Sign in to follow this  
ansaar17

Banaanbax Shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan Uk ay kaga soo horjeedaan Dhiigya Cab C/l

Recommended Posts

ansaar17   

Banaanbax Shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan Uk ay kaga soo horjeedaan Dhiigya Cab C/llaahi Yuusuf oo Maanta ka dhacay Magaalada Lonodon. DAAWO SAWIRADA.

 

 

Lonodon,21,February-07 ( Qaadisiya.com) Banaanbax Ballaaran oo ay soo abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kudhaqan Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Albaabka hore ee Isbitalka Cromwell Hospital oo ah halka beerka loogaga dhayayo C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Banaanbaxeyaasha ayaa waxa ay kaga soo horjeedeen Banaanbaxa Dhiigya Cab C/llaahi Yuusuf Axmed oo u horseeday Cadowga Dalka kusoo duulay in la xasuuqo Shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaa laga dareemayay Naceybka ay u qabaan nin laynaya Shacabka Soomaaliyeed oo wada Muslim ah una adeegsanaya Gaalo uu wadan kale kasoo kaxeystay.

 

Ereyada ay kudhawaaqayeen Banaanbaxeyaasha ayaa waxaa kamid ah, DHIIGYO CABKA UMADDA KASOO SAARA ISBITALKA, CEEB HA IDINKU DHACDO, WAXAAD DAWEYNEYSAAN NIN DHIIGYA CAB AH, NOLOSHIISA IN UU DHEEREYSTO WUU RABAA LAKIN KAN DHALLAANKA SOOMAALIYEED IN UU GAABSHANA WUU RABAA!!!! IYO EREYO KALE.

 

Dadweynihii faraha badnaa ee isugu soo baxay Isbitalka Dhiigyo Cabka C/llaahi Yuusuf Beerka loogu dhayayay ayaa waxa ay siteen sawiro warbaahinta Muqdisho qaarkood ay kasoo qaadeen Isbitaalada Magaalada Muqdisho kaasi oo muujinaya Dhiigya cabka C/llaahi Yuusuf waxa uu ku hayo Umadda Islaamka ah ee waliba Soomaalida wada ah.

 

Xaaladda Banaanbaxa oo aheyd mid aad u kacsan ayaa hadana waxaa cirka ka muuqday roob waxaana ammaanka Isbitalka beerla looga dhayayo C/llaahi Yuusuf si aad ah u ilaalinayay Ciidamada Booliska Wadanka Britain oo iyagu ka cabsi qabay in halkaasi ay rabshado ka dhacaan naceybka Umadda Soomaaliyeed ay u qabaan C/llaahi Yuusuf awgii maadaama uu xasuuq kii ugu darnaa uu weli kawado Dalka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

ugu dambeyntii Banaanbaxa ayaa waxa uu kusoo dhamaday iyadoo shacabka ay si aad ah ugu caro qabaan Calooshiis u shaqeyste C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay ku tilmaameen in uu yahay dhiigyo cab doonayana iminka in uu shacab kale sii xasuuqo, waxaana maalinta jimcaha ee soo socda Banaanbax kale uu ka dhici doonaa Xafiiska Ra'iisal wasaaraha Britain Tont Plair oo Shacabka Soomaaliyeed ay u gudbin doonaan Cabashadooda ku aadan Xasuuqa uu C/llaahi Yuusuf ku hayo Shacabka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Don't they have anything else to do with their time. Somalians need to understand Abduallhi Yusuf nor Ethiopia is their enemy but qabil.

 

There is 90% chance all those people protesting are from the same qabil.

 

Ethiopia has more people practice the faith of Islam than Somalian that is a proven fact. For one they have a bigger population and second 70% of the people that live in Ethiopia are muslim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudaharaad aan xooganayn oo lagaga soo horjeedo M/weyne C/llaahi Yuusuf oo ka dhacy magaalada London.

 

(London)-Mudaharaad aan xooganayn oo lagaga soo horjeedo m/wyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhacay magaalada London, gaar ahaan Isbitaalkiisa gaar ah ee Cromwell Hospital.

 

Dadka mudaharaadka ka soo qayb galay oo aan sidaas u badnayn ayaan haddana dhinaca aragtida ka miidaysnayn, oo qaybo ka mid ah waxaa ay sheegayeen inay taageersan yihiin midowgii maxaakiimta ee laga tabar roonaaday, halka qaar kalena ay leeyihiin waxaaanu diidanahay in Ciidamada Ethiopianka dalka Soomaaliya ay yimaadaan.

 

 

 

Mudaharaadka oo horay loo sii shaaciyey ayaa u muuqday mid naaqusmay oo dad badan oo la filayey inay yimaadan aysan goobta soo xaadirin.

 

 

 

Sidaas oo kale maalinta jimcaha ayaa iyana laga yaabaa inuu dhaco mudaharaad ay dhigayaan dadka gobolada waqooyi kaas oo aan weli si cad ujeedadiisa loo caddayn.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Originally posted by raadamiir:

^^^Don't they have anything else to do with their time. Somalians need to understand Abduallhi Yusuf nor Ethiopia is their enemy but qabil.

 

There is 90% chance all those people protesting are from the same qabil.

 

Ethiopia has more people practice the faith of Islam than Somalian that is a proven fact. For one they have a bigger population and second 70% of the people that live in Ethiopia are muslim.

I am against him and I am not (H)

 

thank you very much!

Share this post


Link to post
Share on other sites

This old man is just embarrassing himself, he is going to die known for being a brilliant behind-kisser. And people will go on their life and he will be no different than Aideed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How many people showed up?

 

London has well over 100 thousand somalis by some estimates.

 

Are there even two dozen people there? I see many of the people are frequent visitors of Qaadisiya. That can only tell you one thing. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^No, he probably got tired of doing that for Melez or was it bending down, something to that effect..

 

Anyways, it's funny how some here are downplaying this turnout.

 

Abu Ansaar, where to go to shut him up with that statement. So let me add this to Abu Ansaar, I am AGAINST him and I am not (H). lool

 

Raadamir, you are not a qabalist?

 

What a healthy boy. Masha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

a major embrassement!! i am not sure that somalis will even allow him to be buried in somali soils when hes day comes!!

 

there are some lines no somali can cross! and he did. He must be pay for it big time!! no xahaash belongs in any somali soil period!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this