Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SHEEKO NAXDINLEH - Cajalad Video ah ayaa burburisey noolasheyda

Recommended Posts

Hello Namads, This is long story but also VERY SAD story,,,,,, take time 2 read it plz . . .

 

Gabaryar oo dhigata jamacada-kuliyada tarbiyada ayaa waxaay kawarameysaa sidii ay kuweydey wixii ay mustaqbal laheyd. Waxaa ladhashey 3gabdhood oo kala dhigta dugsiyada sare iyo kuwa dhexe.

 

Aabahood wuxuu kashaqeyn jirey Dukaan si’uu uguhelo waxaay gabdhihiisa quutan iyo waxay labistaan.

 

Gabadhani waxay aheyd qof dadaal badan xaga duruusta schoolka .Waxay caan ku’aheyd xaga Akhlaaqda iyo dadaalka ay waxbarashada kubixinjirtey. Waxaay aheyd tusaale ay kudaydaan gabdhaha kale ee jaamacada dhigta.Marka lasoo gaabiya, waxaay kulansatey sifaadka fiican ee qof lagu sheego.

 

Sheekadaan oo aan kasoo qorey Kitaab yar,wuxuu sheekha kusoo guuriyey sitoos ah hadalkii gabadha ayadoo kawaramasa wixii qabsadeyna waa tana:

 

Maalin maalmaha kamid ah anigoo kasoo baxaya albaabka Jamacada ayaa waxaan arkey wiil dhalanyaro ah oo aad uqurux badan oo isoo fiiranaya sida qof iyaqaan. Dheg jalaq umasiin oo waan iska socdey anigoo cabsi igu jirta. Wuu isoo dabagalay isagoo igula hadlaya hadala aan wanaagsaneyn sida caruurta oo kale . Sida isaga oo igu lahaa:

 

“ qurux badan. Waan kujeclahey….inaan kuguursada ayaan rabaa. Mudo badan ayaan kuraadinaayey markii aan maqley akhlaaqdaada iyo wanaaga ay dadka kugu sheegayaan !â€

 

Waan ordey anigoo iska dhaga tiraya waxa uu igu akhrinayo waayo waligey ima soo marin arintaas oo kale.

 

Guriga ayaan tagey anigoo daalan oo layaaban arintan. Habeynkii oo dhan masaaxan.Waxaay igu noqotey yaab iyo amakaak!

 

Maalintii danbe markii aan kasoo baxey jaamacada ayaan kula kulmey hadana iridka isaga oo isugaya ii dhoola cadeynaya. Sidii sila’eg ayaan ugu cararey. Dhowr jeer ayuu sidaas oo kale isoo weerarey oo aan kacararaayey ilaa aan kacaado yeeshey arintii.

 

Arintii sidaas ayey kusocotey maalinkastaba isaga oo soo jaraya masaafa ilaa uu markii dambe iisoo dhigey waraaq albaabka guriga. Aad ayaan ugu shakiyey qaadisteeda haseyeeshe waan qaadey aniga oo ay gacanta igariireysa. Marka aan furey ee aan akhriyey waxaa kuqornaa hadalo xanbaarsan jaceyl iyo isaga oo kacudurdaaranaya wixii dhib ah ee uu ii geystey intii uu idabataagnaa.

 

Warqadii ayaan jeex-jeexay oo aan tuurey. Waxyar kadib ayaa waxaa soo dhacey telephone! Mise waa isagii .Wuxuu iweydiiyey inaan akhriyey waraaqda iyo inkale.

 

“Haddii aad edebyeelanwaydo,waxaan usheegaya waalidkey waadna ogaan doontaa wixii kugudhaca†Ayaan ugu caga jugleeyey.

