Sign in to follow this  
miles-militis

26th June / 1st July

Recommended Posts

Inaan kuu adeegoon,

Cadadow kaa ilaanshoon,

Aayaha taliyaan,

Axdi kuugu maryaa Arligaygoow.

 

Udubkiyo, dhigihiyo, aloolka iyo raarkaba, aqalakaan ka helayoow

Haddaan dibadda aadoo,

Ajashu ii tamaadana

Kii la ii soo ambinayee

Iilkaygu yiilow Arligaygow

 

Inaan ku ogolaadoo

Aduunyada intaan jiro

Waajibkaaga oofshaan

Axdi kuugu marayaa Arligaygow!

 

To hear those words,

And tears cover your face NOT,

Truly you are no Somali!

 

http://www.sanaag.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

No tears!

 

Poet Ali Xuseen depicted Somalis as people whose akward predictment brings compassion out of birds like the "Fiin". I guess this poem is a fitting tribute to these dates lest we celebrate...

 

Fiin yahay adaa ololayoo oohin ciirsadaye

Haddii aan laguu imannin waad aamusi lahayde

Maxaad aragtay waan kula qabaa uurkutaallada'e

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxay tiri Ilaahaa haddaad aad u garanayso

Oo aad Islaan tahay i daa waan irdhays nahaye!

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaan idhi qofkii ahbiyaa wuu ammaan heliye

Ashahaadda iyo waan aqaan aayaddii Nebiye

Ha yeeshee ilmada kaa dhacdiyo umalka guudkaaga

In yar iiga sheeg waxaan rabaa in aan ogaadaaye

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxay tiri inkaar buu ku go'ay odaygi Soomaale

Awlaaddii uu dhalayna waa sida adoogeede

Hadday ul iyo diirkeed yihiin rag iska eegaaya

Afrikadan ma joogeen nimaan Aabe ku lahayne

Ayax kuma dhaleen keymihii ubaxa weynaaye

Anna aydi aan joogi jirey kama abraareene

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaan idhi irdii nalaga qaad aad ahaan jiraye

Waa taa lakala iibsaday, nala ogeysiine

Ooddaaba laga goynayaa idhanki Laasoode

Meeshaad ilmaha dhigan lahayd uun kalaa degaye

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxay tidhi dhulyahaw eheladaa malaha iimaane

Illaaleeyay oo dunida waa ugu il liitaane

Iyagaa amleyda isu sida Eebe xoog badane

Intay Ayro kale qaadayaan aarsan mahayaane

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxan idhi nin tiisaba anfacay agab haddaad mooddo

Umul iyo gaajo adoo qaba oo col ku eryaayo

Haddaad aqalka ugu soo gashood magan ku soo aaddo

Ul buu kaaga reebaa ruuxii kaa itaal badane

Ha ku oomin doqon kaama rido aar ku sii sida e

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxay tidhi Or' beenaad waddaa Ina-Xuseenow e

Ugaas iyo qabiilnimo kuwii ubax ku faanaayey

Abtirsiinadoodii kuwii lagu alhuumeeyey

Waa taa albaabkii la yimid agabtu noo tiile

Miyaan maanta aafaadka dhacay amarkan loo sheegin?

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxan idhi ilaaq bay hayaan edebna lays waaye

Afkuun bay ka tookhaan sidii ooryahoo kale e

Bootada ardaayada haddii aan asali moodo

Aduun baa awaaraha ku lumi oo indho-caddayne

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxay tidhi Ilaahay hadduu qoon arrin u diido

Oo uu Ibleys gebi ka rido sooma ururaane

Qalbigii engagay waanaduu orod ku dhaafaaye!!!

Goormaa inkaartani heshay ee lagu alhuumeeyey?

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaan idhi arbiyo laguma oga geesi aynaba e

Iniinaha kelyaha iyo wadnaa iini kaga taalle

Aaanada tolkood bowga roon uumiyaa kale e

Maxaan ararta kaga daalayaa edeg naloo gooye!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Oblivion   

Gediid you are right bro!

 

 

Hope you guys understand me right, this independence thing is getting out of hand. Why celebrate the day we kicked out the aliens? what about us now,this is a bit bewildering, are we independent as many would think? Heck with the quasi-state :confused: , we were born free and always will be free :D:D . 1st July is simply a REMEMBRANCE day for the fallen heros and those bright young Somalis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baashi - Not even a drop?

 

Gediid - I refer you to a statement offered by the honourable A.Tukachevsky from (somewhere beyond the horizon)- “ … let me first of all congratulate the somali people on their days of celebrating independence from those white dogs. i am happy in knowing that guys like you are still celebrating our days of independence which is difficult in the situation that the somali people are in.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rokko   

Gediid, does it really matter? why not wish a happy holiday to any Somali who celebrating it na'mean?

 

Aren't ya part of the nomad crowd. We might have different homelands but we are still Somalis na'mean?

 

Happy holidays to ya all, specially the Puntlanders from SS&H

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Guys I asked an honest question intended for all Somalis irrespective of area or idealogy.The reason I asked was is there anything at all that we Somalis can celebrate for after 40 odd years of independence from the "white dogs" as someone earlier pointed out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yea! so simply! this the day u kick some white butt! yo, have u ever heard what the europeans used to say to africans to colonize them!....it was so shamefull! is it went something like "drink the whiteman's blood...." shit! the day we kick their ass! we proof to the world that we were sobs

human beings! before that, we were not even considered as such! that was the whole ball game basically!

