Sign in to follow this  
Siciid1986

Guddoomiyaha Ucid Oo Hanbalyo U Diray Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya

Recommended Posts

Wasiirka Magaca Sharmutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”

Faysal Cali Waraabe

 

Hargeysa, march, 3 , 2010 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa hanbalyo u diray Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo difaacay socdaalkiisii uu somaliland ku yimid dabayaaqadii sanadkii hore ee 2009-kii oo shalay eedo uga soo jeediyey wasiirka arimaha dibada ee Kenya inuu taageeray gooni isku taaga somaliland, jawaabihii uu Faarax Macalin ka bixiyey waraysigii xalay uu la yeeshay tifaftiraha laanta afsomaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, ayuu sidoo kale ku sheegay in wariyahaasi waji gabax kala kulmay. Waxa kale oo uu gudoomiyaha UCID Yuusuf Garaad ku eedeeyey inuu geed dheer iyo geed gaabanba ugu taagan yahay xumaynta Somaliland, kuna tilmaamay mid idaacadii ka dhigay mid loogu adeego kooxaha ku dagaalamaya Somalia qaar ka mid ah.

 

Guddoomiyaha UCID waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Haatuf, kaas oo uu si adag jawaab ugaga bixiyey eedaha loo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ee lagu haysto socdaalkii uu ku yimid Somaliland, kuna tilmaamay shakhsi geesi ah oo xaqiiqda aan iska indha tirin isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “waxaan halkan tahniyad uga dirayaa anigoo ku hadlaya magaca xisbiga UCID iyo taageerayaasha balaadhan ee dalka iyo gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga, Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin sidii geesinimada lahayd ee uu uga hadlay una difaacay socdaalkiisii uu ku yimid dalka iyo Yuusuf Garaad oo isaguna ku sifoobay “Dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa” kuna caanbaxay xaasidnimada iyo xumaynta Somaliland, waraysigii uu la yeeshay Faarax Macalina waji gabax kala kulmay shaqsigaasi ina Garaad oo isagu ah mid xaasidnimo iyo cuqdad uu u qabo Somaliland ay ka soo ifbaxayso, mudadii uu idaacada tifaftiraha ka ahaana ka dhigay goob uu Somaliland ka colaadiyo oo uu koox ugu adeego, waxaanuse leenahay Somaliland kuma baabiin kartid xiqdigaa iyo buqdigaa aad ka wado BBC-da ee is**** qabo ayaanu ku leenahay iyadoo hooyadaa iyo ehelkaagiiba ay u soo qaxeen Somaliland, hadana waxa nasiib daro ah inaad xumaynta Somaliland uun ka shaqaynayso, wasiir khaarajigan kenyana waxaanu leenahay dalkayaga waxba kama sheegi karo nin magac ********* lihi, Faarax Macalina waxaanu leenahay waa nin aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh Somaliland sharaf iyo qadarin wayna u leh shacbiga reer Somaliland iyo taariikhda faca wayn ee dalka iyo dadka reer Somaliland.

 

 

CIMG0500.JPG-for-web-large.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

looooooooooool@faysal! one better than his usual self. wa'ayo ka magaca sharmuutada lihi? where is haatu ha noo macneeyee?

Share this post


Link to post
Share on other sites

This shows the depth of trouble Farah Moalin finds himself. He is endorsed by the man who asserted Adis kids are closer to Hargeysa than those in Xamar. Today the mad man in his praise to Farah, insulted Kenya's FM :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

This shows the depth of trouble Farah Moalin finds himself. He is endorsed by the man who asserted Adis kids are closer to Hargeysa than those in Xamar. Today the mad man in his praise to Farah, insulted Kenya's FM
:D

Faisal cali waraabe waleh wa libaax awoowgi ba tallin jiray :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Faisal cali waraabe waleh wa libaax awoowgi ba tallin jiray
:D

Awowgii saw kii Baligubadle degenaa maaha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Farah Macalin and Faisal are the enemies of SSC people, what you expect

 

Faisal Waraabe is a notorious warlord, who called for genocide against people of SSC for many times

 

Faysal's [in] famous saying was “a boy born in Hargeisa has more commonality with one born in Addis Ababa than one in Mogadishu.”

 

Now Faisal added Nairobi Kenya

 

“a boy born in Hargeisa has more commonality with one born in Addis Ababa and [Nairobi] than one in Mogadishu.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Who are SSC people? you don't need to worry about who they are, they know themslves, mid adi kuu taala maaha, markaa shaqo yeelo

 

But who are Somali Land people? Somali coast people, Somali sea people? Somali mountain people? Somali river people? Somali valley people? and Somali territory people

 

 

When you say Land of Somali people? Do you mean the fans of snm militia or your clan only

 

 

Because I believe Land of Somali people is Somalia, which includes all territories of Somali peninsula

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Wasiirka Magaca Sharmutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”

By: Faysal Cali Waraabe

:D:D:DClassic.

 

wa'ayo ka magaca sharmuutada lihi?

Wetang’ula

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this