Sign in to follow this  
RedSea

Puntland: The curse of Somalia!

Recommended Posts

RedSea   

Waxaan aaminsanahay meesha Somalia nabadeeda laga haystaa inay tahay Buntland. Hadii aan la iska qaban Somalia talaabo dhaqaajin mayso abidkeed. Waxana lagu jiri doonaa this vicious circle 20 sano oo kale iyo wax kabadan. Puntland waa warshad soo saarta hal wax uun, musuq maasuq iyo dad aan wadanimo ku jirin i.e Abdullahi Yusuf, Cadde Muse, Faroole.

 

Waa dadka kaliya ee tageeray TFG markii ina Yey uu haystay isagoo taakulaysanaya xoogag shisheye laakinse qaadacay bilo kadib markii Sh. Shariif jagadii ina Yey loo doortay. Taasi waxay ku tusaysaa inay yihiin oppurtunist ee aanay ahayn dad Muwaadiniin sax oo ka fakaraya danta guud ee Wadankooda.

 

Buntland nabada kajirta haba yara jilicsanatee waa mid lagu farxo laakin, waxay geed dheer iyo mid gaban u korsan tahay sida ay Koonfur ay uxukumi lahayd. Hadii taasi dhaci waydana ay markaa jecel yihiin in aanay waxba aanay kala socon. Waa all or nothing policyga Buntland.

 

Hadii la is barbar dhigo, Somaliland waxay cadaysatay in aanay Koonfur ama Somalida inta kale wax laqaybsan, laakin ficil aan AF madhan ka ahayn wali Koonfur uma gaystaan. Halkaa ayey ka joogta dhibta soomalida waxna kuma kordhiso waxna kuma darto. In fact, dad badan oo aslan reer Somaliland ah ayaa si daacad ah ugu shaqaynaya dawlada sh. shariif iyo walibana tii Ina yey. Marnaba Somaliland ma lobbying in ay hor istaagto ama ay wax u dhinto dawlad ka abuurmaysa Koonfurta Somalia. Waana dad jecel wax qaybsiga iyo walaaltinimada ahna wadaniyiin daacad ah....waxaase nasiib daro ah in intaa midna laga heli kari waayey Maamul gobeleedka Buntland tan iyo intii uu dhismay.

 

Bal ila eeg midan. Abdullahi Yusuf wuxuu ufuulay kursiga aargoosasho kadib markii qabaa'il taagersan Caydiid sr. AUN ay gaysteen dil badan una gaysteen Ina yey rerkiisa. Waxaa cad in aanu kursiga u fuulin si constructive ah in uu wadankiisa wax ugu uqabto balse isagoo hiigsanaya waxii dhacay dagalaadadii sokeeye.Waxa kaloo jira isna Faroole. maanta mr. Faroole sidoo kale waxa uu lawareegaa in uu Dawlada Sh. shariif uu banjiriyo. Waxaa layaab leh in uu Faroole uu diido lakulanka Sh. Sharif laakinse uu yeelo casuumadna ufidiyo Ina Sharmarke. Taasi waxay ku tusaysaa xaasidnimada iyo nacaybku inta uu ka gaadhay rer Buntland. Calaa agreement Buntland(unlike Somaliland) waxay cadaysay in ay tahay qayb ka mid ah TFG. Waajibkii saarnaa ilaa hada kama aysoo bixin. Waxa kaliya ee maanta Buntland ay ku fakartaa waxa weeye sida ay naafayn lahayd Sh. Shariif iyo intiisa yar ee uu Meesha ku habaystay...waayo? xaasidnimo uun.

 

Waxaa kaloo lasocotaan Buntland maanta in ay noqotay meel laga qaniino ama laga kufsado magaca Somaliyeed intii ka hadhay. Magaalada ugu wayn maamul gobaleedka Buntland waxaa maanta ka socda human trificking kaaso muddo dheer soo jiray. Sanad walba intaas oo ruux ayaa waxay hoobtan bada cas via Buntland. Ilaa maanta awood iyo tayo ay Buntland arinkaa wax uga qabato waa la la'yahay ayakoo walibana udhaga nugul inay falalkaasi jiraan.

