Sign in to follow this  
Jacaylbaro

TERROR ATTACK IN LASANOD

Recommended Posts

Laascaanood-(HWN)-Magaalada Laascaanood ayaa saaka waxaa ka dhacay Qarax Wayn oo lala beegsaday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool Mudane Cali Sandul waxaana ku dhintay Taliyaha Laascanood Cismaan Afdhilo, waana uu kabadbaaday Gudoomiyaha Gobolka Sool Mudane Cali Sandula Warkaasina waxaa noo xaqiijiyay Wariyaha yaga nooga soo warama Laascaanood Ahmed Saakin , Mar aanu khadka telefonka kula xidhiidhney.

 

Imika Goobtaasi Qaraxu ka dhacay ayaa Amaankeeda aad loo adkeeyay waxaana la baarayaa cidii weererkan Argagixisada ah soo qaaday taasi oo xaafad xaafad loo baarayo.

 

Ilaa imika lama oga cida ka danbeysa Qaraxan waxaana Ciidama Qaranka Somaliland ay isla markiiba amaanka Magaalada Laas caanood adkeeyeen wax War ah oo kasoo baxay dhawaca mahayno, balse wararkeena danbe ayaanu idin kusoo sheegi doona ee kala socda Hadhwanaagnews.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

WAR DEG DEG AH: Taliyihii Maleeshiyad Hargaysa oo ku dhintay qarax L/Caanod ka dhacay

Sunday, November 1, 2009

 

war deg deg ah oo hada naga soo gaadhay magaalda Laacaanood wuxuu sheegay in taliyihii

Maleeshiyad Haragaysa goor waydh lagu dilay Laascaanood.

 

 

 

waxaana lagu qarxiyey Miino nooca meelaha fog fog laga hago ah. waxaa lagu magacaabi jirey Af dhilo. sidoo kale 1 qof oo rayid ah ayaa dhintay sida la sheegay.

 

 

 

----

Qaraxa lala beegsaday Maleeshiyada Riyaale ee Laascaanood ku sugan

November 1 , 2009

 

Qarax saaka abaaro 9:30 ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan Malashiyada Riyaale oo lagu magacaabo Cismaan Afdhilo, isla markaana waxaaa ku dhaawacmay tiro kale.

 

Qaraxan oo ka dhacay Kaantaroolka bariga ee magaalada Laascaanood, ayaa waxa lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Riyaale ee ku sugan magaalada Laascaanood.

 

Tiro kale oo badan ayaa ku dhaawac may qaraxaas iyadoo warar hordhac ah oo aanu ka helnay magaalada Laascaanood sheegayaan in dhaawac u badan maleeshiyada Riyaale la geeyay cisbatalka guud ee magaalada.

 

Xiisad jahwareer ayaa ka aloosan magaalada iyadoo ay weerarkani ahaa mid si lama filaan ah u qarxay xaafadaha qaar ayaa waxaa laga maqlayaa dhawaqa rasaasta oo ay ridayaan maleeshiyada ka amar qaadata Riyaale.

 

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas

 

Wixii war ah ee ka soo kordha qaraxaas saaka dhacay magaalada Laascaanood, waxaanu idinku soo gudibin doonaa wararka dambe.

 

Taleex Media

Laascaanood,Somalia

 

 

-----------

War deg deg ah:-Weerar lala Beegsaday Xarunta Maaliyada Ee Bariga Magaalada Laascaanood Oo Lagu Dilay Sarkaal

Written by Jidbaale.com

Sunday, 01 November 2009 06:56

 

 

Laascaanood(Jidbaale.com):-Weerar ka dhacay saaka goob u dhaw xarunta maaliyada ee u dhaw Huteel Dhiif magaalada Laascaanood , halkaas oo lagu dilay laba askari sida ay sheegayaan warar hor dhac ahi oo mid lagu sheegay in uu ka mid ahaa taliyayaasha malayshiyada Hargeysa Kaas oo lagu naanaysi jiray Cismaan Afdhilo, halka uu jira dhaawac tiro badan.

 

Wali wax tafaasiil ahi kama soo bixin weerarkan lagu qaaday xaruntaas, iyada oo warar qaar sheegayaan in gaadhi goobta marayey oo ay saarnaayeen niman weerarkan lala beegsaday.

 

 

Malayshiyada Hargeysa ayaa goobtii weerarku ka dhacay isku geedaamay, iyaga ciidan badan soo dhoobay goobta weerarku ka dhacay, dadweyne tiro badan aya isugu soo baxay magaalada badhtamaheeda iyada oo aad laysu weydiinayo waxa dhacay saaka, waxaana la sheegayaa in laba weerar halkaasi ka dhaceen.

