Sign in to follow this  
Garaad Bari

Ethiopian and TFG troops heading northern Somalia

Recommended Posts

Ciidamada Lugta Ee Ethiopia Oo Gudaha Usoo Galay G/Awdal Saylac Iyo Lowya-Cado

 

Warar ayaa sheegaya in ciidan xoogan oo ku gaashaaman hubka culus iyo kan fudud oo Ethiopian ahi ay ka soo gudbeen halka ay iska galaan xuduudada gobolka Awdal iyo , Jabouti iyo Ethiopia, lagana war helay iyaga oo maraaya meesha loo yaqaano ceel-gaal ee degmada Saylac agteeda .................................

 

Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa qeylo dhaan arrintaasi ku saabsan u soo direy xukuumada hargeisa, waxaana halkaasi gurmad deg deg ah ugu baxay Wasiirada Arrimaha Gudaha , wasiirka Qorsheynta iyo Macdanta iyo Biyaha oo ay la socdaan Saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka milatariga, inkastoo ujeedada socdaalka Wasiiradaasi ay maamulka hargeisa ku tilmaamtay inay deeq u soo qeybinayeen dadkii dhawaan roobabkii aagas ka da’ay ay waxyeeleeyeen wasiiradaas oo haatan dib ugu soo noqday hargeisa.

 

Ujeedada Ciidanka Ethiopianka ah ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid ay ku doonayeen nay qab-qabtaan firxadka Madaxda Maxaakiimta Islaamka iyo Xubno lasheegay inay yihiin Al-qaaciidada ee ku soo baxsaday dhanka badda , oo ay doonayeen inay kaga hortagaan soo gelitaankooda Degmada Saylac

 

xubnihii sida deg dega ah uga anba baxay magaalada hargeisa ayaa saraakiishi ethiopianka ahaa waydiiyay sababta kaliftay dhul kamadax banaan somalia inteeda kale ay gudaha usoo galeen , taas oo ciidanka ethiopiana ay ugu jawaabeen inay iyagu kolkaas u arkaan inay tahay Somalia meel ka mid ah hawl galkooduna uu ka socda dalka somalia oodhan.

 

Dhinaca kale , wararka ka imanaya Jabouti ayaa sheegaya in Dawladda Jabouti, ay Ciidankeedii ku soo teedisay xuduuda ay Lowya-Cado , isla markaana ay miinooyin faro badan ku aaseen, isla markaana ay baneeyeen seddex goobood oo ay ugu talo galeen inay ku soo dhaweeyaan qaxootiga dhinaca Hargeisa d kaga yimaada kadib dagaalada ka dhacaaya Somalia, kuwaasi oo ah kuwa sida sharciga ah uga soo gudba Lawya-cado.

 

Isku soo duuboo tan iyo markii laga soo eryey Jabouti Wakiilkii Hargeisa u fadhiyey, isla markaana ay bilaabmeen dagaaladii Somalia, ma fiicna wararka dhaqdhaqaaqa meliteri ee laga soo sheegayo aaga Jabouti

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

hey Garaad, have you even read the report,mise beenta ayaad ka heshaa?

 

Waar wax akhri intaanad waxa soo dhajin, ninku maskax yaraa.

 

It clearly says Ethiopian troops into Awdal,which is something to be concern if Xabashis have reached to the extent that they freely can manouvere on somali soil however they want.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this