 

Waxaa kaloo jira oo lasoo cadeeyey in uu madaxwaynaha hadda buntland haysta iyo kii kasoo horeeyayba ay haystaa machines lacagta faalsada ah lagu daabaco taasoo saamayn wayn ku haysa baayac mushtarka wadanka gudihiisa ku nool. Waa tuugnimo cad. Sheekada Buntland meel aan ahayn lagama soo sheegayn. Maxaa ku kalifay Buntland dhacan, tuugnimadan iyo boobkan ay wadaan?

 

Sidoo kale, maanta xeebaha Buntland waxaa kasocda Budhcad badeed loo badheedhay in maraakibta dunida ukala gooshta in lagu dhaco iyadoo lagu gabanayo magaca Somaliyeed. Aduunka oo dhan markaana uu nagula yaaban yahay masiibadan ka dhacaysaa xeebaha Buntland. Warar badan sida ay sheegeen, Mr. Faroole laftiisa ayaaba u dhuun daloola Budhcad badeed. If that is true, then truelly we have one hella ova place in our hands. Waar meesh musuq maasuq badana. :D

 

Waxaad ogsoontiin, Somaliland oo ay daris yihiin Buntland in ilaa maanta ay iska yar tahay falalka piracy oo kale. Somaliland waters are safe, maxaa keenay Somaliland marabto in ay la macaamisho fool xumo aduun soo kordha. Waana udaacad(inta badan) ilaalinta sharciga.

 

 

Kasoco: Waxaa dhawaan soo kordhay arin aad loola yaabay oo ah in rer Buntland ay ku faanan magaca Xabashida ayagoo leh Waxaan nahay Tigray ibn Jaberti inkastoo aanu og soonahay in ay yihiin Somali khaas ah laakinse ku xumayn ay ka tahay maadamo uu ahaa Ina yey(buntlander) kii horseedka u ahaa in Ethiopia ay usuurtowdo qabashada Xamar; taaso awal hore u ahayd ethiopianka nightmare amase riyo uun ay arki jireen markay seexdaan . Taas Ina eye al buntlander ayaa rumeeyey. Dulli ayaanu nidhaahnaa, Buntland laakinse waa ka hero. Sawirkiisu guryaha ayuu sudhan yahay. :(

 

Buntland sidoo kale waxay go'aansatay tolnimo waxii loo yaqaanay in ku tumato. Waxay bilaabeen in ay soo qab qabtaan dad udhashay Soomali Galbeed una Gudbiyaan Cadawga Ethiopia halkaana lagu ciqaabo. Kaaga daran, markii dadkii ay ka qayliyeen ceebtaa wayn, waxay indho gabax ah kala hor yimaadeen dadkii iyagoo dafiraya amase fadeexad ugudbinayaa Somaali Galbeed ummada ku dhaqan ee haatan la halgamaya Cadawga axmaqa ah.

 

Markaa Somali Muhammed eey! waxaa iswaydiin leh, maxaa sababay in rer Buntland ay qaadan tallaaboyinka ka baxsan sharciga bin'aadnimo iyo Islanimo. Waayo? Maxaa keenay Xasdigan ilaa xad dhaafka ah iyo musuq maasuqan?

 

 

Sidoo kale waxaan idin waydiin lahaa. Ma idinla quman tahay in wax laga qabto oo hal meel looga soo wada jeesto dad qalata Buntland?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

By posting this well known facts at this time, Mr. RED SEA, you are creating the impression it is something new. Haven't you heard of the "MUDUG predation"??

Share this post


Link to post
Share on other sites

Red Sea:

 

Oohintaan aad barooranaysid orgiga ka ween:

 

Ujeedada dhan waxay tahay inaad qiiq isku qarisid. Taasna suurta gal ma ahow, Soomaali wey taqaanaa reer Shankaroon waxay yihiin.

 

Anagu hadaan reer Puntland aanu nahay, weli majiro nin naga mid ah oo ku fikiray inuu Soomaaliya ka go'o. Puntland waa meesha kaliya ah ey Soomali oo dhan ee kusoohirato, nabadnah ey kaga shaqaystaan kuna noolyihiin si nabad ah.