 

Wax yar kadib ayuu kusoo celiyey telephonekii. Wuxuuna bilaabey inuu isukey sharxo. Wuxuu iisheegey inuusan xumaan ila dooneynin ee uu rabo inuu iguursado. Wuxuu igadhaadhiciyey inuu yahey nin hantileh. Wuxuu balan qackusiiyey inuu dhisidoona daarta uguweyn magaalada oo aan aniga ahey Amiirada kali ee degidoonta iyo inuu isiindoona wax alle iyo wixii aan ubaahda ee aduunyo ah. Wuxuu intaas kudarey inuu yahey qofka kale ee kaharey reerkooda ee nool manta oo aysanjirin cid kuheysato hantidaas faraha badan ee uu haysto oo waxa kamaqan aytahey xaas wanaagsan oo edebleh sideyda oo kale.

 

Sharaxaad dheer kadib waan uqalbijelcay. Waxaana bilaabey inaan kadhageysta sheekada marka uu soo diro telephonada. Waxaan is arkey anigoo kasugaya telephone maalinkasta oo haddii uu soo diriwaayo murugooda. Iyo inaan sugo marka aan kasoo baxa jaamacada bal inaan arko ninka ii balanqaadey mustaqbalka rajada wanaagsan.

 

Maalin anigoo kasoo baxay jaamacada ayaan kula kulmey albaabka isaga oo taagan. markaas ayaan kala bad-batey farxad. Waxaan bilaabey inaan gaarigiisa lafuulo oo aan kusoo wareegna magaalada anagoo sheekeysaneyna.

 

Marka aan lajooga,waxaan noqdey sidii qof aan laheyn Ikhtiyaar sida uu ii hantey awgeed. Awood umalaheyn inaan is weydiyo sababta aan ula socdo. Waxaad mooda inuu iga siibey wadnaha.

 

Waxaan bilaabey inaan rumeysto dhamaan hadaladiisa gaar ahaan marka uu iguyirahdo waxaad tahey xaaskeyga mustaqbalka dhow. Daar weyn ayaan kuu taagaya. Dunida oo dhan baan kudabaalsiinaya. Dadna waa adiga oo kali……

 

Maalinmaalmaha kamid ah(Maalin madow) ayuu burburiyey noolasheydii sidey udhameyd! Wuxuuna igu ceebeyey Ummada horteeda!

 

Sidii caadada aheyd ayaan islabaxney oo aan is raacney. Wuxuu igeeyey guri aad loo qurxiyey oo sifiican loo gogley. Waana is garab fariisaney anagoo is eeg-eegeyna. Waxaan hilmaamey Xadiithkii Nabiga Salallahu Aleyhi Wasalam ee uu nooga digey inaay nin iyo naag ajnabi kala ah meel cidla’ah wada fariistaan! Waxaan bilaawney inaan eegaya oo uu isagana i eegaya ilaa aan is arkey anigoo hoos jiifa! Waxaan arkey anigoo gacan kuheynin wixii aan lahaa wixii ugu qaalisanaa! Waxaan soo kacay sidii anigoo waalan markaas ayaan ku iri: “maxaad igu sameyneysaa? Hacabsan!Waxaad tahey xaaskeyga? Sideen xaaskaada kunoqdey adigoon imahersan? Ayaan kucalancaley! Waan kumahersandoona mardhow!†Ayuu iigu laabqaboojiyey!

 

Guriga ayaan aadey anigoo murugeysan;lugaha qaadila’a oo ooynaya! . Waxaa igushidmey dab jirka oo dhan. Gabalkii ayaa ii ayaa igu madoobaadey! Waxaan bilaabey inaan habeyn iyo maalin ooyo. Waxaan katagey waxbarashadii.Xaaladeydii ayaa sii xumaatey! Qoyskanigii ayaa igu wareerey ayagoo layaaban waxa igu dhacey!

 

Waxaanse isku samirsiiyey arintii uu ii balanqaadey ee guurka aheyd inuu fulindoona.Waqtigii ayaa dheeraadey ayadoo habeynka iyo maalinta ay iiga culustahey buuraha.Tolow maxaa kuxigidoona!

