Sign in to follow this  
Liibaan

Dilkii Suxufi waxaa Geystay Maleshiyaadka Somaliland ee kasoo Jeeda Bariga Burco

Recommended Posts

Liibaan   

suxufi.jpg

 

Beesha Bariga Burco Iyo Dilkii Suxufi Iyo Waraysi Ceegaag.com La Yeeshay Marxuunka Walaalkii

 

Laascaanood(Jidbaale.com):-Tan iyo intii uu dhacay dilkii Suxufi ayaa waxaa jiray warar isa soo taraya oo sheegaya in dilka suxufi ay geysteen malesyhiyaad ka tirsan beesha bariga Burco, ka dib markii ninkan la dilay aad ugu dooday in la sii daayo tiro yar oo ka mida dadkii buux dhaafiyay jeelasha Laascaanood oo wax denbi ah lagu waayay.

 

 

 

Sida ay ku warameen dad goob joogayaal ahi dilka waxaa geystay shan nin oo lebisnaa tuutaha ciidanka kuwaas oo marxuunka ooda kaga qaaday rasaas ilaa afar xabadoodna jidhkiisa la helay.

 

 

 

Raga dilka geystay ayaa la sheegayaa inay aad uga cadhoodeen maxaabiistan oo ay hab qabiil ugu ilaashanayeen xabsiga Laascaanood ee ooda laga qaaday. Sida la wada ogyahayna dadka ku jira jeelasha magaaladu waxay u xidhanyihiin beesha Bariga Burco, ka dib markii ay beeshaasi shir kaga go`aansatay in dadka maleeshiyadoodu soo xidhxidhay la saaro maxkamad miletery.

 

Halkan ka Akhri Go,aamada Beesha Bariga Burco Ku Saabsan Shacabka Ku Jira Xabsiga Laascaanood.

 

Dhanka kale waxaa jira warar tibaaxaya in dilka ka hor ay jireen hanjabaado qaar maleeshiyada Burco ka tirsani ti toosa ugu gudbiyeen Suxufi.

 

 

 

Dad goob jooga yaa sheegay in ragii dilka geystay ay isla markiiba u baxeen dhinaca waqooyi iyagoo toos ugu gudbay deegaanka ay ka soo jeedaan ee beesha Habarjeclo, iyadoo gacankudhiiglayaashaasi ay mareen jidka laamiga ah ee isku xidha Laascaanood iyo Burco maadaama aanay wax cabsiya ka qabin oo ay gacanta iyagu ku hayaan. Waxa intaa dheer in warbaahinta beesha Habarjeclo bilawday dadaalay ku doonayaan inay ku majarehabaabiyaan beesha SSC iyagoo doonaya ina abuuraan kala shaki iyagoo og inay ku badbaadikaraan keliya hurin colaad SSC gudaheeda ah.

 

 

 

 

Dhinaca kale webka Ceegaag.com ayaa waraysi uu la yeeshay marxuunka lagu dilay magaalada Laascaanood walaalkii oo lagu magacaabo Maxmed Macalin ayaa sheegay in marxuunka la dilay iyo maamulka hargeysa xubno ka tirsani aad isugu kacsanaayeen, iskuna qabteen dadka deegaanka ee sida xun loola dhaqmayo,wariyaha Ceegaag.com oo weydiiyey marxuunka walaalkiis in khilaafka marxuunka iyo maamulka hadda Laascaanood ku sugan ay xidhiidh leeyihiin dilka loo gaystay Suxufi ayuu waxa uu sheegay in aanu dilka Suxufi fogayn sababahaasi.

 

 

web'>http://www.ceegaag.com./Qoraalada/2010/Jan%202010/Max%27ed%20Macalin%20Faarax.mp3]web page

 

 

Source:

Xuquuqda waraysiga waxaa iska leh oo aanu ka soo xiganay website-ka www.ceegaag.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xuquuqda waraysiga waxaa iska leh oo aanu ka soo xiganay website-ka

 

 

Lasanod Online: Yaa Ka Danbeeyey Dilkii Marxuum Suxufi? Waraysi Marxuumka Walaalkii-(Maqal)-

 

Laascaanood,(Lasanod Online)- Maxamed Macalin Faarax oo ay walaalo yihiin marxuum Suxufi oo dhowaan lagu dilay magaalada Laascaanood, ayaa waraysigan ku sheegay..

 

Cidda lagu tuhmayo dilka marxuumkaas iyo meesha ay marayso baadhitaankii dadka ka danbeeyey falkan dilka ah.

 

Halkan ka Dhegayso Waraysigii Maxamed Macalin Faarax

 

Source:Ceegaag

 

Xafiiska Wararka Lasanod Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Booliiska Somaliland Oo Caawa Lagu Dilay Badhtamaha

 

 

Lasanod Online

 

 

 

 

Laascaanood,(Lasanod Online)- Waxaa goor dhowayd toogasho lagu dilay badhtamaha magaalada Laascaanod,sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland.

 

Sarkaalkan ayaa lagu dhexdilay suuqa Wadhacda oo ku yaala badhtamaha magaalada, iyadoo dilka sarkaalkan ay gaysteen koox hubaysan oo baxsaday markii ay dilka gaysteen.

 

Allaha ha u naxariistee ninkan dhintay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Macalin Faarax Cabdi(Suxufi), ayaa ahaa hogaanka abaabulka Booliiska horeyna u ahaan jiray nin ganacsadaa oo ka tirsan ganacsatada magaalada Laascaanood-

 

Warar lagu kalsoonyahay oo kasoo baxaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dilkan sarkaalkan ay gaysteen 5 nin oo hubaysan,kuwaasoo ku dhexdilay suuqa wadhacda gudihiisa.

 

Qaar kamid ah shacabka magaalada Laascaanood ayaa noo xaqiijiyay in sarkaalkan la dilay uu kasoo baxay salaadii cishe masjidu Nuur, isagoo marayay wadada gurigiisa tagtana halkaas lagu dilay.

 

Lama oga cida ka danbaysa dilka sarkaalkan balse arrintan ayaa shacabku ku tilmaameen mid la xidhiidha xaalad nabadgelyo xumo ee beryahan kusoo kordhay magaalada Laascaanood..

 

Sarkaalkan la dilay ayaa isagu dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanka Ceegaag ee SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is not far fetched. The news from Laascanod city is that this was revenge killing (aano qabiil). The above reports reflect the rumors going around in the city and if you do not believe it, just make a phone call to LA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^^ Dadka qaar baa aad u indho adag.. You lool@jidbaale so how about the clan cheer sites of SL, haatuf, hadhwanaag and likes who you cite in here every day... I guess to your own mentality they are credible sources.. What a hypocrisy!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Alien13, that is not the same sxb horta have you readed the Jidbaale sites? and the way their editors talk or make articles then you will know it's not a serious website but rather a comic website.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this