 

Laakin reer marfashow, waxaan ka ahayn afarta habrood oo Hargaysa ku nool ma iisheegi kartaa? Hal qof oo ka tirsan koonfurta ama kilik 5naad oo Soomaalinimo idinku soo hirtana Xabashi baad u dhiibtiin. Hadii ruux isirkiisu ku arooro Xabashinah, idinkaa la idiin yaqaaney weligiin Habar Xabuush.

 

Tan aad tiri Puntland si fiican uma adeecsana TFG-da Sheikh Shariif-- taasu waa been oo Puntland wali mowqifkeedi ey ka taagneyd TFG-da weli waa sidiisi oo wax iska badalay majiraan oo anagu Soomalinimadii iyo calankii Soomaaliyeed ba sidii weli noogu suranyahay oo calama kale oo fake ah maanu surran sidiina oo kale.

 

Dadkaan aad leedahay badaha Puntland ayee ka tahriibaanah, badankoodu waa dad oromo iyo reer marfash u badan. Marka dad naftooda suicide u galaya oo kasoo cararey dictaor-nimada Riyaale iyo Zenawi, wax shaqa ah aan ku leenahay majiro.

 

Kuwaan aad pirate weeyaan aad leedahaya, hadaad awood uleedahay waad sameen lahaydeyn ee tabar la'aan baa meel ku dhigtay. Anagu wixii baddeena soo daakhila oo ajnabi ah oo doonaya inuu kaluunkeena iyo kheeraadkeena gurto, xaq baan uleenahay inaanu qafaalno oo canshuur ka qaadno, dabadeednah sii deynoh. Laakin reer bucur bacayrow, iskadaa badd aad ilaalshataanee, dakaddiin ayaa xabashi la wareegtay idinku indhihiinu shan yahiin. :D

 

Marka dhiiga ha isku karinin. Soomaalinah waxaa tahay iyo waxaad gudo, wey ku yaqaanaan. Marka saaxiibow, marfishkaaga iskaga noqo, Soomali dan umahaysidee, waxaana u egtahay habar maseer qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Abtigiis iyo Tolka,

 

These facts are indeed known to most of us yet we all seem to ignore them, why? These facts must be driven home and made sure to surface on SOL time and again for the rest of Somalis to be aware of this treacherous State of piracy, lunacy and despicable actions.

 

Mr. Buntland,

 

Anaku hdaanu Somaliland nahay mid ayaan idiinka fiican nahay Soomali waa ii markhaati

 

1. Daacadnimo: Hadii aan wax aamino, waanu fulinaa waanan ku adkaysanaa. Hal mawqif iyo hal meel oo loogu yimaado ayey Somaliland leedahay. Dhib la'aan, bilaa jaq jaq.

 

2. Daris Wanaag: Ka'ka yimid Sanaag bari, Sool iyo Hawd ilaa Zeylac maanta way ku siman yihiin gudaha Somaliland umana kala ee xano. Dadka Koonfur ka yimaadana waanu Soo dhaweynaa oo waa walalhayo oo aanu ab iyo isir wadaagno(there has never been an issue with them). Somaliland orod oo arag sida fiican ay ujoogaan. Maanta mesha kaliya ee lagu dhaco xooladahooda ama se lagu qarqiyo bad waynta waa Buntland. :(

 

Soomali Galbeed hadalkooda daa. Iyaga horta qabiil linneage moyee wax kale ma wadaagtaan? Anigaygan kula hadlaya ayey idhaleen. Lahjad, dhaqan iyo Taarikh intaba waan iskaga kaa xignaa. Waan iska guursanaa Hargeisa iyo Burco nabad iyo karaamo ayey ku joogaan. In wiilal kamid ah xaqdaro hada ka hor lagu sameeyey muran kuma jirto laakin anaku dad odayaal oo ka hadlay ayaad arkaysaa oo arinkaa fadexadeeyey. Marnaba ONLF maanan lagu duqayn SOL walow ONLF ay aarsadeen oo gubeen ilaa 50 gaadhi. Anigu ma ciil qabo, waayo ONLF waa laga qaldanaa hadii 50 ghaadhi gubeena way ku saxsanayeen si ay messege cad ay udiraan Somaliland. Hada, waxaan ku farax sanahay in ay Somaliland fal joojisay laakin Buntland ay maanta fal iyo mid ka xun ay ku dhaqaaqday taas ayaa wax laga naxo ah.

