Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Was it Al-Shabaab ???

Recommended Posts

Al-shabaab oo Sheegtay Masuuliyadda Qaraxyadii Dadka Badan ku Dhinteen

 

Hargeysa (Jam – W/Wararka)- Kooxda Al-shabaab ee ka dagaallanta koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weeraradii argagixiso ee Arbacadii lala beegsaday xurmo muhiim ah oo ku yaal caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna sidaa ku sheegeen cajalad fiidow 30 daqiiqo socotay oo ay ku baahiyeen boggaga ay ku leeyihiin internet-ka.

 

Sida ay goor dambe oo xalay ah baahiyeen telefiishannada Al-jazeera, Al-arabiya iyo SBC waxay kooxda Al-shabaab ku sheegeen cajalada in kooxda weerarkaa fulisay uu hoggaaminayey nin lagu magacaabo Cabdicasiis, looguna yeedho Sacad, isla markaana ay ka koobnaayeen toddoba qof oo dhallinyaro ah.

 

Iyada oo cajalada fiidowga ah laga arkayey muuqaalo dhallinyaro baabuur iyo qoryo ku tababaraysa, kuwaas oo ku dhawaaqayey erayo diini ah, isla markaana u digay waxay ugu yeedheen daba-******ka cadow islaamka ee gaalada, iyaga oo ku hanjabay inay weeraro is qarxin ah si isdaba joog ah ku qaadi doonaan waxay ugu yeedheen gaalada.

 

Canjaladan oo laga maqlayey codka qaar ka mid ah dadka is qarxiyey oo ku dhawaaqaya erayo dardaaran iyo guubaabo isugu jira oo ay u jeedinayaan muslimiinta. Waxa si gaar ah codkiisa loo maqlayey ninka ka muuqday muuqaalka cajalada ay Al-shabaab soo bandhigtay oo lagu magacaabo Cabdicaasiis (Sacad), kaas oo erayadiisa ka mid ahaayeen; “Magacaygu waa Sacad, waxaan ahay argagixiso, maxaad iga qaadi kartaa? Waxaannu doonaynaa in aannu u tagno oo aannu weeraro ku soo qaadno dad gaalo ah.”

 

Waxaannu ninkani ugu dambeyntii eraygiisii ugu dambeeyey ku jeediyey af Ingiriisi, isaga oo si guud uu cambaareeyey ciidammada Itoobiya iyo kuwa nabad-illaalinta ee ku sugan Soomaaliya iyo waxay ku sheegeen daba-******yada la socda, waxaannu digay in ay weeraro is qarxin doonaan ilaa iyo inta cadowgu ka baxayo dhulka islaamka.

 

Cajaladan fiidiyowga ah ee Al-shabaab soo bandhigtay ayaa ka dambeeyey qaraxyo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay oo Arbacadii Madaxtooyada Somaliland, safaaradda Itoobiya iyo xarunta hay’adda UNDP.

 

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Dream on sister dream on.....

 

 

SNM gang were/are criminals and everyone knows that. They killed so many innocent people.

I am sure you were too young to remember that. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Dream on sister dream on.....

 

 

SNM gang were/are criminals and everyone knows that. They killed so many innocent people.

I am sure you were too young to remember that. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xidigo   

Dream on sister dream on.....

 

 

SNM gang were/are criminals and everyone knows that. They killed so many innocent people.

I am sure you were too young to remember that. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...xiddigo and ibti. I thought those were the links for your evidence.

 

 

Shabaabku waxay caado u leeyihiin inay si cad u sheegtaan wixii ay sameeyaan. Haddaba anigu meel ay ku sheegtee ma arag. Website-kooda kataaib-na wax kuma qorna marka haddii qof hayo plz post it here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this