 

Waa tana balaayo kale oo kadaran tii hore! Telephone ayaa soo dhacey!Waa isagii oo aad mooda codkiisa inuu kasoo hadlaya meel fog. “Waxaan rabaa inaan kulano oo aan kawada hadalno arin muhiim ah†Ayuu iguyiri. Aad ayaan ufarxey anigoo uheysta inuu doonaya inuu nikaax sameynayo iyo aroos waliba!

 

Waxaan utagey isagoo aad moodo sheydaan wuxuuna igu yiri: “Waxaan kugu bishaareeynaya inaadan iga sugin wax guur ah waliga!Waxaan rabaa inaan kuwada noolaano sidaas†Dharbaaxo ayaan kaga soo qaadey ay indhuhu lasoo dhicigaareen! Waxaana usheegey inuuyahey nin akhlaaq laabe ah oo mustaqbal dooneynin.Waana katagey anigoo ooynaya!

 

“Waxyar isug!â€Ayuu igu yiri. Waxaa gacanta ugujira Cajalad Video ah. Wuxuuna igu yiri sijees jees ah: “Taas ayaan kuburburinaya noolashaada†“Maxaa kuduuban†Ayaan weydiyey. “Kaaley oo arag waxa kuduuban. Waxaay kugu noqondoontaa layaab†Ayuu igu yiri.

 

Waan raacey si’aan usoo arko waxa kuduuban.Waxaan ku arkey dhamaan Faaxisho ahaa ee nadhexmarey markii aan guriga joogney! Maxaad sameysey Yaa Thaalim? “Camera ayaa guriga galiyey oo duubtey.Cajaladaan ayaan kuu heystaa oo aan kugu burburinaya haddii aad diidid waxa aan rabo!

 

Qayli iyo oohin horleh ayaan iskudarey waayo ceebtu waxaay ugudubtey qoyskayaga.

 

Arintii waxay kudhamaatey inaan ninkii unoqdo laheyste(Asiiraha) oo sida uu doona ii maamusha habeyn iyo maalin.Sifiican ayaan udabaashey.Waxaan kawareegey noolashii sharafta laheyd waxaana kuwareegey dumarka nooca liita. Qoyskayagana war umahayaan waxa dhacaya.

 

Cajaladii ayaa faaftey.Waxaay gacanta ugashey ina adeerkey. Arintii ayaa laba qaraxdey. Waxaa kawarheley waalidkey iyo dhamaan reerkayagii oo dhan.Waxaay usii gudubtey ceebtii oo ay qaadatey dhamaan magaaladii oo dhan. Gurigayagii waxa hareeyey ceeb.Waan dhuuntey si’aan ubadbaadiyo nafteyda.

 

Waxaa sidoo kale magaaladii kacararey dhamaan qoyskayagii oo dhan haseyeeshey ceebtiina kamaharin ee waa laguurtey.Waxay noqotey arintii midlooga sheekeysta majaalista. Cajaladii ayaa sii fidey oo gacanta ugashey shabaabka magaalada.

 

Waxaan kubiirey dumarka jirkooda kaganacsado anigoo murugeysan.Ninkaan wuxuu horey usoo baleeyey gabdho kale oo sideyda oo kale kaduufsadey schoolka. Waxaan go’aansadey inaan ka aargoosta oo aan kusameeya mid kaxun tuu igudhigey.

 

Maalin ayuu ii soo galey isagoo aad ucabsan.Waxaan u degdegey inaan kafaa’ideysto jaaniskaan. Waxaan caloosha kagaliyey toorey! Halkaas ayaan kudiley Insaan-shaydaankii. Waxaan kagaraaxeeyey dadkii uu dhibilahaa gadaashey!.

 

Waxaan uqorey sheekadaan si’aay ugunoqoto waano gabdhaha yaryar ee soo kacaya si’aysan ugukadsoomin hadalada jilicsan ee ay raga kusiraan dumarka.

