Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

H. E. President Sh Shariif Leads The EID Prayers at Isbaheysiga Islaamka Mosque(Pics)

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta salaadii Ciidul Adxa ku tujiyay boqolaal ruux oo isugu jiray Mas'uuliyiinta Dowladda, Culumaa'udiin iyo dadweyne fara badan oo salaada ku tukaday Masaajidka Isbaheysiga Islaamka.

CIID9.jpeg

Ammaanka Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo dhowaan dayactir lagu sameeyay ayaa waxaa sugayay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, iyadoo qeybaha Masaajidka ay ku gadaamnaayeen Gawaarida qafilan ee Ciidamada AMISOM oo ay ku jireen kuwa dabaabaadka.

 

Jameecadii ku jirtay Masaajidka oo isugu jiray Mas'uuliyiin, Culumaa'udiin iyo shacabka ayaa waxay ku dhawaaqayeen Takbiirta Salaada Ciida, iyagoo ka muuqatay shacuur ku dheehan farxada ciida.

CIID8.jpeg

Masaajidka Isbaheysiga ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo shacab kale, halkaasoo Madaxweyne Shariif uu ku tujiyay Salaada.

CIID17.jpeg

Salaada kadib ayaa Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Shariif oo ku baxeysay luqada Carabiga ayaa waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay xaalada dalka soomaaliya, waxaana uu Shariifka ku dheeraaday marxaladihii uu Islaamka soo maray iyo Fidnooyinka qaar ee ka jira dalka.

 

Madaxweyne Shariif ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyed munaasabada Ciida darteed isagoo ugu baaqay ciidan ciideeda kale ay ku gaaraan Nabad bash bash baraare nolo iyo barwaaqo.

 

Madaxweynaha ayaa ugu duceeyay Umada Soomaaliyed in uu Alle dhibka ka dul qaado, isla markaana colaada iyo mushkiladaha heysata uu Alle ugu badalo Nabad.

CIID10.jpeg

Waa markii u horeysay uu Madaxweynaha Salaada Ciida ku tujiyay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka Mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan, iyadoo horay Madaxweyne Shariif xilligii uu ahaa Gudoomiyihii Golaha Fulinta Maxaakimta Islaamka uu sidan oo kale salaada ugu tujiyay dadweyne fara badan iyo mas'uuliyiintii Maxaakiimta ee xilligaas, oo ay jaalkiisa ahaayeen Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Dr. Cumar Iimaan Abuubakar.

 

CIID15.jpeg

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

CIID9.jpeg

 

is that cumar buur ka hoosta eegaya are u sure inu sujudii karo yarku :D

 

Sh dalxiis maanta wabu so fogaday masajid babu ku tukanaya last ciid vila somalia ayuu ku dhex tukkaday

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this