Sign in to follow this  
Sky

2nd soft drink producing company opened in Bossasso

Recommended Posts

Sky   

Waxaa Magaalada Boosaaso laga furay Warshada CocaCola, Fanta...

 

WERSHEDDA CABITAANKA EE KAWSAR

 

W.D: c/fatax jaamac | Bosaso

Email: somalitalkpl@yahoo.com

 

Waxaa laga furay magaalada Boosaaso Warshad soo saarta Cabitaanka Coca Cola, Fanta iyo Noocyo kale oo Cabitaana loona isticmaalayo Dhalooyin mar kaliya lagu Isticmaalayo (One Time Use). Warshada iyo Aasaaskeeda oo uu warbixin naga siiyay Eng. Cabdicaziiz Bilaal oo ka mid ah Mulkiilayaasha Warshada waxana uu warbixintiisa ku bilaabay sidaan:

 

coce1.jpg

Eng Cabdicaziiz Bilaal

 

 

Eng: Cabdicaziiz:- Mahad waxaa iska leh Rabbigii inooku nimceeyey nimcooyinka kuwa muuqda iyo kuwa qarsoonba, kuwaas oo aan marnaba lasoo koobi karin, nebigiisana nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaato.

 

Waxaa ku shirkoobay Warshadaan Ganacsatado Soomaaliyeed oo ku kala nool Dalka gudihiisa iyo Dibadiisa Waxaan kaloo kuu sheegayaa taariikhdii la asaasay wershedda cabitaanka ee Kawsar iyo goortii ay dhaqan gashay.

 

coce2.jpg

 

Sanadku markuu ahaa 2002 dii ayaa waxaa bilaabatay hindiso,is-abaabul iyo isku duba rid. Waxaa markaana xooga lasaaray oo lamuujiyey dadaal lixaad lex kaas oo lagu doonayey sida ugu fudud ee arinkan uu ku hirgeli lahaa. Wax yar ka dib waxaa hirgalay hindisihii iyo himilooyinkii uu qof walba xanbaarsanaa taas oo la orankaro waxay noqotay murtidii somaliyeed ee ahayd:

â€Wixii rag u kaco rabbina aqbalo way rumoobaanâ€

 

coce3.jpg

 

Noocyada cabitaanka

 

Kadib markii ay ogolaatay shirkad aan Ogolaasha ka soo qaadanay in xiriiir ganacsi iyo iskaashiba ay layeelanayso shirkadda kawsar, ayaa waxaa fursad loohelay in lala kulmay laba nin oo khibrad iyo waayo aragnimo u leh samaynta cabitaanka waxbadana kasoo shaqanayey wershedo kala duwan oo yurub gudaheeda ah. Mid kamida Nimankaa wuxuu ahaa nin khibrad weyn leh oo u qaabilsan Microbiology-ga qaybta caafimaadka iyo baarista maadooyinka cabitaanku ka koobanyahay. Kan kalena wuxuu ahaa Chemical analyst qaybta tayada (Quality control) kuna fara dhuudhuuban daraasaynta maadooyinka dhadhanka. Raggaa waxaa weheleyey nin somali oo ah Aniga Cabdicaziiz, soona bartay chemical analyst kana shaqaynaayey muddo dheer wershed ka mida wershedaha caalamiga ah ee cabitaanada sameeya ee ku taal Netherlands, qaybta tayada "Quality-ga" dhinaca baarista maadooyinka chemicada, biyaha iyo ansixinta cabitaanka, waxaana u laahaa fikradda samaynta cabitaanka wershedda Anigoo ka faa'iidaysanaayey fursaddahaas lana kaashanaayey shaybaaradaas (Laboratory). Taas oo macnaheedu yahay in awooda lasaaray baaritaan cilmiyaysan si loo helo nooca cabitaanka ugu fiican tayo iyo tiroba.

 

coce4.jpg

 

Waxaa baaritaankan lagu sameeyey iyadoo la adeegsanaayo shaybaaro caalami ah noocyada cabitaanka iyo miisaamidda dhadhanka muddo ilaa 7 bilood dhan sidii loo dejinlahaa nooca cabitaanka loobaahan yahay iyo isu miisaamidda dhadhanka.

