Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Boqor Raabbi Arrested in Somaliland - A Lesson to All Traitors and Loosers

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-12-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Ciidanka laanta Socdaalka Booliska Gobolka Saaxil,ee ka hawlgala Madaarka Berbera ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi [Dakhare],isaga oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo magac faalso ah ku soo raacay Diyaarada African Airline ee uu la socday.

 

Sida ay tibaaxayaan Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Berbera ee la xidhiidhay Xadhiga Boqor Raabi ayaa Sheegay ka hor intii aan Xabsiga loo taxaabin Boqorka ay Saxaafadu kula kulantay Xafiiska laanta Socdaalka ee Berbera, ayaa ka gaabsaday inay wax iska bedeleen Mowqifkiisii uu hore ugu Taageersanaa Dawlada Ku meelkaadhka ee lagu soo dhisay Embeghati.

 

Sidoo kale Boqor Raabi Wax tafaasiila kamuu bixin inuu Dawlada Somaliland Wax Cafisa ka helay iyo in kale,hasayeeshee Waxa uu sheegay inuu Gurigiisii ku soo noqday.

 

Taliyaha Guud Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad oo ay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews khadka Mobile-ka kula xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyey Xidhiga Boqor Raabi inay Ciidanka Boolisku ku qabteen gegeda Diyaradaha ee Magaalada Bebera,isaga oo ka yimi Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, isla markaana Dayuurada ku soo raacay Magac faalso ah,ayuu yidhi taliyuhu.

 

“Waxa uu ninkani [boqor Raabi] ka qeybgalay Shirkii lagu magacaabay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee badhtamihii Sanadkan [2007] lagu qabtay Magaalada Muqdisho,isaga oo Boqor Raabi ogsoon yahay in qofkii u dhashay Somaliland ee ka qeybgala Shirarka Soomaaliya uu yahay Danbiile Khiyaamo qaran ku kacay”ayuu yidhi Col Maxamed Saqdhi Dubad oo ka hadlayey Xidhiga Boqor Raabi.

 

Col Maxamed Saqdhi Dubad waxa uu sheegay in Markii hore dadka u dhashay Somaliland ee ka qeybgala waxa loogu yeedhay Shirarka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya inay Dawlada Somaliland hore Cafis ugu fidin jirtay, balse imika aan la cafin Karin ilaa inta ay Maxkamad ka xukumayso.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad waxa uu intaa ku daray in Boqorka Si deg dega loo horgeyndoono Maxkamad Xukunta,waxaanay Wararku sheegayaan in loo soo gudbiyey Boqorka Xabsiga Magaalada Hargeysa.

 

Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland [Guurtida Wakiillada] ayaa hore uga soo saaray qodobo iyo Xeerar Sharciya oo xaaraantimeynaya ka qeybgalka Waxa lagu sheegay Shirarka dib u heshiisiinya Soomaalida, isla markaana Cidkasta oo u dhalatay Somaliland oo ka qeybgasha Shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida inuu yahay danbiile khimaayo Qaran ku kacay. Sharcigana la horgeyn-doono.

 

Raabi Yuusuf Cabdilaahi [Dakhare] ayaa la sheegay inuu Boqornimada iska sheegtay,isla markaana Boqornimadiisu lagu muransan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BoqorRaabi.jpg

 

Hargeysa (Qaran)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa maanta magaalada Berbera ku qabtay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi {Dakhare} oo ka qeyb galay shirkii Impegaati ee lagu soo dhisay dawlada Cabdilaahi Yuusuf.

 

Raabi Yuusuf Cabdilaahi, oo ka mid ah dadka ka ridoobay Somaliland ee aaminsan mabda’a Soomaali weyn , waxa 1:00 duhurnimo ee maanta gacanta lagu dhigay isagoo ka soo degay diyaarada Africa Airline, oo uu ka soo raacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

 

Ninkan oo ku jira xabsiga magaalada Berbera, oo saxaafadu kula kulantay xafiiska laanta socdaalka ee madaarka magaaladaas ayaa muujiyay sida uu ugu cad cad yahay mabdi’iisii Somaali weynimo.

 

 

“Waxa aan idiin sheegi karaa oo qudha in aan ku soo noqday gurigaygii”Ayuu si kooban u yidhi Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi {Dakhare}.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

LoooL@GJ quote... Dadka ka ridoobay Somaliland kuleheen...

 

Riddo is so big of a word, Somaliland ma diinbaa? Riyaale mar dhow armuu dhahaa Imaam baan ahay ee Irumeeya, Astaqfurullaaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland is not Rayaale ,,, waxaas Somalia baa laga dheelaa.

 

Rayaalehan aad ku celcelinayso came yesterday and he can go tomorrow ......

 

 

good move from Somaliland ,, thanks to our Police and Intelligence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raabi Yuusuf Cabdilaahi, oo ka mid ah dadka
ka ridoobay
Somaliland ee aaminsan mabda’a Soomaali weyn

War wuxu sow islama yaabaan! hadhoowna wuu soo hanuunay ha yiraahdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

loooool Wallee waxbaa ka dhacay. Waaryaahee Jacaylbro dee waad dawakhday. Waniyow ninkan Leon/France waxaa ku dishay stress smile.gif . He is very much stressed wallee. Waaryaahee, ma haddaad wixii Somali land fekker ku lid ah keena tidhi waa riddoobay siduu diintii ka noqday. Wallee waa laguu yaabaa. Waar wixii riddooba waa wixii Alle ammarkiisa uun ka noqda smile.gif Laakiin dee kula yaabi maayoo. Waxaad isoo xusuusisay. Qolyo idinka ah ;) oo inteey Jordan/Urdun tageen. Lagu qaqabtay. Markaasaa la yidhi. Waar yaad tihiin, markaasay yidhaahdeen. We are From Hashimiat durriyada Banii Daalib off springs from Somali land ;) . Karbaasha ayaa la yidhi. Dadkan madaw ee Mansabkii Hashimiga meel kaga dhacay. Giddigood Jeedal baa lala dhacay. Oo boqqorkii ayaa amray ;) Ahahahahahahahaha. Markaa waa iska caadi dee wax walba waakaa dhagaysanayaa.

 

(1) Durriyada

(2)Haashimiyat

(3)Wixii S-land kasoo horjeeda waa gaaloobay!

 

smile.gif subxaan!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this