 

 

 

Dhaawac tiro badan ayaa lagu soo waramayaa in loola cararay Cisbitaalka Magaalada Laascaanood, oo isagu jira shacab ay soo gaadheen firiidhyo ka dhashay weerarkan oo qarax ahaa, una eekaa qaraxyada meel fog laga hago, iyada oo la sheegayo in ay goobtaas ku dhaawac meen askar ka tirsan malayshiyada Hargeysa oo aan iyaga loo qaadin Cisbitaalka Laascaanood waxaa lagu soo waramayaa in xeryahooda la geeyey ka dibna Cisbitaalka Caynaba . malayshiyada ku sugan magaalada Laascaanood ayaa bilaabay in ay dad u qabqabtaan arrinta , gaar ahaan shacab ka ag dhawaa aagga qaraxu ka dhacay, warar kalena waxa ay shegayaan in rag wadaado ah iyagana la qabqabtay oo su,aalo la weydiinayo.

 

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ay isu diyaarinayaan maamulka halkaasi ku sugani sidii ay baadhitaan ugu samayn lahaayeen xaafadda bariga magaalada iyada oo dad badani sheegayaan in arrintaas haday dhacdo iska hor,imaad horlihi ka dhici karo halkaasi.

 

 

Magaalada ayaa kacsan iyada oo malayshiyo tiro badan la soo dhoobay goobta weerarku ka dhacay, waxaana magaalada ka dhacaysa rasaas aad u xoogbadan

 

wixii ka soo kordha kala soco jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faah faahin qaraxii ka dhacay Laascaanood oo madkii iyo dhawaciiba loola cararay Tuulada OOG

Nov 01, 2009

Warar xaqiiqa ah ayaa waxay sheegayaan in dhimashadu ay tahay 2 dhawacuna yahay 7.

 

Qarax saaka abaaro 9:30 ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidanka Maamulka Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan Afdhilo iyo darawalkiisii, isla markaana waxaaa ku dhaawacmay tiro kale.

 

Qaraxan oo ka dhacay Kaantaroolka bariga ee magaalada Laascaanood, ayaa waxa lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.

 

Qaraxan ayaa waxaa la xaqiijinaya in uu ahaa mid gacanta laga hagayey oo lala beegsaday gaadhigii,qaraxa ayaa ahaa mid labo jeer lala beegsaday gaadhiga Ciidanka.

 

wararkii ugu dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in Tuulada Oog loola cararay Maydkii Sarkaalka iyo dhaawiciiba halkaas oo Burco loo sii gudbin doono.

 

dhinaca kale magaalada Laascaanood ayaa aad u kacsan dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodkii magaalada ayaa gebi ahaanba taagan,wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidankii Somaliland iyo Shaqaalahoodiiba ay ka baxeen magaalada oo arinkaas oo ay ka baqeen in qaraxyo kale lala beegsado.

 

 

 

Yasin mohamed ahmed

 

Laasaanood Soomaaliya

 

---------

Breaking Story:::Sarkal Lagu Dilay Saaka Laascaanood

 

 

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada laascaanood iyo qaraxyadii kadhacay saaka::::::::Sarkaalkii ugu sareeyay ciidamada maamulka labaxay somaliland ayaa saaka waxaa lagu dilay qarax miino oo ah nooca lagu hago rimuud kaantaroolka waxaa sidoo kale ku dhintay tiro ciidamo ah oo ilaalo ka ahayd sarkaalka sidoo kale waxaa dhaawacyo darani ay soo gaadheen qaar kamid ah shacabkii ku sugnaa aagii ay qarax yada isdaba jooga ahi kadheceen

 

 

Qarax yadan oo ahaa kuwo si lama filaan ah udhacay ayaa waxaa lasheegay inay ahaayeen kuwo qorshaysnaa oo laga soo shaqeeyay kolka aad eegto qaabka iyo sida ay qaraxyadani u dheceen.

 

saraalka ku dhintay qaraxan ayaa ahaa abaanduulihii ugu sareeyay ciidamada kusugan jiida hore ee magaalada laascaanood waxaana la'odhan jiray Cismaan waxaana lagu naanaysi jiray (AFDHILO) wuxuuna ahaa nin reer Burco ah

 

Sarkaalkan saaka dhintay ayaa waxaa maydkiisa loo qaaday dhanka magaalada burco oo uu asal ahaan isagu kasoo jeedo.

 

Boqolaal iyo boqolaal ciidamo ah oo kusugnaa agaagaga hore iyo jiidaha gobolka sool ayaa soo buux dhaafiyay magaalada waxaana ku hareeraysan dhamaan buuraha magaalada tikniko aad u farobadan iyo waliba ciidamo aad u xoogbadan

 

waxaa sidoo kale xidhan dhamaan wadooyinka kabaxa iyo kuwa soogala magaalada sidoo kale goobtii qaraxan uu kadhacay oo ahayd kobta lagu magacaabo Ceegaagta bari ama agagaarka hotelka layidhaah Dhiif ayaa xidhan iyadoo ay ciidamaduna baadhis xoogan ku hayaan aqalada iyo goobaha ka agdhow goobtii qaraxan.

