Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Condemns Eritrea's Aggression

Recommended Posts

RayOffice1.jpg

 

 

Hargaysa, (Qarannews)-Xukumada Somaliland ayaa si buuxda u tageertay dalka Djibouti, kadib colaadii ka dhex qaraxday dalalka Djibouti iyo Eritrea todobaadkii ina soo dhaafay,taasi oo ay ka dhalatay khasaare lahaa dhimasho iyo dhaawacba, hadaba warsaxaafdeed maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada, kaasi oo loo qaybiyay saxaafada isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakda wararka ee Qarannews, ayaa waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan.

 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu cadeeyay mowqifkiisa Xukuumada Somaliland ee ku aadan Dagaalka Dhawaan dhex maray Jamhuuriyada Jabuuti iyo Eratariya.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland iyo dawladuba ay ka soo hor jeedaan , gardarada iyo qulqulada colaadeed ee Eratariya ay ku soo qaaday Jamhuuriyada Jabuuti , isagoo isla markaana ka tacsiyadaynaya shacbiga reer Jabuuti ciidamadoodii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaa gardarada ah ee ay Eratariya ku soo qaaday Dalka Jabuuti.

 

Mudane Rayaale waxa kale oo Jabuuti xukuumad iyo shacbiba u rajeeyay guul,nabad iyo horumar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laakiin masoo hadal qaadi karo Xabashada waxee ka dhigeyso Xamar soo ma'aha? Maya, taas aggression ma'aha, but a neighbourly conduct waaye miyaa? Afkiisa ma qabato, heck wadnihiisa xataa ma u awoodo in uu ka dhaho wax waxa ka dhacaayo dalkiisa because of cabsi iyo fuleynimo Xabashi daraadeed. Shuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How sad is this.

The peace talks between Somalis is not his business yet this he deems fair to comment on, and how does he who is the aggresor here.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Originally posted by Resistance:

How sad is this.

The peace talks between Somalis is not his business yet this he deems fair to comment on, and how does he who is the aggresor here.

Two different things really.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

He's just tryna make himself relevant(like a real president) and condemn Eritrea war like the IGAD mecenaries did!

 

I never heard Riyaale criticising the wars and attrocities in the SOmali Galbeed or Somalia. In fact, according to his cohorts, " Ethiopia has a right in ay nabada sugato". This latest outburst is just another example of sheep following the crowd and condemning(not because of SOmalinimo or Brotherhood) Eritrea, in order to toe the Line of the US admin and the Ethiopian admin. It's like when he said, "ohh, we are the only Muslim State to have fighting terrorists in our constituion". Next thing they might say, "Riyaale, the commander in Chief, is sending his airforce to defend Djibouti Brothers, lol!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna siihayaha xilka Madaxweynaha Xasan Daahir Maxamuud ayaa maanta cambaareeyey dagaaladii ay soo qaaday Xukuumada Asmara ,kuwasoo lugu soo qaaday ciidamada Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Dawladda Puntland ayaa ku sheegtay falkaasi mid aan wanaagsaneyn waxa ayna uga tacsiyeeyeen Shacabka Jabuuti ,weerarada gardadaa ee uga imaanaya Xukuumada Asmara ,ayadoo Puntland sheegtay in ay cambaareyneyso Weerarkaasi.

 

Warkan ka soo baxay dawladda Puntland waxaa kaloo lugu sheegay In ay Asmara tahay mid ka soo horjeeda amaanka gobalka Bariga Africa loona baahan yahay in talaabo cad laga qaado ayadoo laysku kaashanayo ,waxa ayna sidoo kale Puntland sheegtay in ay Asmara dhibaato ku tahay amaanka guud ee Soomaaliya & wadamada ay uaragto in ay ka shaqeynayaan amaanka Soomaaliya.

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud oo warkan ka sheegay Shir Saxaafadeed uu qabtey ayuu ku soo beegay xili uu Jabuuti booqanayo Madaxweynaha dawladda Soomaaliya & Madaxweynaha Maamulka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) ,waxa ayna Puntland xiriir wanaagsan la leedahay dawladda Jabuuti ee weerarka lugu soo qaaday.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

maxa meesha puntland na keenay ma waxay weyaan somaliland ba tirii ana haan ku dabbo dayaddo

puntland manay federaalka ahayn maanu cabdilahi yusuf uu hadlin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this