Jacaylbaro Posted February 19, 2010 Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa maanta waxa ay dib ula wareegay degaanka Dhoobleey ee gobolka J/hoose. Ciidanka Xisbada Wilaayada Jubooyinka ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa dib ugu laabtay deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubadda hoose halkaasi oo maalintii shalay aheyd ay la wareegeen dhinac mudooyinkii ugu dambeeyay gobolka kaga soo horjeeday. Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka hor kacaya dagaalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in deegaankaasi ay si nabadgalyo ah ay kula wareegeen islamarkaana aysan wax dagaalo ah ka dhicin , waxaana ay sheegeen in Saakay ay guud ahaan gacanta ku dhigeen deegaankaasi oo maalintii shalay gacan ku heynteeda lagala wareegay. Xaalada deegaanka Dhoobleey ayaa iminka lagu soo waramayaa in ay degentahay islamarkaana ay si toos ah gacanta ugu dhigeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in mar walba deegaanka Dhoobleey laga filin karo in uu dagaal ka qarxo maadama dhinacii shalay la wareegay deegaankaasi ay iminka ku suganyihiin sida la sheegayo meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubadda hoose. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 19, 2010 Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka ay dib ula wareegeen degmada Dhoobley xoogaga mujaahidiinta Alshabaab,iyadoo halkaas ay ka firxadeen malayshiyadii Axmed Madoobe oo shalay qabsaday magaalada,waxaana wararku sheegayaan in Axmed Madoobe aan la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay,iyadoo loo badinayo inuu galay dhinaca Kenya. Ciidanka Mujaahidiintu Alshabaab ayaa Dhoobleey ka soo galay Jihooyin kala gedisan sida dhanka waqooyi ee Diif iyo dhanka Qooqaani oo ay ka dhaqaaqeen Boqolaal katirsan Ciidanka Alshabaab iyo kuwa Diif kasoo dhaqaaqay. Dhowr Gaadiid dagaal oo ay ka carareen Maleeshiyadii ONLF iyo kuwii Axmed Madoobe ayaa laga helay Howdka Dhoobleey waxaana weli socda baaritaano ay saraakiisha Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ku baad goobayaan Maleeshiyadii Axmed Madoobe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted February 19, 2010 ^Adigana Godane baad hoosta ka taageertaa miyaa lol walee meesha sheeko aan caadi aheyn baa ka socoto... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted February 19, 2010 Originally posted by The Zack: ^Adigana Godane baad hoosta ka taageertaa miyaa lol walee meesha sheeko aan caadi aheyn baa ka socoto... Dagaalkii qaboobaa ee SNM & ONLF wuu bilaabmay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 19, 2010 cagta dheer la cararay ba meesha ka dhacday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted February 19, 2010 Saaka wax dagaal ah ma anaan maqal. Warkiinu waa badh go. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted February 19, 2010 Boowe ma durba Dabaal deggii soo isagan dhicisoobay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted February 19, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka ay dib ula wareegeen degmada Dhoobley xoogaga mujaahidiinta Alshabaab,iyadoo halkaas ay ka firxadeen malayshiyadii Axmed Madoobe oo shalay qabsaday magaalada,waxaana wararku sheegayaan in Axmed Madoobe aan la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay,iyadoo loo badinayo inuu galay dhinaca Kenya. Ciidanka Mujaahidiintu Alshabaab ayaa Dhoobleey ka soo galay Jihooyin kala gedisan sida dhanka waqooyi ee Diif iyo dhanka Qooqaani oo ay ka dhaqaaqeen Boqolaal katirsan Ciidanka Alshabaab iyo kuwa Diif kasoo dhaqaaqay. Dhowr Gaadiid dagaal oo ay ka carareen Maleeshiyadii ONLF iyo kuwii Axmed Madoobe ayaa laga helay Howdka Dhoobleey waxaana weli socda baaritaano ay saraakiisha Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ku baad goobayaan Maleeshiyadii Axmed Madoobe. Kaasi wuxuu ahaa weriyaheenna Somalilandtimes ee Kismaayo ku sugan noogana soo warramayey. lol...JB is in Kismaayo now? since I have seen no source I think I can assume that. Shalay Axmed Madoobe group baa lahaa baabuur baan qaniimeysanney maantana Shabaab, runtu way soo bixi Insha Allaah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted February 19, 2010 ^wiilal yar yar oo isku family ah baa la iska horgeynayaa meesha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 19, 2010 kii dejiye ma naqaskaa ku dhegey tolow Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted February 19, 2010 ^War mayee waxaan ka cabsadey inuu Madeey maryaha tuuro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted February 19, 2010 ^lool, mayee waxaa la yiri: 'meel Libaax soo galay Lo' ma joogeysee....' Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted February 19, 2010 Cumaamad shaydaankii marka laga tuuray ,,,, daanyeerna way ka fool xumaayeen ayaa la yiri Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted February 19, 2010 Ciidamo wata ku dhawaad 25-Baabuurta dagaalka ah uuna wato Axmed Madoobe oo u soo Ruuqaansaday Afmadow Ciidamo wata ku dhawaad 25-Baabuurta dagaalka ah uuna wato Axmed oo u soo Ruuqaansaday Afmadow, Kadib markii ay ku hakadeen Xoogaga Alshabaab ee shalay laga soo saaray Dhoobleey iyo Dhaq Dhaqaaq Milatari oo ka socda Kismaayo.. Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbooyinka gaar ahaan Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo aad u fara badan oo uu Wato Axmed madoobe ay u soo Ruqaansadeen Degmada Afmadow oo ah saldhig Milatari ee xarakada Alshabaab kadib lawareegid uu shalay Aroortii hore uu la wareegay Degmada Dhoobleey oo ah Xadka Soomaaliya iyo Kenya. Axmed madoode oo ah Sarkaal ka Tirsan Ururka Xisbul islaam ayaa ku faanay mar uu la hadlayay saxaafada intii uusan ka anbabixin Dhoobleey in uu maalmo dhaw Tagi doono Magaalada madaxda Kismaayo. Sidoo kale wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in Dhaq Dhaqaaq Milatari laga dareemayo Magaaladaasi, Kadib markii la sheegay in uu Gobolo u dhaw Kismaayo ku soo Wajahanyahay Axmed madoobe. Dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi ayaa waxaa Xoogaga Alshabaab looga qabsaday sida ay wararku sheegayaan saad Milatari iyo Booyado u dhaamin jiray Biyaha, Balse lama oga in ay dib ugu laabanayaan Alshabaab Deegaamada lagala wareegay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted February 19, 2010 Originally posted by Dajiye: Cumaamad shaydaankii marka laga tuuray ,,,, daanyeerna way ka fool xumaayeen ayaa la yiri Quote Share this post Link to post Share on other sites