 

majiraan ilaa hader cid sirasmiya usheegatay amba cid arintan loo qabtay hayeeshee dadka indha indheeya arimahan oo kale ayaa sheegay inay tani kadanbayn karaan kooxaha wax qarxiya ee ka dagaalama koonfurta Somalia.

 

wixii warara qadar daqiiqado ah kadib ayaan idanla socodsiin doonaa Hadduu Eebe Idmo

 

Widhwidh Online News Des..Media Center .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Laascaanood: Qarax ka dhacay Laascaanood oo ay Saraakiil Somaliland ah ku dhinteen.

 

1. november 2009 - APL

 

 

 

 

Laascaanood(AllPuntland)- Warar hoosaadyada ay APL ka helayso magaalada laascaanood ayaa xaqiijinaya in uu maanta qarax weyn ka dhacay gudaha magaaladaasi, isla markaasna lala beegsaday Gawaari ay leeyihiin ciidamada Maamulka la baxay Somaliland.

 

Qaraxaasi oo loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lugu aaso, ayaa lugu waramay in uu ku geeriyooday Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Somaliland, waxaana la xaqiijiyey in uu sidoo kale gubtay gaarigii lala eegtay falkan.

 

Cismaan Yuusuf (Af-dhilo), waxaana la xaqiijiyey in uu ka mid ahaa Saraakiisha Somaliland ee ku sugnaa magaalada Laascaanood,isagoo ay wararku sheegayaan in ay dhaawacmeen qaar ka mid ah Ilaaladiisa.

Cid sheegatay ma jirto qaraxan ka dhacay magaalada Laascaanood, hasa yeeshee wuxuu ku soo beegmay xili ay dad udhashay gobalka Sool ay wadaan abaabul ka dhan ah joogitaanka gobalkaa ee Somaliland, kuwaas oo dhawaan Jamhad ka dhisay magaalada Nayroobi, taasoo ujeedeedu tahay in lala dagaalamo Somaliland.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood (Qarannews)- Qarax saaka abaaro 9:30 ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland oo lagu magacaabo Cismaan Afdhilo, isla markaana waxaaa ku dhaawacmay tiro kale.

 

Qaraxan oo ka dhacay Kaantaroolka bariga ee magaalada Laascaanood, ayaa waxa lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.

 

Warkan oo uu noo xaqiijiyey Maayarka magaalada Laascaanood Axmed Daahir oo markii uu qaraxu dhacay aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, ayaa noo xaqiijiyey in qaraxaasi jiro, isla markaana uu ku dhintay ninka Sarkaal ah oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan Afdhilo.

 

Waxaa kaloo uu noo sheegay Maayarku inay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas, hasayeeshee noomuu sheegeen tirada dhaawacu inta ay tahay

 

Sidoo kale Maayarku waxa uu tilmaamay inay hadda socoto hawl-galo baadhintaan ah oo lagu ogaano ciddii qaraxaas ka dambaysay, meeshii laga soo mageelay iyo qaabkii uu dhacayba.

 

Qaraxan ayaa ku soo beegmay mar ay todobaadkan shaaca ka qaadeen Kooxda Al-shabaab, oo ku hanjabtay inay weeraro ku qaadayaan wadamo ay mid tahay Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaraxan ayaa ku soo beegmay mar ay todobaadkan shaaca ka qaadeen Kooxda Al-shabaab, oo ku hanjabtay inay weeraro ku qaadayaan wadamo ay mid tahay Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

'Ninkii soo joog laga waayo soo jiifsaa laga helaa', Markaa tuugu gacmahiisa ayuu ku shaqeestay

Waxaa amaan leh shacabka magaalada Laascaanood oo u soo jeestay inay dib u sooceshtaan xoriyadoodii iyo sharaftoodii

 

In laga safeeyo snm clan malitia from SSC regoin, waa waajib saaran dhamaan shacabka SSC

 

Maalin kasta waa inay mid ama dhowr ka tirsan snm malitia khaarajiyaan, illaa iyo inta laga nadiifinayo dhamaan dhulka SSC

 

Kan ka tirsan snm malitia ee tiisu gashay, dunidan dhibaata ayuu dadka muslim ka ku hayey, oo daalim buu ahaa, dad muslim ah dagaal xaqdaro ahlasoo aaday iyo in uu guryahoodii ku dhibaateeyo. aakhirana waxba ugama horeeyaan, oo shar uun buu shaqeestay, Allah ha ciqaabo hana ka jaro dhibaatooyinkii uu geestay

 

Horaa loo sheegay geeridu waxey dhibasaa ninkii dhoof ku yimi dhul uu laheen, sababtoo ah waa daalim, dambiila, oo fitno darteed ugayimi dhulkiisii

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

snm militia is a terror group, created by terrorists, for terrorists, so-called somaliland is terror land

 

People of SSC are determited to free their land, and eliminate all snm terrorists

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

1257067850_3188969034_771c2facd6_o.jpg

 

Warar dheeraada oo aanu ka helnay bunbadii saaka lagu khaarajiyay Taliyihii Aaga Bari ee Ciidanka Somaliland kuna sugan aaga laascaanood, ayaa waxay sheegayaan in uu geeriyooday nin Istaafkiisii ahaa oo markii hore dhaawac lagu qaaday.