 

coce5.jpg

 

Waxay nimankaani baaritaanka wadeen ilaa muddada kor lagu xusay ay wadeen sidii kor loogu qaadi lahaa Cabitaanka diyaarna u yihiin inay shirkadda ku caawinaan wixii aqoontooda ah inkasta oo aan baahi saa u weyn oo looga baahan yahay aysan jirin isku filnaan awgeed.

 

Waxaa farxad weyn u noqotay shirkadda Kawsar in natiijadii kasoo baxday baaritaanka ay noqotay mid lagu guulaystey.

 

coce6.jpg

 

Cabitaanada ay shirkaddu haatan ay soo saarto waxay kala yihiin:

 

1- noocyada dhadhanka CocaCola 400ml

2- noocyada dhadhanka Orangada (Fanta) 400ml

3- noocyada dhadhanka lemon-lime (7 up) 400ml

4- noocyada dhadhanka Tropical Fruits. 400ml

5- Biyaha macaan oo caagadaysan (750 ml & 1000 ml)

6- Carbonated water (SODA-WATER 400 ml)

7- Light-products (cola-light) 400ml

iyo noocyo kale, kuna xiran hadba sida dadku inooga dalbado.

 

Tayada cabitaankan wuxuu u dhigmaa ama lamidyahay noocyada cabitaanka ee yurub laga isticmaalo.

 

Warbixintaa kadib ayaa Eng: Cabdicaziiz uu ii sheegay in aad ay u heleen suuq fiican oo hada Cabitaanka Kowsar laga isticmaalo magaalooyin badan oo ka mida Puntland oo mar uu i geeyey Baqaarada uu i tusan Cabitaan badan oo Dalab ay ku sameeyeen ayna u rari doonaan Magaalooyinka Gaalkacyo, Laascaano, iyo kuwo badan tasoo keentay Dhadhanka oo ay dadku jeclaadeen.

 

W.D: c/fatax jaamac | Bosaso

Email: somalitalkpl@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2005

 

 

* cocacola is meant to be just cola, not the brand Coca Cola itself. Somalis are unaware that the actual product is named cola.

 

Success for this company in competing with the imported soft drink with the famous brandnames.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^Indeed a remarkable achievement...this proves beyond any point the entrepeneurship of the Somalis. Am certain more will be achieved in the near future and that the whole Somali society will make their mark in the region.

Thanx for the info Sky..!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

Dont you guys think its amazing how our countrys economy is growing, without:

- foreign investment

- IMF, World Bank, African Development Bank etc. cash injections and guidance

- a (proper) government

 

This is a very good investment for the entrepreneurs of this company Kawsar themselves and the consumers, because imported soft drink like Coca Cola, Pepsi, 7-Up, Fanta cost 7000 shillings to import and its ultimately sold in bakhaars and biibitos for 10 000 shillings. But take for example the United Bottling Company in Muqdisho, it produces for 3000 shillings per unit (bottle) and ultimately it is sold in the bakhaars and biibitos for 5000 shillings. HALF THE PRICE OF IMPORT BOTTLES!

 

So definetily they have a good opportunity in competing with the import bottles. But dont underestimate the power of brandnames. Some guys tried to invest in a Bottling company that produces Pepsi brands, but ended up not doing it, because Somalis rather drink Coca Cola than Pepsi. I dont know why, but Coca Cola is popular in Somalia. Ironic, because Somalia is the country in the world that doesnt have a Coca Cola website. Even Djibouti has it for goodness sake!

 

Still their reach is limited, they need to grow fast! UBC in Xamar is no doubt the mother of all bottling companies in somalia. But its products only reach as far as Jowhar and Marka so far.

 

This Cabdulcasiis Bilaal guy reminds me of a mini version of Abdulcadir Khan of Pakistan who acquired knowledge in the Netherlands while working in a nuclear plant and headed home with that knowledge.

 

I did some research and this is the company he used to work for. Its called Vrumona. Its the only Dutch bottling company.

http://www.vrumona.nl/domains/default/pages/default.aspx?contentcode=HOMEPAGE

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

That is good news indeed,

 

now we had soft drinks in most major cities in Somalia, good for the people and the growth of economy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this