Sign in to follow this  
Juje

Guddoomiyihii Maxkamadda oo Xabsiga loo taxaabay

Recommended Posts

Juje   

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka iyo Garsoore ka tirsan Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka ee dalka oo Xabsiga loo taxaabay

 

Gudoomiyaha_Maxkamada.jpg

Mogadishu, Jimco , September 21 2007 SMC

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka, Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avvocate Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah Hawlwadeennadda Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka Qaranka, ayaa waxaa maanta loo soo gudbiyey Xabsiga Ciiddanka Dembi-baarista Boliska ee magaalladda Muqdishu, kadib, markii laga soo qabtay iyagoo ku kala sugan Xafiisyadooda ku yaaalla magaalladda Muqdishu.

Ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Cali Maxamed Yuusuf “Cali-Yare”, oo haatan ku sugan magaalladda Baydhabo ayaa u sheegay idaacadda Somaliweyn inuu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka bixiyey amarka lagu soo xiray Labadaasi Mas’uul, kadib, markii uu Dowladda Dhexe kala tashay xaalladahaasi.

Dr. Yuusuf-yare, waxa uu carrabka ku adkeeyey in Labadaa Mas’uul loo gubdiyey Xabsi ku yaalla magaalladda Muqdishu, isla markaana lagu soo oogayo dhowr dembi oo ay ka mid yihiin:- Ku-xadgudub Awood Xafiiseed, Maamul-xumo, Lunsasho Hanti Qaran, mushaar iyo gunno ay shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka lahaayeen iyo iyadoo la la’ yahay mushaarkii 13-bilood oo ay Hay’adda UNDP ugu talagashay Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka ee DFKMGS, waa sida uu hadalka u yiri Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

 

Dhinaca kale, Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac, oo ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia, ayaa cambaareeyey xarigga loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka, Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avvocate Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah Hawlwadeennadda Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka.

 

Xildhibaanka, oo galabta u waramayey Idaacadda Somaliweyn, ayaa sheegay inay labadaasi Mas’uul markii la kaxeynayey rasaas lagu handaday, waana arrin lala yaabo inay Dowladdu sidaasi u dhaqanto.

 

“Waxaan u malaynay inay Maleeshiyo qafaalatay labadaasi mas’uul, waa cajiib haddii ay Dowladda Federalka sidaasi u dhaqmayso, waxaan codsanynaa haddii aan nahay Xildhibaanadda ka soo jeeda Goballadda Waqooyi inay Dowladda sii dayso Labadaa Mas’uul oo markii la qabanayey rasaas lagu handaday” ayuu yiri Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac oo sheegay inay falkaasi u arkaan fal afduub ah.

 

Dhinaca kale, Madaxda Sare ee Dowladda Federalka, wax war ah kama soo saarin xarigga Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Qaranka, Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avvocate Maxamed Nuur Sheegow oo ka mid ah Hawlwadeennadda Waaxda Adeegga Guud ee Garsoorka Qaranka, iyadoo ay Maxkamadda Sare ee Qaranka tahay awoodda ugu sarreysa Saddexda Gole ee ay DFKMGS ka kooban tahay.

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Ra’isulwasaarre Geeddi oo amarka lagu afduubay gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka ku riixay Madaxweyne Yusuf

Muqdisho Sabti 22 September 2007, Waagacusub.com

 

Ra’isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi ayaa amarka sharci daradaa ee lagu afduubay gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka Soomaaliya Proff Yusuf Cali Haaruun ku tilmaamay mid uu bixiyay Madaxweyne Cabdilahi Yusuf .

 

 

 

Proff Geeddi oo ay siyaasiyiin,aqoonyahano iyo masuuliyiin DFKMG ku jira ee u dhashay Beesha SNM ay wax ka waydiiyeen sababta Ciidamo wato gawaari tikniko ah oo taabacsan dowlada ay xilli habeena gurigiisa uga afduubteen Cali Yusuf Haaruun oo ah gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka ,wuxuu iska fogeeyay ku lug lahaanshaha dhacdadaas,wuxuuna ku qanciyay in markii uu dabagal ku sameeyay loo sheegay in lagu xiray amarka Madaxweyne Yusuf.

 

“ Waxaa muuqato inaysan Soomaaliya ka jirin dowlad laakiin uu ka jiro maamul la mida Xukumadii Kacaanka ee Siyaad barre ,maamul dhinaca kaligii talisnimada iyo sharci darada kaga horeya maxaa yeelay,waa waxaan aduunka laga maqal Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka oo ah awooda sedexaad ee Qaranka in habeen madoow gurigiisa loogu dhaco oo Ciidan wata magac Qaran ay afduubtaan”ayuu yiri Masuul ka tirsan DFKMG oo magaciisa codsaday inaan la xusin sababa la xiriira amaankiisa.

