Sign in to follow this  
Che -Guevara

Saraakiisha Sirdoonka ee Maraykan iyo kuwa Ethiopia Oo Ku sugan Laascaanod

Recommended Posts

{Lascaanood}31-1-10 Warar ay heshay Widh-Widh online ayaa xaqiijiyana in hawgalka ka soconaya laascaanod ay qayb lixaad leh ka qaadanayaa saraakiisha sirdoonka ee Maraykan iyo kuwa Ethiopia Oo Ku sugan Laascaanod..

 

wararka kale ka soo baxay caasimada Gobolka Sool ayaa sheegaya in maalmaha soo socda waxay maxkamad ku sheega magaalada la haysto ee laascaanood ay hor keenayaa shakhsiyaad ay ku soo eedeeyeen inay ku lug lahaayeen qaraxii lagu khaarajiyey Cismaan Nuur.

 

Sida aanu ku helayno wararka hoose ee xaasaasiga kooxo u adeegaya maleeshiyada magaalada laascaanood haysataa, waxay sheegeen in ragga haatan u xidhan dilkii Cismaan Nuur {Afdhillo} qaarkood in loo diyaariyey dil toogasho ah, si ay arrintaasi ugu meel martana waxay u diyaariyeen shakhsiyaad ay ugu yeedheen markhaatiyaal, balse ah kuwo si gaar ahaaneed loo soo diyaariyey .

 

Cabdirashiid Dhabayaco

 

Cabdirashiid Dhabayaco oo horey xildhibaan uga ahaan jirey maamulka Puntland xilligii dawladii Cadde Muuse, siday wararku tibaxayaan waxay u diyaariyeen in ay ku xukumaan dil toogasho ah, waxaanay sheegeen inay diyaariyeen markhaatiyaal ku cadayn lahaa inuu isagu ka dambeeyey dilkii Cismaan Nuur (Afdhillo), iyaga oo soo dhoodhoobay hawshan.

 

Sidoo kale wararka aanu helaynaa waxay sheegayaan inay dadaal ba'an ugu jiraan horgalada maamulka hargeysa laga soo direy sidii ay u badbaadin lahaayeen Cabdi fataax Muuse Yuusuf oo ay ka baqayaan inuu qarxiyo siro badan oo uu hayo, hadii aan xabsiga laga sii daynin.

 

Dhinaca kale weli waxaa xaniban khadadkii moobaylada gacanta oo waxay amar ku siiyeen shirkadaha isgaadhsiinta ilaa amar dambe inaysan furi Karin, sababta sidan loo samaynayaa waxay tahay magaalada laascaanood ayaa waxaa haatan ku sugan raxan horgalada ah oo ay weheliyaan nin xabashi ah oo sirdoonka itoobiya ka socda iyo nin maraykan ah oo baadhaya walxaha qarxa.

 

Laascaanod, Soomaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeega Mobile ka iyo Internetka oo laga mamnuucay magaalada la haysto ee Laascaanood

Sunday, January 31, 2010

 

Wararka ka imanaya magaalada laascaanood ayaa sheegaya in gabi ahaanba shalay mar la jaray isgaadhsiintii nooc ay tahayba, wararka ayaa intaas ku daraya in ka dib baryo dheer oo lala galay koox wasiirada ina Riyaale ah oo ku sugan magaalada laascaanood ay ogolaadeen in la sii daayo adeega Land line ka oo keliya.

 

Kooxdan wasiirada Riyaale ee ka yimid hargeysa oo iyagu amarkan bixiyay ayaa la sheegayaa in ay mudo ku sii sugnaan doonaan gobolka, iyadoo la filayo in ay sii haysan doonaan is gaadhsiinta inta ay ku suganyihiin magaalada laascaanood.

 

Kooxdan ayaa adeegyada isgaadhsiineed ee ay mamnuuceen ay ka mid yihiin adeega Mobile ka oo la damiyay, iyo Internetka oo la mamnuucay isticmaalkiisa iyadoo albaabadana la isugu laabay dhamaan goobihii Internetka ay dad waynuhu ka isticmaali jireen.

 

Lama garanayo ujeedada rasmiga ah ee kooxdani u joojisay isgaadhsiinta, iyadoo xiliganina uu gudaha magaalada laascaanood ku suganyahay Ninka Riyaale ugu magacaaban Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Cali Sandule, horena u ahaa Horgalkii ku magacownaa Gudoomiyaha Gobolka sool xiligii Ina Riyaale gacanta ku dhigay magaalada la haysto ee laascaanood.