 

Waxaan kusoo hordhigey sawir kaamil ah sidii aan uburburiyey noolasheydii iyo tii qoyskayaga.

 

Aabahey wuu dhintey isagoo kucalcelinaya: “ XASBIYA ALLAH WANICMALWAKIIL! ANAA QADBAAN ALEYKI ILAA YOWMUL QIYAAMAHA†MAA ASCABAHAA MINKALIMAHA.

 

Allah na astura waayo haddii usan na’asturin kuligeen waxaan nahey ceeb socoto.

 

Salaamulahi aleykum?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalixa   

pleez iga ajarso oo english ku turshum,,,maybe iam asking too much. I would never get to finish it in Somali now so maybe later

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalixa   

i couldn't help resisting so i read it all and i heard it before from a friend. But in a different version. Walaahi when i heard this story i thought there is not one man on this earth you could trust...it scares me a lot and marraige is out of the question but then again i say waxaan dhani waa calaf. So tii Ilaahay uu noo qoray baa inasugaysa. If this stroy is true gabdhan wax layaableh baa ku dhacay, but we should be aware not to fall easily for strangers. Especially when they are wicked, waxasi wuxu aha shaydaan, i think he wasn't human. This is how i can tell a thug from a normal person.

1 he is desperate and fast

2 he admits things so fast you would think he is an actor from the BOLD AND THE BEAUTIFUL

3 if he talks very sweet with no objectivity and respect.Just says it with no reason, then of course it does not come from his heart.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

This is how i can tell a thug from a normal person.

1 he is desperate and fast

2 he admits things so fast you would think he is an actor from the BOLD AND THE BEAUTIFUL

3 if he talks very sweet with no objectivity and respect.Just says it with no reason, then of course it does not come from his heart.

Lol..............lol....

Sis don't jump to conclusion.

men who do things like this are sick, very sick.

And girls who fal for their traps are very dumm...

Sheydaan comes to those who fear allah the most too. But sheydaan is weaker than us because all you have to do is say "acuudu bilaah" and he is gone.

Sisters stories like this happen and the only thing that could cage away from things like these stories is educating your self with the DIIN..Islam...because ilaaheey wuu idinka xijabi doona wax kaste oo xun hadii aad xarigiisa ku xirataan...iinsha allah...

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The story is about a man who cheated a lady telling her that he fall in love with her and he is gonna marry her. After some time she believed what he said and there he got his victim.

 

He then crushed on her many times and every time she tries not move to that step he keeps telling her that she is his wife and he is going to marry her very soon. The last and worst one was in his room where he put a hiden Camera and video taped all their action that day.

 

He called her next day asking her to come over again and she did. Then tried to start his game but this time she tried to refuse. He told her that she must do this or he will destroy her life completely. She asked him how and he showed her the video tape and promised that he will distribute it among her family and friends to demolish her beautiful life.

 

She cried and there she becomes his slave, any time he need her and how he wants. The story has not ended here. . . . . the video tape spreaded among her family members then all the friends that she had . . . her life was distroyed completely as she fled to another place of the world and there she become one of the WHORES since she has nothing else to do and she is abandoned at all.

 

After some time, she discovered that she is not the first lady he distroyed her life but there are a lot of other women who were the victims of this wicked man. At last he met her one day but she planned for him,,,,,surprisingly she killed him by knife while he was drunk and he died. She did this not only for revenge but to avoid him not to distroy any other women after her.

 

THAT IS THE SUMMARY OF THE STORY FOR THOSE WHO CAN'T READ IT IN SOMALI LANGUAGE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hahahahahahahahahahahahahahahahahahahahaha

 

First he was her stalker, then he started to become her blackmailer??

 

She fell for her stalker and later killed him in the heat of passion/revenge???

 

It all sounds too made up...(atleast I read the entire somali version, and thats what I understood)

 

If he was initially stalking her, why didn't she just report it???(very simple, innit???)