 

“ Waxaan islahayn gudoomiyahii wuxuu ku dhacay gacanta muqaawimada ama waxaa afduubtay maleeshiyo dooneyso madax furasho,dhegta ayaa noo taagneed oo waxaan islahayn toloow meeqa ayey sheegan doonaan balse markii ay noo soo yeertay ,waxa afduubay waa Ciidankii dowlada oo C.I.D ayuu ku xiran yahay ,waan yaabnay oo yaabnay”ayuu yiri Wasiir ka tirsan dowlada federalka KMG.

 

Xafiiska Madaxweyne Yusuf Saraakiil ka tirsan ayaa hadalka Geeddi si adag u beeniyay,waxayna sheegeen in gudoomiyaha Maxkamada sare ay mudo is hayeen Xeer ilaaliyaha guud,loona xiray sababo la xiriira lunsasho hanti Wasaaradeed iyo dabagal Sirdoon.

 

Saraakiisha Xafiiska Madaxweyne Yusuf oo ka gaabsaday inay ka hadlaan aragtidooda hoose,waxay xariga Yusuf Cali Haaruun ku sheegeen mid uusan Madaxweynaha shaqo ku lahayn ,maadama ay isku awood ka yihiin dowlada iyo dalka Somalia.

 

“ Xariga Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka waxaa haboon in wax laga waydiiyo Xukumadda maxaa yeelay ,xarig iyo arrimaha dhacay waxaa shaqo ku leh Xukumada”ayuu yiri Sarkaalkaas ka tirsan Madaxtooyada,uguna waramayay Waagacusub Khadka telefoonka.

 

Inkastoo xariga Yusuf Cali Haaruun aan si rasmiya loo ogaan wali cidda fulisay hadana tilaabadaan waxay noqoneysaa mid dhaawaci karto kalsoonida beesha Caalamka ee DFKMG,maxaa yeelay sida sharciga caalamigaa iyo kan dastuurka dowlada ee Soomaaliya uu dhigayo,waxaa la xisaabtanka iyo go-aanka gudoomiyaha Maxkamada sare iska leh golaha baarlamaanka iyo gudigga qaadiyaasha Maxkamada sare oo qura,taas oo meesha ka saareyso qiilka loo raadinaya ee ku sheegaya in amar xeer ilaaliye iyo mid Madaxweyne lagu xiri karo Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka oo micnahiisu yahay kan cadaalada ku qaadi lahaa Madaxda sare ee dowlada federalka hadii dimbi Qaran lagu helo ama lagu tuhmo.

 

Waaranka lagu afduubay Yusuf Cali Haaruun,waxaa la sheegay inuu gooyay Wasiirka Garsoorka Mudane Xasan Dhimbil,kaas oo hore Warbaahinta uga sheegay in la soo xirayo Gudoomiyaha Maxkamada sare.

 

Yusuf Cali Haaruun oo ka mida siyaasiyiinta u dhashay Beesha SNM ,waxaa uu ka mid ahaan jiray Jabhadii SSDF,waxaynaa saaxiib fog ahaayeen Madaxweyne Yusuf oo ay mudo ka wada tirsanaayeen jabhada,iyadoo lagu tilmaamo nin sharci yaqaana oo aamusnaan iyo deganaan badan.hasse yeeshee gudoomiye Yusuf Cali Haaruun oo Waagacusub u waramay,wuxuu hoowlgalka ay Ciidamada dowlada ku soo qabteen ugu magacdaray afduub ka baxsan nidaam dowliya,wuxuuna ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo waxyaabaha lagu heysto iyo hadii tacadiyo qarsoon loo geystay.

 

" Waa la i soo afduubay,waxaan ahay la heyste,aan xoriyadiisii heysan,wax kasta oo la i gaarsiiyay,waxaan u qaadan karaa mid huwan laba ujeedo oo aan dib ka faahfaahin doono laakiin ,afduubka la igu heysto xaq maahin"ayuu yiri Yusuf Cali Haaruun oo dhacdadiisa ay dad badan u arkaan mid ay amreen shaqsiyaad rumaysan inaysan beesha uu ka dhashay ee SNM Muqdisho iyo Baydhabo ku lahayn awood gaashaandhig.