 

Howufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood : In Ku Dhow 200 oo Qof oo Xabsiga Loo Taxaabay, Adeegii Mobile-ka oo La Xayiray Iyo Kaantaroolada oo La Xidhay

 

Laascaanood(Bnn)-Ciidamada Booliska Gobolka Sool, ayaa xalay illaa maanta waxay magaalada Laas-caanood ku soo qab qabteen illaa 200 oo qof oo isugu jira dadka soo geleetiga ah iyo kuwo tuhuno ay galeen. Ka dib markii shalay qarax lagu bartilmaa-meedsaday Badhasaabkii Gobolka Sool Md.Faarax Askar Xuseen, oo ku dhaawacmay qaraxaasi laguna daweynayo cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

 

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sool Mr. Maxamed Saleebaan Gooni, oo u waramayay maanta saxaafada ayaa sheegay inay hawl gal balaadhan oo ay ka fuliyeen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay xaafad, xaafad u baadheen Magaalada Laascaanood waxaanu dadweynaha gobolkaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada booliska deg degna ugu soo wargeliyaan cidii ay ka shakiyaan.

 

“Walxahan loo adeegsanayo qaraxyada waxa lagu sameeyaa gudaha magaalada Laascaanood waxaana laga farsameeyaa Baytariyo, Masaabiir, Mobilo iyo qalab kale waxaanu hawl gal ka fulinay goobaha biraha lagu tumo,”ayuu yidhi Maxamed Saleebaan Gooni.

 

Waxa kale oo la xidhay kaantarooladii Magaalada laga soo galo. Tallaabadaasi oo ciidamada ammaanku ku tilmaameen in loo qaaday sababo nabad gelyada la xidhiidha.

 

Dhinaca kale, waxa tan iyo markii shalay qaraxu ka dhacay magaalada Laascaanood la joojiyay adeega Telefoonka gacanta waxaana ka shaqeynaya oo kaliya adeega Laynka oo qudha sida uu sheegay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) oo tilmaamay inuu shirkadaha Isgaadhsiinta ku wargeliyay inay joojiyaan khadka Mobile-da si looga hortago amni darro.

 

Wasiirku wuxuu Shirkadaha Isgaadhsiinta uga digay inay kaadhadh Telefoon ay siiyaan qof aanay damiin ka haynin oo aan la garanayn.

 

Qaraxii lagu qaaday Gaadhiga Badhasaabka Gobolka Sool waxa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladii Badhasaabka waxa kale oo markii dambe dhaawac dhimatay Haweenay goobta maraysay oo ku dhaawacantay qaraxaasi waxa kale oo ku dhaawacmay Badhasaabkii iyo laba ka mid ah Ilaaladiisii.

 

Magaalada Laascaanood ayaa tan iyo bishii November ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen qaraxyo joogto ah oo lagu khaarijiyay laba Sarkaal iyo askar ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa milatariga.

 

Ramaasnews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadkii ku eedaysnaa dilkii taliyihii qaybta 12-aad ee gobolka Sool oo beri maxakamd la soo taagayo.

Warkii 31-Jan-2010 iyo Qormadii: NEWS

 

Waxaa berito la soo taagayaa maxakamad ilaa 7 qof oo loo xidhay dilkii talihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool ilaahay ha u naxariistee Marxuun Cismaan Yuusuf,oo lagu dilay qarax la dhigay wadada laamiga ah ee dhexmarta magaalada Laascaanood.Dadkas ayaa waxa ku jra taliyihii ciidanka nabadsugida Kayse iyo weliba xildhibaan ka tirsanaan jirey xukuumada Puntland oo la yidhaahdo Cabdirashiid Dhabayaco.

 

Wararka oo faahfaahsan ha ka fogaan Afnugaal.com

Xassand@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ It's funny how you said it that any site other than those propagates the S/L agent is bias... Somali waa sidaas rajo rajadeed malaha weligeed sedan bay ahaanaysaa..

Share this post


Link to post
Share on other sites

SSC News Bomb is miidaamin ah oo ninkii fulin lahaa ku naf waayey

Thursday, February 04, 2010 - 09:58 AM

Send this story to someone Printer-friendly page

 

Qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Hotel Xamdi agtiisa oo fuliyihii ku naf waayey

 

Nin sida la rumaysan yahay watay walxaha qarxa ayaa habeenimadii xalay ahayd damncay in uu isku qarxiyo Hotel Xamdi ee magaaladda laascaanood.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this