Sign in to follow this  
Siciid1986

Wasiir Ka Mid Ah Xukuumada Oo Shacbi Gadoodsane Ku Khasbeen Rayaale Ha Dhaco

Recommended Posts

Hargeysa, August 31,2009 (Haatuf)- Dadweyne farobadan oo shalay isugu soo baxay golaha Wakiiladda hortiisa ayaa wasiirka Duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancadde ku khasbay inuu cod dheer ku yidhaa Daahir Rayaale ha dhaco.Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii dadwyene faro badan oo ka gadoodsanaa faro galinta ay Xukuumaddu ku samaysay golaha Wakiiladda ee ay u adeegsatay ciidamada badan ee khasabka ku galinaya lixda xildhibaan ee anshax marinta loogu diiday inay saddex fadhi kasoo qaybgalaan.

 

Waxaanay dadweynaha oo tubnaa ishaarada madaxtooyada ilaa Baar Hargeysa oo muujiyey dareenkooda ay kaga soo horjeedaan faro galinta golaha Wakiilada.

 

Wasiirka duulista iyo hawada Cali Warancade oo ka mida wasiirada u dhowdhow madaxweyne Rayaale ahna wasiirada had iyo goor isu muujiya inay dadka la hadli karaan ayaa cabaaro tobankii subaxnimo markii uu gaadhigiisu dadkii meesha joogay soo dhexmari kari waayey, ayuu kaga degay cusbitaalka hortiisa iskuna dayey inuu dadka lug ku soo dhexmaro balse dadkii ayaa markay isha qac ku siiyeen wasiir xukuumadda ka mida oo dhex lugaynaya ku qamaamay iyagoo ku dhawaaqaya madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba ha dhacaan, iyagoo amar ku siiyey wasiirka inuu afkiisa ka yidha (ha dhaco Daahir Rayaale) ka dibna wasiirka ayaa afkiisa kaga dhawaaqay “Daahir Rayaale ha dhaco iyo UDUB ha dhacdo” isagoo wasiirku u muuqday inuu ka cabsi qabo inay dadkaasi gadoodsani ay gacanta saaraan.

 

Intaas kadib ayaa dadweynihii wasiiirka waxay ka dalbadeen inuu is casilo taas oo uu wasiirku isagoo dhoola cadaynaya una sii socda dhinaca madaxtooyada dadkii ku dhaafay cod hoose isagoo ku leh Haye, Haye…

 

Sidoo kale wasiirka oo dadka kasii dusaya waxay dadweynuhu ka dalbadeen in dhalinyaro ay bileysku qabteen oo saaraya gaadiidka bileyska nooca loo yaqaan Shabaglaha oo lagu gurayo dadkii inuu kasii daayo, laakin wasiirka ayaa markii uu gaadhay madaxtooyada in yar ka dib waxa bileyskii lagu soo amray inay Rasaas ooda kaga qaadan dadweynihii ay marka hore isdhex joogeen.

 

Taas oo loo fasirtay inuu ka dambeeyey wasiir Warancadde oo ka cadhoonaya hadaladii aanu ka raalida ahayn ee dadku ku qasbeen inuu yidhaahdo.

 

 

331dea1e55daed84a24966b96ff1d49f.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

ka dibna wasiirka ayaa afkiisa kaga dhawaaqay “Daahir Rayaale ha dhaco iyo UDUB ha dhacdo” isagoo wasiirku u muuqday inuu ka cabsi qabo inay dadkaasi gadoodsani ay gacanta saaraan.

:eek:

Intaas kadib ayaa dadweynihii wasiiirka waxay ka dalbadeen inuu is casilo taas oo uu wasiirku isagoo dhoola cadaynaya una sii socda dhinaca madaxtooyada dadkii ku dhaafay cod hoose isagoo ku leh Haye, Haye…

:D

 

laakin wasiirka ayaa markii uu gaadhay madaxtooyada in yar ka dib waxa bileyskii lagu soo amray inay Rasaas ooda kaga qaadan dadweynihii ay marka hore isdhex joogeen.

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr Ligle   

I already reported this in an english piece. Garowe online was the first to crack it, just like garowe online was the first to crack the story of sland business men docking down weapons at zaylac 2 weeks before the ensuing crisis at awdal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this