 

Weerarkan oo ilaa hada aan la garanayn cid ka danbaysay, iyo cid qiratay toona ayaa hada goobtii uu ka dhacay waxaa isku gadaamay ciidankii Uu taliyuhu ka dhintay ee ku sugnaa aaga laascaanood, iyadoo goobta la keenat ciidan fara badan oo wata tikniko fara badan oo ay ka midyihiin Beebbeeyo iyo baroomo, iyagoo halkaas baadhitaanoka bilaabay.

 

weerarkan oo ka dhacay wadada laamiga ee dhanka bariga uga baxda magaalada laascaanood ayaa inta la xaqiijiyay laba qof oo shicib ahi ku dhaawacmeen, iyadoo qaruxuna uu ahaa miinooyinka gacanta laga hago.

 

Dilka taliyahan ayaan weli dhanka ciidanka somaliland ee aaga laascaanood iyo Police-ka gudaha magaaladu midna warbixin ka soo saarin, iyadoo shicibka iyo hadal hayntiisuna ay badantahay.

 

Taliyahan ayaa magaciisa la yidhaahdaa cismaan Afdhilo ayaa intii ciidanka Riyaale laascaanood ku sugnaaba ahaa Taliyaha Aaga Bari, isagoo sidoo kalena ahaa sarkaalka ugu awooda badan magaalada laascaanood kana mid ahaa Gudida nabad galyada gobolka Sool, oo uu gudoomiye maraq saar ah u yahay Cali sandule.

 

howrufadhi.com

----

qaraxlasanod.jpg

 

Faahfaahin:TaliyeQaybeed Ciidanka Somaliland ah Oo Qaraxyadii Laascaanood Lagu Dilay-

 

Laascaanood,(Lasanod Online)-Faahfaahin dheeraada ayaa kasoo baxaysa qaraxyadii saaka gilgilay magaalada Laascaanood,

 

 

Qaraxyada ayaa lala beegsaday Taliyaha Qaybeedka Ciidamada Somaliland Cismaan Nuur (Afdhilo) qaraxaas oo lagu dilay Taliyahaas saddex kamid ah ilaalidiisana uu dhaawac soo gaadhay,

 

Qaraxyadan oo ahaa labo qarax oo sida la sheegay ahaa nooca lagu hago Remute Cantrol ayaa yaalay meel laamiga dhiniciisa ah taasoo gaadhiga uu ninkani watay lala beegsaday kaasoo qarixii horre ka badbaaday balse sida ilo wareedyo goob joog ahaa sheegayaan uu qarixii labaad ku dhintay kadib markii uu baabuurka kasoo degay isagoo doonayay inu ogaadoo qaraxa horre.

 

Taliyahan oo ahaa ninka ugu sareeya ciidamada jooga gobolka Sool ayaa maydkiisa goobta laga soo qaaday iyadoo sidoo kale ilaalidiisiina oo uu soo gaadhay dhaawacyo culculus loola cararay goobaha caafimaadka.

 

Taliye Cismaan Afdhilo ayaa dhimashiisa waxaa xaqiijiyay maamulka gobolka Sool iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaadhay saddex shacaba inta la ogyahay oo iyagu goobahaas ka agdhawaa inkastoo uu jiro dhaawacyo sahlan oo soo gaadhay shacab guryohooda ku sugan.

 

Ciidamada amaanka ayaa goobta xidhay iyagoo diiday in loo gudbo saxaafadana u diiday inay goobta sawiro ka qaadaan,

 

Gaadiidka tiknikada ee ciidamada ayaa magaaladadhex gooshaya iyadoo xaalada magaaladu ay cirka isku shareertay,

 

 

 

Wariye: Farah D. Jama

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalmar

Ciilka ku hayaa weynaa. Waxa kuu dhiman kaliya inaa isa soo qarxiso laftigaagu. :confused:

 

 

Ciidamada Qaranku dagaal xarago leh oo face to face ah ayaa loo tabo baray laakin mar haduu maraayo xinjiro fanjaas kii Zarqaawi ee Ciraaq, ciidanku talaabo adag ayuu ka qaadi doona.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this