho qaybo kamid ah.

 

AllMudug.org kala soco wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Somalidaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Isbadal cusub oo ku yimid Suuqa Bakaaraha iyo ganacsatada oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ciidamada ay ka wadaan Suuqaas

12. November 2007

 

AMuqdisho(AllPuntland)- Waxaa markii ugu horeysay la arkay howlgal ay ciidamada dowladda KMG ka wadaan gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoo ay ganacsatada suuqana ay ka qeyb qaadanayaan sidii ciidamada si nabadgelyo ah ay u baari lahaayeen bakhaaradooda.

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ugu baaqay in ay soo xaadiraan maanta si loo baaro goobaha ganacsi ee ay ku leeyihiin halkaasi ayaa la arkayey saakay iyagoo is dhex maraya iyaga iyo ciidamada dowladda oo dadka ka codsanaya in ay ku caawiyaan sidii howshooda u gudan lahaayeen, mana jirto caqabad hortaagan ilaa iyo xiligan ciidamada howlgalkaasi fulinaya oo wata gaadiidka dagaalka iyo qoryaha daran dooriga u dhaca.

 

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale la arkayey saakay iyagoo dhex lugeynaya goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taasoo muujineysa nabadgelyada iyo isbadalka ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha iyadoo maalmihii la soo dhaafay aysan jirin ciidamo iyo dadweyne isku dhex jira.

 

Howlgaladan ayaa waxaa soo dhoweeyay ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyagoo sheegay in howlgalkan oo kale aysan weli arkin, waxayna ku amaaneen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hadalkii shalay ka soo yeeray ee damaanad qaadayey nabadgelyada ganacsatada iyo hantidooda inaan wax dhibaato ah la gaarsiineyn.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Howlgalkii ugu baaxadda weynaa oo si xowli ah uga socda deg. Hodan

'Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 11-November-2007

'

Howlgal kii ugu balaarnaa ee ebed laga fuliyo caasimadda Muqdisho ayaa waxa uu si xowli ah uga soconayaa inta badan deegaanno ka tirsan gedmada Hodan halkaasoo maalmihii ugu danbeeyay ey ka dheceen rabshada iyo iska-horimaadyo galaaftay nolasha dad badan oo rayid iyo ciidamo isugu jira.

 

Sida aan wararka ku heleyno ayaa waxaa howlgalkan maanta socda ka qeybqaadanaya ciidamo lagu qiyaasahy in ka badan 1500 oo askari iyadoo ey sii dheeryihiin ciidamo sidoo kale ka socda kuwa Itobia ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Howlgalladan ayaa ah kuwa guri-guri loogu galayo deeganada ey baaritaanadu ka socdaan, waxaana warar horudhac ah ey sheegayaan in lagu soo qabqabtay howlgaladaasi socda tiro rag ah oo laga shakisan yahay iyo waliba hub isugu jira noocyada kala duwan una badan kuwa fud-fudud.

 

Ciidamada dowladda ee fulinaya howlgalkan ayaa waxa ey xalay oo shan ku hareereysnaayeen amaba gaar ka hayeen degmada Hodan ee uu iminka baaritaanku ka socda.

 

Ma jiraan wax galaya amaba kasoo baxaya deegaanadaasi, waxaana dhooban dhamaan wadooyinka soo gala deegaanadaasi ciidamo tiro badan oo isugu jira Itobian iyo Somali.

 

Wixii kusoo kordha howlgalka socda kala soco Calanka.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer what is in a prediction?

There is more stability, order and governnace than at anytime these past 17 years.

 

Somalia has come of age, the loosing side is running around headless. May it long continue.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

If you say the terrorists are defeated every few weeks and then the fighting and suffering starts all over again, then saxiib how do you expect us to take your views seriously?

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by General Duke:

Adeer what is in a prediction?

There is more stability, order and governnace than at anytime these past 17 years.

This is why he is not taken seriously. The man fancies himself as a spin doctor but is not very articulate.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Northerner:

quote:Originally posted by General Duke:

[qb] Adeer what is in a prediction?

There is more stability, order and governnace than at anytime these past 17 years.

This is why he is not taken seriously. The man fancies himself as a spin doctor but is not very articulate.
The tigre indiscriminate masscare is a great feat for him, sad what somalis become.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

Duke...

 

Now you must at least admit your last Predictions were unfounded!!! And tell us why this time you will be right... otherwise one can not help but concluded that your analytical capacity is as good as a clown… I haven’t reached such a conclusion yet, I will wait to hear from you why this time your proclamation of victory is accurate!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bokero   

Duke...

 

Now you must at least admit your last Predictions were unfounded!!! And tell us why this time you will be right... otherwise one can not help but concluded that your analytical capacity is as good as a clown… I haven’t reached such a conclusion yet, I will wait to hear from you why this time your proclamation of victory is accurate!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this