Sign in to follow this  
Cowke

Somaliland Foreign Minister Says Israel Won't Recognize us Its Lie

Recommended Posts

Cowke   

Saturday, March 27th, 2010 at 07:55 pm

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland: Waa Been Israel Nama Aqoonsaneyso, Mana Maqal

 

Hargeysa (RBC Radio) Wasiirka arimaha dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar dhowaanahan soo baxay oo ku saabsanaa in Yuhuudu ay aqoonsan rabto maamulka Hargeysa ee Somaliland. Waxaans wasiirku uu beeniyey in wararkaasi ay yihiin kuwo xaqiiq ah.

 

“Waa been wararkaasi ku saabsan in Israel ay na aqoonsan rabto. Ma aan maqal”, ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Somaliland Mr. Ducaale oo oo wareydi siinayey idaacada VOA.

 

Wasiirku waxaa uu sheegay in ay jireen warar ay warbaahintu faafisay oo ku saabsan in xukuumada Yuhuudu dooneyso inay aqoonsi u fidiso maamulka Somaliland laakiin waxaa uu sheegay in wasaaradiisu ama maamulka guud ahaan aaney maqlin wararkaasi isla markaana aysan waxba ka jirin.

 

C/laahi Maxamed Ducaale oo wax laga weydiiyey xiriirada kale ee maamulkiisu la leeyahay wadamada deriska ayaa sheegay in wadamada Djibouti, Ethiopia iyo Yemen ay hadda xiriir wanaagsan la leeyihiin maamulka Somaliland. Wuxuuna intaa ku daray in dowlada Yemen ay dhowaan xafiis ka furaneyso magaalada Hargeysa kaasi oo isku xiri doona labada dhinac.

 

Wasiirku waxaa uu dhinaca kale sheegay in hadda uu dalka Mareykanka ku joogo martiqaad uu ka heysto dowlada Mareykanka hase yeeshee wax faahfaahin ah kama uusan bixin waxyaabaha ay ka wada hadleenmasuuliyiinta Mareykanka ee ay wada hadleen.

 

Waxaa uu sidoo kale C/laahi Maxamed Ducaale ka gaabsaday inuu qeexo nooca masuuliyada iyo xilka lagu martiqaaday markii uu tegey Washington maadaama dowlada Mareykanka aysan aqoonsaneyn maamulka Hargeysa.

 

Inta badan masuuliyiinta Mareykanka aya marka ay booqashooyinka ku tagayaan wadamada dibada waxaa ay adeegsadaan baasaboorka Soomaaliga iyadoo sidoo kalena fiisaha (dalku galka) loo dhufto magaca Soomaaliya.

 

Arimahan oo dhan ayaa dhabarjab ku ah sheegashada maamulka Somaliland, oo mudo ka badan 19 sano sheeganayey dowlad ka madax bannaan Soomaalida inteeda kale ayaa warbaahinta ka sheega inay ku socdaalaan baasaboorka aan la aqoonsaneyn ee maamulkaasi dibada ka soo daabacday.

 

Dhinaca kale hadalka wasiirka uu ku beeniyey in xukuumada Yuhuudu ay wado qorshe ay maamulka Somaliland ku aqoonsaneyso ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan wargeyska Haartez ee Israel uu daabacay warbixinuu ka soo xigtay wasaarada arimaha dibada ee Yuhuuda taasi oo sheegaysa in Yuhuudu ay dooneyso in daneheeda ka hortaga siyaasada Carabta iyo la dagaalanka kooxaha Mayalka adag ka bilaabeyso Geeska Afrika iyadoo fulinta arintaasina bedelkeeda aqoonsi ugu bedeleysa maamulka Somaliland oo 19 sano aan helin cid aqoonsata.

 

Xaamud Sheekh Xasan

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

and your source is RBC radio..........looooool!

 

and who are they??? and how come this mysterious radio station seems to be the only one with this post, do they know something that the somaliland media that follows the foreign minister everywhere dont know.

 

 

loooooooooooool, walahi its amazing how low you will go.

 

that probably why you havent had a state in 18 years, saxib after 18 years of being stateless and no actual progress dont you think its time to call it quits and try something else, or will you live in a dream.

 

unlike you, i can fly from london to hargaisa land at night, settle down in my villa, drive my car, have a police force, army to watch over me anywhere in my country. I have a booming economy run with my currency, can visit the red sea, the golis mountain range, look at my history and culture. Visit the dallo mountain range, the boroma hills, the plains of burco, and can choose from an endless list of cities and towns to live in and visit.

 

PRAISE BE TO GOD, AND THE MEN WHO DIED FOR OUR SAKE.

MAY GOD BLESS YOU AND GIVE YOU MERCY.

 

AS FOR YOU, GOOD LUCK, KEEP DREAMING AND KEEP WAITING.

 

but i know without Somaliland, there is no Somalia saxib, that is the honoust truth and another truth is, that i will never be a part of Somalia with or without recognition. I am gone.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

without Somaliland, there is no Somalia saxib

First time I have seen GAAROODI so aggressively supporting the unity of Somalis and Somalia in general!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Garoodi sounds like a heartbroken chick who's cautious and yet desperate. ;) there goes a wink for you.

 

Reer Boorama oo shukaansanaayo qoftaan jahwareertay ayaa odhanaayo, "all men aren't like that".

 

Miskiin baa tahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this