 

what came after that! is different story. i agree with u! what r we proud off! well, then comes the next, your own kinds behaves like them and trys to same shit to you! shaking my head bro! but we smart to figure it out! so these morans might live on the tribal connections for a while, but make no mistake, they history soon!cuz, no man is an island! we all need each other to make happen. so all we need is to have majority feeling it and we home free! insah allah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

For those of you in London -

 

Waxaa dhammmaan Ummadda Somaliyed ee ku dhaqan dalkan Ingriiska la ogeysiinayaa in xuska munaasabadda 1da Luulyo la qaban doono:

 

MAALINTA ISNIINTA AH , BISHA JUNE na tahay 30 ka, SAACADDU MARKAY TAHAY 5:00 GALABNIMO.

 

Waxaa xafladda lagu qaban doonaa Hall kii sannadkii hore lagu qabtay oo cinwaankiisu yahay:

 

THE TOWN HALL,

HORNTON STREET, LONDON,

W8 7NX

 

Waxaa halkaa ka dhici doona xaflad weyn oo si fiican loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb geli doonaan MPyo, Mayaro, iyo dad kale oo jagooyin sar sare ka hayya dowladda Ingriiska iyo weliba Somalida dalkan ku dhaqan qeybaheeda kala gedisan. Barnaamijka wuxuu ka koobmaa Khudbado, gabayo, baraanburo iyo dabcan Music ay idiin tumi doonaan hobollo ka tirsan WAABERI oo idiin qaadi doona heeso idin xiiso geliya. Dabcan, cabitaan iyo cuntoba waa loogu talo galay dadweynaha qiimaha badan ee u imanaya in ay Calamkooda sharfaan. Ugu dambeyn, waxaa dadweynaha laga Codsanayaa in ay waqtiga dhowraan oo aanay ka soo dib marin 5:00 galabnimo maadaama ay Madaxda ajnabiga ah imanayaan goor hore. HALL ka wuxuu ku aadanyahay:

 

KENSINGTON HIGH STREET STATION.

Buses: C1,10,9,27,49,28,328

Share this post


Link to post
Share on other sites

How was 26th June celebrated in Hargeysa? Sad indeed, sad turn of events! Let us hope 1st of July receives better reception than that!

 

Dadweynaha Hargeysa oo ku hubgoobay xuskii 26ka Juun.

 

Hargeysa (Jam)- Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo isugu soo baxay si ay uga qaybgalaan dabbaal-degga sannad-guurada 43aad ee ka soo wareegtay maalintii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay gumaysigii Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku hungoobay fagaaraha Khayriyada Hargeysa shalay, kaddib markii ay waayeen wax dammaashaad iyo dabbaal-deg ah oo loo sameeyey 26ka Juun.

 

Dadweynahaas oo ku waabariistay fagaaraha khayriyada shalay subax, waxa ay kala dareereen barqadii, kaddib markii ay waayeen madaxdii ay filayaan inay khudbaddo u jeedin doonaan, waxaanay u kala dareereen xaafadahoodii ay ka kala yimaaddeen.

 

Dadkaasi oo qaar ka mid ah uu la sheekaystay weriye Jamhuuriya ka tirsan oo xilligaas ku sugnaa khayriyada, waxay u sheegeen inay ka xun yihiin fagaaraha ay ku soo hungoobeen.

 

“Waa sidee, maanta waa maalin innagu weyn, maxay madaxdeennu u soo bixi wayday ee ay dadka ugu khudbadayn waayeen,” sidaa waxa tidhi mid ka mid ah hooyooyinkii shalay ku hungoobay fagaaraha khayriyada Hargeysa.

 

“Khayriyadan la rusheeyey ee kuraasida la dhigay ayaa na hoday, goor horreba waanu iska tegi lahayne,” sidaana waxa yidhi mid ka mid ah dhallinyaradii fagaaraha khayriyada joogrtay shalay.

 

Waxa isna ka mid ahaa dadka halkaas ku hungoobay oday magaciisa la yidhaahdo Maxamed Y'oonis da’diisuna ku dhawdayd 70 jir. Waxaanu isaga oo aad uga xun hungada ku dhacday uu yidhi; “Waxaan u soo baxay in an dabbaal-degga ka qaybgalo, balse ciddi nooma soo bixin. Waxa la igu yidhi caawa [xalay] ayaa xaflad lagu qabanayaa Madaxtooyada, waxase lagu gelayaa tigidho, kuwaasina nama soo gaadhin. Markaa waxa aanu jeclayn in Madaxweynuhu ummadda khayriyada uga khudbaddeeyo oo la wada dhegaysto, illeyn Madaxtooyada waxa gelaya oo hadalkiisa dhegaysanaya dad gaar ah.”

 

Guud ahaan dadweynihii isugu soo baxay shalay fagaaraha khayriyada Hargeysa, markii ay halkaa kala kulmeen hungada ma ay samayn wax rabshado ah.

 

Xigasho:Jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is nothing to celebrate about in Somalia.

We can perhaps remember those who fought for somali independence, men and women who risked their lifes to free somalia. Honor ppl who started movements like Dervish, SYL, SNL and others, and hope for better future.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this