 

Si kastaba ha ahaatee,Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Qaranka waxaa gurigiisa Baydhabo lagala baxay xilli habeena,waxaana Muqdisho la geeyay isagoo gacan iyo lug is dhaafa ka katiinadeysan oo il -go xoogani ay ka muuqato,faruuryahiisa korena ay dhiig qubayeen,waloow aan la ogayn in la jirdilay iyo inkale.

Ururka Suxufiyiyiinta Somaliyed ee Kenya oo ku biiray ASOJ

 

Hassan Omar Mohamed

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Maxee magac dowladeed ku ciyaareen kuwaan dowlad isku sheega ah.

Ayaga waxay raban haba isku sheegane waxase ka daran in xulafadoda siba dowlada Marenkanka ay Calamaka ka dhadhiso in ay Dowlaad wax la yirah Somalia ka jirto.

Somalida waxay hore ugu maahmaahdey 'labadi xaraan ku heshisaa xalashey ku dagalaan'.

Nimanki hada Sacuudigi kuso saxixay heshiska been-beenta aha oo aduunweynaha lagu yiiri Somali wey heshisey so ma aha kuwa durbadiba isku qabqabsadey lacagti laso qatey iyo weliba isku dhartey, xireyna madaxi maxkamada xaranta ay dhisteen - bal iska sug adiga 'war jiraba cakaru imaan'.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

isla markaana lagu soo oogayo dhowr dembi oo ay ka mid yihiin:- Ku-xadgudub Awood Xafiiseed, Maamul-xumo, Lunsasho Hanti Qaran, mushaar iyo gunno ay shaqaalaha ..

Don't know about that, but the old man is definitely guilty of serious crime against fashion.

 

Gudoomiyaha_Maxkamada.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL "Don't know about that, but the old man is definitely guilty of serious crime against fashion." midki calanka mexico uu eka ee red white iyo greenka aha hadu xirnanlaha sa ma tirahden!

 

more seriously foolxumo weye for the chief justice of the supreme court to be treated like that, at most he should have been house arristed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Maxaa loo soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya?

Sabti, September 22, 2007(HOL): Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gurigiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo waxay ka soo kaxeeyeen Guddoomiyaha Maxkamadaha sare Yuusuf Cali Haaruun, iyadoo kadibna loo taxaabay Xabsiga Dembi baarista ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaase jira warar sheegaya in Guddoomiyaha loo heysto lacag uu lunsaday oo ay Hay’adda UNDP ugu talagashay in lagu bixiyo mushaarka Shaqaalaha Hay’adaha Garsoorka iyo weliba maamul xumo iyo ku-takri-fal awoodeed.

Warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu bixiyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka kadib markii uu Arrintaas la tashi kala sameeyay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Guddoomiyaha Maxkamadda sare sidoo kale loo heysto in isagoo xilkaas haya uu ogolaaday in loo doorto Jago Ugaasnimo oo Beeshiisa ah, waa sida aanu ka soo xiganay xubno ka tirsan Guddiga sare ee Garsoorka oo la socda kiiska lagu soo oogay Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay oo golayaasha Dowladda Federaalka ka tirsan, kaasi oo inta xoriyaddii laga qaaday xabsi loo taxaabay tan iyo wixii ka dambeeyay markii la soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Perhaps the guilty judge got out of line? Marched on the wrong beat...played his own music? Mentioned Asmara by mistake? Or worse said something along the lines I am Somali first...?

 

This all incident humours me a lot...the good old judge chose his destiny long time ago...precisely on the day he agreed to serve as the Tigrinian judge in Hamar...

 

Let him reap what he sow...

Share this post


Link to post
Share on other sites

...it is crime and more serious than you think to joke about amhaaro in tfg offices these days. So someone got the guy on tape thats why the got the boot. I wonder when he soon gonna join the Asmara bloc :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Originally posted by AYOUB:

Don't know about that, but the old man is definitely guilty of serious crime against fashion.

 

Gudoomiyaha_Maxkamada.jpg

AHAHAAAAAAAAAAAAAAAA...Exactly what I thought when I first saw the picture...He should do some jail time for that...Wuu i ceebeeyay...

Share this post


Link to post
Share on other sites

War odeyga la afduubtay faraha ka qaada.

 

The full picture ma aadan arkin.

 

maxkamadasare1.jpg

 

Waa kanaa the full picture, taken last year markii la dhaarinaaye odeyga iyo asxaabtiis kale maxkamadaha ka tirsanaa in Baydhabo.

 

They look good.

 

MTnew_state_law_uk.jpg

 

Maxaa rabteen in uu saan camal u labisto? Baliis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this