 

3. Wadanimo: Waligeed 1 inch oo dhul Somaliyed ah ma siin cadow mana usoo dhawaan. Xataa SNM markii ay hiil iyo hoo uga baahnayd shisheeye waxaan saldhig qalalan ka ahayn kamaysan helin Ethiopia: Because waligood ma aysan waydiisan Ethiopia wax caawin military involvment ah. Dad isku kalsoon ayey ahayeen. Dadka kaliya ee maanta Soomali cadow shisheye usoo horseeday waa rer Buntland iyo heroga buntland ee Ina Yey. Mar kaliya maahee 2 jeer oo labadaba uu ciidamo Ethiopian ah soo galiyey ciida Soomaliyeed. Mar waa early 80s, marna waa 2006 oo waad ogayd. Yaa kale oo ceebta intaad le'eg samayn kara oo ku dhaca? I gues treahery runs through your veins.

 

4. Somaliland waligeed aargoosi kuma ay dhaqaaqin kumana ay fakarin. Sool iyo Bari Sanaag iyo Awdal intaba waxaa daga non SNM clans ee aadka u taageri jiray Siyad Barre AUN, laakin Somaliland waligeed may ku fakarin in ay ka aargoosato dadkaa. Las Anod dagaal yaroo qafiifa ayaa ka dhacay, dad rayid ah hal iyo laba kama badna inta ku dhimatay aan ka ahayn Militia xoogaa oo xagiiga ka timid. Taasi waxay ku tusaysaa Gobnimoda loo dhasho ee ayna ahayn wax lagu helo af madhan oo qashuushah :D

 

ps. Soomali waa magac iyo isir, taasi dhib maleh. Kolay anigu kaasari maayo laakin doodu waxay ka taagan tahay xasadka, nacaybka aad u qabtaan Soomalida kaloo dhan? why, xaasidiin utihiin??

 

Wa Billahi Towfiiq. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^That is fine. You have just proven my point. Buntland boys dont this and equally the radical Lander Jb doesn't either. Thus all I needed for robberstumping the truth :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Well you can start by not wasting yours. I fail to see how this thread attracted you. You're not even suppose to be responding to something that quite honestly has none to do with you. Anyways, leave my thread asap.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

A total waste of time ,,,,, indeed. Stuff and Nonsense ,,,,,

 

Hey JB you should pay Odweyne and Ngonge for those trademarked statements.

 

Sidha kaleena ku dayo red sea ku dayo!!! :D;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Sayid, "nin khalkhaly, nin kale oo khalkhaley qaadi kari waaye" ma maqashay? Peacenow is not in this thread? siday wax kaa noqdeeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Liqaye:

A total waste of time ,,,,, indeed. Stuff and Nonsense ,,,,,

 

Hey JB you should pay Odweyne and Ngonge for those trademarked statements.

 

Sidha kaleena ku dayo red sea ku dayo!!!
:D;)

lool saaxib dad aan ogahay ayuu iska gadayaa. Waxaan qoray in aanu akhriyin ayaa laga yaaba. Lakiinse layaabi maayo oo ninkan baryahanba Gorowe wuu ku noqnoqaney markaa waxba uga bisil meeshaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

what is there to read about "Bugland: The curse of Somalia" ??? ,,,, waar reerka xaal sii niyow. You don't have to generalize things.

 

You should differentiate "people" from "siyaasad" ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

lol@reer xaal sii. And yes this is nothing but Siyaasad hadaa ma anigaa wax kasheegay wadaadka, gabdhaha, caruurta. Anigu intii ku farah leh intaa aan sheegay ayuun buu warkaygu khuseeyaa. Aday hayd inaad saa ufahanto marka hore intaanad qoraalkan aanad dismiss garayn. Anyways, you'll have your little arrangments from Gorowe. I see xoogaa waad yara xishoonaysa maanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this