Sign in to follow this  
Jacaylbaro

EVEN MOGADISHU IS CONGRATULATING SOMALILAND

Recommended Posts

timajilic118a4e6ax6.jpg

 

Axsaab ka dhisan koonfurta Soomaaliya oo shacabka iyo maamulka Somaliland ugu hamblayeeyey munaasabada 18-ka May oo ah 16 guuradii ka soo wareegtay gooni isu taagooda

 

 

Midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaaliyeed oo ay ku bahoobeen ilaa dhowr xisbi oo ka jira koonfurta Soomaaliya ayaa maanta hambalyo iyo bogaadin ku aadan 16 guuradii ka soo wareegtay gooni isu taagii Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegan maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 18-ka May uga diray shacabka iyo maamulka Somaliland munaasabad lagu soo gebagebaynayey dood cilmiyeed looga hadlayey Somaliland oo maanta ka dhacday xarunta xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaliyeed ee magaaladan Muqdisho.

 

Dood cilmiyeedkan oo socday muddo 3 cisho ah ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin waxa keenay gooni isu taaga Somaliland iyo iyo sida xalku ku jiro waxaana ka qeyb galay xubno fara badan oo ka kala yimid qeybaha kal duwan ee bulshada sida dhallinyarada, haweenka iyo aqoonyahanka iyo mas’uuliyinta midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaaliyeed oo iyagu soo qaban qaabiyey dood cilmiyeedkan ayaa intii uu socday waxaa ka qeyb galayaashu ay si saraaxad leh uga doodeen labadaasi qodob iyagoo fikrado iyo aaraa kala duwan oo arimahaasi ku saabsana kulankaasi isku dhaafsaday.

 

Munaasabadii Gebagebadii dood cilimiyeedkaasi ee maanta ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah mas’uuliyiinta midowga xisbiyada isbedeldoonka Soomaliyeed ahna gudoomiyaha xisbiga midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay inaan loo kala fogeyn shacabka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya xitaa haddii ay labo dal ay u kala baxaan, wuxuuna Timajilic ka waramay in shacabka Somaliland ay tahay in loogu hambalyeeyo sida ay dalkooda u nabadeeyeen, isla markaana u dhiseen nidaam dowladeed oo soo celiya adeegyadiii asaasiga ah ah bulshada sida caafimaadka, dugsiyada, nadaafada iwm.

 

“Somaliland waxaan leenahay hambalyo, gooni isu taagaasina maaha mid lagu qasaaray sababtoo ah waxaa ku badbaaday dal iyo dad Soomaaliyeed marka loo eego qasaaraha ay dhex fadhido koonfurta Soomaaliya oo 16 sano ka bixi weysay dagaal iyo fowdo aan dhamaad laheyn, waxayna intii koonfurtu isdileysay shacabka Somaliland ku talaabsadeen horumar ay ka mid yihin nabadglyo, dowladnimo iyo doorashooyin xor ah ay ugu talaabeen nidaamka dimoqraadiga ah ee xisbiyada badan” ayuu yiri Timajilic oo intaa ku daray in haddii ay kala go’ayaan iyo haddii kaleba ay u taallo labada shacab balse lama inkiri karo howsha ay shacabkaasi qabteen iyagoo aan taageero ka helin beesha caalamka.

 

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa iney Sonaliland wax badan kaga dayato qaabka ay u xalisay arimaheeda gudaha iyo kuwa qabaa’ilka, kana fogaadaan dibindaabyo kasta oo kala fogeynaysa shacabkaasi Soomaaliyeed ee intii koonfurtu isdileysay shaqada fiican qabtay, waana nasiib daro iyo wax laga xishoodo in dad dalkoodii nabadeeyey maanta lagu tilmaamo argagaxiso iyadoo burbur la dhex taagan yahay, waxaan u jeedineynaa dowladda federaalka Soomaaliya iney ku shaqeyso Axdiga ku meel gaar ka ah, ayna qaado jidka dimoqraadiyada iyo nidaamka asxaabta badan, dalkana ka saarto xoogaga shisheeye ee ay adeegsaneyso sida ciidamada Itoobiya waayo? xoogag shisheeye waxba kaama dhigi karaan ee shacabkaaga ayaa wax kaa dhigi kara, ” ayuu Timajilic oo ugu dambeyntii cambaareeyey kooxaha qaraxyada ka geysanaya magaalada Muqdisho oo u sheegay iney yihiin wax shacabka Soomaliyeed ay ka soo daaleen oo xiligana aan loo baahneyn qas iyo jahwareer kale, wuxuuna ugu baaqay iney joojiyaan falalka ay ku howlan yihiin oo uu tilmaamay waxyeelada ka dhalata inaaney ku koobnaan doonin oo kaliya kuwa ay beegsanayaan oo kaliya, balse ay shacabkoodana dhibaato ka soo gaareyso, wuxuuna tilmaamay in haddii ay wax dhalliilsan yihiin ay ku soo bandhigaan qaab nabadeed.

 

Ugu dambeyntii Timajilic ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka, maamulka iyo axsaabta siyaasadeed ee ka jirta maamulka Somaliland 16 guuradii ka soo wareegtay markii ay goonida isu taaageen oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka May, isagoo u rajeeyey iney ku noolaadaan sanadkan kiisa kale iyaga iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba barwaaqo, bash bash iyo nabad waarta oo horumar leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayid   

They've called this event last year "Banaanbax" but was inside small room. How come they're still using same wrog green flags?? It is a recycled...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sayid:

Will see next year's May 18th if they do go out! and couple more dudes...
:D

Will see Insha Allah ,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Seriously this Siyadd dude is sounding like a desperate chick by the day, dude relax. There is not darn thing you can do about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sayid   

stealth,

 

Are you loosing it? Could you elaborate WTH are you talking about???

 

I did comment on the above posted picture and similar onces posted on the website last year, your websites no less. So either address me directly or you must contain yourself! :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this