 

He stalked her from her school to her home, and even got hold of her home phone number, and all of a sudden she started to fall for the guy and later ended up stabbing him???

 

 

Are you kidding me here, hahahahhahahaha, this is just hilarious.

 

This sounds one of those hollywood scripts gone bad type of thing.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

acuudu billaahi mina shaydaani rajiim.. what kind of story is that... she shouldn't become naagaha jirkooda gada, coz allah forgives, besides she got tricked on it. even though he used her weakness. alla aduunka maxaa ka buuxaan dad xun..

Share this post


Link to post
Share on other sites

jcaylbaro bro sheekadaan hadda kahor aa saaxiibteey iisoo *** , miskiinah ilaaheey ha ka cafiyo gabasdhaas, hana u naxariisto aabeheed, ayadoo in arabic flash movie ah xitaa waan arkay

 

thnxz

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not only this one,,, there are many stories like this,,, this is happening almost everyday in the world.

Laakiin ma dhihi karnaa dhamaan gabdhaha way khaldan yihiin ama ragga oo dhan waa khaldan yihiin ??? NO i guess.

 

This is only to tell you to TAKE CARE . . but everyone has his own right to choose.

 

but i still say TAKE CARE . . . TAKE CARE . .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Diamante   

damn, that's one tragic story, alla haa cafiyo is this story is true, she was very naive.

 

btw this story is similar to the one about the girl on paytalk, i dont know if u heard. the only difference is that this woman got on the net while she was married and then got tricked into thinking she was meeting up with loverboy and got raped by him and his mate :eek: !

talk about naive, nin baa qabo bal maxaa mid kale u wado.

 

however, how much of these stories are true tho?...and we all know how much somali people love telling tales. anyhow it does happen whether the 'victim' is a somali girl/guy or not. be careful and beware of sleazebags mentioned in the sheeko above

Share this post


Link to post
Share on other sites

good lord in heaven.....walaa xowla walaa quwwata illaa billaah.

 

sunxaanallaah..ilaahayow noo ceeb astur annaka iyo kuwa aan ka naxnaba!

 

im speechless....not only did she commit a sin but she also commited a murder? whoow......her akhira doesnt look that bright, does'it.

 

may allah guide us to the right path

Share this post


Link to post
Share on other sites
dawoco   

I find it hard to believe these stories, they may be used to scare wayward girls into behaving themselves. That doesn't mean that there aren't bad people out there, so i feel bad for the naive girls that fall for rehearsed lines. It can happen to any one of us, regardless of intellect or upbringing.

 

My way of staying on the straight and narrow is by making sure a member of my family, mainly my mother, knows everything that happens in my life from day to day. That is a handy way of knowing right from wrong. If you can't tell your family, then it isn't worth doing!

 

Anywayz, ramadaan kariim to you all, and my Allah keep us safe and untarnished by all the evil around is, amiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Wuxuu igeeyey guri aad loo qurxiyey oo sifiican loo gogley.

smile.gif

Waana is garab fariisaney anagoo is eeg-eegeyna.

smile.gif

Waxaan hilmaamey Xadiithkii Nabiga Salallahu Aleyhi Wasalam ee uu nooga digey inaay nin iyo naag ajnabi kala ah meel cidla’ah wada fariistaan!

:D

Waxaan bilaawney inaan eegaya oo uu isagana i eegaya ilaa aan is arkey anigoo hoos jiifa!

:D

Waxaan arkey anigoo gacan kuheynin wixii aan lahaa wixii ugu qaalisanaa!

:eek:

Waxaan soo kacay sidii anigoo waalan markaas ayaan ku iri: “maxaad igu sameyneysaa?

:eek:

Hacabsan!Waxaad tahey xaaskeyga? Sideen xaaskaada kunoqdey adigoon imahersan?Ayaan kucalancaley!

:confused:

Waan kumahersandoona mardhow!†Ayuu iigu laabqaboojiyey!

:confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this